26.7 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Xamza oo kashifay qorshe ay wado dowladda Itoobiya oo la xiriira heshiiskii BADDA

Manama (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka 33-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta ay ku yeesheen magaalada Manama ee dalka Baxrayn ayaa si adag uga hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haysa damaca guracan ee Addis Ababa.

Xamza ayaa madaxda Carabta u sheegay in Itoobiya aysan weli ka laaban heshiis beenaadkii ay ku dooneyso qeybo kamid biyaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay wado qorshe ay jid ugu bixineyso heshiiska badda.

““Itoobiya weli kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu Xamza la wadaagay Madaxda Boqorrada, Madaxweyneyaasha iyo Amiirrada Carbeed xaaladda dalkeenna, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dib-u-habaynta laamaha amniga iyo xasilinta dalka.

Xamza ayaa khudbaddiisa ku dul istaagay faro-gelinta ka dhanka ah madax-bannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday xukuumadda Addis Ababa, taasi oo ay meel adag iska taagtay dowladda federaalka, uuna inta badan caalamka ku taageeray.

Itoobiya ayaa tan iyo markii ay qalinka ku duugtay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland waxay wajaheysa cadaadis diblumaasiyadeed, waxayna hadda isku dayeysa inay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan maamullada xulafeysi la sameysato, taasi oo uga sii dareysa xiisadda labada dhinac.

Si kastaba, dowladda federaalka ayaa dhawaan magacowday gudduga qaran ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya ee salka ku haysa heshiiska is-afgarad ee bishii Janaayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Xog: Go’aano xasaasi ah oo lagu gaaray shirka golaha wadatashiga iyo Xasan oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ayaa Arbacadii lagu wareystay shirka, Axmed Madoobe ayaa sabab u ahaa in loo ogolaado inuu shirka tago oo madaxda warbixin siiyo. Kadibna waxaa loo gudbay in laga hadlayo in arrimaha guddiga doorashooyinka qaranka dib loo dhigo oo laga fikiro muddo kororsi aamusan.

Maalinkii 1-aad: Waxa uu shirka xooga saaray la-dagaalanka argagixisada iyo dhameystirka iyo dhameystirka dastuurka uu muranka badan ka taagan yahay.

Maalinkii 2-aad: Wareysiga Firdhiye iyo arrimaha guddiga doorashooyinka ayuu xooga saaray golaha.

Maalinta 3-aad: Waxaa madaxda maamullada loo jeediyay sharaxaad ay Madaxtooyada soo diyaaarisay oo la xiriirta dagaalka, tirada ciidanka, qorshaha iyo nooca hubka. Waxaana goluhu warbixin ka dhageystay wasiirka gaashaandhiga iyo taliska ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ku harqiyay mowduuca la-dagaalanka argagixisada, iyada oo madaxda maamullada fursadooda laga dhex tusay dagaalka kadib.

Inkasta oo madaxda maamullada ku jahwareersan yihiin waxa ay muddo xileed la’aan ku kabi karaan qorshaha Xasan Sheekh ee la-dagaalanka argagixisada, haddana si uu Xasan Sheekh guul u arko ayaa la iskugu soo dhaweeyay arrimaha dagaalka.

Saddexdii maalmood ee uu shirkan socday, madaxweynaha ayaa aad iskaga ilaalinayay inuu bixiyo fursad toos ah oo muddo kororsi ah oo lagu qori karo war-murtiyeedka..

Shalay qaar madaxda maamullada kamid ah ayaa la wariyay inay dalbadeen in doorasho qabsadaan, Xasan Sheekhna waxaa la sheegay inuu ku jawaabay inuu ogol yahay doorasho qof iyo cod ah oo keliya oo haddii ay qaban karaana uu diyaar u yahay inuu wax walba ku kabo. Wax walba oo ay ugu kacdo madaxweyne Xasan ma ogola doorasho dad-ban.

Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay Xasan Sheekh waxaa laga dhadhansaday inuu rabo in aan hadda la cadeynin xilliga ay dhacayaan doorashooyinka maamullada, wuxuuna bedelkeeda ka hadlayaa haddii la qaban karo doorashooyinka dowladaha hoose, taas oo uu madaxweyne Xasan u arko inay soo afjari karto mashruuca doorashada dadban.

In madaxda maamullada la yiraahdo aan dagaalka aadno, markii aan meel fiican ka gaarno aan iskugu imaano arrimaha doorashooyinka, ka horna anigu far ma saarayo guddiga doorashooyinka, saasna aan isku aamino ayuu Xasan Sheekh leeyahay ayaa laga soo wariyay mid kamid ah madaxda maamullada.

Haddey taasi dhacdo nuxurkeedu waa muddo kororsi aamusan oo aan warqad ku qorneyn, laakiin ragga hadda kuraasta ku fadhiya ayaa iska sii joogaya, waxaana la eegaya halka uu dagaalka gaaro iyo waqtiga uu qaadan karo.

Arrintan nuxurkeedu keliya ma ahan muddo kororsi qarsoon ee waa in sidoo kale uu madaxweyne Xasan Sheekh usii dhawaanayo inuu rabitaankiisa dabaqo

Haddii aanay maanta madaxda maamullada dib usoo kaban oo aanay qorshe cusub la imaanin wax badan oo cad cad kama soo baxayaan kulankan. Xasan waxa uu iibsanaya waqtiga, maamullada qaarna waxaa laga yaaba inay tareenkiisa ka boodan markii ay deegaanadooda ku laabtan.

Maxaa iska beddelay qiimaha iyo adeegyada Xujeyda Soomaalida ee sanadkan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa foodda nagu soo haya waqtiga gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan , waxaana durba la bilaabay hawlaha loogu diyaar garoobayo gudashadiisa.

Waxaa magaalada Muqdisho ka baxay qeybtii ugu horreysay ee xujeyda Soomaaliya ee sanadkan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya iyo guddiga Arrimaha Xajka ayaa sannadkan shaaciyey khidmada lacageed ee laga qaadayo Xujayda Soomaalliyeed ee doonaya inay sanadkan soo Xaj gutaan.

Qiimaha sanadkan ayaan wax weyn ka duwanayn kii hore, marka la eegana farqiga ayaa dhan wax aan ka badnayn konton dollar.

Sida ay sheegtay wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta waxaa sanadkan Soomaaliya ka xajin doonta 11,500 oo xaaji.

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Khadar Xaaji Daahir Suleymaan ayaa BBC-da u sheegay in xujeyda sanadkan ay ka kala imaanayaan dhammaan deegaanada jamhuuriyadda fedraalka ee Soomaaliya.

Waxaa uu xusay in qof walba oo haysta baasboor Soomaali ah isla markaana soo dalbaday Xajka uu xaq u leeyahay inuu soo guto waajibaadka Xajka.

“Qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ahna wata, meshuu doono ha joogo, oo xajka soo xareystay oo soo codsada ayaa xaq u leh” ayuu yiri mr Khadar.

Dhawaan maamul goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay siyaasadeynayso arrimaha Xajka.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Puntland ayaa sheegtay in aan si caddaalad ah loogu qeybin gobollada dalka tirada Xujeyda ee sanadkan soo xajinaysa.

Balse wasaarada Awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaalka ayaa sheegtay in aysan jirin wax cabasho ah oo uga timid dhanka Puntland.

“Wax cabasho ah oo rasmi ah oo dowlad goboleedka Puntland ka soo baxay ama haddii ay tahay xafiiska arrimaha Xajka ama wasaarada diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ilaa hadda na soo gaadhay oo cabasho ah oo rasmi ah ma jirto” ayuu yiri Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda Awqaafta Soomaaliya.

Mr Khadar ayaa farta ku fiiqay in howsha Xajka ay si toos ah u maamusho wasaarada awqaafta ee dowladda dhexe, isla markaana ay la macaamilaan shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka.

“Xajku waa heer federaal, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta jamhuuriyadda federaalka ee soomaaliya ayaana maamusha, waxayna ku maamushaa in ay shirkado Soomaaliyeed oo gobolada dalka iyo meel walba ka soo jeeda inay soo tartamaan iyo shaqada sida ay uga soo bixi karaan cidii shuruudaas soo buuxisa ayaa ku guuleysata,” ayuu intaa ku daray.

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Khadar Xaaji Daahir Suleymaan ayaa carabka ku adkeeyay in wasaarada awqaafta ee dowladda federaalka aysan arrimaha Xajka kala macaamilin maamul goboleedyada.

“Shirkadaha ayaa asal u ah oo gundhig u ah, maamulada dalka ma aha in wasaaraddu ay kala xaasho oo ay dhahdo maamulkaas intaas ha la siiyo ee waxaa la eegaa tirada boqoleyda ee xujeyda sanadadii ugu dambeeyay ka soo bixi jiray ayaa loogu dhiibayaa shirkadahaasi” ayuu yiri Mr Khadar.

Maxaa iska badalay sanadkan adeegyada Xujeyda?

Sanooyiinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay cabashooyin ka imanayay Xujeyda Soomaalida taasi oo ku saabsan adeegyada la siiyo marka ay xajinayaan.

Waxyaabaha ay xujeydu cabashada ka muujiyaan waxaa ka mid ah goobaha la dejiyo oo fog iyo gaadiidka oo mararka qaar ciriiri ah.

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Khadar Xaaji Daahir Suleymaan ayaa sheegay in sanadkan ay isbadallo badan sameeyeen si cabashooyinka soo baxay wax looga qabto.

“Sanadkan iyo sanadkii horaba isbaddal wayn ayaa dhacay oo xagga Xajka ah, sanadkan oo kale shaqada Xajka waxaa la bilaabay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, xilli hore ayaa la bilaabay si waxyaabihii dhici jiray looga gudbo,” ayuu yir Khadar.

Waxaa uu intaa ku daray in sanadkan ay diyaariyeen khidmooyin badan oo xujeyda u sahli doona in ay tagaan meelaha ay ka soo gudanayaan acmaasha Xajka.

“Waxyaabaha aan kuu taaban karo oo isbaddalka ah ee la sameeyay waxaa ka mid ah isbaddal laga sameeyay dhanka gaadiidka Xujeyda oo ah nidaamka loo yaqaano (Rad waaxid) oo ah xujeyda Soomaalida in hal mar laga wada qaado Maka oo Mina la geeyo, Mina-na laga qaado oo Carafo la geeyo, islamarkaana Carafa laga soo celiyo oo Mina lagu soo celiyo” ayuu intaa ku daray.

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa xusay in gawaari ay tiradoodu ay kor u dhaafeyso 200 ay u diyaariyeen Xujeyda sanadkan.

Macnahu wuxuu yahay Basas aad iyo aad u fara badan oo 230 Bas kor u dhaafaya inay Xujeyda Soomaaliyeed qaadi doonaan, sanadkan waa la soo dhaweeyay masaafada oo qaar waxay xaramka u jiraan 2 kiilo mitir, qaar kiilo mitir iyo bar qaarna saddex kiilo mitir way u lugeyn karaan dhammaantood,” ayuu yir Khadar.

Isha: BBC

Qeylo-dhaan culus oo laga soo saaray dil argagax leh oo ka dhacay gobolka Mudug

0

Nairobi (Caasimada Online) — Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa qeylo-dhaan kasoo saaray dil argagax leh oo dhawaan ka dhacay gobolka Mudug.

Dilkaan oo la sheegay inay haween hubeysan ay u geysteen nin xanuusan, ayaa sii hurin kara colaadda beelaha ee gobolkaasi, taasi oo uu walaac xooggan ka muujiyey guddoomiyihii hore.

