26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: Xogta kulankii Ismaaciil Cumar Geele iyo Aadan Madoobe – Maxaa dhacay maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) –

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti, isagoo uga mahadceliyay booqashada rasmiga ah ee uu ku yimid Jabuuti.

Madaxweyne Geelle ayaa bogaadiyay guulaha waaweyn ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ku talaabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, isagoo xusay in shuruuc muhiim u ah geedi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa tilmaamay in dowlada iyo shacabka Jabuuti ay kaalin walaalnimo kasoo qaateen dib u dhiska Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowlada Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay dib u xoreynta dalka iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee dalka.

Dhinaca kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa maanta ka qeyb galay kulankii baarlamaanka dalka Jabuuti, isagoo ka jeediyey Khudbad dheer oo guulihii ay dowladda Soomaaliya gaartay iyo kaalinta reer Jabuuti uu ku dulistaagay.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita, ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku soo dhoweeyay fadhiga Golaha wuxuuna uga mahadceliyay booqashada isaga iyo wafdigiisa isagoo  tilmaamey in muhiim ay u tahay Jabuuti, wuxuuna ku ammaanay Baarlamaanka Soomaaliya inuu ansixiyay shuruuc ahmiyad gaar ah u leh hanaanka geedi socodka dowladnimadda Soomaaliya.

Aadan Madoobe ayaa shacabka iyo dowladda Jabuuti ku amaanay doorkoodii lama ilaawaanka ahaa ee ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku laheyd dib u yag-leelida Jamhuuriyadda 3-aad ee Federaalka Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan, isagoo u mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti oo garab u ah walaalahooda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha dal ka mid ah Yurub oo fagaare lagu toogtay

Handlova (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii dalka Slovakia ayaa goordhow la toogtay, isagoo ka soo baxaya xafiiskiisa, waxaana lasoo werinayaa inuu ku sugan yahay xaalad adag.

Dhaawaca Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu qaaday diyaarad helikobter ah, waxaana oo la geeyay magaalada Banská Bystrica.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa sidoo kale ka falceliyay warkan soo baxay, isagoo sheegay inuu “naxay”.

Ra’iisul wasaaraha Slovakia Robert Fico ayaa dad ku hor salaamayay xarun dhaqameed oo ku taalla bartamaha magaalada Handlova ee Slovkia markii dhowr xabadood lagu furay.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa laga arkayaa Ra’iisul Wasaaraha oo la toogtay kadibna dhacaya, waxaana la cararaya oo gaari ku qaadaya ilaaladiisa.

Booliska ayaa xiray nin loo maleynayo inuu geystay Toogashada, kaas oo lagu soo bandhigay bartamaha magaalada Handlova ee lagu toogtay Ra’iisul Wasaaraha.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in ilaa iyo hadda warbixinnada la helay ay sheegayaan in ninka weerarka geystay oo 71 jir ah, uu ka soo jeedo tuulo ku taal bartamaha dalka Slovakia.

Bistoolada rasaasta laga furay ayaa la sheegay in si sharci ah loo haysto, sida lagu baaritaanada hordhaca ah ee la sameeyey.

Ilaa hadda lama oga sababta uu ninkaasi weerarka u geystay, muuqaalka ayaa muujinaya dad rayid ah iyo ilaalo oo tuhmanaha ku xiraya bannaanka xarunta dhaqanka ee Handlova, halka ra’iisul wasaaraha deg deg loola cararay dhaawaciisa.

Sawirro: Muxuu Firdhiye ku soo bandhigay shirka golaha wadatashiga qaranka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa warbixin lagaga dhagaystay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo soo bandhigay xaaladaha amni iyo bulsho ee deegaannada SSC ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda adkeynta iyo ilaalinta gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Sidoo kale Firdhiye ayaa kulankan uga mahadceliyey Xubanaha Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta uu kala qeyb galay shirkaan ay isugu yimaadeen.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Inkasta oo Firdhiye uusan xubin ka aheyn madasha shirkan oo u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa uu shirka ka jeediyey warbixin la xiriirta deegaannada SSC.

SSC-Khaatumo oo kal horey ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay aqoonsi KMG ah ayaa dhisatay xukuumad, waxaana uu Mr. Firdhiye la wadaagay madaxda shirka xaaladda deegaanadaasi iyo isbedeladdii u dambeeyay ee dhacay.

Firdhiye ayaa tan iyo markii uu shalay soo gaaray Muqdisho shirar la yeeshay xubnaha labada gole ee dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana maalinta berri lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka Talyaaniga.

XASAN iyo IMAARAADKA: Natiijada labada fursad ee Xasan Sheekh uu bixiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku tiirsanaanta Villa Somalia ee nidaamka Abu Dhabi waa gaba-gabo, laakiin taliska madaxweyne Xasan Sheekh weli ma rabo inuu xaqiiqada u bareero, wuxuu naawilayaa rejo dambe.

Tan iyo markii Imaaraadka ay joojiyeen lacagihii kabka ahaa ee ciidanka dowladda, lana baxeen diyaaradahoodii Drones-ka ahaa ee ay kaga qeyb qaadanayeen la-dagaalanka argagixisada, waxaa muuqaneysa in lagu jiro marxaladii kala guurka labada dal.

Xasan Sheekh oo Imaaraadka saaxiib la ahaa kal xukunkiisi hore ayaa gacan fiican ka helin intii uu mucaaradka ahaa iyo intii uu ku jiray geedigiisi dib u doorashada. Waxaana laga dharagsanaa sida uu Saciid Cabdullaahi Deni u ahaa musharaxa dhabta ah ee Abu Dhabi, laakiin Xasan Sheekh markale ayuu fursad siiyay Imaaraadka iyaga oo aan doorashadiisi wax badan tarin.

Si aan qarsooneyn weli Imaaraadka waxay raadinayaan inuu Saciid Deni majaraha u qabto Villa Somalia doorashada soo aadan, waxaana hada laga dareemaya saan-saan ah inay u jiheysteen marxalada xigta ee doorashada Soomaaliya.

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxa uu sheegay in mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee uu ka dhismi la’yahay ciidanka qaranka Soomaaliyeed inay tahay dowladda Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sheegay in kal xukunkoodii ay ku faa’iideen in la bur-buriyo heshiiskii amni ee dowladdii hore ee Xasan Sheekh u saxiixday Imaaraadka Carabta, taasina ay aheyd middii u sahashay inay dhisaan ciidan qaran oo macno leh.

Heshiiska cusub ee amniga la xiriira ee uu madaxweyne Xasan Sheekh siiyay dowladda Imaaradka Carabta ayuu Fahad Yaasiin sheegay inuu durba sababay bur-burkii ciidanka qaranka ee la dhisay.

Madaxweyne Xasan Sheekh mar labaad ayuu gacmaha u dhiibtay maaraadka, kuwaas oo marwalba jecel in saameyn amni iyo mid dhaqaale ku yeeshaan dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.

Balse weli waxaa la raadinayaa dowlad ka faa’iiday. Madaxda Soomaalida qaar kama dhamaadaan macaamilka Abu Dhabi, laakiin wax badan dowlad ahaan loogama faa’iido. Waa macquul inay siyaasiyiinta qaar ka helaan xooga dhaqaale ah oo ay akoonnadooda shaqsiga ah ku shubtaan.

Xasan Sheekh oo laba jeer loo doortay xukunka Villa Somalia, labada jeerba iyada oo ay Soomaali badan diidan tahay ayuu fursad siiyay Imaaraadka.

Laakiin dhamaadka muddo xileedkiisi hore waxaa la xasuusta in Dubai looga yeeray dhamaan madaxda maamul goboleedyada kadibna lacag lagu siiyay in uusan Xasan Sheekh kusoo laaban xukunka, laakiin inay Xasan bixiyeen waxba kama faa’iidin Imaaraadka oo waxaa yimid Farmaajo oo aad u diidan siyaasadaha Imaaraadka.

Markale Xasan Sheekh fursaddii oo kale iyo mid ka xoog badan ayuu siiyay Imaaradka, laakiin hadda waxay u ruqaansadeen sida muuqata inay fashiliyaan, meel fogna ma jirto in la arko iyaga oo Dubai ku shirinaya madaxda maamul goboleedyada oo kala hadlaya in Xasan Sheekh la bixiyo.

Hadda dowladda Imaaraadka marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxay macaamil toos ah la leeyihiin Somaliland, Puntland iyo Jubbaland.

Firdhiye oo ku biiraya shirka ka socda Villa Somalia ee Xasan Sheekh iyo maamullada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad galay ayaa waxaa goordhow la filayaa inuu ku biiro Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Inkasta oo Firdhiye uusan xubin ka aheyn madasha shirkan oo u dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, haddana waxaa uu shirka ka jeedin doona warbixin la xiriirta deegaannada SSC.

SSC-Khaatumo oo kal horey ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay aqoonsi KMG ah ayaa dhisatay xukuumad, waxaana uu Mr. Firdhiye la wadaagi doona madaxda shirka xaaladda deegaanadaasi iyo isbedeladdii u dambeeyay ee dhacay.

Firdhiye ayaa tan iyo markii uu shalay soo gaaray Muqdisho shirar la yeeshay xubnaha labada gole ee dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana maalinta berri lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka Talyaaniga.

Dhinaca kale, Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta ayaa sidoo klae loogu balansan yahay in la guda-galo qodobada la xiriira arrimaha doorashooyinka oo si weyn isha loogu haayo natiijadiisa.

Arrimaha doorashooyinka ayaa noqon doono qodobka ugu culus ee is-mari waaga ka imaan doono, maadaama la ogsoon yahay in madaxda maamulada ay quud-dareenayaan muddo-kororsi ama inay doorashada si iskood ah u maamushaan.

Xasan Sheekh ayaa hadda waxaa heysata labo daran mid dooro, inuu dowlad-goboleedyada waqtiga u kordhiyo oo muddo xileedkiisa la simo iyo in maamul kasta iskiis ugu madax-bannaanaado qabashada doorashooyinka.

Go’aanadda kasoo bixi doona shirkaan ayaa si dhow isha loogu hayaa, taasi oo muujin doonta dhinaca adkaada dhinacyada uu shirka uga socdo Villa Somalia.

Shaqaalihii ugu badnaa ee DF oo iska dhiibay Yurub iyo Mareykanka iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – 12 bilood ee lasoo dhaafay shaqaalihii ugu badnaa ee dowladda Soomaaliya ayaa goostay kadib markii la siiyay Fiisooyin shaqo iyo kuwa dalxiis.

Waxay iska dhiibeen Yurub iyo Mareykanka. Waxaana la xaqiijiyay in shaqaalahan ay badi ka baxsadeen wasaaradaha xukuumadda federaalka, bangiga dhexe, xafiiska guddoonka baarlamaanka, hoggaanka ciidamada, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’addaha sida gaarka ah u taagan ee dowladda Soomaaliya.

Inkasta oo marwalba ay jiri-jireen dad ka baxsada dowladda Soomaaliya markii shaqo ama aqoon kroorsi loogu diro Yurub iyo Mareykanka, haddana dadka aan arrintaan wax ka weydiinay ee dowladda Soomaaliya ka tirsan waxay sheegeen in 24 bilood ee lasoo dhaafay ay tiro beel noqdeen dadka baxsanaya.

Baxsadka qaar waxaa fududeyntooda qeyb ka ah xubno madax ka ah wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid xubnaha aan arrintaan wax ka weydiinay.

Dadka baxsaday waxay iskugu jireen shaqaale rasmi ah, kuwa kumeel-gaar ah balse maray tirakoobkii ugu dambeeyay iyo kuwo mashaariic ku qorna oo heli jiray lacago badan.

Sababaha ayaase ah xiisaha sheekada

Dadka baxsaday waxaa ku jiray dad dhowr jeer tababaro iyo shaqooyin loogu qaaday Yurub iyo Mareykanka oo aan horey u baxsan jirin, laakiin markaan waa baxsadeen.

Dadka isdhiibay qaar waxay sheegeen inay u baqeen in shaqadooda laga beddelo oo dad kale ay dad madax ah u xoogaan. Kuwii mashaariicda ku qornaa ee isdhiibay qaar waxayba haystaan daliilo la xiriira dad mashaariicda ay ku qornaayeen laga tiray oo wasiirada qaar ay ku qorteen dad ehelkooda ah.

Nuxurka doodda dadka baxsaday badankood waa halis ay ka dareemeen shaqooyinkooda, maadaama dadka xilalka loo dhiibay uu mid walba wato saaxiibo iyo ehel, si uu u maareeyana ay qasab ku tahay inuu kuwii hore meesha ka saaro.

In dad dowladda u shaqeynayay toban sano kabadan oo qaranka hanti badan geliyay, jooga xilligii laga faa’iideysan lahaa waayo-aragnimadooda, markii hore soo laaban jiray haddii la diro, inay maanta rejo beel u baxsadaan ma ahan farriin u wanaagsan nidaamka tallada haya ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladnimadu waa inay rejo abuurto oo ay jiilka maanta jooga dareensiin karto inay barwaaqadu soo dhowdahay, oo ay tusi karto astaamo ku qancin kara inay dalkooda iimaansadaan.

Laakiin hadda waxaa muuqata inay wax walba dhanka taban u socdaan oo madaxdii dowladda qaar ay dowladda shisheeye deegaan weydiisanayaan, oo hanti boobkii uu xadhkaha goostay, oo siyaasad ahaan la isku sii nacayo oo qabyaaladii xoogeysatay, hab-dhaqanka kooxda xukunka haysatana uu yahay mid sii niyad-jabinaya dhalinyarada Soomaaliyeed.

Gaari ay la socdeen shacab oo lagu qarxiyay gobolka GEDO

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax maanta ka dhacay gobolka Gedo, kaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lasoo wariyay inuu ka dhacay inta u dhexeysa  Beledxaawo iyo Doolow, waxaana lala eegtay gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Gaariga ayaa qarxay xilli uu marayay halka loo yaqaano Cinjirta, kaas oo gebi ahaan burburay, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ugu yaraan 2 qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxaan, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goojoogayaal ah oo ku sugan halkaasi.

Dadka dhaawacmay oo ay soo gaartay waxyeelo halis ah ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaallo ku yaalla gobolka oo loola cararay, kadib qaraxa ku qabsaday halkaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo howlgallo kooban ka sameeyay waddada uu qaraxu ka dhacday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi qaraxa ah ee lala eegtay dadka shacabka ah.

Dhanka kale saraakiisha amniga iyo mas’uuliyiinta deegaanka kama hadlin dhacdadan xanuunka badan ee ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Belexaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah ka fuliso Gedo oo ay horay ugu dishay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsanaa ciidamada ka howlgalka gobolkaasi oo hoostaga maamul goboleedka Jubbaland, kadib markii ay u dhigtay miinooyin soo boodo ah.

Daawo: Xasan oo shaaciyay qorshaha labada sano ee u harsan iyo arrin uu billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay xuska 81-aad ee maalinta aas aaska dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qorshaha dowladdiisa oo ay maanta u buuxsantay 2 sano.

Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday inay ku dadaalayaan in 2026-ka ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si dadweynaha Soomaaliyeed ay usoo doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay soo mareen doorashooyinka dalka, isaga oo tilmaamay in haatan loo baahan yahay in lasii hormariyo.

“Waxaa hadda muhiim innoo ah waaa qof iyo cod dadka Soomaaliyeed deegaano ayay dagan yihiin ha joogaan meeshooda, xittaa 4.5 hanoo ahaadaan laakiin shalay 130 oday oo sharaf leh ayaa baarlamaankii ugu horreeyay soo dhisay oo kii labaad soo dhisay kadib aan dhahnay aan rogno” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda federaalka ay haatan billowday shaqo ku aadan doorashada soo socota ee qof iyo codka ah, ayna siin doonaan muhimaad gaar ah.

“Sanadkan markaa nimid shaqada waxaa ka billownay sidii dadka Soomaaliyeed fursad loo siin lahaa in allaala intii kari karta ay codeyso” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu sii raaciyay “Haddii uu muddo xileedkeena dhamaado waa qof iyo cod, waan rabnaa waan sheegnay shaqadeedana waa galeynaa”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay qaataan doorkooda ku aadan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashadaasi.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay u i staagaan mashruucaas si dadka usoo doortaan hoggaankooda, haddii ay tahay meesha ugu hooseeso ama ugu sarreyso xukunka” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Toogasho maalintii labaad ka dhacday magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa toogasho kale oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, taas oo loo gaystay qof shacab ah.

Toogashada ayaa si gaar ah uga dhacday xaafadda Xaawo Taako ee degmadaasi, waxaana gaystay askari ka tirsan ciidamada dowladda, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaa in kahor toogashada uu marxuumka diiday amar uu siiyay askariga, si uu baaro, kadibna waxaa xigtay toogashada, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninka la dilay uu ka xanuunsanaa dhimirka, waxaaa maydkiisa loo qaaday xarunta dambi baarista C.I.D-da, si loo baaro kiiskiisa.

Askariga oo isku dayay inuu baxsado ayaa isna goor dambe waxaa gacanta kusoo dhigay ciidamada ammaanka oo soo xiray, si loo horgeeyo cadaaladda.

Waa toogashadii labaad ee ka dhaceyso caasimada, waxaana shalay sidaan oo kale askar la socotay baabuur marayay agagaarka Tarabuunka ay dileen gabar ardayad ahayd oo mareysa waddada, waxayna ka baxsadeen goobta, kadib dilkaasi.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey, waxaana ehelladooda ay sheegeen in aanay aasi doonin maydka, inta laga soo qabanayo dambiilaha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mar kale kusoo noqday dilalka ay gaysanayaan askarta dowladda oo dhibaatooyin kala duwan ku haya shacabka ku dhaqan gudaha caasimada.

Maxkamadda Racfaanka oo dil ku xukuntay Sayid-Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Maxkamadda oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi oo kala duwan ayaa ayiday xukunka maxkamadda darajada koowaad ee gobolka, waxayna Sayid-Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Luul, sida uu caddeeyay guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Mudane Saciid Cali Maxamed.

Inta ay socotay Maxkamadeynta ninkan oo muddo dheer qaadatay ayaa la keenay marqaatiyeyaal iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay Luul, kahor inta aysan geeriyoon, kuwaas oo xog ka bixiyay kiiskan xasaasiga ah.

Sayid-Cali ayaa haatan haysata fursad kale oo uu ku qaadan karo Racfaan, kuna aadi karo Maxkamadda Sare oo iyadu leh go’aanka ugu dambeeya, taas oo sii dheereyn karta kiiska.

Ehellada labada dhinac ayaa sidoo kale goojoog ahaa ku dhowaaqista go’aankan, sida Aabe Cabdicasiis oo muddo dheer dalbanayay cadaalad iyo in loo qisaaso Sayid-Cali Macallin oo mar kale ay maanta dil ku xukuntay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Si kastaba, Xukunkan ayaa waxaa si aad ah usoo dhaweeyay ehellada Luul iyo dadka Soomaaliyeed oo intooda badan si dhow ula socday falka arxan darrada ah ee lagu gubay marxuumadda oo korineysay carruur agoon ah.

James Swan oo mar kale loo magacaabay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u magcaabay James Swan inuu noqdo sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Swan oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa sidoo kalena hoggaamin doonaa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM.

James Swan ayaa si ku meel gaadh ah xilkan u sii haynaya, kadib markii ay shaqada ka fadhiisatay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa uga mahad-celiyey Catriona Liang shaqadii ay ka soo qabatay xafiiska UNSOM iyo weliba Soomaaliya xilligan adag.

James Swan ayaa ah diblomaasi khabiir ah oo aqoon durugsan u leh siyaasadaha Afrika, wuxuuna hore u soo noqday wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, intii u dhexeysay 2019 illaa 2022.

Kahor, wuxuu sidoo kale u soo noqday Danjiraha Maraykanka u fadhiya Jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo, intii u dhexeysay 2013 illaa 2016, isaga oo sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee dawladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhexeysay 2011 illaa 2013.

James Swan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaradda arrimaha dibedda Marwykanka oo ay ku jirto inuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika intii u dhexeysay 2006 illaa 2008.

Duqeymo culus oo ka dhacay Sh/Dhexe iyo Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe,  kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaanka Cali Hayle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lala eegtay gaari ciidan oo ay lahayd kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale duqeynta labaad deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana lala eegtay gaari booyad ah, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale waxaa isla goobtaas lagu dilay maleeshiyaad ilaalo ka hayay gaariga booyadda ah ee ma qarxiyay.

“Taliska Ciidanka XDS waxuu xaqiijiyay in duqeyntii Cali hayle lagu gubay gaari booyad ah waxaana lagu dilay maleeshiyaad ilaala ah u ahaa gaariga, duqeynta labaad ee ka dhacday xalay deegaanka Baraag sheikh Caamir waxaa sidoo kale lala beegsaday gaari Cabdi bila ah oo ku sugnaa halka loo yaqaano agagaarka Hareeriga jimcaale Maxamuud Daa’uud” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeymahaas ee ay guusha ka sheegatay Al-Shabaab.

Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa waxaa kamid ah gobollada furinta ah oo ay ka socdaan howlgallada xoreynta ah ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Sawirro: Shir looga hadlayay amniga shan degmo oo xalay ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka qabsoomay shir looga hadlay amniga 5 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, kaas oo ay isugu yimaadeen maamullada degmooyinka iyo saraakiisha laamaha amniga.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, waxaana wehlinayay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary.

Mas’uuliyiintan ayaa ku shiray xarunta Degmada Dharkenley, waxaana looga hadlayay amniga degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Kaxda, Dayniile iyo Deegaanka Garasbaaley, waxaana saraakiisha iyo guddoomiyeyaasha ay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyay ee degmooyinkaasi.

Sidoo kale waxa ay ku ballaameen in lasii dardar-geliyo amniga qeybta galbeed iyo guud ahaan kan caasimadda Muqdisho.

Yabooh oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in kulankan uu qeyb ka yahay kulamo si gooni gooni ah lala yeelanaayay saraakiisha qeybaha gobolka Banaadir si loo dar-dargeliyo amniga guud ee degmooyinka gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale saraakiisha iyo maamullada kula dar-daarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo sugidda Amniga, si loogu hortago dhagaraha cadowga.

Muqdisho ayaa waxaa mar kale kusoo kordhay falalka ammaan darrida, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxaa iyana halkoodii ah howlgallada joogtada ah ee ay wadaan ciidamada ammaanka oo labadii maalmood lasoo dhaafay soo qab qabtay burcaddii ugu badnayd.

Maxay tahay arrinta maanta uu sameeyay madaxweyne XASAN Sheekh? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo maanta ku beegan.

Sanad kasta marka la gaaro 15-ka May ayaa la xusaa maalinta aas-aaska dhalinyaradii gobonimo doonka SYL ee dhexda u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xuska  81-aad ee maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed aawgeed Ubax dhigay Taalada SYL oo lagu xasuusto dhalinyaradii gobonimo u dirirka ahaa ee SYL.

Munaasabaddan waxaa goojoog ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taliyaha ciidanka Booliska Sulub Axmed Firin, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

SYL

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen kacdoonno siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro oo wax bartay,kuna mideysnaa Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka umadda iyo baadigoobka  xornimo dhameystiran oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale dadaal lamid ah kan dhallinyarada ee Gobolada Koonfureed waxa uu ka dhacay Gobolada Woqooyi,kuwaas oo oo ay horkacayeen Ururka SNL(Somali National League), waxayna u howlgaleen raadinta midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Soomaaliyeed) SYL oo baddalay magacii Naadiga Dhallinyarada,wuxuuna  kulmiyay dadkii Soomaaliyeed ee doonaayey in la helo xoriyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu  baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay  ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiiligaasi suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray Sanbaloolshe iyo Ugaaska Xawaadle

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanboloolshe) ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Sanbaloolshe oo Ugaaska booqasho ugu tagay ayaa hambalyo kadib kala hadlay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hawlaha nabadeynta, dib u heshiisiinta bulshada iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha oo dul istaagay sida ay shacabku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka ayaa Ugaaska ka codsaday in uu dowladda ku garab siiyo dardar-gelinta dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo guud ahaan dalka.

Ugaaska beesha Xawaadle ee uu maanta la kulmay Taliye Sanbaloolshe ayaa shalay waxaa lagu caano shubay deegaanka Daaro-Ugaas ee hoos-taga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Sanbaloolshe ayaa tan iyo markii loo magacaabay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA waxa uu laba jeer ku laabtay gobolka Hiiraan, ayada oo sababta ugu weyn ee safaradiisu tahay raadinta inuu reerkiisa ku qanciyo inay dib u bilaaban gulufkii ka dhanka ahaa argagixisada.

Reer Hiiraan, gaar ahaan beesha uu ka dhashay Taliye Sanbaloolshe ayaa haysta diiwan ammaan mudan marka laga hadlayo sida ay ula dirireen argagixisada, ugana saareen inta badan deegaanadooda.

Tan iyo markii uu dagaalka dhaafay waxaa batay jabka iyo ciidamada kasoo baxaya furimaha. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay fahamsan tahay in howl-galkan cusub aan looga maarmi karin reerkan sida ba’an u jabiyay argagixisada.

Xawaadle ayaa kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee sida weyn u qadariya dhaqanka, waxayna caan ku yihiin inay ka dambeeyaan, taladana ka qaataan ugaaska.

Sawirro: Ciidan xooggan oo lagu diyaariyey Muqdisho iyo qorshaha maanta socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacaya munaasabado waaweyn oo ku saabsan xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL, waxaana saacadihii lasoo dhaafay laga sareemayey diyaar-garow xoog leh hey’adaha ay munaasabadaani quseyso ee dowladda.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa kormeeray ciidan ku xareysan Akadeemiyada Boliiska Generaal Kaahiye oo ku taalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo aad loo diyaariyey.

Kormeerka Taliyaha ayaa ku aadanaa ka qeyb galka munaasabadda 15-ka May 2024 ee ku beegan maalinta maanta, waxaana halkaas lagu kala qaatay waajibaadka sidii loo sugi lahaa amniga muwaadiniinta u dabaal-degaya maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Taliye Sulub ayaa warbixin ka dhageystey Taliyaha Akadeemiyada Boliiska ee Jeneraal Kaahiye S/guuto Mukhtaar Gaabow oo sheegay inay diyaariyeen ciidan aad u qalabeysan oo loogu tala galay inay sugaan amniga muwaadiniinta isugu tegaya goobaha dabaal-degga.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidanka in loo adkeysto shaqada adag ee hortaala iyo sidii umadda Soomaliyeed looga qaban lahaa kooxaha Khawaarijta ah, isagoo faray in loo diyaar garoobo xuska 15 ka May oo maanta ku beegan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta ubax dhigi doona tallada SYL, halkaas oo dadka uu kula hadli doono, waxayna sanadkaan ku soo aadeysaa maalintaan iyadoo Xasan Sheekh ay u dhamaatay sanad guuradii labaad ee xukunka uu joogay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa maanta Hotelka Royal Balaas uga qeyb galaya munaasabad weyn oo loogu dabaaldegayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, halkaas oo lagu wado in balanqaadyo cusub uu ugu sameeyo dhalinyarada oo inta badan ka cabata shaqo la’aan.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo Muqdisho ku sugan ayaa lagu wadaa inay Xasan Sheekh kala qeyb galaan munaasabadda xuska 15-ka May iyo ubax dhigga taallada SYL oo ku taalla afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ku dhowaaqista xukunka SAYID-CALI oo maanta dhaceysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan kama dambeys ah ka gaarto kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Maxkamadda oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi ayaa maanta ku dhawaaqeysa go’aankeeda rasmiga ah, kaas oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa soo dhammaatay dooddii kiiskan oo u dhexeysay xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha oo maalmihii u dambeeyay la dhageysanayay, waxaana maanta lagu dhawaaqayaa xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud,

Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday Maxkamadda Racfaanka, kadib markii uu sheegay inuu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee Maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Horay Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa ninkan ugu soo xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku heshay falka halista ah ee lagu soo eedeeyay.

Si kastaba, hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

Villa Somalia oo ka hadashay maqnaashaha Deni iyo safarka Firdhiye ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa faahfaahin ka bixiyey qodabadii maanta looga hadlay shirka golaha wadatashiga qaranka, isagoo beeniyey in hoggaamiyaha SSC Khaatumo uu ka qeyb galayo shirka.

Afhayeenka ayaa sheegay in shirkii maanta furmay uu soo gaaray caawa maqribkii, isla markaana ay madaxdu gorfeeyeen arrimo muhiim ah, oo ku saabsan xaaladda dalka iyo ajendaha miiska saran.

Si gaar ah, Afhayeenka madaxtooyada ayaa sheegay in labo qodob ay ugu muhiimsanaayeen wixii maanta ay ka wadahadleen madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaas oo kala ah:

1 – Dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah oo madaxdu ay isla gorfeeyeen sidii loo dardar gelin lahaa iyo caqabadaha jira.

2 – Iyo dhameystirka dastuurka dalka ooh adda meel dhexe maraya, maadaama lasoo ansixiyey ilaa afar cutub oo muhiim ah.

Xudeyfi ayaa sheegay in muddo labo maalmood ah la qorsheeyey in shirkaani uu ka socdo Muqdisho, isla markaana berri lasoo gabagabey doono, iyadoo laga soo saari doono bayaan ay ku cadyihiin qodobadii laga wadahadlay iyo heshiiska laga gaaray.

Waxaa la weydiiyey waxa madaxda uga qorsheysan ka maqnaashaha Puntland ee shirka, balse wuxuu ku jawaabay in Puntland ay u direen casuumaad rasmi ah, isla markaana aysan garaneyn sababta ay uga baaqatay shirkaan masiiriga ah oo ay jeclaan lahaayeen in madaxda Soomaaliyeed, xitaa hadii ay wax kala tabanayaan ay ka wadahadlaan caqabadaha jira.

Sidoo kale, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa sheegay in hoggaamiyaha SSC Khaatumo uusan Muqdisho u imaan ka qeyb galka shirka golaha wadatashiga qaranka, balse uu safarkiisu ku saabsanaa arrimo kale oo u gaar ah.

Hoos ka dhageyso wareysi uu siiyey KNN

 

Xog: Arrin ka cusub kiiska SAYID-CALI oo loo heysto inuu gubay xaaskiisii LUUL

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa berri go’aan kama dambeys ah ka gaareysa kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo heysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, waxaana aad loo sugayaa go’aanka maxkamadda.

Shalay ayaa la soo gabagabeeyey dhageysiga kiiska Sayid-cali oo markii 3-aad la hor geeyey maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir, kadib markii la dhageystay eedeymaha xeer ilaalinta, difaaca qareenada iyo marqaatiyaasha.

Maxkamadda ayaa shalay weydiisay su’aalo kama dambeys ah, si ay go’aan uga gaarto kiiskiisa, Sayid-Cali ayaa bixiyey jawaabo lamid ah kuwii horay uu uga sheegay maxkamadda gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay.

Sayid-Cali oo ka faa’iideystay fursadii ugu dambeysay ee maxkamaddu siisay ayaa shalay codsi u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo saxaafadda, isagoo sheegay in laga been-sheegay kiiskiisa oo xaaskiisii uusan dilin.

“Waxaan idiin cadeynayaa in xaaskeygii aana dilin, waxaan idinka codsanayaa in kiiskaan aan laga been-sheegin, qofkii marqaadi cad u keena inaan xaaskeygii gubay oo cadeyn na tusa, waxaan ka balan-qaadayaa inaan ogolaa doono in la i qisaaso,” ayuu yiri Sayid-cali.

Wuxuu sheegay in marqaatiyaasha la keenay maxkamadda aysan kiiskiisa run ka sheegin, isagoo garsooraha ka codsaday in kiiskiisa uu cadaaladda ka eego inta meel iska dhigo hadallada dadweynaha.

Sidoo kale Sayid-Cali ayaa ku calaacalay in guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir uu ku xukumay dil toogasho ah, iyadoo aan cadeyn loo heyn dembiga loo heysto, wuxuu sheegay in qofka muslimka ah aan lagu tooga karin dembi aan loo heyn cadeymo buuxa oo muujimaya inuu galay.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa ugu dambeyntii cadaalad ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir, waxaana berri lagu balansan yahay in go’aanka kiiskiisa ay maxkamaddu soo saarto.

Hadii Sayid-Cali mar kale lagu xukumo dil toogasho, waxaa u qorsheysan qareenadiisa inay racfaan kale qaataan oo kiiskaan loo gudbiyo maxkamadda saree e dalka, wuxuu noqday inta la xasuusto kiiskii ugu adkaa ee soo mara maxkamadaha dalka, waxaana la eegayaa sida ay u maareeyaan.

Daawo: Maxkamadda oo soo saartay go’aan ku saabsan kiiska Koofi, Cabdul iyo Saabey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aan ka soo saareysa dacwad musuq maasuq oo loo heysto masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, gaar ahaan in ka badan 10 agaasime oo ka soo shaqeeyey hey’adda socdaalka, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Masuuliyiintaan ayaa loo heystaa xatooyo xoolo dadweyne waxayna maxkamadeyntoodu socotay dhowr bilood, iyadoo lagu soo oogay kiisas musuq maasuq oo xasaasi ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Dabaan ayaa maanta ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyey dhageysiga dacwadii loo heystay ragaas, isla markaana ay hadda dhiman tahay in go’aan laga soo gaaro.

Guddoomiye Saalax ayaa sheegay hadda kiiskaan musuq maasuqa ah loo gudbiyey go’aan ka gaaris, isagoo sheegay inay shaaci doonaan go’aanka maxkamadda la gaaro, inkastoo uusan shaacin waqti rasmi ah.

“Maxkamaddu si waafaqsan qodobka 119, waxay halkaan ku joojisay dhageysiga kiiskaan iyo doodii socotay, maxkamaddu go’aan ayey u dirtay galkaan, dhinacyaduna waxay ka soo saari doonaan go’aan, kaas oo bulshada lala wadaagi doono,” ayuu yiri guddoomiye Saalax Dabaan oo soo xiray fadhigii ugu dambeeyey ee maanta ay maxkamaddu ka yeelatay kiiskaas.

Agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Korneyl Koofi, Cabdul iyo agaasimihii canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Muxudiin Saabey ayaa ku jira ragga kiiskooda go’aanka laga gaarayo.

Kiiskaan ayaa ku dheeraday maxkamadda gobolka Banaadir, kadib markii xeer ilaalinta iyo hantidhowrka qaranka ay eedeymo culus ku soo oogeen ragaan agaasimayaasha ka soo noqday xafiisyada qaar ka mid ah hey’adaha dowladda, isla markaana la sheegay in la lunsaday malaayiin doolar.

Waxaa la sugayaa go’aanka ay soo saari doonto maxkamadda gobolka, iyadoo uu jiro tuhun iyo warar toos loo dhahay oo sheegayey in kiiskaan lagu sumcad dilayo masuuliyiinta loo heysto oo ay is hayaan rag xilal ka haya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo