26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo deg deg u tagey Nairobi iyo qorshaha safarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta safar ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo dhiggiisa William Samoei Ruto uu kula kulmay.

Qoraal kooban oo William Ruto uu ka soo saaray safarka madaxweyne Xasan Sheekh iyo kulanka uu la yeeshay ayu uku yiri, “Wadashaqeynta aan la leenahay dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya waa mid miro dhal ah, Gobolka waxaa ka muuqda nabad iyo xasillooni ballaaran,’ ayuu yiri Ruto.

Sidoo kale madaxweynaha Kenya ayaa qoraalkiisa sii raaciyey balan-qaad u dhignaa “Waxaa naga go’an inaan kobcino xiriirkaan.”

Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ruto, labada Madaxweyne ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalkaas ku jooga safarkii 3-aad oo muddo bil gudaheed ah uu ku tegay Kenya.

Booqasho qaadatay ku dhawaad 7 cisho ayuu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre toddobaad ka hor ku tegay Nairobi, halka Xasan Sheekh uu bishii hore ee April labo jeer tagay Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mid ka mid ah safaradaas uga qeyb galay shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Safarka maanta ayaa la sheegay inuu yahay mid Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ku xoojinayaan isbaheysigooda dhanka Gobolka, waxaana arrimaha gaarka ah ee ka wada hadlayaan ka mid ah booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Kenya William Ruto uu 23 bishan May ku tagayo dalka Mareykanka, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Sawirro: Ciidanka Puntland oo qabta hub iyo raggii watay

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada PMPF, gaar ahaan cutubyada qaabilsan iaalinta Badda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub si sharci darro ah lagu soo gelinayey magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Afar nin gaadiid iyo hub ay doonayeen inay si dhuumaaleysi ah ku geliyaan magaalada Boosaas ayaa la soo qabtay, waxaana galabta loo soo bandhigay saxaafadda.

Hubkaan waxaa ku jira qoryo Faal ah, AK47 iyo noocyo kale oo baceysan ayaa la soo bandhigay, ilaa hadda Puntland ma shaacin cidda loo waday hubkaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa ku gaabsaday in baaritaan uu socdo dibna ay ka soo shaaci doonaan natiijada rasmiga ah, isla markaana ay maxkamadda horgey doonaan ragga lasoo qabtay.

Howlgalka lagu qabtay hubkaan wuxuu dhacay xalay, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiisha ciidamada PMPF ee Puntland, kuwaas oo ku guuleystay howlgalkooda.

Ciidanka ayaa qabtay hubkaan xilli ay ku jireen howlgal dhanka badda ah oo xeebaha gobolka Bari ay ka wadeen, waxaana la sheegay inay sii heleen xogta ragaan lasoo qabtay.

“Taliska guud ee ciidamada PMPF wuxuu digniin adag u dirayaa cid kasta oo ku hawlan ka ganacsiga hubka sharci darada ah iyo dembiyada kale ee ka dhan ka ah amniga Puntland, ciddii falalkaasi lagu qabto waxaa la horgay doonaa sharciga, iyagoo mutaysa doonta ciqaab adag,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidamada PMPF ee Puntland.

Hubkaan waxaa loo maleynayaa in Puntland laga soo geliyey dhanka dalka Yemen oo hubku uu qiimo jaban ka joogo, maadaama uu dalkaas burburay oo kala dambeyn aysan ka jirin, kooxo hubeysana ay ka dagaalamayaan, sida Xuutiyiinta oo taageero adag ka hela Iiraan.

Tallaabo kale oo loo qaaday dastuurka ka dib SHIRKII Golaha wadatashiga qaran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka oo maanta shir isugu yimid ayaa yeeshay kulan shaqo oo ay uga hadleen arrimaha horyaallo oo ay ugu horreyso dhammeystirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Kulankan oo kusoo aaday kadib shirkii golaha wadatashiga qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee dastuurka dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale guddoomiyaha guddida oo madasha ka hadlay ayaa warbaxin guud siiyay xubnaha guddiga geeddi socodka dhammeystirka dastuurka, taas oo la xiriirta shaqooyinka u qansoomay iyo kuwa u harsan.

Inta uu kulanka socday waxaa sidoo kale dood adag iyo falaqayn dheer laga yeeshay diyaarinta cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee dastuurka iyo dhammeystirkooda.

Ugu dambeyn Burhaan oo ah guddoomiyaha guddiga oo shirka soo xeray ayaa xubnaha ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan dhammeystirka dastuurka, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan shaqada hortaalla.

Marka laga tego kulankan wuxuu xalay qodobka koowaad ee war-murtiyeedka golaha wadatashiga qaran uu ahaa dhammeynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta:

Golaha ayaa isku raacay in la dardargeliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, wuxuuna ku dhiiri galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

Sidoo kale goluhu wuxuu xukuumadda federaalka iyo hay’adaha sharci dajinta ku dhiiri galiyey dardargalinta sharciyada, xeerarka iyo hay’adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka, si dalka ay uga taaba gasho doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Si kastaba, arrimaha wax ka beddelka dastuurka ayaa waxaa ka taagan dood culus, waxaaba diidan xubnaha mucaaradka iyo Puntland, kuwaas oo si weyn u dhaliilay tallaabada ay qaaday Villa Soomaaliya.

Heshiiska Xasan iyo madax goboleedyada: Waa socon waynee ee aan orodno

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay qodobada kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee xalay lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan ayaa naqdiyay go’aannada kasoo baxay shirkan, wuxuuna tilmaamay in heshiiska madaxweyne Xasan iyo madax goboleedyada uu yahay mid aan socon karin.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay ku fashilmeen madaxdu arrimaha doorashooyinka, haddana ujeedkooda uu yahay isku daneysi KMG ah, sida uu hadalka u dhigay

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Tilmaamta ugu habboon ee heshiiska xalay la gaaray leeyahay waa in uu ahaa isku danaysi ku meel gaar ah, hal ku dhiggiisuna yahay “waa socon waynee aan orodno”.

Sanad ka hor Madaxweynaha iyo afarta maamul gobolleed waxay ku heshiiyeen in 30-ka June oo ah dhammaadka bisha soo socota la qabto doorashooyinka Dowladaha hoose, halka doorashooyinka xubnaha Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo ku xigeenka la qabto 30-ka November ee sanadkan.

Markii lagu guuldaraystay, rajana laga qabin in ay dhacayso ayaa lagu heshiiyey in waqti u qabashada doorashooyinka oo idilba la iska daayo, laguna gaabsado in doorasho qof iyo cod ah oo muddo iyo xilli lahayn la sheego.

Siyaasadda gudcur ku guurka ah ee lagu laray habdhaqanka musuqa, eexda, kali talinta iyo danaysiga waxay nuxuusiyeen, hamigii, hankii iyo ruuxdii dadwaynaha (public sprit), taasoo dilaysa yididiiladii ay shacabku ka qabeen hanaqaadka dawladnimada.

Dadka Soomaaliyeed iyo dunida na taageertaba waxaa dawlad loogu yahay, madaxda shirtayna lagu aqoonsanyahay waa sharciyad siyaasadeed. Madaxweynaha oo sanadkii seddaxaad galay, weli muddo xileedkiisii waqti ayaa uga harsan, laakiin madaxda dawlad gobolleedyada wuu ka dhammaatay, waana in ay ogaadaan in Madaxweynaha iyo muddada doorashooyinka oo la mideeyo midkoodna sharciyad siin karin.

Waxay ku qasbanyihiin in ay doorasho galaan, waxaa hubaal ah in isku danaysiga ku meelgaarka ahi uusan sii waari doonin, dalkana masiir mugdi ah lagu sii wadi karin ee ma iyagoo sita ayey doorasho gelayaan, mise waxay sugayaan inta laga sidan doono?

Askarigii Muqdisho ku dilay Sacad Cabdi Muse oo xukun adag lagu riday maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana, kaas oo dil ka gaystay Timo-jare ku yaalla Muqdisho.

Maxkamadda ayaa ninkan ku heshay dilka Allaha u naxariistee marxuum Sacad Cabdi Muuse, kaas oo dhacay Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024-ka.

Dilka ayaa yimid kadib muran ka dhashay dhinaca kala horreynta timo jaraha, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada oo soo gabagabeysay kiiska ninkan.

Daa’uud aayaa la xukumay dil toogasho oo ah qisaasta marxuumka dilay, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeed ay soo saartay maxkamadda:-

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana ayaa loo heystay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in Eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, Falkaan ayaana ka dhacay Degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bisha shanaad ee sanadkaan 2024 Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamda Qalabka Sida oo Dhageysatay kiiskaan waqti ku Filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn Maanta oo ay taariiikhdu tahay sideed iyo Tobanka Bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Daawo: Biixi oo sheegay in Shabaab saacado ku qabsan karto Muqdisho haddii ay…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay xuska 18-ka May ee aas aaska Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo dagaalka Shabaab.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan xilligan lahayn awood buuxda oo ay ku hanan karto amnigeeda, kulana dagaalami karto, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa carabka ku dhuftay, haddii ay ciidanka Itoobiya baxaan ay Al-Shabaab saacado gudahood ku qabsan karaan magaalada Muqdisho.

“Haddii ay Itoobiya ciidankeeda kala baxdo oo nabadda ka haya oo amnigooda haya gobolka Hiiraan, Bakool, Baay iyo Gedo waa Doolow, illaa Hiiraan, haddii ay ka baxaan saacado ayay Xamar ku qabsanayaan Al-Shabaab” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Itoobiya, haddii ay baxdo maxaa ku difaaceysaa, su’aasha ugu murunka badan ee uu caalamka is weydiinayo waa taas”.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inuu iska indho tirayo wixii dhacay 33-dii sano ee lasoo dhaafay.

Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer, ayna yihiin laba waddan oo daris ah, uuna ka dhexeeyo wax wada qabsi.

“Xasan Sheekh waa war moog 33 sano ee ugu dambeeyay kumanaan Soomaali ah oo dhalinyaro ah oo rag iyo dumarba leh oo wax kusoo bartay Itoobiya ayaa maanta inta u badan tacliinta iyo caafimaadka ka haya Soomaaliya” ayuu mar kale yri Muuse Biixi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kacsanayd xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo dowladda federaalka, taas oo ka dhalatay heshiiska badda.

Daawo: Al-Shabaab oo hal goob ku aasay dad ka badan 2 kun – Sidee wax u dhaceen?

09Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Nabadoon Muxudiin Maxamed oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka sheekeeyay xaaladda degmadaas iyo dhibaatooyinkii ay ka gaysatay kooxda Al-Shabaab.

Muxudiin Maxamed oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in muddadii ay kooxda joogtay halkaasi ay dhibaato ba’an ka gaysatay Aadan Yabaal, isla markaana ay barakaceen inta badan shacabka, markii ay ku adkeesan waayeen dhibaatada Al-Shabaab.