Cali Yare ayaa ku baaqay in si lamid ah sidii loogu istaagay cadaalad raadinta kiiska Luul ee gacanta loogu soo dhigay Sayid Cali, si mideysan oo Soomaalinnimo ku dheehan tahay gacanta loogu soo dhigo eedeysanayaasha dilka ku lugta laheyd kadibna sharciga la horkeeno.

“Waxaa ka dhalan kara in dadka walaalaha iyo dariska ah ay waxyeelo kale oo fool xun sii kala gaarto sida xalayba dhacday oo lagu dilay Ayaanle Cabdisalaan oo ay tahay in gacanta lagu soo dhigo kuwii fuliyay sharcigana la horkeeno si loogu ciqaabo jarriimada ay geesteen,” ayuu Cali Yare ki yiri qoraalka uu soo saaray.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare;

Waxay u badantahay in Farxiyo Maxamuud Cigaal ay tahay qofka fulisay dilka ninkii xanuunsanaa.

Si u dhaganta sidii Sayid Cali Macalin Daa’uud waa in si mideeysan oo soomaalinnimo ku dheehantahay gacanta loogu soo dhigo gabadha eedeeysanaha ah iyo intii kale ee dilka ku lugta laheeyd ka dibna sharciga la horkeeno.

Garsoorka Puntland ama kan federaalka ah hadba kii ay labada reer ku wada qancaan ayay tahay in la horkeeno.

Waxaan maqlayaa in ay dhanka Ethiopia aaday marna dhanka SSC.

Sidii aan horayba usheegay dhacdadaas foosha xun ee aan horay gayiga soomaaliyeed uga dhicin in inta nin la qabto haween iyo caruur lagu wareejiyo oo ay qashaan – waliba nin xanuunsan.

Waxaa ka dhalan kara in dadka walaalaha iyo dariska ah ay waxyeelo kale oo fool xun sii kala gaarto sida xalayba dhacday oo lagu dilay Ayaanle Abdisalaan oo ay tahay in gacanta lagu soo dhigo kuwii fuliyay sharcigana la horkeeno si loogu ciqaabo jarriimada ay geesteen.

Waxaan helay raadkeeda, waanan daba socon doonaa meelkasta oo ay gasho inta gacanta lagu soo dhigayo.

Mareykanka oo hirgelinaya nidaam cusub oo Soomaali badan saameynaya

Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ayaa hirgelinaysa nidaam cusub oo ay doonayso in si deg-deg ah go’aan looga gaadho kiisaska magan-gelyo doonka ah ee horyaalla maxkamadaha kala duwan ee Maraykanka, kaasi oo qeyb ka yihiin Soomaali badan.

Kiisaskan oo haatan qaata muddo sannado ah, hase ahaatee waxaa hindisahan cusubi dhigayaa, in kiisaska magangelyo doonka ah lagaga go’aan gaadho qiyaastii muddo lix bilood ah.

Tallaabadan ayaa maamulka Biden wuxuu doonayaa inuu wax kaga qabto walaaca kala duwan ee ay qabaan codbixiyayaasha Maraykanku.

Hindisahan cusub oo lagu dhawaaqay Khamiistii shalay ayaa sheegaya in qofka muhaajirka ah ee qaangaadhka ah ee soo galay dalka Maraykanka isla markaana u socda shan magaalo oo gaar ah in kiisaskooda ay dusha kala socon doonaan, koox garsoorayaal ah, kuwaas oo ujeedoodu ay tahay inay hubiyaan in muddo 180 maalmood ah kiiskooda lagaga go’aan gaadho.

Arrintan ayaa ah, tallaabo si weyn loogu dedejinayo kiisaska magan-gelyo doonka ah iyo kuwa la xidhiidha arrimaha socdaalka ee buux-dhaafiyey maxkamada dalka Maraykanka. Kiisaska magan-gelyo doonka ayaa haatan celcelis ahaan qaata inay ku dhamaadaan illaa afar sannadood.

Tallaabadani waxay fududayn doontaa, in dadka aan la aqbalin codsiyadooda in si deg-deg ah looga masaafuriyo dalka Maraykanka.

Hase ahaatee waxaan illaa haatan kala caddayn, tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka faa’iidaysanaya barnaamijkan, iyada oo ay su’aalo badanina ku xeeran yihiin sida uu waxtar u yeelan doono barnaamijkani.

Hindisahan waxaa warbaahinta la wadaagay Khamiistii saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadda Maraykanka, iyaga oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo.

Magaalooyinka lagu bilaabi doono hindisahan cusub ayaa kala ah, Atlanta, Boston, Chicago, Los Angeles iyo New York. Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in magaalooyinkan loo xushay sababtoo ah garsoorayaasha jooga magaalooyinkan ayaa xoogaa firaaqo ah u helaya inay dhegaystaan kiisaska dhinaca muhaajiriinta, iyo iyada oo magaalooyinkani ay yihiin kuwo aad u waaweyn oo xuddun u ah, muhaajiriinta.

Xog ururinta ayaa muujinaysa in illaa 3 milyan oo dacwadood oo magan-gelyo doon ahi inay horyaallaan maxkamada dhinaca socdaalka qaabilsan ee Maraykanka, waxaana gacanta ku haya illaa 600 oo garsoore.

Hindisahan cusub ee lagu dhawaaqay Khamiistii ayaanay ku jirin lacago dheeraad ah oo lagu shaqaalaynayo garsoorayaal cusub.

Daawo: Xukunka 70 jir lagu helay labo dembi oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta la hor geeyey oday 75 sano jir ah oo loo heysto maal-gelinta argagixisada Al-Shabaab, waxaana lagu riday xukun deg deg ah.

Cali Xuseen Isxaaq ayey maxkamaddu ku xukuntay 7 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo $3,000 oo dollar ah, kadib markii lagu helay dembi ah maalgelin argagixiso iyo lacag dhaqis.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ninkaan odaga ah ee la xukumay ku soo deeyey in akoonkiisa gaarka ah Khawaarijrta loo marsiiyey lacag dhan nus milyan.

Sidoo kale waxaa ninkaan lagu eedeeyey inuu ku lugyeeshay dembi lacag dhaqis ah, Soomaaliya waxaa ka jira sharci adag oo baarlamaanku ansixiyey oo Meesha looga saarayo lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda, wuxuuna sheegay in ninkaas odaga ah uu ku cadaaday dembiga loo heysto ee lacag dhaqidda iyo maal-gelinta argagisada ah.

Dembiyada ayaa labo loo kala qaaday, waxaana midka lacag dhaqidda uu noqday 3 sano oo xabsi ah, halka kan maalgelinta argagixsada uu noqday 4 sano, sidaas ayuu 7 sano oo xabsi ah ku muteystay odagaan 70 jirka ah.

Sidoo kale waxaa laga rabaa inuu bixiyo 3,000 oo dollar oo ganaax ah, sida u uku soo baxay xukunka maxkamadda oo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan u uku dhawaaqay maanta.

Dowladda federaalka ayaa cunaqabateyn culus ku soo rogtay argagixisada, waxaana aad loola socdaa dhaqdhaqaaqa akoonada, iyadoo ciqaab adag la marsiiyo qofkii la ogaado in akoonkiisa ay lacag u martay kooxaha Khawaarijta ah.

Hoos ka daawo xukunka

ISRAEL oo ciidamo dheeraada u diraysa Rafax xilli ay xaaladda kasii dareyso

Gaza (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in Israa’iil ay ciidamo cusub oo dheeraad ah ay “gelin doonto gudaha Rafax”.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay ciidamada milaterige ee Israa’iil ay hawl-gallo kala duwan ka wadaan dhinaca koonfureed ee Qaza, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka.

Gallant ayaa sheegay in hawl-galka “uu sii socon doono, isla markaana in ciidamo dheeraad ahi ay geli doonaan” Rafax. Wasiirka ayaa sheegay inay burburiyeen tiro ka mida buundooyinka dhulka hoostiisa mara.

Gallant ayaa intaas raaciyey in Xamaas ay tahay urur, dib isu abaabuli kara, islamarkaana aan haysan ciidamo kayd ah iyo sahay kala duwan.

Wuxuu sheegay inaanay awood u lahayn inay daaweeyaan, xubnaha ka tirsan ururkooda ee ay bartilmaameedsadeen.

Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Israa’iil ayaa si weyn uga soo horjeestay hawgalka Israa’iil ee Rafah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in illaa 600,000 oo qaxooti ahi ay ka qaxeen marinka Rafax, tan iyo markii ay hawlgallada Milateri ay halkaas ka bilawdeen.

Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo Geelle? Xogta kulamo culus oo ka socda Baxrayn

Manama (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo dalka Baxrayn kaga qeyb galaya Meertada 33-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS iyo Madaxweynaha Jabuuti, ayaa diiradda lagu saaray,  Xariirka iyo iskaashiga labada dal, arrimaha amniga gobolka, iyo sidii la isaga kaashan lahaa danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan doceed kula yeeshay dalka Baxrayn, Ra’iisul Wasaaraha dalka Kuwait Sheekh Axmed Cabdallah Al-Ahmad Al-Sabaax.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xiriirka  iyo iskaashiga  ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga ku saleysan walaaltinimada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kuwait.

Kulamadaan waxaa ka sii horeeyey mid Xamsa uu la yeeshay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Mudane Abdul Latif Rashid oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isla markaana la isku dhaafsan lahaa khibradaha dhanka amniga, maadaama ay labada dalba halganka kula jiraan ciribtirka  kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya ummadda muslimiinta ah ee ku nool labada dal.

Kulanka ayaa sidoo kale diirradda lagu saaray, danaha labada dal ee faa’iidada u leh labada shacabka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Ciraaq uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ku saleysan danaha ay wadaagaan labada dal, kaas oo muhiim tahay in la sii xoojiyo.

DF oo Carabta taageero uga raadineysa kursi muhiim ah

Manama (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dalalka Carabtu ay ku garab taagan yihiin Soomaliya doonisteeda kursiga aan jogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo tartan adag ay ugu jirto sidii ay xubin uga noqon lahayd.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyey shirka 33-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta ay ku yeesheen magaalada Manama ee dalka Baxrayn ayaa geeyey qadiyada Soomaaliya ee doonista kursigaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay caqabadaha iyo duurafaha ku xeeran dalalka Carabta iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba ay ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin.

Xamza ayaa sheegay in murugo ay Soomaaliya ku hayso xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo reer Falastiin, isaga oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo, lana fuliyo go’aammada Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la wadaagay, Madaxda Boqorrada, Madaxweyneyaasha iyo Amiirrada Carbeed xaaladda dalkeenna, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habaynta laamaha amniga iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa si adag uga hadlay faro-gelinta ka dhanka ah madaxbannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday dowladda Addis-ababa, isagoo golaha ka codsaday inay arrintaas ka soo saaraan mowqif adag.

“Itoobiya wali kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka warbixiyey fursadaha maalgashi iyo kheyraadka ceegaaga dhulkeenna ee u baahan in la soo saaro ama si wanaagsan looga faa’iideysto, ayaa Hoggamiyeyaasha dalalka Jaamacadda Carabta ugu baaqay in ay taageeraan dowladnimada Soomaaliya, dhiirrigeliyaanna maalgashigeeda.

Madaxda Carabta ayaa Soomaaliya u balan qaaday inay ku taageerayaan doonisteeda kursiga aan jogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dib usoo laabashada James Swan oo aan ka farxin doonin Xasan Sheekh + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa habeen hore ku dhowaaqay in James Swan uu noqonayo ergeygiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya iyo madaxa howl-galka QM ee arrimaha Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM.

Muddada shaqo ee danjire James Swan waa kumeel-gaar. Ninkan u dhashay waddanka Mareykanka oo booskan horey usoo qabtay wuxuu beddelaya Catriona Laing, oo u dhalatay Ingiriiska.

Haweeneydan shaqada ka tagtay ayaa la sheega inay aheyd mid aad u hadal cad-cad balse aan farsamo badneyn. Antonio Guterres ayaa ugu mahad-celiyay shaqadii wanaagsaneyd ee ay ka qabatay Soomaaliya.

James Swan waa diblumaasi qabiir ku ah arrimaha Afrika. Wuxuu 2019 illaa 2022 ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo ninka ugu sareeya xafiiska UNSOM.

Horey wuxuu usoo noqday safiirka Mareykanka ee DR Congo intii u dhaxeysay 2013 illaa 2016 iyo sidoo kale safiirka Mareykanka ee Jabuuti oo uu ahaa intii u dhaxeysay 2008 illaa 2011.

Waxaa si weyn loogu amaana maareynta marxaladaha kala guurka ah. Wuxuu kusoo laabanaya Soomaaliya oo uu madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, mid kamid ah siyaasiyiintii uu cabashada ugu badan ka dhageystay intii u dhaxeysay 2019 illaa 2022.

Xasan Sheekh iyo James Swan si fiican ayay isku garanayaan. Waxay marar badan mucaaradka uu Xasan Sheekh ku jiray la wadaageen James Swan in uusan Farmaajo doorasho rabin, inuu dalka kala jaraayo, inuu Puntland iyo Jubbaland isagu ka gardaran yahay iyo inuu yahay kaligii taliye.

Markaan waxaa is arkayaa Xasan Sheekh oo ay Puntland isku dhacsan yihiin iyo Swan. Xasan Sheekh oo lagu eedeynayo inuu doorasho u gaar ah tolanayo iyo Swan. Xasan Sheekh oo musuq-maasuq loo haysto iyo Swan iyo Xasan Sheekh oo kaligii talisnimo iyo dastuur ku tumasho lagu eedeynayo iyo James Swan.

Dabcan waxaa ka marneyn mucaaradkii mucaaradkii Xasan Sheekh la socon jiray sida; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo intii ay Farmaajo ku haysteen ka badan ku haysta Xasan Sheekh, kuwaas oo hor fariisan doona ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya James Swan oo ay si fiican isku garanayaan.

Marxaladda uu maanta ku jiro madaxweyne Xasan Sheekh inuu kusoo aado wakiil sidaas xoogan u fahamsan arrimaha Soomaaliya oo garanaya halka ay kusoo dhamaato indho-sarcaadka madaxda Soomaalida uma fiicna Xasan Sheekh.

Dib usoo celinta James Swan ee arrimaha Soomaaliya waxay sidoo kale kusoo aadeysa xilli dhawaan ay dowladda federaalka Soomaaliya dalbatay in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya (UNSOM) taas oo aan weli wax jawaab ah laga siinin.

Sidoo kale waxay magacaabistan imaaneysa xilli uu khilaaf siyaasadeedka Soomaaliya xoogan yahay, Siddeed bilood aan dagaal lagu qaadin argagixisada, musuqana uu xarkaha goostay, lagana walaacsan yahay nuuca doorashada soo aadan.

Kadib fadeexaddii Aadan Cadde, maamulka garoonka oo qaaday tallaabo deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa deg deg uga jawaabay fadeexad banaanka usoo baxday maanta, taasi oo la xiriirtay heerka nadaafad iyo tayo xumo ee musqulaha garoonka.

Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaan Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo saaka qoraal soo saaray, kaasi oo uu kusoo lifaaqay sawirro uu kasoo qaaday musqulaha garoonka, ayaa waxaa laga dheehan karayey in garoonka ka jirtay nadaafad darro tii ugu xumayd.

Arrintan oo sawir foolxun ka bixineysay dalkeenna ayaa waxaa markiiba maanta ka jawaabay maamulka garoonka, kuwaasi oo horey u dayacay balse saaka markii uu banaanka yimid sawirada xaaladda ka jirta halkaasi ay dib u habeyn iyo beddelis ku bilaabay musqulaha garoonka oo cabasho badan ka taagneyd.

“Mahadsan yihiin maamulka Aiport iyo Shirkada Favori. Waa mahadsan yihiin maamulka Aaden Adde International Airport iyo shirkada maamusha ee Favori, oo isla maanta ka hawlgalay inay bedelaan Musqlihii AirPort ee cabasho badan ka taagnayd, saakayna aan ka sameeyey qoraal yar,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi Nuur Cismaan oo isagu saaka sii daayey sawirada iyo xaaladdii xumeyd ee ka taagneyd garoonka.

Inkasta oo cabashada ay muddo jirtay haddana qoraalka guddoomiyaha hay’adda Hormuud Salaan Foundation oo si weyn ay u baahisay warbaahin ay Caasimada Online kamid tahay ayaa soo dadajisay tallaabada ay qaaday shirkadda gacanta ku haysa garoonka Aadan Cadde ee Favori.

Guddoomiyaha Hormuud Salaan Foundation ayaa markale iftiimiyay meelo weli u baahan wax ka qabasho iyo kuwo u baahan joogteyn kadib tallaabada ay isla maanta qaadeen maamulka garoonka.

“Waxaan ka rajeeynaa maamulka iyo Shirkada Favori ineey ku dedaalaan qodobadaan;

  1. Inay hagaajiyaan Nadaafada Musqulaha oo kormeer iyo joogteyn lagu sameeyo.
  2. In Musqulaha loo sameeyo Tubada lagu Istijoodo, lana soo dhigo Warqadaha loo Isticmaalo musqulaha.
  3. In la hubiyo in aanay Saabuunta Gacmaha lagu dhaqdo ka go’in.
  4. In la hagaajiyo Nalalka Musqulaha oo marar badan haleeysan
  5. Dhanka kale Gudaha AirPort Mowlaca yar ee ku yaal ee lagu dukado in la hagaajiyo, gogol fiicana lasoo dhigo.

Sawirro: Xubno cusub oo maanta ku biiray shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka socdo xarunta Villa Soomaaliya, uuna guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa ku biiray xubno cusub oo kamid ah yahay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Golaha ayaa kulankooddii saddexaad ee maanta waxay warbixin uga dhageysteen Wasaaradda gaashaandhigga iyo Taliska ciidanka xoogga dalka.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa soo bandhigay qorshaha xoreynta dalka iyo guulaha laga gaaray wajiga koowaad ee howl-galka lagu xoreeyey deegaanno badan oo ay gacanta ku haysay kooxda Al-Shabaab.

Warbixinta taliska ciidanka ayaa intaas kusii dartay in magaalooyinkii iyo deegaannaddii ugu badnaa oo ka tirsan dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug laga fara-maroojiyay kooxda, iyada oo la kaashanayo shacabka hubeysan.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, madaxweyneyaasha dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Galmudug Axmed Qoor-Qoor, HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mr. Madaale.

Golaha ayaa sidan oo kale kulankooddii shalay warbixin uga dhageystay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye, kaas oo bandhigay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC ayaa ku bogaadiyey madaxweyne Xasan adkeynta iyo ilaalinta gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

SSC-Khaatumo oo kal horey ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay aqoonsi KMG ah ayaa dhisatay xukuumad, waxaana uu Mr. Firdhiye la wadaagay madaxda shirka xaaladda deegaanadaasi iyo isbedeladdii u dambeeyay ee dhacay.

Firdhiye ayaa tan iyo markii uu Talaadaddii soo gaaray Muqdisho shirar la yeeshay xubnaha labada gole ee dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana maalinta berri lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka Talyaaniga.

Ciidamada ISRAEL oo dhexdooda iska dilay askar – Sidee ayey wax u dhaceen?

Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa maanta sheegtay in shan kamid ah askarteeda ay ku dhinteen rasaas ay fureen taankiyada ciidanka ka dagaalamaya Gaza.

Militariga Israel ayaa sheegay in shanta askari ay dhinteen Arbacadii kadib markii laba taanki ay si khalad ah u duqeeyeen dhisme ay askarta ku sugnaayeen, intii lagu guda jiray isku dhac ka socday xerada qaxootiga Jabaliya ee waqooyi.

“Shan askari oo ka tirsan guutada 202-aad ayaa xalay lagu dilay dhacdo khasaare xoogan gaystay oo ka dhalatay rasaas ay fureen ciidamadeenna,” ayuu yiri milateriga oo intaas ku daray inay kaga dhaawacmeen toddoba askari oo kale.

Dagaal culus ayaa mar kale dib uga qarxay waqooyiga kadib digniino ciidan oo ku saabsan “isku day ay Xamaas ku doonaysay in ay dib ugu dhisto awooddeeda ciidan” bilo ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday in la burburiyay dhismooyinkii talisyada kooxda.

Weriyeyaasha AFP, goobjoogayaal iyo dhakhaatiir caafimaad ayaa Khamiistii sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay mar kale beegsadeen goobo ku yaalla Gaza xalay, oo ay ku jiraan magaalada Gaza iyo aagga koonfureed ee Zeytuun, Jabaliya iyo xerada qaxootiga ee Nuseyrat.

Ujeedka ugu weyn ee militariga ayaa ahaa Rafah oo ku dhow xadka Masar, halkaasi oo ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu amray in lagu qaado duullaan, ayada oo la iska indha-tirayo digniinta Mareykanka ee ah in; in ka badan hal milyan oo rayid ah oo halkaas gabaad ka dhiganaya ay ku qabsan karto rasaasta.

Netanyahu ayaa ku dooday “Waa in aan sameynaa wax kasta oo ay tahay inaan sameyno” wuxuuna ku adkeystay in daad-gureyn badan oo halkaas laga sameeyey ay ka hortagtay “musiibo bini’aadantinimo oo aad looga baqayey”.

Xogta qodobada ay ku kala qeybsan yihiin Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirka Goalaha Wadatashiga Qaran, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoominaya shirka.

Kulankaan ayaa baaqday bishii hore kadib markii ay cudur daarteen Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe. Sida aan horey u baahinay kulankaan waxaa diirada lagu saaraya doorashooyinka maamul goboleedyada, dastuurkii talo la’aanta uu madaxweynaha beddelay iyo dhismaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka.

Laakiin Villa Somalia waxay ku darsatay la-dagaalanka argagixisada, xilli siddeedii bilood ee lasoo dhaafay aan la qaadin wax dagaal ah, tii oo madaxweynaha ku mashquulsanaa arrimaha dastuurka iyo colaadinta mucaaradkiisa.

Madaxda afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa in aanay isku aragti ka aheyn ajendayaasha kulanka, gaar ahaan qodobka la xiriira doorashooyinka maamul goboleedyada.

Laba kamid ah afartaan maamul goboleed ayaa la sheegayaa inay riixayaan in muddo kororsi cusub la siiyo maamulada. Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen waxay aaminsan yihiin inay qabsan karaan doorashooyin u gaar ah oo Xasan Sheekh waxay ka rabaan inuu aqbalo kadibna aqoonsado.

Waxay aaminsan yihiin labadaasi hoggaamiye in uusan jirin mucaarad awood leh oo ka hor istaagi kara midaasi, laakiin Galmudug iyo HirShabelle ma ahan maamulo uu xaalkoodu fudud yahay oo uu hal qof qafaalan karo.

Puntland ayaa markale ka maqan shirkan. Madaxweyne Xasan Sheekh isagu aad uguma cad-cada muddo kororsi, wuxuu rabaa inuu ku adkeysto qabashada doorasho qof iyo cod ah, in loo dhaafo dhismaha guddiga doorashooyinka iyo in isaga laga warsugo illaa uu kusoo qancaayo in aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah, si kale markii loo yiraahdo wuxuu rabaa in aanay kulankaan wax weyn kasoo bixin oo maamullada uu sii mada-daaliyo illaa uu baarlamaanka ka marsanaayo guddiga doorashada, sharciga doorashooyinka iyo sharciga axsaabta.

Balse maamullada qaar ayaa fahamsan qorshihiisa, aad ayaa isha loogu wada hayaa waxa kasoo bixi kara kulankan, wallow damaca is-khilaafsan ee madaxda maamullada uu sababi karo in aan la gaarin natiijo weyn.

Golaha Wasiirrada oo loo gudbiyay warbixin xasaasi ah iyo nuqulka heshiis lala galay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la horgeeyay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab iyo heshiis difaac oo dhawaan ay Soomaaliya lasoo gashay dowladda Kenya.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoomiyay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Salah Jama ayaa ugu horrayn warbixinta amniga looga dhagaystay wasiirrada amniga iyo gaashaandhigga.

Wasiirada labada wasaaradood ayaa waxay golaha la wadaageen abaabulka iyo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii dambe uu ku yimid gaabis, kaasi oo maalmahan dhiig cusub lagu shubayo

Sidoo kale golaha ayaa waxaa loo qeybiyay heshiis iskaashi dhanka difaaca ah oo u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayada oo nuqulka heshiiska loo qeybiyay xubnaha, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina waxaa loo qeybiyay siyaasadda dowladda ee baraha Soomaaliyeed, kaasi oo ay soo gudbisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Golaha ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ansixiyay heshiisyaddii u badnaa ee dowladda Soomaaliya ay lasoo gashay dalalka saaxiibka la’ah, kaasi oo ugu cuslaa heshiiska difaac ee Turkiga kula wareegayo ammaanka badda Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda Muqdisho iyo Addis Ababa.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay sameyneysay horumar dhanka iskaashiga dibedda ah, waxayna dalal waaweyn lasoo gashay heshiisyo muhiim ah iyo kuwa kale oo quseeya difaaca guud ee dalka.

Sawirro: Fadeexad weyn oo ka taagan garoonka Aadan Cadde oo banaanka la keenay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaan Foundation, Mudane Cabdullahi Nuur Cismaan oo qoraal soo saaray ayaa bannaanka keenay fadeexad ka taagan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabdullahu Nuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in xaalad aan caadi ahayn oo adag ay ka jirto musqulaha garoonka, isaga oo soo bandhigay sawirradooda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in nadaafad darro tii ugu xumayd ay ka jirto garoonka, gaar ahaan musqulaha loogu tala-galay dadweynaha, isaga oo ku tilmaamay arrin halisteeda leh.

Mas’uulkan ayaa sheegay in dayac badan uu ka jiro gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, isaga oo xusay inuu hoos u dhigi karo sumcadda dalka, maadaama garoonka uu yahay muraayad.

“Musqulaha Garoonka Aaden Abdulle  International Airport, sidaan haloo dhaamo, marar badan ayaan arkay iyagoo xitaa sidaan kasii liito. Markii aad ku fadhiisato waa kula liq-liqanayaa oo waxaad ka baqeeysaa ineey kula dhacdo, qalabka waa duugoobay, warqadi musqusha malahan, mararka qaar waxaad arkeeysaa biyaha oo go,an, warqadna ama Toilet Tissue aanay oolin,” ayuu guddoomiyaha ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Cabdullahu Nuur Cismaan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay soo faro-geliso arrintaasi, islamarkaana ay la xisaabtano shirkadda gacanta ku hayso garoonka magaalada Muqdisho.

Arrintan ayuu tilmaamay inay ceeb ku tahay Soomaalida oo dhan, maadaama garoonka uu yahay albaabka laga soo galo dalka.

“Sida aan ognahay waxaa maamula Shirkad Private ah , sidaa darteed dowlada Somaliya, gaar ahaan maamulka garoonka waa ineey kormeer iyo joogtey ku hayaan xaalada musqulaha iyo garoonka ,maadaama garoonka yahay albaabkii laga soo galayey dalkeena,” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha hay’adda Hormuud Salaam Foundation.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed iyo dadka ajaaniibta ah ee isticmaala garoonka ay xaq u leeyihiin inay heelaan musqulo nadiif ah

“Mida kale dadka Soomaaliyeed iyo Ajaanibtaba waxaa aay xaq u leeyihiin ineey helaan musqulo nadiif ah oo shaqeeynaya si la mid garoomada kale ee dunida iyo gobolka. Xaalada musqulaha – sawiradaan waa hadeer,” ayuu mar kale yiri Cabdullaahi Nuur.

Arrintan ayaa fadeexo weyn ku ah ku ah dalkeenna, waxaana loo baahan yahay in laga wada dhiidhiyo, si ay wax uga qabato cidda ay quseyso oo ay ugu horreyso dowladda federaalka, oo sida muuqata dayacday isla xisaabtanka ka saaran garoonka, oo ay gacanta ku hayso shirkad gaar loo leeyahay.

Muxuu yahay gaadiidka DAGAAL ee Mareykanku siiyey ciidanka xoogga? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Mareykanka kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu talagalay ciidamada kumaandooska xoogga dalka ee Danab.

Gaadiidkaan ayaa loogu talagalay inay ku howlgalaan guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, waxaana Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu kula wareegay magaalada Muqdisho.

Sii hayaha xilka safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon, ayaa taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay gaadiidkaan oo ah kuwa dagaalka looguna talagalay Danab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa Dowladda Mareykanka uga mahad-caliyay kaalinta muuqata oo ay ka qaadatay dib u dhiska ciidamada iyo sida ay u garab taaganyihiin ciidamada Soomaaliya.

Gaadiidkaan Mareykanku siiyey ciidamada Soomaaliya ayaa ah labo nooc oo kala ah Cabdibile iyo Ambalaas nooca ciidamada ah oo inta badan lagu qaato dhaawacyada iyo daawooyinka.

Taliyaha ciidanka Danab ayaa ku sugnaa goobtii siihayaha safiirka Mareykanka uu gaadiidkaan kula wareejiyey Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo sheegay in gaadiidkaan ay uga faa’iideysa doonaan dagaalka Khawaarijta.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa jiray kiis ka dhashay raashin laga xaday qeyb ka mid ah ciidmaada Danab oo la ogaaday, taasi oo keentay in Mareykanku hakad geliyo xuquuqdii uu sii jiray Danab.

Wararkii u dambeeyey ee la xiriira kiiskaas waxay sheegayaan in la fasaxay saraakiishii loo xiray kiiskaas, kadib markii ay arrintu lugaha la gashay xafiisyo waaweyn iyo masuuliyiin xasaasi ah.

Mareykanka ayaa weli gacanta ku haya ciidamada Danab oo maamula, wax kastana siiya, dhowaan waxaa la ogaaday in xuquuqdii urur ka tirsan Danab la iibsaday oo suuqa la geystay, taas oo si weyn uga careysiisay Mareykanka.

Puntland oo war cusub kasoo saartay shirka Villa Somalia

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa ka hadlay arrimo ku aadan shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka maqan tahay Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda.

Wasiirka ayaa ugu horreyntii weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo ku eedeeyay inay wado gacan bidixeyn.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday shirka haatan ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in waxba aysan kasoo bixi doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii uu Xasan xilka kusoo noqday waxaaa iska socday talada gacan bidixda ah oo aan waxba kasoo baxayn, odayaal sheekeystay waayey” ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ay doonayaan in marka hore la qabto wada-hadallo dhab ah oo lagu dhammeynayo khilaafaadka jira, si looga gudbo xaaladda adag ee taagan.

“Annagu waxaan taaganahay si caafimaad qabta haloo hadlo, wadaadada xagaas joogana waxay rabaan wax lala cararayo oo dadka kale aan loo ogoleyn” ayuu yiri.

Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan quseyn dhammaan qodobada kasoo baxa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, maadaama ay iyagu ka maqan yihiin.

“Waxa kasoo baxa shirkaas nama quseeyo ninkii wacday ayay u taallaa annaga wax shaqo ah kuma lihin” ayuu kusii daray wasiirku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan dooneynaa dowlad Soomaaliyeed oo taaba qaada oo federaal ah, loona siman yahay”.

Puntland ayaa si weyn uga hortimid wax ka beddelka dastuurka KMG ah oo ay horay ugu dhaqaaqday Villa Soomaaliya, ayna ansixiyeen xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka.

Daawo: Xasan Sheekh oo u caqli celiyay dhalinyarada TikTok

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si gaar ah ula hadlayay dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa war culus kasoo saaray waxa ka socda aaladaha baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo shalay ku beegnayd ayaa u caqli celiyay dhalinyarada, wuxuuna ugu baaqay in baraha bulshada aysan ku faafin wax aan habooneen.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah dhalinyarada uga codsaday in Social Media-yaha aysan u adeegsan caayda dadka kale, isaga oo kula taliyay in sidoo kale ay joojiyaan Prankiyada.

“Dhalinyaro caajiska iska daaya, aflagaadada, caaytinta iyo Prankiga Tiktoka dhexdiisa ah iska daaya, haddaa hadasho ood ka faa’iideysato Social Media-yaha wax fiican sheeg” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhaqamada xun iyo sameynta waxyaalaha aan wanaagsaneyn ay dhaawacayaan dhaqanka wanaagsan iyo diinteenna Islaamka.

“Haka soo muuqan baraha bulshada adiga oo caaytamaya adoo dhaqan xumo ka hadlaya, adiga oo waxaan diinta iyo dadnimada ku habooneen ka hadlaya ogow mar haddii aad soo gasho Social Media-yaha waa ku jiree, xitaa haddii aad ka tirto Page-kaaga” ayuu ku daray.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay madaxweynuhu “Ilmahaaga irsaaqad ha uga jarin waddo qaloocan, ilaahey ayaa israaqaya oo kafaala qaaday”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay soo kordhayeen dadka sida khaldan u isticmaala baraha bulshada, waxaana qaarkood ay si xun uga hadlaan arrimaha qabyaaladda, kuwa kalena waxay ku faafiyaan dhaqan xumo, kuwaas oo qaarkood ay soo xirtay dowladda federaalka, kadib tallaabo ay qaadeen ciidanka Booliska.

Dowlada oo dhiig cusub ku shubeysa dagaalka Shabaab iyo tallaab culus oo ay qaaday

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo horleh u dirtay Galmudug, kuwaas oo maanta gaaray gobolka Galgaduud, waxayna tani u muuqataa inay dowladdu dhiig cusub ku shubeyso dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminayo taliyaha ururka 86-aad ee guutada 77-aad laba xiddigle Cabdi Nuur Qadaaye, waxayna ugu horreyntii tageen magaalada Masagawaa oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ciidamadan soo dhaweyn u sameeyay taliyaha ururka 85-aad Laba Xiddigle Cabdiwahaab Axmed Macalin iyo xubna ka tirsan hogaanmiyaasha Macawiisleyda.

Ujeedka ciidamadan cusub loo geeyay gobolka Galgaduud ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoreynta ee ka socda halkaas, si looga saaro kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in ciidamadan ay ka qayb-qaadan ciribtirka Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhexe.

“Ciidankan ayaa qeyb ka ah howlgallada dalka looga cirib tirayo Argagixisada ayaa magalada Masawagaa waxaa kusoo dhaweeyay Taliyaha ururka 85-aad Laba X/le Cabdiwahaab Axmed Macalin iyo xubna ka tirsan hoggaanmiyeyaasha Macawiisleyda ee Bariga Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Saraakiisha ayaa tegida magaalada ka dib waxa ay kormeer iyo salaan ugu tageen ciidamada Macawiisleyda Rugaha kala duwan ee ay kaga sugan yihiin magaslada”.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug waxaa ka socda howlgallo waqti badan qaatay oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga  iyo kuwa deegaanka, waxaana lagu wajahan Al-Shabaab.