26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Daawo: FIQI oo u jawaabay Farmaajo iyo Sheekh SHARIIF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka qayb-galay munaasabad lagu shaacinayay degmooyinka cusub ee Gubadley, Garasbaaley iyo Daarusalaam oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo u jawaabay xubnaha mucaaradka.

Fiqi ayaa si toos ah ula hadlay madaxweynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo labaduba shalay soo saaray warsaxaafadeedyo ay ku diideen go’aanadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa qoraallada kasoo baxay labada madaxweyne ku tilmaamay wax aan la fahmi karin aadna u tiro badan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dad xildhibaanno ah oo odayaal ah oo dalkan xilal kasoo qabtay ayaa baaqyo la akhrin waayay oo kii madashiiba ka badan soo saaray” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wasiirka ayaa difaacay qodobada kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka, wuxuuna tilmaamay inay muhiim u ahaayeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa ku dhex jira saddexda qodob ee lasoo saaray maba jiraan war amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dastuurkii horay haloogu socdo,”ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inay ka go’an tahay xukuumad ahaan in horay loo socdo, dalkaana la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

“Runtii waxaan boggaadineynaa madasha go’aamadeeda iyo in horay loo soo socdo, dalkan wuxuu ka tegayaa Teendhada” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mucaaradka iyo Puntland ay kasoo horjeesteen dhammaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Nin BALCAD ka xaday dahab ku dhow 100 garaam oo lagu qabtay Puntland (Sawirro)

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) –  Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgal culus ka sameeyay waqooyiga Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay nin dahab gaaraya 95 Garaam ka xaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay booliska Puntland.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cali Muuse ayaa isaga oo baxsad ah lagu qabtay koontaroolka bari ee magaalada Gaalkacyo, sida lagu sheegay qoraalka.

Dahabkan ayaa waxaa lahaa Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caasho Maxamed Cali oo xiriir la sameysay laamaha amniga Puntland ee gacanta ku dhigay eedeysanaha.

“Ciidanka booliska gobolka Mudug, gaar ahaan CID ayaa gacanta ku dhigay eedaysanaye Cabdicasiis Cali Muuse xaaji oo 95 GRM oo dahab ah kasoo xaday koonfurta Somalia gaar ahaana Balcad ayna dhibane ka tahay Caasho Maxamed Cali, kaasoo lagu qabtay koontoroolka  bari ee magaalada Gaalkacyo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska booliska Puntland ee qaybta gobolka Mudug.

Eedeysanaha ayaa markii la qabtay waday 50.1 Garaam oo kamid ah dahabka loo heesto inuu ka xaday degmada Balcad, waxaana ciidamadu ay sheegeen in lagu soo celin doono isla degmada falka ka dhacay.

“Eedeysane Cabdicasiis Cali Muuse Xaaji oo hadda ku jira gacanta ciidanka Booliska ayaa markii la qabtay laga helay 50.1 GRM oo dahab ah, dhawaana eedaysanaha lagu wareejin doono ciidanka Degmada Balcad” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Taliska qaybta booliiska gobolka Mudug lasoo xariir 999, haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7”.

Horay Puntland ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigay qoys Suuriyaan ah oo dahab fara badan ka xaday Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay magaalada Qardhao ee maamulkaasi.

Daawo: Xasan oo aqoonsi rasmi ah siiyey 3 DEGMO oo ku soo biiray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dikreeto ku soo saaray in Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u akhriyey dikreetada Madaxweynaha, waxaana muddo dheer socday qorshaha maanta la soo gabagabeeyey oo degmooyin rasmi ah lagu gaarsiinayey Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley.

Degmooyinkaan ayaa aqoonsigaan ku helay kadib markii ay soo biixiyeen shuruudaha degmonimo ee looga baahan yahay, sida lagu sheegay dikreetada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa lagu sheegay dikreetada in madaxweynaha uu ka codsaday in aqoonsi buuxa la siiyo degmooyinkaan cusub.

Seddaxdaan degmo ayaa ku kala yaalla daafaha Muqdisho, waxayna xalay ka hor ahaa jireen deegaano hoos taga 3 kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir oo markii hore ahaa 17 degmo, wuxuu hadda noqonayaa 20 degmo, waxaana ku sii biiray oo degmooyin buuxa sidaas ku noqday Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley.

Magaalada Muqdisho ayaa ku sii faafeysa dhul sanado ka hor miyi ahaa, waxaana laga dareemayaa Muqdisho inay dib ugu laabatay waayeheedii nabadda iyo hormarka.

Maalgashi badan ayaa ka jira caasimadda, dadku waxay aad u daneynayaan inay degaan degmooyinka xiga daafaha, amniguna wuxuu noqday mid marba marka ka dambeysa soo hagaagaya.

Hoos ka daawo

Madaxweynaha Iran iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda oo la xaqiijiyay inay dhinteen

Tehran (Caasimada Online) – Warbaahinta Iran ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha Iran Ibrahim Ra’iisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay ay dhammaan ku dhinteen, shil diyaarad hellikobter ah oo xalay ka dhacay buuralleyda u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iran.

Saraakiil ka tirsan Iran oo ka gaabsaday in magacooda lasoo xigto, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay geerida Ra’iisi iyo madaxdii kale ee Dowladda Iran ee la saarnaa diyaaradda hellikobterka ah.

“Madaxweyne Raisi, wasiirka arrimaha dibadda iyo dhammaan rakaabki la socday kulligood waxay ku dhinteen shilka” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Reuters, ee codsaday in aanan la magac-dhabin sababo la xiriira warkaan oo ah mid xasaasi ah.

Wakaaladda wararka Iran ee Mehr ayaa sidoo kale xaqiijisay dhimashada madaxweynaha, iyada oo qortay sidan “dhammaan rakaabkii la socday hellikobterti wadday madaxweynaha Iran iyo wasiirkii arrimaha dibadda waa ay shahiideen”.

Goor sii horreysay oo saakay ah, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegay in diyaaraddii ay la socdeen madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amirabdollahian ay gabi ahaanba gubatay kaddib marki ay ku dul dhacday dhulka buuraleyda ah.

Telafishanka qaranka Iran ayaa isna soo daayay sawirro muujinaya burburka iyo gubashada diyaaradda, isaga oo ku warramay in diyaaradda hellikobterka aheyd ay ku dhacday cirifka ugu sarreysa ee mid ka mid ah buuraha ay kusoo dul dhacday.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Ra’iisi uu la socday diyaarad nuuca qummaatiga u kacda ah oo lagu sameeyay Mareykanka, nooceeduna ahaa Bell 212 helicopter.

Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla marki la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

Wixi warar ah ee ku soo kordha dhimashada madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Iran, halkaan ayaad kala socon doontaan, haddii uu ALLE idmo.

VOA + Reuters

Wararkii ugu dambeeyey ee shilka diyaaradeed ee uu galay madaxweynaha IRAN

Tehran (Caasimada Online)- Diyaarad Helicopter ah oo ay la socdeen kolonyo uu ka mid yahay Madaxweynaha Iran ayaa shil gashay, sida ay ku warramayso warbaahinta dowladda Iran.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda Helicobter-ka ah oo ka mid ahayd sedex diyaaradood oo kolonyo ay si xowli ah u degtay kadib markii ay dhibaato kala kulantay ceeryaamo xooggan oo ka jirtay waqooyiga dalkaas.

Ilaa hadda ma cadda in madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi uu saarnaa diyaaradda Helikobtar-ka ah oo ay warbaahinta dawladdu sheegtay in ay si degdeg ah u degtay.

Wakaalada wararka ee Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay in Madaxweyne Raisi ay la socdeen wasiirka arimaha dibada ee Iran Hossein Amir Abdollahian, gudoomiyaha gobolka bariga Azerbaijan ee Iran iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa sheegay in kooxaha samatabixintu ay weli isku dayayaan in ay gaaraan goobta, xaaladaha cimillada oo adag awgeed.

Raisi ayaa u safrayay gobolka bari ee Azerbaijan ee dalka Iran. Telefeshinka dowladda ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada Julfa oo ku taalla xadka dalka Azerbaijan, oo qiyaastii 600 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Iran ee Tehran.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Waaxidi oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in masuuliyiinta ay ka war sugayaan faahfaahin dheeri ah.

Madaxweyne Raisi oo 63 jir ah, ayaa isku daygii labaad lagu doortay 2021-kii, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay waxa uu amray sharciyo adag oo anshaxa, wuxuuna si adag u riixay wadahadalladii Nukliyeerka ee quwadaha adduunka.

Somali police arrest dozens of social media influencers for public incitement

Mogadishu (Caasimada Online) – Photos of 21 of these youths, who are well-known on social media platforms such as TikTok, have been published on the official Facebook page of the Banadir regional police.

According to a police statement, the operation was conducted over the course of one day.

“In a 24-hour operation, the General Division Police successfully arrested 21 youths involved in activities causing disorder and disrupting community unity.”

The SPF (Somali Police Force) statement added that the police have initiated an investigation to identify the organizers behind these acts committed by the youths. “Those accused will be brought before the competent court for prosecution.”

The statement further emphasized that this action serves as a warning to the general public, particularly the youth, to avoid behaviors that could lead to chaos and conflict within the capital’s society.

“The Somali people, particularly those in and around the capital city, are advised to refrain from engaging in immoral acts, making provocative speeches, and insulting citizens.”

This operation by the security forces follows a clash that occurred last night between youths who had arranged to fight against each other via social media. The groups were divided along clan lines, posing a threat to social cohesion.

While no casualties were reported from the clash, residents of the capital and local intellectuals are calling on the government to take decisive action to prevent the organization of such conflicts in the future.

Daawo: Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun ku riday gabar lagu helay laba dambi

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ay maanta lasoo taagay Ayaan Abuukar Maxamed oo lagu eedeeyey in lacag ku dhow hal milyan iyo bar ay akoonkeeda u marsiisay argagixisada, iyadoo lagu riday xukun adag.

Maxkamadda ayaa dembiga maal-gelin argagixiso iyo lacag dhaqid ku heshay Ayaan, waxaana lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah iyo 8 kun oo Dollar oo ganaax ah.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameeyeen dhaq-dhaqaaqyadii maaliyadeed ee Ayaan ay sameysay, isla markaana ay ogaadeen in argagixisadu ay akoonka Ayaan loo adeegsa jiray mushaar bixin.

Ayaan ayaa fursad loo siiyey inay ka jawaabto eedeymaha loo heysto, waxayna sheegtay in lacagaha la sheegayo ee akoonkeeda maray aysan garaneyn cida isticmaashay.

Sidoo kale, Ayaan ayaa sheegtay in akoonada lasoo bandhigay qaar aysan adeegsan waligeed, balse ay isticmaalaan rag ay horay ugu dhaxday.

Qareenada Ayaan ayaa ku dooday in gabadhaan aysan akoonada marsiin lacagta loo heysto, balse nin ay kala tageen uu isticmaalay, kaas oo jiray kooxda Al-Shabaab.

Dood dheer kadib, Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa soo gabagabeeyey fadhigii maxkamadda, wuxuuna soo saaray xukunka ay muteysatay Ayaan oo lagu helay dembiyada lacag dhaqis iyo maalgelin argagixiso.

Guddoomiyaha ayaa gabadhaan ku xukumay 8 sano oo xabsi ah iyo 8 kun oo dollar oo ganaax ah, taas oo ay ku muteysatay labada dembi ee lagu helay, sida uu sheegay guddoomiye Saalax Dabaan, isagoo sheegay in fursad racfaan ah oo 30 cisho ah ay heysato Ayaan.

Hoos ka daawo

Sawirro: Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay gabdho caan ka ahaa TikTok

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dhalinyaro baraha bulshada ka baahinaysay farriimo kicinaya colaado dadweyne, gaar ahaan qabiilada dega Muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa howlgal Muqdisho ka socday 24 saacadood ku soo xiray dhalinyaro isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok ka waday kicin bulsho.

Tirada dhalinyarada lasoo xiray waxaa lagu sheegay 21 qof, kuwaas oo bulshada dhaxdeeda ka waday “anshax xumo iyo kala qoqob” sida lagu sheegay qoraalka booliska.

Baaritaan ku saabsan kiisaska loo heysto dhalinyaradaan ayuu bilaabay booliska Soomaaliya, si looga gun gaaro, cida soo abaabushay falalka ay ku kaceen dhallinyaradaan.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan falalka anshax xumada ah, hadalada kicinaya bulshada iyo aflagaadada muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dhalinyaradaan oo intooda badan caan ka ah barta Tiktok ayaa saacadihii lasoo dhaafay u kala saftay Abgaal iyo Habargidir, waxayna mararka qaar isku balansanayeen dagaal, iyagoo soo gelaya Live.

Howlgal soo bilowday shalay galab ayaa lagu soo xiray dhamaan dhalinyaradii lala xiriirinayey filalkaas, waxaana loogu goodiyey in maxkamad la horgey doono, balse lama oga sida laga yeeli doono kiiskooda.

Hadal-heyn badan ayuu xarigga dhalinyaradaan ka abuuray baraha bulshada, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa barta TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho.

Xujada madaxweyne Xasan hortaalla si uu meel-maro qorshihiisa doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya hal maamul oo awood ahaan dalka ka wada taliya majiro maanta. Iyada oo dadka markii horeba qabiil qabiil u kala dageen wixii ka dambeeyay 1991, ayaa haddana nidaamka federaalka siyaasad ahaan dadka sii kala miiray.

Awaamiirta kasoo baxda Muqdisho ma saameyso Hargeysa, Garoowe iyo Kismaayo, halkaasi oo maamullada ka jira ay gooni udaaq yihiin.

Muqdisho oo ah magaalada qura ee hadda gacanta ugu jirta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddo fog dadkeedu sugayeen inay dowladda ku hoggaamiso in ay isdoortaan.

Bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2023 wuxuu Golaha Wadatashiga Qaran ku heshiiyay in bisha June ee 2024 la qabto doorashada dowladaha hoose oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

11 maalmood oo qura ayaa ka dhiman balantaas, dabcan wax tallaabo ahna looma qaadin illaa hadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu tobankiisi qudbo ee ugu dambeysay uu ku dhaartay in uusan aqbaleynin wax aan aheyn doorasho qof iyo cod ah. Laakiin illaa hadda majirto cid madaxweynaha ku tiri “doorasho dalka oo dhan ah inta aad baacsan maxaa ka hortaagan in aad Muqdisho doorasho geliso”.

Madaxweynaha si ku talo-gal ah ayuu qodobkii Maqaamka caasimadda uga saaray cutubka labaad ee dastuurka, waxa uuna geeyay cutubka shanaad, taas oo dadka fahamsiisay in aanay wax xiriir ah laheyn hadallada iyo ficilada madaxweynaha.

Xasan Sheekh isaga oo aan Muqdisho doorasho ka qaban, in uusan dalka oo dhan doorasho qof iyo cod ah ka qaban karin qof walba ayaa garan karta, laakiin waxaa yaab ah in aysan illaa iyo hadda madaxweynaha miiska u saarneyn, waana midda dadka qaar ka keenta doodda ah in aysan madaxweynaha dhab ka aheyn sheegashadiisa doorasho qof iyo cod ah, balse beddelkeeda uu rabo inuu usii gogol xaaro muddo kororsi sharci darro ah iyo madax furasho qaran.

Shirkii Xamar kusoo idlaaday Jimcihii, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dib usoo celiyay xujadii heshiisyaddii hore, iyada oo lagu baaqay in arrimihii hore loogu balamay la fuliyo. Waxaana balamadii hore kamid ah doorashooyinka dowladaha hoose oo ay Muqdisho-na ku jirto.

Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu furo xujada doorashada Muqdisho ayaa lagala doodi karaan inuu dalka gelin karo doorasho qof iyo cod ah, laakiin ninka caasimadda uu ka taliyo gole deegaan xitaa u dhisi la’a suurta-gal ma ahan inay Soomaalida kala dooddo doorasho guud oo dalka oo dhan taabaneysa.

Falcelin culus oo ka dhalatay tallaabada uu maanta qaaday madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta soo saaray bayaan culus ayaa si cad uga horyimid go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha wada-tashiga qaran ee ka dhacay Villa Somalia.

Bayaankan oo si weyn looga fal-celiyay ayaa waxa uu Farmaajo ku sheegay in go’aannada kasoo baxay shirkaas ay khatar ku yihiin dowladnimada iyo midnimada dalka.