“Aadan Yabaal nimankan waxay joogeen 16 sano oo maalmo dhiman, magaaladaan waxaa joogay 2,319 qofood, maalinta dowladda hadda joogto Xasan Shekeh ay noo imaaneysay 12 qoys oo kaliya ayaa daganeyd degmadan” ayuu yiri Nabadoon Muxudiin Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maydadka dadkii ugu badnaa ay ku aaseen buuro degmada ku yaalla, kuwaas oo tiradoodu ku sheegayinayinay ka badan yihiin 2,800 oo qof.

Nabadoonku waxa uu tilmaamay in dadkaas lagu soo dilay meelo kala duwan, balse aysan garaneyn sababta loo laayay.

“Burarkan aad u jeedo iyo bannaankan oo dhan waxaa ku aasan ugu yaraan 2,800 oo qof oo mid walba meel laga keenay aan la aqoon” ayuu wareysiga ku yiri Muxidiin Maxamed.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in kooxdu ay qarin jirtay qabuurahaasi, ayada oo xeelad adeegsaneysa, si aysan u ogaan dadka shacabka ah.

“Khawaarijtu waxa ay ahaayeen niman aad u khibrad badan, dadweynuhana way baqdin galin jireen” ayuu mar kale yiri Odaygu.

Aadan Yabaal oo saldhig wayn u ahayd Al-Shabaab ayaa sanad kahir laga xoreeyay, waxaana ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.


Somaliland oo shaacisay in Itoobiya aysan u ogolaan doonin dhismaha dekad cusub

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa sheegtay inay fileyso in dhowaan la soo geba-gebeeyo saxiixa heshiiska ay la galeyso Itoobiya, kaasi oo is-afgaradkiisa lagu saxiixay magaalada Addis-Ababa bishii Janaayo 2024.

Is-afgaradka ay saxiixdeen labada dhinac ayaa lagu warramay inuu dhigayo in Somaliland ay Itoobiya siiso dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidamada badda ah, halka Addis-Ababa ay aqoonsaneyso Hargeysa.

Si kastaba, waxaa hadda soo baxeysa in Somaliland aysan Itoobiya u ogolaan doonin dekad cusub, taa beddelkeedna ay dooneyso inay isticmaasho dekadda Berbera ee horey u dhisneyd.

Dekedda Berbera ee Somaliland “waxa ay diyaar u noqon doontaa dhammaan hay’adaha ay ku jiraan ganacsatada Itoobiya iyo dawladda inay isticmaalaan,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire oo u warramayay warbaahinta DW ee Jarmalka. “Sidaas darteed deked kale looma baahna in la dhiso.”

Qodobka dekadda ayaa horey walaac uga dhex-abuuray Somaliland ayada oo aqoonyahano badan ay sheegeen in aysan xikmad ku jirin in Somaliland ay Itoobiya siiso dhul ay dekad ka dhisato, taasi oo dhaawici karta isticmaalka dekadda Berbera.

Dhinaca kale, warbaahinta DW ayaa sheegtay in guddi farsamo oo uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi ay dhowaan soo gudbiyeen talooyin ku aadan heshiiska lala saxiixayo Itoobiya.

Kooxdan oo ay ku jiraan “shirkado caalami ah oo ku takhasusay sharciga iyo qareeno Somaliland ah ayaa billaabay in ay ka shaqeeyaan warqadda mowqifka Somaliland,” si loo gaaro heshiiska ugu dambeeya, sida ay sheegeen ilo ku dhow dowladda.

Somaliland ayaa lagu warramay inay soo bandhigtay saddex goobood oo suurtagal ah oo ay Itoobiya ka kireyn karto si ay uga sameysato saldhigeeda ciidamada badda.

“Saddexdan goobood ee aanu ka tashanayno magacyadooda si dhab ah uma sheegayo, balse waa wax aan isla go’aamin doonno dhiggeena Itoobiya,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Ciise Kayd oo u warramayay DW.

“Isla marka aan saxiixno heshiiska oo aanu ku heshiino saldhigga ciidamada badda iyo dhammaan shuruudaha ku xiran, oo aanu ku qanacnay — isla markiiba Itoobiya way ku dhawaaqi doontaa oo ay aqoonsan doontaa Somaliland,” ayuu yiri.

“Waxaan u maleynayaa oo aan dhihi lahaa bilaha soo socda, ama laga yaabaa in laba bil ama wax la mid ah la dhammeeyo,” ayuu yiri Kayd.

Muxuu Saciid DENI ka yiri go’aanada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka hadlay munaasabad ka dhacday magaaada Garoowe ayaa ka horyimid qodobadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee kusoo dhamaaday Muqdisho.

Saciid Deni oo si cad uga horyimid war-murtiyeedka shirkaas ayaa sheegay in aanu quseyn Puntland, isla markaana aysan qayb ka ahayn golaha wadatashiga qaran.

“Dowladda Puntland qeyb kama ahan Golaha Wadatashiga, namana quseeyaan waxa ka soo baxay,” ayuus yiri Deni oo ka hadlayay qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda dowladda federaalka ay ka shaqeynayaan kala go’ taas oo uu sheegay inay saameyn ku yeelan karto midnimada dalka.

“Midnimo ma jirto ee waxa socda waa kala go’ laga shaqaynayo, mas’uuliyaddana waxaa qaadaya dowladda federaalka” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Hadalkan wuxuu maanta  Saciid Deni ka sheegay shirka jiheynta xukuumadda Puntland oo ka furmay magaalada Garoowe, kaas oo socon doono saddexda cisho ee soo socota.

Shirka uu ka horyimid Deni oo ka dhacay xarunta Villa Somalia ayaa waxaa xalay laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 4 qodob oo lagu sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.

Sidoo kale golaha ayaa wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyadoo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.

Si kastaba, Puntland ayaa horay gebi ahaan xiriirka ugu jartay dowladda dhexe, sababo la xiriira wax ka beddela dastuurka KMG oo ay meel-mariyeen xildhibaannada labada Gole.

Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay qodobada kasoo baxay shirkii Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) –  Falcelin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay shirka lasoo gabagabeeyay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 4 qodob,kuwaas dhaliyay facelin badan oo ay ka sameeyeen dadka isticmaala baraha bulshada.

War-murtiyeedka ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.

Sidoo kale golaha ayaa wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyadoo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.

Haddaba, sidee looga faceliyay qodobada kasoo baxay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka?.

Qaar kamid ah dadweynaha ka falceliyay shirka ayaa dhaliilay natiijada kasoo baxday, waxayna sheegeen in aan lasoo hadal qaadin arrimaha muhiimka ah, sida doorashooyinka.

Cabaas Madani “Hadda ma waxaan ayaad dhawr maalmood u fadhideen? Shimbirayahow heesa weeye, maxaa dadka Soomaaliyeed been loogu sheegayaa fashil ayuu kusoo dhamaaday shirku?”

Xasab Cabdullaahi “War-murtiyeed an waxba ka jirin arrimaha dooroshooyinka aaway fashil”?

Axmed Cabdiraxmaan “Soomaaliya waa meel dadka lagu maaweeliyo, hadda maxaa cusub ood soo saarteen”.

Cabdi Diiriye “Arrimihii ugu xasaasisanaa ee doorashooyinka waa la’isku khilaafay miyaa? Dadku xoolo ma’aha, waa la soo jeedaa”.

Cabdicasiis Cali “Wuu fashilmay ma dhihi karnee aan wax uun xar-xarriiqna la dhahaa alaabtan”.

Xudeyfa Cabdi “Waa shir fashilmay. maadama uusan kaso bixin wax go’aanno masiiri ah”

Maxamed Xasan “4 maalin waxaad ka shireyseen ma waxaan ay ahaayeen? Aaway qodobkii ugu muhiimsanaa we doorashooyinka”.

 

DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho, si looga hortego dhibaatooyinka soo kordhay ee dilalka, qaraxyada iyo dhaca ay gaysanayaan kooxaha burcadda ah.

Ciidamada ayaa la arkayay iyaga oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada waddooyinka, kuwaas oo lagu hubinayo gaadiid, sidoo kale waxa ay sameeyeen howlgallo rag kala duwan lagu soo qabtay.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inuu qaaday tallaabo lagu xoojinayo baraha koontarool ee ciidamada, si loo sii kordhiyo howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda gudaha caasimada iyo hareeraheeda.

“Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo muhiimad siinaaya sugidda amniga magaalada Muqdisho ayaa xoojiyey baraha Kontorolada ee ku yaala hareeraheeda magaalada Moqdisho Si loo adkeeyo amniga Caasimada” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale waxaa kormeer la xiriira amniga sameeyay taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo isna booqday fadhiyada ciidanka booliska, isaga oo u kuurgalaya shaqooyinka ay hayaan ciidamada.

Macallin Mahdi ayaa ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah si looga adkaado kooxaha Khawaarijta ee dhibaateynaaya shacabka magaalada Muqdisho.

Muqdsho ayaa waxaa horay ay dowladda uga sameysay qorshe guuleystay oo ahaa sameynta ciidanka Boolis Milataaro oo xasiliyay amniga caasimada, maadaama muddo laga nastay weeraradii iyo qaraxyada joogtada ahaa ee ay Shabaab ka gaysan jirtay caasimada.

Somaliland oo si wayn looga xusay 18-ka May + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland ee lagu qabtay munaasibad lagu xusayey 33-guurada kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb-galay madxweynaha Somaliland, hoggaanka xisbiyada, shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, iyo dadweyne kala duwan oo isku soo baxay.

Ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa sidoo kale munaasabaddan si wayn uga qaybqaatay, waxayna soo bandhigeen dhoolatus cajiib ah oo ay uga qayb-qaadanayaan xuska sanadka 33-aad ee aas aaska Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan Ictiraafka ay muddada dheer ay raadinayaan.

Biixi ayaa sheegay in arrintooda ay ka duwan tahay xaaladaha ka jira Afrika, loona baahan yahay in dib loo eego, isaga oo ku faanay in Somaliland ay gaartay isku filnaan buuxda.

“Arrinta Somaliland way ka duwan tahay khilaafaadka ka jira Afrika, waana dooneynaa in dib loo eego” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyn Muuse Biixi.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Somaliland ma’aha dal ka goosanaya dal kale, ee mid weliba waxay qirsan tahay inay ahaayeen labada dal oo isku tegay”.

Xuska 18-ka May ee Somaliland ayaa sanadkan kusoo aaday, ayada oo ay taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiis ay xukuumadda Biixi lasoo gashay dowladda Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka, maadaama uu taabanay arrimaha badda.

Si kastaba, Somaliland oo ayadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya ayaa waxay sanadihii dambe horumar ka sameysay dhinacyo badan, inkasta oo illaa hadda uusan jirin dal ku dhiiraday in uu u aqoonsado dal madax-banaan.

Muddo kororsi cusub miyaa socda mise awooddu waxay gashay gacanta DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa galabta la soo gabagabeeyey shirka golaha wadatashiga qaranka, iyadoo aan laga soo saarin qodob aad xasaasi ah, markii la eego marxalada dalka iyo doorashooyinka dowlad goboleedyada oo waqtigoodii lagu dhowyahay.

Markii uu soo baxay war-saxaafadeedka shirka waxaa durba cirka isku shareeray guuxa bulshada, waxaana galay dareen muddo kororsi oo ku jira madaxda.

Dhamaan dowlad goboleedyada waxaa la gaaray waqtigii ay aadi lahaayeen doorashooyinka, waxaa ugu soo horeysa Jubbaland oo Agoosto uu ku egyahay waqtiga Axmed Madoobe, waxaa ku xiga Laftagareen oo December uu ku egyahay waqtigiisa, halka Axmed Qoor Qoor laga doonayo inuu xafiiska baneeyo bilowga sanadka soo socda bisha Febraayo.

Dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ee hadda joogay waxay sameysteen muddo kororsi, Qoor Qoor iyo Guudlaawe waxay si dadban muddo kororsiga ugu sameysteen wax ka bedel ay ku sameeyeen mudada xil heynta madaxweynaha oo 5 sano la gaarsiiyey intii ay xafiiska joogeen.

Axmed Madoobe waligiis kama degin xukunka Jubbalnd, halka Laftagareen uu madaxda kale kala mid ahaa kordhinta muddo xileedka dowlad goboleedka, balse 5-tii sano ee uu sharciyeystay waxaa hadda u dheer sanad kale oo weli socda.

Dhamaantood waxaa la sheegay in hadda ay ku fekerayaan muddo kororsi, dadka Soomaaliyeed waxay sugayee waxa ay doorashooyinka ka dhihi doonaan madaxda shireysay ee golaha wadatashiga qaran, balse waxay ku gaabsadeen in Xasan Sheekh uu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxay madaxdu muujiyeen inay ku qanacsan yihiin in la maro wadiiqada lagu dhameystirayo dastuurka ee dowladda federaalka ay majaraha u heyso, balse dowlad goboleedyada ayaa la sheegay inay hadda ogaadeen in qof ka mid ah uu dhabar-jab ku yahay, balse lagu gaaday.

Dastuurka qodobada la ansixiyey iyo go’aankii ka soo baxay shirkii kan ka horeeyey ee golaha wadatashiga qaran waxaa ku cad in wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay soo magacaabeyso guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada, taas oo madax-goboleedyada ay hadda ku baraarugeen.

Lama oga in qodobkaas ay ogolaa doonaan, halka dowladda federaalka ay ka go’antahay in awoodaas ay xaqiijiso, taas oo loo maleynayo inay horseeday in war-saxaafadeed aan lagu soo hadal-qaadin arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada.

Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in qorshihiisu yahay in la mideeyo doorashooyin dowlad goboleedyada, taasi oo muujineysa in qorshe fog ay dowladda federaalku ka leedahay qaabka loo qabanayo doorashooyinka, sidoo kale nooca ay noqoneyso doorashada dowlad goboleedka, wuxuu gogol-dhig u yahay doorashada soo socota ee dowladda federaalka.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in qorshaha dowladda federaalka uu yahay in wadanka dhan uu halmar doorasho aado, iyadoo shacabku ay soo wada dooranayaan xildhibaan gobol, mid federaal, madaxweyne gobol ilaa madaxweynaha federaalka, balse ma jiro qorshe cad oo lagu gaari karo taas, madaxda dowlad goboleedyadana u saamaxaya inay kursiga sii joogaan.

Aqriso: Saddexda qodob ee ugu muhiimsan heshiiska golaha wadatashiga qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo afar maalmood ka socday Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyey maanta, iyadoo laga soo saaray bayaan bayaan dheer, balse warbixinteena waxaan ku eegi doonaa 3 qodob oo ugu muhiim sanaa go’aanada lagu gaaray shirkaas.

Qodobka koowaad waa Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta:

Goluhu wuxuu isku raacay in la dardargeliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay. Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

Sidoo kale goluhu wuxuu xukuumadda federaalka iyo hay’adaha sharci dajinta ku dhiiri galiyey dardargalinta sharciyada, xeerarka iyo hay’adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka, si dalka ay uga taaba gasho doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Qodobka labaad: Golaha ayaa markale isku raacay in aminigu uu udub-dhaxaad u yahay qorshayaasha dawalad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Golohu wuxuu ku heshiiyay in si wad-jir ah looga wada qayb-qaato la dagaalanka Khawaarjita, islamarkaana la laba jibaaro gulufka lagu afjarayo nabadiidka.

Golohu wuxuu taageeray dadaallada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka sida iyo talaabooyinka ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka, kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

Qodobka 3-aad: Goluhu wuxuu qiimeeyay saameynta ay shacabka Soomaaliyeed ku yeesheen roobabka xooggan ee ka da’ay qaybo ka mid ah dalka, wuxuuna goluhu hay’adaha gargaarka ee heerarka dawladda faray dardargelinta gurmadka dadka ay waxyeeladu soo gaartay, iyadoo shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay inay isu gurmadaan.

Ugu dambeyntii Goluhu wuxuu Xukuumada iyo hay’adaha caalamiga ah ku dhiiri galiyey inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka hortaga iyo maaraynta saamaynta isbedelka cimilada.

Shirkaan wuxuu socday afar maalmood, waana shirkii 9-aad oo masuuliyiintaan ay isugu yimaadeen tan iyo markii uu xafiiska yimid madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo intaasna uu ka maqnaa madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeyso Xasan Sheekh.

Xujeyda Soomaaliyeed ee Madiina oo boogatay goobo aad muhiim ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa galabta booqasho ku tagay qaar ka mid ah goobaha barakeysan ee magaalada Madiina Al-munawara ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Goobaha ay Xujeydu booqdeen waxaa ka mid ah Masjidka Nabiga CSW, Masjidu Qubaa, Buurta Uxud iyo Qabuuraha Shuhadada ee Uxud.

Safarkaan barakeysan waxaa xujeyda Soomaaliyeed ufududeeyey Masuuliyiinta ka tirsan wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee JFS, kuwaas oo qaabilsan inay ka shaqeeyaan Arrimaha Xajka.

Qeybtii ugu horreysay ee Xujeyda ayaa ku sugan Magaalada Madiina, iyadoo maalmaha soo socda ay gaari doonaan qeybaha kale.

Dalka waxaa wali ku sugan xujey badan oo baxaysa Sabtida berri maalmo ay ugu soo horeyso, kuwaas oo diyaar garow ugu jira sidii ay ku gaari lahaayeen dhulka barakeysan una soo xaji lahaayeen sanadkaan.

Wasiirka Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa labo maalin ka hor Muqdisho ka sagootiyey xujeyda gaartay Sacuudiga, waxaana safarkii ugu horeeyey ju baxay 500 oo xujey ah.

Guud ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan baxaysa ayaa gaareysa 11 kun, waxaana xusid mudan in sanadkaan arrimo siyaasadeed ay Puntland uga hartay qeybsiga xujeyda ka baxeysa deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo xujeydii ugu horeysay Muqdisho ka sagootiyey ayaa sheegay in sanadkaan uu ka wanaagsanaa doono sanadihii hore, isla markaana adeegyo muhiim ah oo dhameystiran ay heli doonaan xujeyda Soomaaliyeed, sida uu balan-qaaday.

War-murtiyeed culus oo laga soo saaray shirka Xasan iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ayaa laga soo saaray war-murtiyeed.

War-murtiyeedkan oo ka kooban Afar qodob ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen qodobo ay kamid yihiin; 1- Sugidda amniga iyo la-dagaalanka argagixisada, 2- Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta iyo 3- Arrimaha bani’aadamnimada.

Golaha ayaa wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyadoo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran;

GOLAHA WADATASHIGA QARAN (GWQ)

WAR-MURTIYEED

1. Hordhac

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho 14-17 May 2024. Shirka waxaa kasoo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane YuusufXuseenJimcaale (Madaale).

GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya dhinacyo badan oo xaalada dalka ah. Sidoo kale GWQ wuxuu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, dhameystirka Dastuurka KMG, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta, saameynta roobabka iyo qodobo kale.

2. Warbixinno

GWQ wuxuu warbixin balaaran ka dhagaystay Hoggaamiyaha ku-meelgaadhka ah SSC­ Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, hoggaamiyaha oo golaha uga warbixiyay xaaladaha amni iyo bulsho ee SSC-Khatumo.

GWQ wuxuu Xafiiska Aminga Qaranka ka dhagaystay warbixin qoto-dheer oo ku saabsan guushii laga gaadhay cunaqabtayntii mudada 32 Sano ah saarnayd dalka, sidoo kale Xafiiska Aminga Qaranka wuxuu goloha uga waramay masuuliyada maaraynta hubka, khataraha qaranku waajahayo, iyo qorshaha dowlada ay dajisay kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

GWQ wuxuu Taliska Ciidanka Xooga dalka ka dhagaysatay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha dalka looga sifaynayo Khawaarijta

GWQ wuxuu warbixin ku saabsan barnaamijka xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada ka dhageystay Xukuumadda.

3. Bogaadin

GWQ waxaa uu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ka gaareen ciribtirka kooxaha argagixisada ee khawaarijta.

GWQ wuxuu Xukuumada Federaalka ku bogaadiyay guulaha ay ka gaadhay arimaha dayn cafinta, dhaqaalaha, ka mid noqoshada Urur-goboleedka Bariga Afrika iyo siyaasada arimaha dibada.
Goluhu wuxuu bogaadiyay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee afarta cutub ee Dastuurka KMG.

GWQ wuxuu sidoo kale dawalada ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto ka mid noqoshada Goloha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

4. Go’aamada shirka ka soo baxay

GWQ wuxuu si qoto-dheer u falanqeeyay xaalada aminga, siyaasda, iyo xaalada bini aadnimo ee dalku marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshiisyadii iyo war-murtiyeedyadii shirarkoodii hore, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:

4.1. Sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada

GWQ wuxuu markale isku raacay in aminigu uu udub-dhaxaad u yahay qorshayaasha dawalad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Golohu wuxuu ku heshiiyay in si wad-jir ah looga wada qayb-qaato la dagaalanka Khawaarjita, islamarkaana la laba jibaaro gulufka lagu afjarayo nabadiidka.

Golohu wuxuu taageeray dadaallada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka-sida iyo talaabooyinka ay kula-wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

4.2. Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta

Goluhu wuxuu isku raacay in la dardargeliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay.

Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

GWQ wuxuu Xukuumada Federaalka iyo hay’adaha sharci dajinta ku dhiiri galinayaa dardargalinta sharciyada, xeerarka iyo hay’adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka si dalka ay uga taaba gasho doorasho hal qof iyo hal cod ah.

4.3. Arrimaha bani’aadamnimada

GWQ wuxuu qiimeeyay saameynta ay shacabka Soomaaliyeed ku yeesheen roobabka xooggan ee ka da’ay qaybo ka mid ah dalka.

GWQ wuxuu hay’adaha gargaarka ee heerarka dawladda farayaa dardargelinta gurmadka dadka ay waxyeeladu soo gaartay wuxuuna. shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay isu gurmadaan.

GWQ wuxuu hay’adaha caalamiga ah ugu baaqayaa iyo kuwa maxaliga ahba in ay gacan siiyaan dadka ku tabaaloobay fatahaadaha xad dhaafka ee saameeyay qayb ka mida dalka.

Sidoo kale GWQ wuxuu Xukuumada iyo hay’adaha caalamiga ah ku dhiiri galinayaa inay si wada jira uga shaqeeyaan ka hortaga iyo maaraynta saamaynta isbedelka cimilada.

DF oo shaacisay arrin yaab leh oo dagaalka socda uu ku qasbay madaxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab ay wajahayaan culeyskii u weynaa iyo xaalad quus ah, islamarkaana uu dagaalka socda uu gaarsiiyay inay ku fikiraan in ay iskaga baxaan dalka.

Inkasta oo si madax banaan loo xaqiijin karin baaxada xaaladda quusta ah ee dowladda sheegtay, haddana waxaa marag ma doon ah in kooxda ay bilihii u dambeeyay iyo tan iyo markii uu bilowday gulufka ka dhanka ah ay wajaheyso culeys aysan weligeed arkin.

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa ku dheeraaday guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, oo qeyb ka ah guulaha ay dowladda Xasan Sheekh ku faaneyso labada sano ee tegtay.

Xuseen ayaa sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh oo haatan laba sano u buuxsantay ay wax badan oo muuqda ka qabatay dhanka amniga guud ee dalka.

“Madaxda Al-Shabaab hadda waxay marayaan heer ay ku fakarayaan in dalka isaga cararan ama is-dhiibaan, taasi waana waa wax ay horseed u noqotay dowladda, iyada oo kaashaneysa shacabkeeda,” ayuu yiri La-taliye madaxweynaha Xuseen Macalin.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howl-gallada kooxda ka dhanka ah ee ka socda gobollada dalka iyo qorshaha amni ee caasimada uu wax weyn ka taray xasiloonida Muqdisho oo markii hore dhibane u aheyd kooxda.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh dhanka amniga dalka wax weyn ayuu ka qabtay tan iyo markii uu yimid, waxaana cadeyn noogu filan in (Shabaab) daafaha Muqdisho weerarada ka soo qaadi jiray oo gudaha Muqdisho ka fulin jiray howl-gallada ay dadka ku dhibaateyn jireen in haatan mar hore meesha laga saaray oo hadda dowladdu gacanta ku hayso dhul baaxad leh oo Khawaarijta ka talin jirtay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Laga bilaabo Balcad illaa gobolada dhexe dhanla Waqooyi waa xor oo cabsi ah maleh oo qof walba ayaa baabuurkiisa safar dhulka ah ku tagi kara.”

Howl-gallada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa bilowgii hore keenay natiijo wax ku ool ah iyo in kooxda laga fara-maroojiyo dhul baaxad leh oo sanado badan ay ka talinayeen, inkasta oo bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka, haddana waxaa socda qorshe dhiig cusub lagu shubayo si ay dowladda usii xajisato libinta dagaalkan.

ITOOBIYA oo si weyn uga carootay hadal uu jeediyey safiirka MAREYKANKA

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa diiday khudbad uu jeediyay safiirka Mareykanka oo ku baaqay in si wanaagsan loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay khudbaddaas ku tilmaantay “mid aan la rabin” iyo “talo-xumo”.

Isagoo booqanaya dhisme taariikhi ah oo dhowaan dib loo dayac-tiray oo ku yaalla caasimadda Addis Ababa Abacadii, ayaa danjire Ervin Massinga wuxuu ku baaqay “hannaan cadaalad oo hufan” si wax looga qabto warbixinnada ku saabsan dilalka aan sharciga ahayn, xarigga aan sharciga ahayn, tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada kale.

“Cidda ay mas’uuliyadda ka saaran tahay inay maamulaan Itoobiya, dowladda halkan, waddanku wax badan ayuu ka helayaa nabadda marka loo barbar dhigo furimaha dagaalka,” ayuu yiri.

“In la xiro oo la dhibaateeyo dadka dhaliila dowladda ma xalineyso arrimaha ay tahay in wax laga qabto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa cambaareysay khudbaddii Khamiista, iyada oo sheegtay in ay ku jireen “eedeymo iyo talo aan loo baahnayn oo ku socda dowladda Itoobiya.”

“Hadalkaasi waa mid talo-xun, waxaana ku jira sheegashooyin jaahilnomo ah. Waa mid liddi ku ah xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Maraykanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda.

Khudbadiisa ayuu Massinga ku ku eedeeyay “dhammaan jilayaasha hubaysan” inay dalka ka geysteen dhibaatooyin bani’aadannimo, oo ay ku jiraan barakicinta rayidka.

Waxa uu ugu baaqay dagaal-yahanada kooxaha kala duwan ee hubaysan, oo ay ku jiraan kooxda Oromada ee OLF oo ay dpwladdu u aragto “urur argagixiso” – maleeshiyada is-difaaca ee Fano iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga (TPLF) in ay dalabkooda ku soo bandhigaan wada-hadal halkii ay rabshado ku raadin lahaayeen.

Itoobiya oo ah dalka in ka badan 80 bulshooyin oo ku hadlay luuqado kala duwan iyo dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika waxaa sanadihii dhowaa ka jiray dagaalo qowmiyadeed oo ku saleysan dhul sheegasho.

Waddamada Carabta oo si weyn u garab istaagay Somalia xilli ay is-hayaan Itoobiya

0

Manama (Caasimada Online) – Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta meertadiisa 33-aad oo lagu soo gaba-gabeeyay dalka Baxreyn ayaa markale taageero loogu muujiyay Soomaaliya.

Shir-madaxeedkan ayaa waxaa bayaan laga soo saaray waxaa lagu xaqiijiyay in ay si hagar la’aan ah u taageersan yihiin madax-bannaanida, wada-jirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda iyo midnimada loogana hortaggo tallaabo kasta oo wax u dhimi karta.

Sidoo kale waddamada Jaamacadda Carabta waxay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto la-dagaallanka Al-Shabaab, sugidda amniga dalka, xasilloonida iyo horumarinta geeddi-socodka horumar waara iyo barwaaqo si ay u gaaran shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay shirkaan ayaa madaxda kale la wadaagay dadaalada iyo horumarka weyn ee dowladda ay ka gaartay dagaalka argagixisada, sugida amniga, hormatinta dhaqaalaha iyo dowladd wanaaga.

Xamza ayaa sidoo kale madaxda Carabta u sheegay intii uu socday shirka in Itoobiya aysan weli ka laaban heshiis beenaadkii ay ku dooneyso qeybo kamid biyaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay wado qorshe ay jid ugu bixineyso heshiiska badda.

“Itoobiya weli kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa khudbaddiisa ku dul istaagay faro-gelinta ka dhanka ah madax-bannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday xukuumadda Addis Ababa, taasi oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka, uuna inta badan caalamka ku taageeray.

Itoobiya ayaa tan iyo markii ay qalinka ku duugtay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland waxay wajaheysa cadaadis diblumaasiyadeed, waxayna hadda isku dayeysa inay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan maamullada xulafeysi la sameysato, taasi oo uga sii dareysa xiisadda labada dhinac.

Firdhiye iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran: Dhibco mise dhirbaaxo siyaasadeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Arbacadii waxaa shirka Goalaha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho uu wareysi la yeeshay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, kaas oo la sheegay inuu howl kale u joogay magaalada Muqdisho.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa markii hore ku fashilantay inay caddeyso ujeedka safarka Firdhiye. Mar waxay sheegeen inuu u yimid in uu shirka ka qeyb-galo kadibse waxay beddeleen qoraalkii oo waxay sheegeen inuu arrimo shaqo oo kale u yimid.

Firdhiye iyo Khaatumo kuma jiraan madashan. Ma ahan inay sida Puntland diideen ee shirka waxaa qabata dowladda dhexe, taas oo aan weli aqbalin inay Khaatumo xubin ka noqoto golahan ama ay u aqoonsato maamul goboleed rasmi ahaa.

In shalay Firdhiye golaha tago waxaa la sheegay inuu sababteeda lahaa hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, kaas oo golaha ku cadaadiyay inuu Firdhiye madasha yimaado oo ugu yaraan la dhageysato xaalka deegaanada Khaatumo.

Micnuhu tani ma aheyn garashada dowladda dhexe. Maamulkan la yiraahdo Khaatumo illaa hadda looma aqoonsano maamul goboleed rasmi ah, laakiin waxaa la filaayay inay dowladda dhexe siiso maqaan lamid ah midka magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir isaga oo aan maamul goboleed aheyn ayuu shirkaan ka qeyb-gala, waxaana la filaayay in ugu yaraan intaas oo kale loo ogolaan doono Khaatumo, balse tiina waa socon weysay.

Wareysigii Arbacadii lay marka dhanka siyaasadda laga eego Firdhiye leeyahay weli xitaa laguma siinin aqoonsi gaarsiisan midka Banaadir oo iyadu boos joogta ku leh golahan, fadhisayna halkii lagu wareysanaayay hoggaamiyaha Khaatumo.

Laakiin marka dhinaca kale laga istaago in Firdhiye oo Xamar jooga aan marna shirka qaabilin waxay ahaan laheyd mid aan u fiicneyn madaxda halkaasi ku shirsan.

Isaga, Firdhiye ahaan wuxuu u muuqda nin weli xoojinaya inuu maamulka noqdo mid haysta aqoonsi iyo ogolaansho dhameystiran, taas waa in lagu bogaadiya.

Inuu kulamada nuucaan ah tago Firdhiye, oo uu ka sheego qadiyadooda waxay dadka reer Khaatumo ka heli karaan xooga nafs siyaasadeed ah, dejin shacab, rejo mustaqbalka ah ayaana laga dheehan karaa iyo inay dhinac kale weli shaqo badan h dhiman tahay reer Khaatumo oo u halgamaya inay maamul buuxa noqdaan.

Wareysiga Firdhiye ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal-hayay in maamulka Somaliland uu diyaarinayo dagaal rogaal-celis ah oo uu ku qaado magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.