26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sababta ka dambeysa xiisad ka xoogeysanaysa Muqdisho oo salka ku haysa qabiil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka taagan xiisad wayn oo hareysay baraha bulshada ee Internet-ka , taas oo salka ku haysa arrimo qabiil, waxaana ay keentay in dhalinyarado ay noqdaan koox kooxo iska soo horjeedo.

Arrintan oo sii xoogeysaneysay maalmihii lasoo dhaafay ayaa keentay in dowladdu ay tallaabo qaado, ayada oo lasoo xiray gabdho iyo wiil caan ka ah barta TikTok, kuwaas oo loo haysto kicin bulsho, waxaana haatan lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

Haddaba, maxay tahay Sababta ka dambeysa xiisad soo xoogeysanaysa ee salka ku haysa qabiilka?

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa marka hore sheegay in xiisaddan qabiil ay keentay jiheyn la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale intaasi ku daray in xittaa dad waa wey ay haatan ku biireen xiisadda.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay ugu wacan tahay danayn la’aan la xariirta ka qaybgalka arrimaha siyaasadda iyo inay shacabka ka go’een geeddi-socodka siyaasadda.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay arrintan soo farogeliyaan, isla markaana ay la yimaadaan istiraatiijiyada ay ku noolaynayaan ruuxda siyaasadda ee shacabka

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Maalmahan waxaa soo xoogaysanaya dhallinyaro xiisad kicin qabiil iyo ficiltan qabyaaladeed ku hawlan, waxaa ka sii daran in aad arkayso dad waayn oo qayb ka ah.

Sababo badan ayaa loo tiirin karaa, laakiin waxaa ugu muhiimsan shaqo iyo jihayn la’aan iyo wacyi xumi.

Firaaqan waxaa keenay danayn la’aan la xariirta ka qaybgalka arrimaha siyaasadda iyo in shacabkii ka go’ay geeddi-socodka siyaasadda, sababtoo ah waxay aamineen in ficilkoodu ama ra’yigoodu uusan wax isbeddel ah ama saamayn ah ku lahayn go’aanada siyaasada.

Waxay ka niyad-jabeen siyaasiyiinta guud ahaan iyo hoggaanka dalka oo ku guuldaraystay in uu abuuro ruux dadwaynuhu ay siyaasadda kula falgalaan, waxaana daciifay kalsoonida lagu qabo iyo aaminaadda loo hayo siyaasaga iyo siyaasada intaba.

Haddaba madaxda dalka waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada ay ku noolaynayaan ruuxda siyaasadda ee shacabka, ku jihaynayaan dhallinyarada, kagana weecinayaan qabyaaladda. In muwaadinku si firfircooni leh uga qaybqaato hawlaha siyaasadda, waxay muhiim u tahay dhismaha dawlada, xasiloonida iyo nabada, la xisaabtanka siyaasiyiinta iyo qaabaynta siyaasadaha guud.

Go’aanka Farmaajo & Shariif oo saadaal aan fiicnayn siinaya Xasan Sheekh (5 qodob)

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii madaxweyne hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga horyimid qoraalkii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran Jimcihii lasoo dhaafay, kaas oo lagu laalay doorashooyinkii maamul goboleedyada, laguna muujiyay suurta-galnimada ah in doorashada federaalkuna noqoto mid hal qof leeyahay oo natiijadeeda lasii yaqaano.

Hadalka labada nin ee Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa waxaa kusoo koobeyna shan qodob oo xasaasi ah, kuwaasi oo kala ah;

1. Doorasho diidnimo

Labada madaxweyne ee hore waxay aad u cambaareeyeen in la hor istaagay doorashadii maamul goboleedyada oo si weyn loo sugayay, maadaama ay shaaciyaddii ka dhamaatay madaxda maamullada.

Waxay ku tilmaameen sharci ku tumasho weyn iyo arrin halis gelinaysa xasilloonida iyo wada-jirka umadda.

2. Xasan Sheekh oo is-shaqlaya

Madaxdii hore ee Farmaajo iyo Sheekh Shariif waxay muujiyeen walaacooda ku saabsan in madaxweynaha isku diyaarinayo hanaan doorasho oo guracan oo aan heshiis lagu aheyn, hal gacan ku jira oo Xasan Sheekhn sii ogyahay natiijadeeda.

Waxay sheegeen in aan taas la aqbali karin ayna keeni karto qalaalase amni iyo mid siyaasadeed. Waxay madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen inuu kasoo laabto dariiqaas oo uusan dalka haligin.

3. In loo soo laabto sharcigii

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar hore la sheegay inuu tuuray dastuurkii lagu doortay. Dhowr jeer ayaa loogu baaqay Xasan Sheekh inuu ku laabto wixii umadda ku heshiisay laakiin madaxweynaha baaqdaas dhagaha ayuu ka fureystay.

Markale Shariif iyo Farmaajo waxay ugu baaqeen inuu sharciga usoo laabto, joojiyana maamullada uu sharci-darrada usii horseedayo.

4. Maqnaashaha Puntland waa dhantaal

Golaha Wadatashiga Qaran waxaa ka maqan maamulka Puntland, golahan kuma dhisna hal dheeri ee wuxuu ku dhisan yahay wadar-ogol.

Xasan Sheekh waxay labada madaxweyne hore ugu baaqeen inuu deg-deg u xaliyo tabashada Puntland oo aan la isku dayin in dalka lagu dhaqo heshiisyo aan loo dhameyn, sidoo kalena uuna madaxweynaha sii kala dhantaalin midnimada dalka.

5. In loo midoobo badbaadinta dalka

Madaxdii hore ee dalka waxay hoosta ka xariiqeen inuu dalka jid khatar ah kusii socdo, oo uu madaxweynaha ku wado, waxayna ku baaqeen in dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan siyaasiyiinta ay u midoobaan in dalka laga badbaadiyo dariiqa halista ah ee uu kusii socdo.

Farriinta Farmaajo iyo Sheekh Shariif waxay madaxweyne Xasan Sheekh u sheegaysa in la fahamsan yahay sharci-darrada uu luqunta u galiyay maamullada, in aan la aqbali doonin doorasho hal qof leeyahay, inay mucaaradkii maalmahan isdiidanaa u midoobayaan ka hortagiisa, in Xamar la iskugu imaanayo dhawaan iyo inuu gunaanad ku yahay in loo istaagi doono halkii uu Farmaajo u istaagay.

Xog: Xubnaha Aaran Jaan oo wada-hadallo qarsoodi ah Muqdisho kula leh madaxda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ka tirsan kooxda Aaran Jaan ee Puntland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho oo ay wada-hadal kula leeyihiin dowladda federaalka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ragga ku sugan caasimada waxaa ka mid ah; Jeneraal Asad Cabdullaahi Diyaano, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, wasiirkii hore ee amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo ganacsade Maxamuud Faarax Warsame Shido.

Raggan ayaa wada-hadallo leh mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Imaatinkooda Muqdisho ayaa waxaa ka dambeeya ra’iisul wasaare Xamza iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Qorshaha socda ayaa ah sidii koooxda loo xoojin lahaa si ay mucaarado xooggan ugu furaan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay aad isku hayaan dowladda federaalka. Qorshaha ayaa waxaa ka mid ah; sidii dowladda mushahar u siin laheyd ciidamada Jeneraal Asad Diyaano uu ku haysto Boosaaso.

Madaxweyne Axmed Madoobe, oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho, ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka dhaadhiciyey ra’iisul wasaare Xamza in taliyaha booliska Soomaaliya Sulub Axmed Firin, oo ay isku beel yihiin xilka laga qaado, laguna beddelo Asad Diyaano, si awood xooggan loo siiyo. Ma cadda haddii Xasan Sheekh uu aqbali doono qorshahan.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Xasan uu dhaqaale ku teegeeray qaar ka mid xubnahan markii ay doorashada la galeen madaxweyne Puntland Saciid Deni, doorashadaas oo looga adkaaday.

Waxaa hadda jirta cabsi xooggan oo la xiriirta in qorshaha dowladda federaalka uu carqalad amni ka abuuri karo deegaanada Puntland, oo horey ay uga dhaceen isku dhacyo dhex-maray ciidamada maamulka iyo kuwa Asad Diyaano.

Xiriirka dowladda federaalka iyo Puntland ayaa xumaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kasii daray markii dastuurka lagu sameeyey isbeddel aysan qeyb ka aheyn Puntland.

Si kastaba, caasumadda loo sameeyey kooxda Aaran Jaan ayaa meel xun gaarsiin karta xiisadda ka dhex-oogan labada dhinac, mana cadda tallaabada ay qaadi doonto Puntland.

Ninkii dilay Maama Khadiija oo maanta xukun adag lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadey oo afgarashadiisu ay tahay Cabdiraxmaan, oo dil arxan daran ka geystay magaalada Muqdisho.

Ibraahim ayaa loo haystaa inuu nolosha dhaafiyay marxuumada Khadiijo Siyaad Maxamed oo uu kowdii bishii 1-aad ee sanadkan ku hor dilay gurigeeda oo ku yaalla waaxda Kacaan ee degmada Hodan.

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmadd Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe, tababar gaaban oo dhinaca dilalka qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howl-gallo, gaar ahaan kooxda dilalka gaadmada ah fulisa.

Waxa uu mushaar ahaan kaga qaadan jiray kooxda lacag lagu sheegay inay u dhaxeyso Todobaatan iyo ilaa Sagaashan dollarka Mareykanka ah, sida laga sheegay maxkamadda horteeda.

Ibraahim  Maadeey ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya naxariisteeda hooyanimmo waxa uu ku dagay inuu u baahan yahay biyo haaraad badanna u hayo, waxaase xigtay uu labo xabadood uu madaxa kaga dhuftay Marxuumad Maamo Khadiijo Siyaad Maxamed.

Allaha u naxariistee maamada ayaa ka shaqeyneysay waaxda nadaafadda ee degmada Hodan, sida ay maxkamadda u sheegtay gabadheeda.

Baaris dheer kadib xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday kow iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dood yaab leh oo ka dhalatay kulan ka dhacay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maalintii shalay Madaxtooyadda Qaranka ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha dowladda Ruushka u jooga Soomaaliya Mikhail Golovanov, ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xooggan.

Kulankaan oo la soo dhigay barta Villa Somalia ee Facebook ayaa waxaa ka fal-celiyay dad badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay, ayada oo ay halkaasi ka dhalatay dood yaab leh.

Bulshada Soomaaliyeed qaar ee ka fal-celiyay kulankaan ayaa madaxweynaha usoo jeediyay inuu dalka ku casuumo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, halka qaar kalena ay sheegeen in midaasi suurta-gal aheyn oo uusan isku aamini karin, maadaama dalka uu yahay mid ay kor kala socdaan reer Galbeed, sida uu sheegay.

“Putin casuumaad udir mudane madaxweyne, guuleyso” ayuu yiri Cabdiqani Dajiye, halka uu Maxamed ugu jawaabay “Soomaaliya xarun reer galbeedka kor ay ka maamulan waaye dal arrimihiisa gaar ah u madax-banaan ma ahan ee asaga miyaa iman karo oo isku aamini karo.”

Sidoo kale, Mahad Cabdiqaadi Axmed ayaa isna madaxweynaha u diray dalab ah in Ruushka uu hal madax oo nuclear ah siiyo Soomaaliya, si ay ugu dhufato Ethiopia, oo si weyn isku hayaan xilligaan. Soo jeedintana waa mid kamid ah doodda yaabka leh ka dhalatay kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjiraha Ruushka Mikhail Golovanov.

“Ruushka xitaa waa ku jira arrimaha siyaasada dalkeena, Mareykan waa jooga, Qatar iyo Imaaraat waa joogaan, dalkeenna waa garoon halmar la wada gali karo!,” ayuu yiri Saajid Axmed oo ka fal-celiyay kulankaan.

“Ruushku haddii cuna-qabataynti hubka nalaga qaaday wa in ay hub nasiiya oo ciidanka noo qalabayaa,” ayuu yiri Saciid Daahir Bulcad.

Maxamed Xaaji ayaa sidoo kale isna waxa uu yiri “Mareykan intuu jogo Ruushka waxba kama ahan dalka.”

“Wallee dalkeenna dowlad kasta si fudud bey iskaga soo galeysaa iska baxeysaa, yaa u maqan dalkaan? shacabkii u kici lahaa siyaasi hebel fiican bey ku jiraan iyo qabiilkayga laandhere ah,” ayuu yiri Maxamed Salaad oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrinkaan.

Xamza iyo saddex madax goboleed oo xalay wacdaro ka dhigay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo HirShabelle ayaa xalay tegay xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha iyo saddexda maamul goboleed ayaa waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido, taasi oo ka tarjumaysa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Booqashadan ayaa sidoo kale waxaa ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada ku wehlinayay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha.

Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada oo uu ka qabsoomay shirka Wadatashiga Qaran oo lasoo gaba-gabeeyay maalintii Jimcihii.

Shirka oo laga soo saaray war-murtiyeed ayaa waxay dhinacyadu heshiis ka gaareen qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.

Golaha ayaa markaas isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyada oo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.

Si kastaba, Amniga Muqdisho ayaa soo reysanayay bilihii dambe, ayada oo laamaha ammaanka oo kaashanaya ganacsatada ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiro inta badan kaamirooyin, si loo helo raad-raac amni, ugana qeyb qaatan xaqiijinta amniga caasimada.

Kenya iyo Uganda oo war cusub kasoo saaray qorshaha ATMIS looga saarayo Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda, Yoweri Museveni iyo William Ruto ayaa kulan gaar ah ku yeeshay madaxtooyada Kenya ee Nairobi, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda Soomaaliya oo labada dal ay ciidamo ka joogaan, si gaar ah madaxda labada dal ayaa aad u gorfeysay qorshaha ciidamada ATMIS looga saarayo Soomaaliya.

Labada hoggaamiye ayaa kulanka ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Kenya ee Nairobi kadib waxay sheegeen inay ka walaacsan yihiin khatarta argagixisada iyo ammaan darrada uu gobolka ku keeni karo qorshaha bixitaanka ciidanka ARMIS ee Soomaaliya jooga.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda ayaa xaqiijiyey inay ka go’an tahay xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan waxay hoos ka xariiqeen in dowladda Soomaaliya ay ku garab sii doonaan wax kasta oo ay awoodaan.

Sida laga soo xigtay qorshaha bixitaan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 4,000 oo askari oo ATMIS ah ayaa la filayaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bisha Juun, marka lagu daro 5,000 oo ka baxay howlgalkaas, sannadkii hore oo ahaa wejiyada koowaad iyo labaad ee dhimista ciidanka ATMIS.

“Intii uu socday kulankii aan la lahaa Madaxweyne Museveni, waxaan walaac ka muujinay yaraynta iyo bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya, waxaana isla qaadanay in yaraynta iyo wakhtiga loo qabtay ay la jaanqaaddo xaaladaha amni ee Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ee ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya, sidoo kale waa dalkii ugu horeeyey ee ciidan u soo diray Soomaaliya, sidoo kale ciidamada Kenya ayaa door muhiim ah ku leh howlgalka 15-ka sano ay ATMIS ka wado Soomaaliya.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub oo kaalin weyn ku leh dib u dhiska amniga dalka ayaa horay uga digay ka bixitaanka iyo yaraynta ciidamada ATMIS, iyagoo qaba in weli ciidanka Soomaaliya aysan yeelan awood ay kula wareegaan amniga qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inay ku filan tahay sugidda amniga dalka, ciidamada qaranka oo dhisme xoog leh uu ku socdo ayaa dagaal adagna kula jira kooxaha argagixisada ah, waxaana hadda cadaatay in ciidanka Soomaaliya ay argagixisada ka adkaa karaan, iyagoo aan garab ka heleyn ATMIS.

Xisbiga Talo ku nool oo hanjabaad culus ka soo saaray xarigga Taakeeye (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo saddex toddobaad ah Muqdisho ku xiran Sufyaan Taakeeye, waxaana hadda xarigiisa ka hadlay xubno sheegay inay ka tirsan yihiin xisbigiisa ‘Talo ku nool’.

Nin sheegtay Afhayeenka Xisbiga Talo ku nool ayaa la hadlay Idaacadda Shabeelle ayaa sheegay in xubnaha xisbiga ay gaarayaan 12-kun oo qof, isla markaana ay bilaabayaan mudaharaadyo waaweyn.

Ninka u hadlay Xisbiga Sufyaan ayaa sheegay in maanta ay bilaabayaan dibadbaxyadaas, isla markaana ay wadi doonaan ilaa inta laga soo deynayo hoggaamiyahooda.

Sufyaan ayaa laga qabtay Hotel Xayaat oo ku yaalla aagga KM4, seddax toddobaad ka hor, weliba goor habeen ah, sida uu wareysigaan ku sheegay Afhayeenka xisbigiisa Talo-ku-nool.

Ninkaan oo markii hore laga soo qabtay magaalada Nairobi ayaa muddo ku xirnaa Muqdisho, waxaana bil ka hor la hor geeyey maxkamadda ciidamada.

Xiligaas Sufyaan waxaa lagu xukumay labo sano oo (ilnku heyn ah) oo micnaheedu yahay in lala soconayo dhaqdhaqaaqiisa, iyadoo loo yeeri karo markii loo baahdo, sidoo kale waxaa lagu amrayaa in toddobaadkiiba mar uu iska soo diiwaan geliyo xarunta CID.

Sufyaan ayaa markii xabsiga laga sii daayey bilaabay inuu bixiyo wareysiyo xasaasi ah, isagoo muujiyey in xagjirnimadii uusan ka tanaasulin, sidoo kale wuxuu Muqdisho ka sii watay ololihiisii xisbiga Talo ku nool.

Ninkaan ayaa markii uu Nairobi joogay sheegay in Shabaab iyo dowladda Soomaaliya aysan waxaba is dhaamin ama ku kala duwaneyn ayaa is debciyey markii la keenay Muqdisho, balse wuxuu tuus u sii watay ololaha xisbigiisa.

Hoos ka dhageyso wareysiga afhayeenka xisbiga Talokunool.

Sawirro: Soomaaliya oo shir muhiin ah uga qeyb-gashay…

0

Bali (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiiru-dowlaha wasaaradda tamarta iyo kheeyraadka biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa lagu soo dhoweeyey dalka Indonesia oo uu kaga qeyb-gelayo Shirka Madasha 10-aad ee biyaha (10th World Water Forum).

Madashaan oo lagu qabtay magaalo Xeebeedka Jaziiradda Bali ee falka Indunuusia waxaa furay madaxwaynaha waddankaas oo khudbad ka jeediyey.

Shirkan ayaa waxaa looga doodi doona caqabadaha guud ee biyaha iyo sidoo kale heerka daboolka biyaha, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan.

Sidoo kale waxaa shirkaan lagu lafa-guri doona hirgelinta go’aamadii ka soo baxay shirweeynihii biyaha dunida (UN water conference New York 2023).

Wasiiru-dowlaha ayaa intii ay socotay madashan warbxin ka jeediyey, sidoo kalena wuxuu kulamo gaar-gaar ah uu la yeelan doonaa wafuudda sare ee ka socda waddamada cilaaqaadka biyaha uu nagala dhaxeeyo iyo hay’addaha horumarinta biyaha ka shaqeeya inta ay socoto madashu.

Shirkan ayaa muhiim u ah Soomaaliya, oo ayadu muddooyinkii dambe la daala-dhaceysay caqabadaha guud ee biyaha, iyada oo mararka qaarna ay soo wajahdo biyo yari baahsan.

ICC oo soo saareysa waaran qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo xubno kale

Nairobi (Caasimada Online) – Dacwad-oogaha guud ee maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ayaa Isniintii sheegay inuu doonayo in waaran qabasho ah loo diro ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, wasiirkiisa difaaca iyo saddex hoggaamiye oo ka tirsan ururka Xamaas.

Raggan ayaa loo haysa dembiyo dagaal oo ka dhacay Qaza, iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, intii uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Dalabka dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa loo gudbinayaa saddex garsoore oo kuwaas oo qiimayn doona caddaymaha uu soo ururiyey, ka dibna ka go’aan gaadhi doona in waaran qabasho ah oo rasmi ah loo jaro saraakiisha eedda lagu soo oogay.

Go’aanka ka soo baxay maxkamadda ICC ayaa dhaliyey falcelin kala duwan. Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa arrintan ku tilmaamay “inuu yahay wax laga xumaado oo muujinaya heerka uu nidaamka garsoorka ee caalamiga ahi uu khatarta ugu jiro inuu burburo”.

Wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil ayaa isaguna go’aanka maxkamadda dembiyada caalamiga ah ku tilmaamay inuu yahay “go’aan fool xun”.

Madaweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhaleeceeyey go’aanka maxkamadda ICC, inay is-barbar dhigton weerarkii ay Xamaas qaadday Israa’iil ee ay dadka ku afduubatay iyo hawlgallada milateri ee ay Israa’iil ka waddo Qaza.

Sidoo kale xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa taageeray hadalka madaxweynaha, isaga oo ceeb ku tilmaamay, in maxkamadda ICC ay isbarbardhigto Israa’iil iyo Xamaas.

Xoghayaha arrimaha debedda ayaa intaas ku daray in go’aankani uu wax u dhimmi karo, dedaalada socda ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaadho dagaalka ka socda Qaza, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha, lana kordhiyo gargaarka la geynayo Qaza, kaas oo ah, ayuu yidhi Blinken, inay yihiin dedaalada joogtada ah ee uu wado Maraykanku.

Ururka Xamaas ayaa isaguna dhaleeceeyey go’aanka ka soo baxay dacwad oogaha ICC ee ah, in la soo xidho saddex ka mida saraakiisha sarsare ee ururkooda. Waxay ku eedeeyeen dacwadoogah ICC, Karim Khan inuu isku dayayo inuu simo, dhibbanaha iyo qofkii dilka geysanayey.

Qoraal ay soo saareen Isniintii shalay ayay Xamas ku sheegtay inay xaq u leeyihiin inay iska difaacan qabsashada Israa’iil ee dhulkooda, oo ay ku jirto iska caabbin hubaysan.

Balkees Jarrah, oo ah ku xigeenka agaasimaha cadaalada caalamiga ah ee ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa bogaadiyay go’aanka Khan.

Wuxuu sheegay in tallaabadani ay iridaha u furi doonto, in lala xisaabtamo kuwii masuulka ka ahaa, dembiyada la geystay bilihii ugu dambeeyey, isla markaana in la soo taago maxkamad cadaalad ah.

Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sidoo kale soo dhoweeyey go’aanta ICC.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa sheegay in xafiiskiisu uu aaminsan yahay in shanta qof ay masuul ka yihiin, dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa difaacuba “ay qaadayaan masuuliyadda dembiyada dagaalka iyo dembiyada kale ka dhanka ah bini’aadantinimada ee dhacay, oo ay ku jiraan, inay gaajaysiinta dadka rayidka ah u isticmaaleen hab dagaal iyo inay si badheedh ah u bartilmaameedsadeen dadka rayidka ah “iyaga oo u arka hab ay ku cidhibtiri karaan Xamaas, una soo dayn karaan la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, sidoo kalena waxay si wada-jir ah u ciqaabeen dadka rayidka ah eek u nool marinka Qaza, kuwaas oo ay aaminsan yihiin inay halis ku yihiin Israa’iil.

Khan ayaa intaas ku daray in hoggaamiyaha Xamas ee Qaza Yaxya Sinwar, Taliyaha garabka milateri ee Xamaas Maxamed Diab Ibrahim al-Masri iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah inay ka masuul yihiin dembiyo dagaal iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, taas oo ay ku jiraan, dilal, qafaalashada la haystayaasha, kufsi, xadgudubyo kale oo dhinaca jinsiga ah iyo jidhdil.

Dacwad oogaha ayay tahay inuu codsi waaran qabasho u gudbiyo saddex xaakin oo qiimayn doona caddaymaha uu hayo, ka dibna waxay go’aamin doonaan in aqbalaan in la soo xidho.

Sawirro: Xasan Sheekh oo war ka soo saaray labo qodob oo Ruushka uu kala hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha dowladda Ruushka u jooga  Soomaaliya Mikhail Golovanov.

Kulanka Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya, kaas oo dowladda Soomaaliya ay la kaashato dalalka caalamka oo dhan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa safiirka Ruushka kala hadlay sidii labada dal ay iskaashi uga yeelan la haayeen dhinacyada horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale Safiirka ayaa sharaxaad dheer madaxweynaha ka siiyey sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay deegaano kooban ay dalka kaga sugan yihiin Al-Shabaab, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.

Ruushka iyo Soomaaliya oo 40 sano ka hor ahaa saaxiibo aad isugu dhow ayaa ku kala tegay dagaal xiligii uu socday dagaalkii weynaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-kii, balse hadda waxaa tartiib u soo noqonaya cilaaqaadkii labada dal.

Mareykanka oo beddelay qorshihiisa GAZA iyo arrin uu kala shaqeynayo ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa shalay magaalada Quddus kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Kulankaan ayaa diirada lagu saaray howl-gallada milatari ee Israa’iil ee ka dhanka ah Xamaas ee Gaza, xilli uu Mareykanka hore u sheegay inuu Israa’iil kula socon weerarada loo meel-dayin, kadib markii uu sheegay inay jabisay xeerarka caalamiga ah ee ilaaliya rayidka.

Jake Sullivan ayaa kala hadlay Netanyahu howl-gal bartilmaameedsanaya Xamas oo kaliya oo ay Isreal ka fuliso Koonfurta Qaza, iyada oo la ilaalinayo bad qabka dadka rayidka ah.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Mareykanka waxaa kale oo Sullivan uu uga warbixiyay Netanyahu waxyaabihii ay ka wada-hadleen isaga iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Qorshaha Mareykanku waxa uu ahaa in Sucuudigu aqoonsado Israa’iil oo uu ka caawiyo maamulka Falastiiniyiinta in ay la wareegaan gacan ku heynta Gaza, si ay ugu bedeshaan waddo ay ugu dambaynta Falastiiniyiintu ku helaan dawladnimo.

Netanyahu wuxuu ka soo horjeedaa fikradda Falastiin madax-bannaan oo uu sheegay inay khatar ku tahay amniga qaranka Israa’iil.

Mareykanka ayaa horay uga digay in uusan raali ka aheyn duullaan ay Israa’iil ku qaaddo magaalada Rafax oo ay ku noolyihiin in ka badan 1.3 milyan oo Falastiiniyiin qaxooti ah, ilaa ay Israa’iil ka keeneyso qorshe cad oo dammaanad qaadaya badqabka dadka rayidka ah.

Todobaadkaan Biden ayaa sheegay inuu hakinayo hubka uu Mareykanka u daabulo Isra’il, arrintaas oo uu uga jawaabayay qabsashadi ay Israa’iil qabsatay marinka isku xira Rafax iyo Masar iyo duqeymo ay ciidanka Israa’iil ka geysteen qeybo ka mid ah Rafax, halkaas oo lagu dilay dad badan oo rayid ah.

Israa’iil wali kama aysan jawaabin warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka, hase yeeshee qaar ka mid ah mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Koongareeska ayaa cambaareeyay warbixinta kuna tilmaamay mid lid ku ah Israa’iil.

Waa kuma ninka awoodda badan ee maanta noqday madaxweynaha cusub ee Iran?

Tehran (Caasimada Online) – Kadib markii la xaqiijiyay warka ku saabsan geerida Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaaradeed, Mohammad Mokhbar Dezfuli, ku-xigeenkiisii koowaad ayaa la wareegaya xafiiska madaxweynaha dalka, isaga oo sii hayn doona mas’uuliyadda madaxtinimo ilaa inta ay ka dhacayso doorashada.

Waxa uu xilkaan hayn doonaa muddo laba bilood ah, sida uu qabo dastuurka Iran. Doorashada madaxtinimo ee Iran ayaa la qaban doonaa 50-ka maalmood ee soo socda.

Sida ku cad qodobka 131-aad ee dastuurka jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iiraan, haddii uu geeriyoodo madaxwaynuha dalka, ku xigeenkiisa koowaad “isagoo ogolaansho ka helaya hogaanka sare”, waxa uu la wareegayaa awoodda iyo masuuliyada madaxweynaha.

Gudoomiyaha golaha wakiilada iyo Madaxa Garsoorka iyo Madaxweyne ku xigeenka koowaad waxa ku waajib ah inay diyaariyaan Madaxweyne cusub oo lagu soo dooranayo ugu badnaan konton maalmood gudahood”.

Waa kuma Maxammed Mokhbar?


Ka hor inta uusan noqon ku-xigeenka koowaad ee Ebrahim Raisi, Mohammad Mokhbar Dezfuli wuxuu muddo 15 ah ahaa madaxa shaqaalaha Fulinta ee xarunta Farman Imam – oo ka mid ah kooxaha dhaqaale ahaan ugu qanisan Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Xaruntan ayaa si toos ah u hoos timaada hogaamiyaha sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah Iran.

Waxa uu noqday madaxweyne ku xigeen isagoo la tartamaya rag kale oo caan ah oo ku jiray safka hore ee tartanka.

Maxammed Mokhbar Desful, wuxuu dashay bsihii June sanadkii 1955-kii, isagoo ku dhashay magaalada taariikhiga ee Desful.

Qoyskiisu waxay ahaayeen kuwo ahlu diin ah. Aabihiis, Sheekh Cabbaas Mokhbar, wuxuu ahaa daaci iyo wadaad diinta dadka waaniya, marna wuxuu ahaa imaamka ku meel gaarka ah ee Dezful.

Maxammad Mokhbar waxa uu waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo sare ku qaatay Dezful iyo Ahvaz, sida ay qoreen warbaahinta Iran, waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay injineernimada korontada, halka shahaadada master-ka uu ku qatay maamulka.

Waxa kale oo uu shahaadu ka qaatay cilmiga maamulka iyo qorshaynta dhaqaalaha, shahaadada doctorate-ka ayuu ku qatay sharciga caalamiga ah.

Lama hayo xog badan oo ku saabsan ninkaan ka hor bilowgii dhaqdhaqaaqii kacaankii Iiraan, balse waxaa la sheegay inuu xubin ka ahaa kooxda Khuzestan oo ah koox ka soo horjeeday dowladii Pahlawi, sida uu lagu daabacay wargayska Hamamihan.

Ka dib markii la aasaasay Ciidmada Ilaalada Kacaanka Iran ee loo yaqaano IRGC, qaybtooda Khuzestan, waxaa loo magacaabay sarkaalka caafimaadka ee Dezful ee ciidamada IRGC wuxuuna xilkan hayay sannadihii ay socdeen dagaalka Iran iyo Ciraaq.

Dhammaadkii dagaalka ka dib, Mohammad Mokhbar waxa uu noqday maamulaha shirkadda isgaarsiinta ee Dezful. Waxa uu sidoo kale ahaa guddoomiye ku xigeenka Khuzestan in muddo ah.

Intaa ka dib, wuxuu aaday Tehraan intii uu madaxweynaha ahaa Mohammad Faruzandeh, kadibna wuxuu qayb ka noqday hay’ad lagu magacaabo Mustafafan Foundation, isagoo jagooyin muhima ka qabtay.

Xilalka kale ee uu soo qabtay Mohammad Mokhbar, waxaa kamid ah, in uu soo noqday guddoomiyaha guddiga maamulka ee Bankiga Sina, kaas oo ka hoos shaqeyn jiray hay’adda Mustafafan Foundation.


Bishii Janaayo sanadkii 2021 kii, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, markii ay cunaqabateyn ku soo rogtay xarunta fulinta ee Farman Imam iyo madaxii xilligaas, Mohammad Mokhbar, waxay ku tilmaantay “Bahal Ganacsi”.

Waxaa jira qiyaaso kala duwan oo ku saabsan hantida Xarunta Taliska Sare. Sannadkii 2013 kii, wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa warbixin baaritaan ah ku sheegtay in xarunta fulinta ay tahay “Boqortooyo dhaqaale oo weyn” waxayna ku qiyaastay qiimaha hantideeda wakhtigaas ilaa 95 bilyan oo doolar.

Waxa magaca Mohammad Mokhbar uu ka soo muuqday warbaahinta sannadihii u dambeeyey ee uu ka shaqaynayey xarunta iyo markii uu dillaacay xanuunka Corona, iyada oo xaruntu ahayd mashruuca wax-soo-saarka tallaalka gudaha ee Covid-19.

Mohammad Mokhbar ayaa ku guuleystey tartankii jagada madaxweyne ku xigeenka 1aad ee ay aadka u baadi goobayeen magacyo aad loo yaqaano, sida Siciid Jalili, waxaana jagadaan loo magacaabay 17-kii Agoosto, shan maalmood kadib markii xilka uu ka tagay Ebrahim Raisi.

Isha: BBC

Sawirro: Muxuu yahay shirka xasaasiga ee dowladda iyo maamullada usoo idlaaday?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta soo xiray shir wada-tashi ah oo ka dhacay Dhuusamareeb.

Shirkan oo socday labo maalmood ayaa waxaa diiradda lagu saaray horumarinta amniga Soomaaliya, ayada oo sidoo kaoe looga hadlay mashruuca wada-jirka booliska (JPP-2) sharciga booliska Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale waxay dhinacyadu ku lafa-gureen qorshaha istiraatijiyadeed ee amniga gudaha iyo bixitaanka ciidamada howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS (ex-AMISOM).

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo xiritaanka shirkan ka hadlay ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay amniga dalka iyo nabad-gelyada guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa dhankiisa bogaadiyay guusha shirka, isaga oo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu ka socdo.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliyeed iyo wasiirrada amniga dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo bandhigay fursadaha iyo iskaashiga lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-gelin maamulka Puntland oo xurguf siyaasadeed kala dhaxeyso dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana hoos u dhigtay la macaamilkii hay’addaha dowladda.

Xamza: Bulsho karaankeedu hooseeyo lama loolami karto caalamka intiisa kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha.

Xamza oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirkan ayaa sheegay in bulsho karaankeedu hooseeyo aysan la loolami karin caalamka intiisa kale, si aan dunida ula tartannana ay muhiim tahay in la horumariyo awoodda dadkeenna.

“Bulsho karaankeedu hooseeyo, lama loolami karto caalamka intiisa kale, iskamana celin karto cadowga muuqda ee lidka ku ah iyo midka qiiqa isku qariya ee dibindaabyeynaya, Waxaase intaa oo dhan ka muhiimsan in la maalgeliyo lana dhiso karaanka iyo kartida bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in xukuumadda Dan-Qaran ay hiigsanayso isbeddel xooggan oo ku dhisan awoodda bulshada, taas oo horseedi karta isbeddel muuqda oo ku yimaadda caqliga iyo xoogga dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Bulsho aan lahayn dabaqad aqoon iyo xirfad sare leh, ma gaari karto nolol wanaagsan, qeyrkeedna lama tartami karto, mana hiigsan karto himilooyinka sarreeya ee ay madaxdeedu ku taamayaan, sidaa awgeed, waa in bulshadeennu ay heshaa waxbarasho loo siman yahay, fursado shaqo oo loo siman yahay, iyo adeeg caafimaad oo tayo leh,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mudane Xamza ayaa tilmaamay in dalkeennu uu yahay mid hodan ku ah kheyraad kala duwan, dhisidda kartida iyo karaanka bulshaduna uu qeyb libaax ka qaadan karo kobaca, horumarka iyo sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dalkeenna ceegaaga.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay wasaaradaha adeegga bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, xildhibaanno ka tirsan labada aqal, safiirro iyo madax ka socotay hey’adaha caalamiga ah.

Iran oo yeelatay madaxweyne ku-meel gaar ah kadib geeridii madaxweyne Ebrahim Raisi

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa xaqiijiyey in madaxweyne ku xigeenka dalka Mohammad Mokhber uu noqonayo madaxweyne ku-meel gaar ah kadib markii madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku geeriyooday shil diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

Khamenei ayaa sidoo kale ku dhowaaqay shan maalmood oo baroor diiq ah.

Iran ayaa waxa ay hadda haysataa ugu badnaan 50 maalmood oo ay tahay in lagu qabto doorasho madaxweyne si loo doorto qofkii beddeli lahaa Raisi.

“Waxaan ku dhawaaqayaa shan maalmood oo baroor diiq dadweyne ah, waxaana tacsi u dirayaa shacabka qaaliga ah ee Iran,” ayuu Khamenei ku yiri hadal ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA.

“Mokhber waxa uu maamuli doonaa laanta fulinta, waxaana waajib ku ah in uu madaxda hay’adaha sharci dejinta iyo garsoorka kala shaqeeyo doorashada madaxweyne cusub, ugu badnaan 50 maalmood gudahood,” ayuu yiri.

Sida uu qabo qodobka 131-aad ee dastuurka Iran, gole ka kooban madaxweyne ku-xigeenka koowaad, afhayeenka baarlamaanka iyo madaxa garsoorka waa in ay diyaariyaan habka doorashada madaxweynaha cusub.

Mokhber, si la mid ah Raisi, waxaa loo arkaa inuu ku dhow yahay Khamenei, kaasi oo leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha qaranka. Mokhber ayaa noqday madaxweyne ku xigeenka koowaad 2021 markii Raisi loo doortay madaxweynaha.

Madaxweynaha Iran Ibrahim Ra’iisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay ayaa dhammaan ku dhintay shil diyaarad hellikobter ah oo xalay ka dhacay buuralleyda u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iran.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegay in diyaaraddi ay la socdeen madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amirabdollahian ay gabi ahaanba gubatay kaddib marki ay ku dul dhacday dhulka buuraleyda ah.

Telafishanka qaranka Iran ayaa isna soo daayay sawirro muujinaya burburka iyo gubashada diyaaradda, isaga oo ku warramay in diyaaradda hellikobterka aheyd ay ku dhacday cirifka ugu sarreysa ee mid ka mid ah buuraha ay kusoo dul dhacday.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Ra’iisi uu la socday diyaarad nuuca qummaatiga u kacda ah oo lagu sameeyay Mareykanka, nooceeduna ahaa Bell 212 helicopter.

Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla marki la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

VOA + Reuters

Booliska oo soo qabtay nin ku hanjabay inay beeshiisa afgambi ku qabsan doonto…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa goordhaweyd gacanta kusoo dhigay Liibaan Khaliif Abtidoon oo maalmo kahor warbaahinta ka sheegay in beeshiisa ay dalka afgambi ku qabsan doonto.

Ninkan oo warbaahinta kasoo muuqday isaga oo ka hadlaya kiiska Sayid-Cali ayaa hanjabaaddan hawada mariyay, isagoo ku goodiyay in haddii aan la soo deyn Sayid-Cali ay afgambi ku qabsan doonaan dalka.

Ciidanka booliska qeyta guud gaar ahaan Saldhiga Booliska Hodan ayaa soo xiray Liiban Khaliif Abtidoon oo hadda ku eedeysan in uu ku kacay fal lidi ku ah amniga guud iyo kicin bulsho.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee kunool caasimada in ay ka fogaadaan baanaan-baxyada rabshadaha huwan iyo ka hadlida arimaha uu ka dhalan karo fal damiyeeydka,” ayaa lagu yiri qoraal uu booliska ku shaaciyay inuu soo qabtay ninkaan.

Booliska ayaa sidoo kale bulshada ka dalbaday in hadii ay la kulmaan falal ammaanka lid ku ah ama cabasho gaar ah ay la xiriiraan xafiiska gurmad ee ciidanka booliska.

Kiiska Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi, ayaa Arbacaddii markale lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi oo kala duwan ayaa ayiday xukunka maxkamadda darajada koowaad ee gobolka, waxayna Sayid-Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Luul.

Inta ay socotay Maxkamadeynta ninkan oo muddo dheer qaadatay ayaa la keenay marqaatiyeyaal iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay Luul, kahor inta aysan geeriyoon, kuwaas oo xog ka bixiyay kiiskan xasaasiga ah.

Sayid-Cali ayaa haatan haysata fursad kale oo uu ku qaadan karo Racfaan, kuna aadi karo maxkamadda sare oo iyadu leh go’aanka ugu dambeeya, taas oo sii dheereyn karta kiiska.

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida Raisi, dhambaalna u dirtay IRAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay dowladda Iran iyo shacabkeedaba kadib uun markii la xaqiijiyay geerida madaxweyne Ibraahim Raisi iyo masuuliyiin sare oo dalkaasi ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xuseen Amir-Abdollahian iyo masuuliyiintii kale ee la socotay diyaarad Helicopter ah oo shil naxdin leh ku gashay gobol ka mid ah dalka Iran,” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida ee dowladda Soomaaliya u dirtay Iran.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la socday 3 kamid ah diyaaradaha Iran, waxaana la sheegay in cimillada oo xumaatay ay sababtay in diyaaradii gaarka aheyd ee siday madaxweyne Ibraahim Raisi iyo wasiirkii arrimaha dibadda Iran ay ku dhacday dhulka buuraleyda ah ee gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Azerbaijan.

Warbaahinta gudaha ee dalka Iran ayaa ku warameysa in ilaa toddoba qof ay gaareyso tirada masuuliyiinta iyo saraakiisha shilkaas kula geeriyootay Madaxweyne Ibraahim Raisi.

Telafishanka qaranka Iran ayaa isna soo daayay sawirro muujinaya burburka iyo gubashada diyaaradda, isaga oo ku warramay in diyaaradda hellikobterka aheyd ay ku dhacday cirifka ugu sarreysa ee mid kamid ah buuraha ay kusoo dul dhacday.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Raisi uu la socday diyaarad nuuca qummaatiga u kacda ah oo lagu sameeyay Mareykanka, nooceeduna ahaa Bell 212 helicopter.

Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla markii la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

Teendhada Afisyoone oo la duminayo iyo qorshe culus oo ay damacsan tahay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in aan mar kale dib loogu laaban doonin Teendhada Afisyoone, oo doorashooyinkii ugu dambeeyay lagu qabtay.

Cali Xoosh ayaa marka hore ku dhawaaqay in dalka uu aaday doorasho qof iyo cod ah, isla markaana dadweynaha Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta laga rabo inay diyaar garoobaaan,

“Dalku doorasho ayuu aaday qof walboo ku talagal, yuusan shaki ka galin arinkaas teendho dambe oo la aadayo majirto ” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la duminayo dhismaha Teendhada, loona beddalo dhisme dabaq ah oo lagu qaban doono shirarka waa wayn ee dowladda.

“Teedhada waan furfureynaa waxaan ka dhiseynaa dabaq wayn oo hool shireed ah oo caadi ah, waayo teendho waan ka gudubnay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray mucaaradka, wuxuuna ka dalbaday inay safka dhinacooda kasoo raacaan, qaybna ay ka noqdaan doorashada.

“Siyaasiyiinta dhinaca kale ka hadlaya waxaan leenahay kusoo biira meesha loo socdo soo noqod ma jiree” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dood xoogan ay ka dhalatay qodobadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran oo lagu soo qaaday doorashooyinka, kaas oo ay ka horyimaadeen Puntland iyo xubnaha mucaaradka ah oo ay ku jiraan Farmaajo iyo Shariif.

Saney Cabdulle oo war culus kasoo saaray amniga Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan amniga magaalada Muqdisho oo maalmihii uug dambeeyay ka dhacayeen falal amni darro ah.

Korneelka oo xalay ka qayb-galay munasaabad ka dhacday xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, isla markaana lagu shaaciyay degmooyinka cusub ee Gubadley, Garasbaaley iyo Daarusalaam ayaa marka hore soo dhaweeyay ku dhowaaqista degmada Gubadley, isaga oo u mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho.

“Dareenkeyga lama soo koobi karo waa midka dadka ku nool degmada Gubadley, waxay yididiilo iyo hami u tahay dadka deegaanka inay gacantooda wax ku qabsan karaan” ayuu yiri Saney.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu jiro gacanta shacabka, loona baahan yahay inay u istaagaan nabad-gelyada.

Korneel Saney Cabdulle ayaa xusay in ciidan oo kaliga iyo dhagax meel la dhigo aan lagu sugi karin amniga, isaga oo ku baaqay in amniga looga daydo reer Gubadley.

“Ammaanka waxa uu ka yimaadaa bulshada ciidan ammaan ma sugyo iyo dhagax lagu xiro waddo bulshada waxaan leeyahay ha istaagto amniga Muqdisho: ayuu yiri Korneelka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Bulshada gobolka Banaadir joogta sida Gubadley oo kale ay ku gaartay amniga iyaga gacmahooda haku qabsadaan nabad-gelyada”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho ay howlgallo joogto ah ka wadaan ciidamada dowladda, haddana waxaa ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.