Sidoo kale waxa uu ka digay hannaanka doorasho ee qof iyo cod ee kasoo baxay shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la xasuusto sidii uu madaxweynihii hore ugu ololeyn jiray doorasho qof iyo cod ah.

“Nidaamka doorashada ee madaxweynuhu (Xasan Sheekh) uu ku hawlan yahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo,” ayuu yiri madaxweyne hore ee Farmaajo.

Qoraalkan oo uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si weyn looga fal-celiyay, ayada oo dadka qaar ay wax lala yaabo ku tilmaameen in Farmaajo uu maanta diido wixii uu shalay u sacab tumayay markii uu xukunka joogay, halka kuwa kale ay qabaan taasi beddelkeed.

Shariif Geyre: “Doorasho qof iyo cod ah oo aadan adigu qaban ma rabtid inee dalka ka dhacdo, warka noo soo koob!.”

Shucayb Yare: “Waa saxan tahay madaxweyne wax soconaya maahan hawshaan.”

“Waxaad ku kala duwan tihiin adiga iyo odeyga hada tallada haayo go’aan qaadashada. Xiligan adiga mar horaaa cagta marin laheyd maamul goboleedyadan laga waaley,” ayuu sidoo kale yiri Cusmaan Maxamed.

Mursal Axmed Diiriye: “Farmaajana waa kaas xasilooni iyo dowladnimo ka hadlaya.”

“Madaxweyne ani tuuladeyda waa safe sanadka cusub hospital loo furi rabaa ee goormuu qof walba tuuladiisa aadi doonaa,” ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Banaad oo ka fal-celiyay arrintaan, isagoo daba socda hadal uu hore u yiri madaxweynihii hore.

Macruuf Xaaji: “Shalay Farmaajaa Qof iyo Cod rabay, Xassanna waa diidanaa, maantana Xassan ayaa raba Qof iyo Cod Farmaajana waa diidan yahay. Horta xaad noogu ciyaar-ciyaareysiin!!.”

“Madexweyne post-baad iskugu soo biyo shubatey rajadii aan kaa lahaaa 2026-kana waa sii yaraanaysaa,” ayuu yiri Cabdikariin Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qoraalka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sadia Simoon: “Farmaajow adiguba Deni iyo Axmed Madoobe oo maqan waa shaqeeysan jirtee ma hadeey qalad kula noqotay.”

“Maxaa midba maalin u diidan yahay alaabtaan qof iyo cod ka ah mise waad isla fahanteen oo waa boor isku qaris,” ayuu yiri Maxamuud Maxamed Jimcaale.

Maxamed Saciid Yuusuf: “Siyaasiyiinta Soomaaliyeed kaliya ayaa awooda in wixii ay jideeyeen eed ka dhigaan!.”

Yassin Mahdi ayaa sidoo kale wuxuu isna yiri “Intaasiba ku dhan Mudane, Damu-jadiid bacaad bay qoorsagaaro ku hayaan.”

“Siyasiyiinta anaga ayey korkeena ku qaraabtaan waayo siyaasi walbo shacab ayuu ku qaraabta hadaa nahay shacab halkee nooga banaan?. Shacab aad sheegtaan waxna uma qabataan,” ayuu yiri Cali Xuseen Salaad.

Aadan Macalin Cali Yarow oo muddo kadib u soo gacan galay dowladda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Aadan Macalin Cali Yarow ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howl-gala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Aadan Macalin ayaa ka soo goostay Shabaab-ka weli ku dhuumaaleysanaya koonfurta gobolka Mudug, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ninkaan ayaa iska soo dhiibay deegaanka Baraag-Garguurte oo hoostaga Xarardheere, waxaana lagu soo dhoweeyey gacmo furan, sida ay sheegeen saraakiisha gacanta ku heysa oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Aadan ayaa sheegay inuu u adkeysa waayey nolosha adag ee duurka ku heysata kooxda Al-Shabaab iyo howl-gallada socda ee ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay Mudug ka wadaan.

Ninkaan oo muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayaa maanta ka faa’iideysaya cafiska ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya dhalinyarada ka barbar dagaalamaya kooxda.

Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso.

Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu dib u dhacay wejiga labaad ee dagaalka oo horey dowladda u sheegtay inay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

DF oo ku faantay arrin ay sheegtay inay dalal badan uga horeyso – Maxay tahay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in horumar ballaaran laga sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda, ayada oo sidoo kalena ay ka madhneyn midda arrimaha gudaha iyo amniga.

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale waxa uu ku faanay in dhanka diblomaasiyadda ay Soomaaliya ugu horumarsan tahay dalalka muddada dheer soo shaqeynayay.

Waxa uu tilmaamay in damaca gurracan ee Itoobiya ay dowladda Soomaaliya kaga hortagtay si diblomasiyad ku jirto, ayada oo dhammaan wadamada caalamka ay si cad uga horyimadeen gardarada qaawan ee xukuumadda Addis Ababa.

“Soomaaliyada 1977-kii iyo mida 2024-ka, farqiga u dhaxeeya waa Diblomaasiyadda aan heerka sare ka gaarnay, waana aragteen waxa aan Itoobiya ku dhignay, inagoo aan adeegsan awood,” ayuu yiri La-taliyaha Madaxweynaha.

Sidoo kale waxa uj sheegay in dowaldda oo ka duuleeyso halku-dhigii madaxweynaha ee ahaa “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah” ay dowalda ku guuleysatay wanaajinta iyo la-macaamilka wadamada caalamka, si ku dhisan wax is dhaafsi, taasi oo keentay inay Soomaaliya wax badan oo horumar ah u qabsoomaan, sida uu sheegay.

“15-kii bishaan ayay dowladda u buuxsantay laba sano, waxaana la qabtay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay deyn cafinta, cuna-qabteyntii hubka iyo ku biirista ururka iskaashiga dhaqaalah bariga Afrika iyo in degaano badan oo ka tirsan dalka laga xoreeyo Khawaarijta oo mudda dheer dhibaatada ku hayay shacabka Soomaaliyeed.”

La-taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka ayaa ugu dambeyntiina wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay hadda isku diyaarineyso inay u tartanto xubin kamid ah Golaha Amaanka Qaramada Midooba, taas oo muujineyso horumarada muuqda ee ay gaartay dowladda Soomaaliya.

Farmaajo oo soo saaray 5 qodob oo xasaasi ah, kana horyimid shirkii Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo bayaan culus soo saaray ayaa si cad uga horyimid go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ee ka dhacay Villa Soomaaliya.

Farmaajo oo soo saaray warsaxaafadeed ka kooban 5 qodob ayaa sheegay in go’aannada kasoo baxay shirkaas ay khatar ku yihiin dowladnimada iyo midnimada dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka digayaan hannaanka doorasho ee la’isku khilafsan yahay ee kasoo baxay shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Waxaa kale oo uu ka hadlay maqnaanshiyaha Puntland, waxaana uu tilmaamay inay muujineyso kalsoonida darrada weli laga qabo dowladda dhexe.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

WARSAXAAFADEED

QODOBBADA KA SOO BAXAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ) WAXAY KHATAR KU YIHIIN DOWLAD-DHISKA IYO MIDNIMADA DALKA

Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka.

  1. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland:

Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha.

  1. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa:

Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha Federaalka.

  1. Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada:

In laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan, waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

  1. Heshiisyada Hore ee aan Dastuuriga ahayn:

Waxaa la yaab ah in heshiisyadii hore oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska indho tirayo.

  1. Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod:

Waxaan si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran. Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo.

Dhammaan siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynaynaa in ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda, loogana hortagi lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Heshiiska Xasan iyo madax goboleedyada: Dhibcaha siyaasadeed ee ay kala wataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Jimcihii kusoo idlaaday magaalada Muqdisho. War-murtiyeed dahsoon ayaa kasoo baxay kulanka, kaas oo markii tafsiir lagu sameeyo dhinac walba faa’iido iyo khasaare u leh.

Marka hore war-saxaafadeedka waxaa ku jiray laba qodob oo is-burinaya. Golaha Wadatashiga Qaran qeybta uu kaga hadlay dib u eegista dastuurka wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii hore loo galay ee la xiriiray dastuurka.

Isla qeyb kale oo qoraalkii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran waxa uu goluhu ku bogaadiyay baarlamaanka meel-marinta afartii cutub ee dastuurka.

Haddii lagu dhaqmayo heshiisyaddii hore ama la raaco kuma jirin ra’iisul wasaare la eryi karo ee waxaa ku jiray madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, waxaa ku qorneyd laba xisbi ee kuma qorneyn saddex xisbi, sidoo kalena kuma qorneyn hoggaamiyeyaal ee waxaa ku qornaa madaxweynayaal.

Meeshan waxaa la faa’iiday min hal dhibic. Xasan Sheekh wuxuu haystaa oo uu maanta ku faanaya in afartii cutub ee uu isagu siduu doono u dhigay inay maamulladdii ka aqbaleen.

Halka ay maamullada haystaan maanta inay markale soo jeediyeen in heshiisyaddii hore lagu dhaqmo, taas oo iyadana loo fasiran karo in maamullada ay weli waxba ka aqbalin isbeddelkaas uu Xasan Sheekh wada-tashi la’aanta ku sameeyay.

Qodobkaas in war-murtiyeedkaas lagu soo daro waxay maamullada uga dhigan tahay inay xilli walba diidi karaan sida uu madaxweynaha wax u dhigay.

Midda labaad: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu waayey in si toos ah warqadda loogu qoro inuu soo dhiso guddiga doorashooyinka qaranka, oo uu rabay in sidaasi loo caddeeyo.

Tan waa la farsameeyay oo waxaa la yiri “baarlamaanka ha dhameystiro sharciyada ka ratibmaya fulinta afarta cutub,” fulinta madaxweynaha keliya kuma xirna oo maamullada ayaa kaalin ku leh kuna dhibi kara haddii ay ka shikiyaan.

Midda saddexaad: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu aad u rabay in la muddeeyo doorashooyinka dowladaha hoose, si uu u caddeeyo in rabitaankiisa doorashada uu shaqeeyay, iyadana kuma uusan guuleysan in meesha lagu soo qoro.

Midda afaraad: Madaxweynaha wuxuu sidoo kale ku guul-dareystay inuu muwaadiniinta Soomaaliyeed ee degan caasimada iyo afartaasi maamul goboleed uu u caddeeyo inay doorasho ka dhaceyso deegaanadooda iyo xilliga ay dhaceyso intaba.

Madaxda maamullada ma rabin in qodobkaas la caddeeyo.

Midda shanaad: Maamullada waxay ka badbaadeen inay Xasan Sheekh siiyaan go’aanka u dambeeya ee doorashadooda. Waxay lasoo laabteen mas’uuliyadda go’aanka doorashadooda, maadaama aan meelna lagu soo hadal qaadin xilliga doorashadooda iyo sida ay u dhaceyso.

Waxayna xirteen xujo ah inay marwalba dhihi karaan heshiisyaddii hore ha loo laabto, taas oo uusan Xasan Sheekh hadda awoodin, maadaama uu baarlamaanka mariyay wax ka duwan heshiisyaddii hore balse uu ku dhisay rabitaankiisa.

Midda lixaad: Muddo kororsi farsameysan. In lagu dhaqmo heshiisyaddii hore waxaa kamid ah in doorashada madaxda maamul goboleedyada ay kasoo horreyso midd golaha deegaanka, illaa maamullada ay qabtaan doorashada golaha deegaanka lagama hadli doono midda hoggaamiyeyaasha.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in bilaha May ama June ee sanadka 2025 laga fikiraayo doorashada golaha deegaanka, micnaheedu waa sanad kale oo qarsoon oo muddo kororsi ah.

Midda toddobaad: War-murtiyeedka golaha oo maamullada istaajiyay meel dhexe. Waxay awoodaan inay Xasan Sheekh iskala joogaan, maadaama uusan doorasho ku qasbeynin, ama inay ka haraan oo ay doorashooyin qabsadaan.

Haddii ay u bareeraan inay doorashooyin qabsadaan waxay haystaan mar-marsiyo ah inuu madaxweynaha ka baxay heshiisyaddii hore, iyaguna ay doorashooyin qabsanayaan.

War-murtiyeedka Jimcihii wuxuu nuxurkeedu ahaa markii la-dagaalanka argagixisada guullo fiican laga gaaro oo isla ogol lagu dhameystiro sharciyada qaar oo loo laabto fulinta heshiisyaddii hore loo gaaray in markaa kadib laga heshiisiin doono waqtiga doorashada, taas oo ka dhigan in muddo kororsi aan la mudeynin la siiyay maamullada, iyaguna ay Xasan Sheekh qash-qashaadin.

Warqaddii habeen hore waxay kale oo maamullada u baneysay haddii uu Xasan Sheekh ku dhaqaaqo wax aan lagu heshiinin inay iyaguna ku dhaqaaqi karaan doorasho u gaar ah.

QM oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka DF Soomaaliya iyo Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Puntland kadib booqasho ay ku tegtay Garoowe.

Catriona Laing ayaa la kulantay madaxweyne Saciid Deni, ayada oo kala hadashay sidii uu u furi lahaa wada-hadal uu la galo dowladda, si xal looga gaaro khilaafka dhexdooda ah.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa sidoo kale la’isla soo hadal qaaday arrinta dastuurka oo ah midda dhalisay xiisada u dhexeysa labada dhinac, kana carootay Puntland.

“Iyada oo sii wadda kulamada sagootinta ah oo ay la qaadaneysay madaxda Soomaaliyeed, ayey Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay Catriona Laing maanta booqatay Garoowe, halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni iyo golahiisa wasiirada, iyagoo ka wadahadlay taageerada Qaramada Midoobay ee dhinaca horumarka iyo baahida loo qabo wada-hadal loo dhan yahay oo dhex mara DFS iyo Puntland oo ku aaddan hannaanka dastuurka Soomaaliya ee hadda socda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNSOM.

“Annigana dabcan, waxaan u soo jeediyay kaalinta ‘xafiisyada wanaagsan’ ee QM si ay arrintaasi ugu taageeraan,” ayay hadalkeeda ku dartey Ms. Laing.

Dhinaca kale waxay Puntland iyo QM ka wada-hadleen arrimaha hortabinta leh oo ay ugu horreeyaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii looga wada shaqey lahaa labada dhinac.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Deni oo waqti ina siiyay isagoo shir kale lahaa – Maanta wuxuu kulankiisii ugu horeeyay la yeelanayaa golahiisii wasiirada ee cusub kaas oo ay kaga wada hadlayaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii ay horey ugu sii wadi lahaayeen” ayay tiri Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Waxaa kale oo ay raacisay “Mowduucaasi wuxuu ka mid ahaa mowduucyadii aynu ka wada hadalnay,” ayay tiri iyadoo hadlkeeda sii wadata “iyo [sidoo kale] kaalinta ay QM ka qaadan doonto taageeridda tiirarka kala duwan ee qorshahooda horumarinta – waxaan ku faraxsanahay in aan sheego in uu hammi sare u hayo hawshaasi.”

Si kastaba, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaqadeeda soo gebogeboobeyn doonta goor dambe oo bishan Maajo dhexdeeda ah, waxayna maalmahan dambe kulamo macaslaameyn ah la yeelanaysay hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyo sidoo kale madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya.

SHARIIF oo ka horyimid heshiiskii golaha wadatashiga, digniin culusna u diray Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hoggaamiyo ayaa War-Saxaafadeed ka soo saaray qodobada ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho intii u dhaxaysay 14-17ka May, 2024, waxaana qoraalkaan lagu muujiyey saluug xoog leh.

Bayaankaan ayaa lagu sheegay in shirkaan aysan ka soo bixin qodobadii la filayey in go’aan looga gaaro sida xal u helidda khilaafka ka taagan hanaanka loo dhameystirayo dastuurka, Xisbiga Sheekh Shariif ayaa qoraalkaan ku sheegay in arrinta dastuurka hadii sidaan ay ku sii socoto ay halis weyn ka dhalan karto.

Sidoo kale waxaa madaxda golaha wadatashiga qaran lagu dhaliilay in aysan waxaba ka dhihin heshiiskii sharci darrada ahaa ee Muuse Biixi uu badda ugu saxiixay Itoobiya iyo ka maqnaashaha Puntland ee shirka golaha wadatashiga qaran, waxaana  qoraalkaan golaha looga dalbaday in deg deg loo xaliyo tabashada Puntland ay shirarkaan masiiriga ah uga maqan tahay.

Xisbiga Sheekh Shariif ee Himilo Qaran ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay nin wada awood marooqsi iyo inuu ka shaqeeyo doorasho uu natiijadeeda sii ogyahay, maadaama uu kaligiis ka shaqeynayo.

Xisbiga ayaa golaha u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan danta qaranka iyo sareynta sharciga, waxaana arrimahaas lagu soo koobay 8 qodob oo ay ka mid yihiin.

In xal degdeg ah loo helo ka maqnaashaha Puntland ee shirka golaha wadatashiga qaran, maadaama mabaadii’ida uu golahaani u dhisan yahay ay wadar ogol tahay.

In loo diyaar-garoobo fatahaadaha ka dhalanaya isbedelka ku yimid cimilada addunka, iyadoo la caawinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen, loona digayo kuwa weli ku nool goobaha halista ugu jira inay saameeyaan fatahaafaha la saadaalinayo.

In golaha wadatashiga qaran ay masuuliyad gaar ah iska saaraan xal u helidda khilaafka ka taagan qaabka loo dhameystirayo dastuurka.

In wax laga bedelo dagaalka Al-Shabaab, laguna wajaho qorshe dagaal oo quburo ciidan ay dejiyeen, iyadoo qorshe cad laga yeelanayo bixitaanka ciidamada ATMIS.

In madaxda dowlad goboleedyada uu waqtigu u dhamaaday ay qabtaan doorasho hufan, taas oo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka uu u ogolaanayo.

Iyo in golaha wadatashiga qaran uu dejiyo qorshe lagu difaacayo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isla markaana looga hortegi karo damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya.

Dhinaca kale Xisbiga Himilo Qaran ayaa lix qodob kula taliyey Xasan Sheekh, iyadoo qodobka koowaad looga dalbaday inuu faro-gelinta ka daayo doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Xasan Sheekh ayaa laga dalbaday inuu ku soo laabto dariiqa sharciga ah, iyadoo lagu eedeeyey in hadda uu ku howlan yahay sameynta dastuur iyo hanaan doorasho oo aan heshiis lagu aheyn.

In Xasan Sheekh uu garowsado in dalka aysan ka dhici karin doorasho uu kaligiis kasoo shaqeeyey,  isla markaana aysan ka soo bixi karin natiijo la isku raacsan yahay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa lagula taliyey inuu ka tanaasulo rabitaanka siyaasadeed ee madaxdii ka horeysay ay ku hungoobeen, iyadoo looga digay inuu sameeyo hanaan iyo guddiyo doorasho oo aan la isku raacsaneyn.

Hoos ka akhriso bayaanka Xisbiga Himilo Qaran.

ABIY AHMED oo qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland u dalacsiiyay safiir buuxa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay shaaca ka qaaday in qunsulka Itoobiya u fadhiya Hargeysa dhawaan loo dalacsiiyay safiir buuxa, taasina ay ku timid iskaashiga haatan ka dhexeeya labada dhinac.

Muuse Biixi ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 18-ka May oo lagu qabtay Hargeysa, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo horay loo qaaday.

“Waad ogtihiin shalay Ambasaddor-kii Hargeysa joogay ee qunsulka ahaa waxaa laga dhigay safiir, waa tallaabo horumarineed oo aan uga mahad-naqeyno Itoobiya” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday heshiiska badda ee ay la galeen xukuumadda Abiy Axmed, wuxuuna sheegay in weli halkiisii uu yahay ayna dhaqan-gelin doonaan.

“Waa dhaweyd waxaa heshiis galay Somaliland iyo Itoobiya, qaylo dheer bey ka kaceen, horta waxaan idin sheegayaa dalka Itoobiya oo aan xad dheer la leenahay waxay ku dhiiratay wixii idinka aad ka maagteen,” ayuu mar kale yiri Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hehiiskan uu lamid yahay heshiisyada waa wayn, sidaad daraadeedna ay labada dhinac qiimeenayaan, kadibna deg-deg loo fulinayo.

“Heshiiskaas waa hirgalayaa dhawaan haddii uu Alle idmo muddada uu qaatay waxaa waayay muddada ay qaataan heshiisyada cul culus” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in heshiiskan la horgeyn doono goleyaasha baarlamaanka Somaliland, si ay u meel-mariyeen, loona dhaqan-gelyo.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiskan ay ku bedasheen aqoonsiga Somaliland, Itoobiyana ay noqoneyso dalka 1aad ee Ictiraaf siiya, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanno dhimasho iyo dhaawac ku noqday SHIL xalay ka dhacay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil baabuur oo xalay ka dhacay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal, kaas oo ay dhimasho dhaawac ku noqdeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland.

Sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, waxaan shilkaas ku dhintay Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada, halka uu ku dhaawacmay Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo  isna ka tirsan Golaha Wakiillada .

“Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Reer Puntland ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid.

Guddoomiyaha ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka, isaga oo caafimaad u rajeeyay xildhibaanka dhaawaca ah oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Garoowe.

“EBBE waxaa  uga baryaya inuu u caafimaad taam ah siiyo Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed oo  dhaawac ka soo gaaray shilka gaari” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxaa isna dhacdadan ka hadlay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka, isaga oo xildhibaanka dhaawacmay iyo dadka kale ee waxyeeladu soo gaartay  u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

“Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, wuxuu caawa ku geeriyooday Shil gaari, Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynaya  Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Eheladii iyo Qoyskii uu ka geeriyooday. Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo inaga dhammaanteen Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni

“Sidoo kale waxaan Allaah Caafimaad degdeg ah uga baryayaa Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo isna ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo dadka kale ee ku dhaawacmay Shilkaasi gaari. Aamiin, ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Shilalka gaari ayaa ku badan deegaanada Puntland, kuwaas oo sababa khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana loo sababeeya xawliga gaadiidka.

Horta yaa diidan doorasho dadweyne? – W/Q FAHAD

Waxyaabaha laga ducaysto waxaa kamid ah, xargo aad horay u gunuday inaad gacantaada dib ugu furfurto, siyaasadana waxaa laga fogaadaa inaad dib u cunto wax qabadkaadii hore.

Muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh waxaa u qabsoomay guushii ugu horreesay ee lagu soo xirayay albaabka doorasho ku dhisan xulasho, waana dhisida Guddiga Qaran ee Doorashooyinka iyo meel marinta Sharciga Xisbiyada. Labadaas guulood waxaa ka dhimanaa laba qodob oo kala ahaa heshiis siyaasadeed oo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ka dhaxeeya iyo Sharciga Doorashooyinka Dalka.

Muddo 16 bilood ah markii uu Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay waxaa magaalada Baydhabo lagu saxiixay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo Doorashooyin qof iyo cod ah dalka u jiheynaya, kuna saleeysan matalaad dheelitiran iyo xisbiyo badan. Golihii Xukuumadda iyo Baarlamaankii Federaalka iyaguna waa meel mariyeen Sharcigii Doorashoyoyinka Qaranka.

Intaas keddib, waxaa buuq iyo diidmo kala hortagay doorasho dadweyne oo tiirarkeedii u wada dhanyihiin iney dalka ka hirgasho, mucaaradkii uu hormuudka u ahaa Xasan Sheekh, ilaa haddeerna guulaha uu ku faano ayay kamid tahay.

Madaxweyne Xasan mar labaad ayaa la doortay, waxaana laga filaayay inuu dalka toos u galiyo qabashada doorasho qof iyo cod ah, lagana bilaabayo heer Gole Deegaan, maadaama uu haystay fursaddii iyo khibradda Guddigii shaqadaas fulin lahaa.

Fursadaas qaaliga ahayd, iyadoo uu haystay Madaxweynuhu, ayuu jid kale oo dib u noqosha ah gadaal u raacay, wuxuuna ku dhaqaaqay;

1. Inuu diidmo qayaxan kala hortagay in Puntland ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod. Intaas ugama harin e wuxuu reer Puntland ku handaday hadaad nabad rabtaan doorasho dadban qabsada, hadaadse doorasho qof iyo cod ah aaddaan Puntland way burburaysaa. Taasi waxay ku tusaysaa in Madaxweynaha markuu mucaarad ahaa iyo markii dib loo doortay labadaba inuu ka horyimid doorasho qof iyo cod.

2. Inuu ka guuray dastuurkii lagu dhaariyey, una guuray dastuur iyo sharciyad aysan ummaddu raalli kawada ahayn.

3. Wuxuu kala diray Gudigii Doorashooyinka Qaranka ee uu qof qof gacantiisa ku soo xushay muddo xileedkiisii hore. Sababta rasmiga ah ee uu guddigaas u kala dirayna, waa inuu ku kalsoonaan waayey, maadama ay soo wada shaqeeyeen dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

4. Madaxweynaha wuxuu baabi’iyey Sharcigii Doorashada Qaranka ee Labada Aqal ee Barlamaanka ay ansixiyeen, oo wuu ka guuray dastuurkii ay ku dhisnaayeen.

5. Madaxweyne Xasan wuxuu baddalay tiirkii awood qaybsiga dalka, hal meel buuna kuwada uruuriyey awoodohii xukunka, waana tallaabo halis ku ah wada jirka dalka.

6. Wuxuu kala diray Guddigii La-dagaallanka Musuqmaasuqa, waana hay’ad awoodaheeda ay kamid yihiin hubinta anshaxa iyo hufnaanta doorashooyinka dalka.

Geeddi socodkii hirgalinta doorasho qof iyo cod ku saleysnaa ee soo jiitamayey ku dhawaad 10 sanadood, buu labadii sano ee uu xilka Madaxweynaha hayey wada dumiyey. Marka ma laga filan karaa Madaxweyne Xasan inuu meel ku ogyahay farsamo siyaasadeed oo uu shaqadaas oo dhan kaga mira dhalin karo 24ka biloood ee ka harsan muddo xileedkiisa sharciga ah!

W/Q: Fahad Yaasiin 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Cabdulqaadir Xaaji Eenow oo HOWLGAL lagu dilay

0

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ay howlgal culus ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkan oo ahaa bartilmaameed lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Xaaji Eenow, kana howlgallayay aagga deegaanka Golweyn.

“Dhagarqabe Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa xalay lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka,

Dilka sarkaalka ayaa yimid, kadib markii ay dadka deegaaka xogtiisa lasoo wadaageen ciidamada sameeyay howlgalka ee toogashada ku dilay Cabdulqaadir Xaaji Eenow.

Dhamme Faarax Maxamuud oo ah taliyaha ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad una warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu guuleystay, isla-markaana uu u dhacay sida qorsheeyay, wuxuuna u mahadceliyay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee guusha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada dowladda ay dib ugu soo laabteen xeradooda, kadib khaarijinta sarkaalkaas muhiimka u ahaa Al-Shabaab.

Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli joogaan Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dagaalo ay la galaan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi.