26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sidee looga falceliyay shirka ay ka maqan tahay Puntland ee ka socda Villa Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaase ka maqan Puntland.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa looga doodi doonaa dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid.

“Guul ka gaarista dagaalka Khawaarijta wuxuu muhiim u yahay in Soomaaliya si buuxda nabad looga aslaaxiyo, dalkuna u jiheysto dhanka horumarka iyo inuu wax la qabsado caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Shirkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli uu meel sare marayo khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland. Madaxweyne Saciid Deni oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka ayaa ka qeyb-geli doonin shirkan.

Haddaba, sidee looga falceliyay shirka ay ka maqan tahay Puntland ee ka socda Villa Somalia?

Axmed Ugaas “Shirka madasha Ilaahay haka soo saaro, wax dalka iyo dadka Soomaaliyeed dan u wada ah.”

Daahir Daacad “Midnimadda Somalia in laysla meel dhigo dadbaa ka xun oo aan fadhiga iyo halka looga hadlayo masiirka dalka ka soo qayb-gelin”.

Cawil Xaashi “Soomaali heshiis ah ma saanaa? Aaway dadkii kale ee Soomaaliyeed, ma intaanaa eh Soomaali oo dhan?”.

Cabdinaasir ayaa ku jawaabay “SSC khatumo iyo Puntland qarankii malaga saaray?, Mise dowladdu inta qolka ay kusoo xaraysay bay metashaa?.

Maxamed Muuse “Intii shir la galay wuxuu ajanduhu ahaa arrimaha amniga, hadhowna qodoba kale ayaa kasoo baxa”.

Aweye Macallin Abshir “Mashaa Allah madaxda dalka dhamman iyo madaxda maamulada horumar ayaan u rajeeynaa”.

Daawo: Toogasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta ka dhacday agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taas oo loo gaystay gabar ardayad ahayd oo mareysay waddadaas, sida ay xaqiijiyeen ehellada.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey ayaa waxa ay ku dhimatay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xill ay marayeen Warshadda Caanaha.

Gabadhan oo 22 sano jir ahayd ayaa goobta ku geeriyootay, waxaana baxsaday askartii ka dmabeysay falkaasi, sida ay sheegeen ehellada iyo dadka deegaanka.

Nabadoon u hadlay ehellada ayaa ka warbxiyay sida ay uga dhaceen dilka gabadhooda, wuxuuna sheegay in lagu dilay meel ay Kaamirooyin ku xiran yihiin, ayna rabaan baaris.

“Gabadhaas waxay ku dhimatay meel Kaamiro leh, meel ay joogaan ciidanka dowladda, si xaq darro ah aa loo dilay, ayada oo nolosheeda cusub tahay ayaa la dilay” ayuu yiri.

Isaga oo ka warbixiyay xaaladdeeda waxbarasho ayuu sheegay in marxuumadda ay sanadkan ka qalin-jabineysay Jaamacadda Soomaaliya, balse saaka la dilay.

“Buuggeeda qalin-jebinta ayay diyaarsaneysay waxa u dhimanaa lama arko, xittaa Jaamacadeeda waxeeda way u dhameystiray” ayuu sii raaciyay.

Ugu dmabeyn wuxuu nabaddoonku sheegay in aysan aasi doonin maydka Muno inta laga soo qabanayo dambiilayaasha, si loo horkeeno cadaaladda.

“Hadda waxay ku jirtaa isbitaalka Madiino, la aasi maayo illaa aan ka helno gacan ku dhiiglayaashii dilay ee xabadda iska riday” ayuu mar kale yiri.

Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar dilal ka gaysta ciidamada dowladda, kuwaas oo ay dhibanayaal u yihiin qoysas badan oo ehelladooda la toogay ama la dhaawacay.

Maxay tahay sababta Firdhiye u tegay Muqdisho isagoo qeyb ka aheyn shirka wadatashiga?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Firdhiye ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo deegaanada SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyahan kasoo kicitimay Laascaanood kama qayb-galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Ujeedka imaatinka Firdhiye ayaa la xiriira kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelan doono madaxda sare ee dowladda dhexe, kadibna wuxuu sii aadi doonaa safar dhanka dibadda ah, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.

Waa markii 2-aad ee uu Hoggaamiyaha Khaatumo imaanayo magaalada Muqdisho, waxaana horay u casuuntay dowladda federaalka oo taageero u muujisay maamulkan oo dagaal adag la galay Somaliland.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaaa sida tan;-

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Soomaaliya ayaa safar shaqo ugu anbabaxay Caasimadda Muqdisho isaga oo halkaa uga sii gudbi doona dalka dibadiisa.

Safarka Hoggaamiyaha ayaa daarran dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh Maamulka SSC-Khaatumo oo ay ugu horreeyaan Arrimaha Maamul dhiska iyo wadashaqaynta Hey’adaha Caalamiga ah gaar ahaan hawlaha bini’aadannimada, xasilinta, iyo daadajinta adeegyada Dawliga ah.

Hoggaamiyaha ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiin kala duwan muddada uu ku guda jiro socdaal kiisan shaqo oo ah kii ugu horeeyay ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda hey’adaha kala duwan ee ay wadashaqayntu kala dhaxayso Maamulka.

DHAMMAAD

Arrin uu MUUSE BIIXI ku dhowaaqay oo SOMALILAND gelin karta jahwareer cusub

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharaxa xisbiga Kulmiye ee doorashada dhici doonta bisha Novermber ee sanadkaan.

Biixi oo ka yara siyaasad adag xubnaha la tartamaaya ee Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa raadinaya shan sano oo cusub kadib markii uu 7-dii sano ee lasoo dhaaf dib u riixay dhamaan rejooyinkii Somaliland ee dowlad wanaaga iyo ictiraafka.

Inkasta oo ay Somaliland culeys ugu filan tahay nuuca faham iyo hoggaamineed ee ragga la kala dooran doono bisha Novermber ee sanadkaan, haddana siyaasadda gacan ka hadalka iyo mintidnimada ayaa laga yaaba inay hesho taageero kale.

Inta uu Muuse Biixi joogay xukunka waxaa gacanta Somailand ka baxday Laascaanood, waxay galeen dagaalkii ugu khasaaraha badnaa waayahan, waxa lumiyeen kalsoonidii beesha caalamka.

Sidoo kale waxay ku dhaqaaqeen inay bixiyaan qeyb dhulka iyo badda kamid ah, waxaa dhacay muddo kororsi sharci darro, waxayna iska sii fogeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya oo ah cidda uu ku xiran yahay go’aanka ictiraafka.

Gudaha Somaliland dagaalo qabiil ayaa dhacay, xoriyatu-qowlka ayuu si weyn ula diriray hoggaamiye Biixi, xasilooni darro siyaasadeed middii ugu darneyd ayuu cagaha u galiyay maamulka, waxaana dhinaca kale lagu eedeeyay sad-bursi reereed.

Iyada oo dhamaan arrimahaasi jiraan weli Muuse Biixi waa musharax xoog leh. Sababta uu weli Muuse Biixi ugu cad cad yahay kursiga ma ahan jaceyl ee waa miisaanka xubnaha la tartamaya, kuwaasi oo aan lagu tuhmayn itaal siyaasadeed kiisa dhaama, wallow uu Cabdiraxmaan Cirro uu isagu haysto shacbiyad fiican.

Loolanka qabaa’ilka ayaa kursigaan si weyn u saameyn kara, laakiin marwalba oo ay doorashada tahay qof iyo cod lama sahashan karo xisbiga tallada haya, kuwaasi oo xitaa awoodda inay doorashada ku shubtaan.

Doorashada soo aadan ee Somaliland waxay dadka gobollada Waqooyi siin kartaa shan sano oo kale oo jawhareer ah haddii taliska Biixi uu kusoo laabto kursiga, wallow Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabena la ma-suugsan yahay halka ay wax gaarsiin karaan.

Shirka Golaha Wadatashiga oo furmay + Ajendaha (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) — Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhoweyd ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, kaasi oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salah Jama, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Galmudug Axmed Qoor-Qoor, HirShabelle Cali Guudlaawe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga doodi doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid.

“Guul ka gaarista dagaalka Khawaarijta wuxuu muhiim u yahay in Soomaaliya si buuxda nabad looga aslaaxiyo, dalkuna u jiheysto dhanka horumarka iyo inuu wax la qabsado caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadan uu madaxweynaha ku martiqaadey madaxda goboleedyada, si ay shirkan muhiimka ah uga qeyb galaan ay tilmaameyso sida dowladda federaalka uga go’an tahay balaarinta wada-tashiyada siyaasadeed ee wadar oggolka ah ee lagu gaarayo go’aamada masiiriga ee dalka, iyada oo la raacayo dastuurka dalka u degsan iyo hay’adaha sharciga ee dastuurka lagu qeexay.

Shirkaan ayaa wuxuu imaanaya xilli uu meel sare marayo khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka ayaa ka qeyb-geli doonin shirkan.

Dowlad-goboleedka Puntland oo illaa afar shir ka maqneyd ayaa horay u qaadacday hannaanka wax ka bedelka dastuurka ee afarta cutub, waxaana ay aqoonsiga kala laabteen dowladda federaalka.

Dhinaca kale, Madaxda afarta dowlad-goboleed Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle ayaa la hadal hayaa inay doonayaan in shirka ka helaan muddo kororsi, taasi oo ku jaan go’an muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa hadda waxaa heysata labo daran mid dooro, inuu dowlad-goboleedyada waqtiga u kordhiyo oo muddo xileedkiisa la simo iyo in maamul kasta iskiis ugu madax-bannaanaado qabashada doorashooyinka.

Go’aanadda kasoo bixi doona shirkaan ayaa si dhow loogu hayaa, taasi oo muujin doonta dhinaca adkaada dhinacyada uu shirka uga bilaaban doono Villa Somalia.






Booliska oo soo qabtay rag dhibaato weyn ku hayay shacabka Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo dhibaato weyn ku hayay shacabka Muqdisho.

Labada nin oo dhac u geysanayey shacabka ku nool xaafado kamid ah degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa booliska gacanta ku soo dhigay iyaga oo watay Tooreeyo iyo Mooto Bajaaj.

Booliska ayaa sheegay in dadkii ay taleefoonada ka dhaceen ay deg deg u war-geliyeen booliska, taasi oo fududeysay in raggaan lagu soo qabto howl-gal ay fuliyeen ciidamada ka howl-gala saldhigga booliska ee degmada Waaberi.

Shalay ayey aheyd markii booliska uu gacanta kusoo dhigay koox burcad hubeysan oo dhac ka geystay degmada Heliwaa, kuwaasi oo shalay taleefano badan ku dhacay gudaha degmadaasi.

Soo qabashada raggan burcadda ah ayaa timid, kadib xiriir toos ah oo ay shacabka la sameeyeen booliska, iyaga oo deg-deg u wacay nambarka gaaban ee xiriirka dadweynaha.

Arrintan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka deegaanka oo ku farxay tallaabada uu qaaday booliska oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay dhibaatada ay burcadda ka gaysteen degmooyinka gobolka Banaadir.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa weli dhibaato ku haya kooxo burcad ah iyo ciyaal weero weli ka jira qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay qaati ka taagan yihiin dadka shacabka ah.

Fahad: “Dhaxalkii laga helay doorashadii 15-kii May 2022”

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wareegay dal hal dastuur leh. 𝐋𝐚𝐛𝐨 𝐬𝐚𝐧𝐨 𝐤𝐚𝐝𝐝𝐢𝐛, dalku wuxuu leeyahay labo Dastuur.

𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 waxay haysataa kii sharciga ahaa ee heshiiska lagu wada ahaa (2012).  Dawladda Federaalku waxay leedahay dastuur cusub oo Madaxweynuhu saxiixay,  oo lagu muransanyahay (2024). 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 iyadana keedii bay haysataa oo wada hadalladii god dheer bay kasii hoobanayaan.

Madaxweyne Xasan wuxuu dalka ka abuuray qalalaase dastuur iyo khilaaf ay Soomaalidu ka soo gudubtay 2012kii. Wuxuuna dalka dib ugu celinayaa marxaladdii wada hadalladii dastuurka ee shirarkii 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞 𝟏 𝐢𝐲𝐨 𝟐.

Taariikhda dalka, laga soo bilaabo 𝟏𝟗𝟔𝟎 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒, Xasan Sheekh waa Madaxwynihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loo doortay ee ka guuray dastuurkii lagu dhaariyay, una  wareegay dastuur aysan umadda heshiis ku ahayn, wuxuuna u dhaqmayaa sidii Madaxweyne dalka 𝐈𝐍𝐐𝐈𝐋𝐁𝐀𝐀𝐃 ku qabsaday oo kale.

Laba sano kaddib dhawr arrimood oo aan kaga digay waraysigii ugu horreeyay ee aan bixiyay ayaan doonayaa inaan dib wax uga iftiimiyo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhaxlay 2017 ciidan qaran oo aan sagaal bilood wax xuquuq ah helin. Ciidan aan lahayn diiwaan casri ah iyo hannaan dabagal.

Sanadkii u horreeyey Madaxweyne Farmaajo wuxuu u dhexeeyey Madaxtooyada iyo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, ugu dambayna wuxuu go’aansaday jidka dhismaha ciidan qaran oo leh xuquuq dhammaystiran.

Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Khayre, waxay ku guulaysatay diiwan galin iyo dib u habayn, waxayna saxday xuquuqdii ciidanka nolol ahaan, tababar ahaan iyo agab ahaan.

Madaxweyne Xasan wuxuu 15kii May 2022, la wareegay ciidan cusub oo aan ka yarayn 30kun oo askari, oo agab ahaan, caafimaad ahaan, anfac ahaan iyo niyad ahaanba aad loo dhisay, loona tayeeyay.

Guushaas waxaa saldhig u ahayd in dowladdu fahamtay caqabada qarsoon ee hortaagan dhismaha ciidan qaran, waana Dowladda Imaaraadka Carabta. Sidaas darteed waxaa lasoo xiray albaabkii uu sharku kasoo galayey, waxaana la laalay heshiiskii iskaashiga amniga ee dawladdii hore ee Xasan Sheekh la saxiixatay Dowladda UAE.  Maalintaas, ayey bilaabatay dhismaha ciidan leh haybad qaran.

𝐋𝐚𝐛𝐨 𝐒𝐚𝐧𝐨 𝐊𝐞𝐝𝐝𝐢𝐛:

Ciidankii lagu soo tababaray Eritrea si kas ah oo kutalagal ah baa loo kala diray, oo xitaa iney xeryahooda kusoo laabtaan waa loo diiday.

Sidaas kolkii loo kala daadiyey waxay ku kala biireen ciidamada gobollada dalka sida Somaliland, Puntland iyo meel kale. Qaar baa u u qaxay dalalka deriska ah iyagoo u dulqaadan waayay dayaca ay la kowsadeen.

Ciidankii Gorgor iyo Haramcad sida loo hagardaameeyay, dabinnada loogu dhigay, ee misana saraakiishoodii loo shir qoolay ma doonayo inaan halkan uga warramo. 

Madaxweyne Xasan markuu xukunka kusoo laabtay, wuxuu dib isugu furay albaabkii sharka. Wuxuu mar kale galkii amniga gacanta u galiyey UAE oo uu u saxiixay heshiis cusub oo kii hore kasii awood badan.

Sidii caadadooda ahayd Shartoodi bey maleegeen, laba sano kaddibna way ka miro dhaliyeen shirqoolkoodii.

UAE marnaba ma ogola in Soomaaliya ay yeelato ciidan qaran. Waxay dhistaan ciidan u gaar ah oo iyaga kaliya daacad u ah, ciidamada kalana wey kala daadiyaan. Xitaa Puntland uma ogola iney yeelato ciidan aan ahayn kuwa PMPF-ta ee ay iyagu dhisteen tan iyo waagii uu Madaxweyne Faroole heshiiska amniga la galay. Waa qodax ku taagan horumarka amni ee dalal badan oo Carbeed oo ay Yaman, Suudaan iyo Liibya kamid yihiin.

W/Q: Fahad Yaasiin 

Catriona Laing oo ka degtay Hargeysa, kadibna la kulantay MUUSE BIIXI + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa maanta gaartay magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Amba. Catriona Laing ayaa soo dhaweyn kadib kulan gaar ah la qaadatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo uu ujeedkiisu ahaa sagootin, maadaama ay haweeneydan ka tegeyso xafiiska kadib mudo sanad ah oo ay ka howlgaleysay Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaceeda weftigan waxa ku wehelinaayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah-faahiyay kulanka labada mas’uul oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

“Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb.Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada midoobay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Biixi oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadnaqay Amb Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey  Qaramada midoobay iyo Somaliland ee qabsoomay  muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay wadday kulamo ay la qaadaneyso madaxda Soomaaliyeed, waxayna horay ula kulanray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada oo ay ugu tegtay xafiisyadeeda, si ay u macsalaameyso.

Somaliland oo qorsheynaysa duullaan culus oo ay ku qaado Laascaanood – Xog

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qorsheynayso duullaankii ugu weyna ee ay ku qaado Laascaanood, si ay dib ugu soo celiso gacanteeda, xilli ay hadda ka taliso SSC-Khaatumo.

Milateriga Somaliland oo ku goodiyay inuu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, ayaa sheegay in uu xataa dhaafi doono Laascaanood, taasi oo ka dhigan in xukuumadda Muuse Biixi ee muddo xileedkeedu dhamaaday ay duullaanka ku raadineyso dhibco ay doorasho ku gasho.

Taliyaha Millateriga Somaliland oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu meesha ka saaray in awooddii ciidanka Somaliland ay wiiqmatay kadib markii looga adkaaday dagaalka Laascaanood, isagoo sheegay in ciidankiisu uu weli awood badan yahay, uuna u diyaarsan yahay inuu soo ceshado dhulkii uu ku lumiyay dagaalka, sida uu sheegay.

“Dadwaynaha reer Somaliland waxaan u sheegaya in aanu si dhakhso ah xadka u gaadhayno wakhtigeeda, ciidanku waa kii naftooda waxay u huryaan dalka, awoodoodii iyo xoogoodiina way leeyihiin,” ayuu yiri Taliye Nuux Ismaaciil Taani.

Goodiskan ayaa imanaya xilli ay inta badan deegaanada gobolka Sool ka hana-qaaday maamulka KMG ee SSC, kaasi oo aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kalena waxay kusoo aadeysa xilli taliska Muuse Biixi uu wajahayo loolan doorasho oo adag, ayna boog ku noqotay guul-darada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa sanadkii tegay ee 2023-ka lumiyay gacan ku haynta inta badan gobolka Sool iyo magaalo madaxda Laascaanood, kadib dagaal billo socday oo ay dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo si beelaysan u abaabulan ay dagaal la galeen Somaliland, iyada oo ugu dambeyn 2-kii August 2023 laga adkaaday ciidamada Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa weli aamisan in Sool ay kamid tahay dhulkeeda, iyada oo ciidamo fara badan tababaratay kadib jabkii ciidankeeda, halka ay dadka deegaanka dhisteen maamul ka madax-bannaan Somaliland, kaasi oo aqoonsi KMG ah ka haysata dowladda federaalka Soomaaliya.

Mareykanka iyo Shiinaha oo ka walaacsan arrin si weyn ugu faafeysa dunida

Washington (Caasimada Online) – Masuuliyiin sar-sare oo ka kala socota Mareykanka iyo Shiinaha ayaa qorshaynaya inay ku kulmaan dalka Switzerland, maalinimada Salaasada.

Kulamadan ayaa salka ku haya si ay uga wada-hadlaan walaaca isa-soo taraya ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence, ee muddooyinkii dambe sida weyn ugu faafeysa dunida.

Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in wada-hadalada ka dhacaya magaalada Geneva in aanay fursad u siin doonin in Shiinuhu uu saamayn ku yeesho siyaasadaha lagu hagayo farsamada casriga ah.

Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in qodobada miiska yaalla ee laga wada-hadlayo inay ugu muhiimsan yihiin, sidii ay labada dal uga wada xaajoon lahaayeen, hababka hoos loogu dhigi karo, khataraha ku gedaaman isticmaalka Garaadka Macmalka ah ee horumarsan.

Beijing iyo Washington ayaa ku jira tartan aad u xooggan oo la xidhiidha, cidda gacanta sare yeelanaysa, marka laga hadlayo Artificial Intelligence.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmaya iyo arrimo xasaasi ah oo miiska saaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo lagu balansanaa inuu furmo bishii hore ayaa arrimo farsamo darteed dib ugu dhacay, waxaana maanta lagu wadaa inuu ka furmo Villa Somalia.

Sanad kahor, bishii May 2023 ayay ahayd markii golaha ay soo saareen war-murtiyeed ay ku heshiiyeen oo ahaa; 1- in la qabto doorasho qof iyo cod oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed, 2- in bisha June ee sanadkan 2024 ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah golaha deegaanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, 3- dhammeystirka dastuurka iyo 4- in nidaamka madaxtinimada dalka ay noqoto madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Inkasta oo dooddii baarlamaanka labada Aqal ee afarta cutub wax ka bedelka dastuurka waxa ka beddel lagu sameeyay qodobada qaar ee heshiiskaas, lagana dhigay in nidaamka madaxtinimada madaxweyne iyo ra’iisul wasaaraha awoodihiisa la dhimay oo madaxweynuhu eryi karo.

Shirka Golaha Wadatashiga ee maanta lagu wado inuu furmo ayaa waxaa kasoo qeyb-gali doonin madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka.

Dowlad-goboleedka Puntland oo illaa afar shir ka maqneyd ayaa horay u qaadacday hannaanka wax ka bedelka dastuurka ee afarta cutub, waxaana ay aqoonsiga kala laabteen dowladda federaalka.

Madaxda afarta dowlad-goboleed Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle ayaa la hadal hayaa inay doonayaan in shirka maanta furmaya inay ka helaan muddo kororsi, taasi oo ku jaan go’an muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hadda heysata labo daran mid dooro, inuu dowlad-goboleedyada waqtiga u kordhiyo oo muddo xileedkiisa la simo iyo in maamul kasta iskiis ugu madax-bannaanaado qabashada doorashooyinka.

Sawirro: Ninkii ugu halista badnaa oo la qabtay iyo qaraxyada u diyaarsanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada PMPF ee ka howlgala deegaanada Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Ciidanka ayaa soo bandhigay nin iyo qaraxyo la sheegay inay u diyaarsanaayeen iyo gaari miineysan oo la aaminsan yahay inuu u diyaariyey inuu isku qarxiyo.

Cutubyada sida gaar ka ah u tababaran ee Ciidamada PMPF Puntland ayaa ninkaan ku qabtay hawlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka PMPF ee Puntland ayaa lagu sheegay in ninkaas uu damacsanaa dhagar weyn, balse ay ka hor tageen, kuna guuleysteen inay qabtaan isagoo badqaba oo qaraxyo ay u diyaarsan yihiin.

Goobta waxaa lagu bandhigay gaari Langarusal ah oo la sheegay inuu isku qarxi rabay iyo miinooyin aad u badan, balse lama sheegin hadii ay jiraan weerarro uu ninkaani horay u geystay.

“Howlgalkan ay fuliyeen Ciidanka PMPF ayaa qabtay Bambooyinka nooca sababa qaraxyada waa waaweyn, gaadiidkii lagu waday iyo sharwadihii doonayay inuu shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ku dhibaateeyo,” ayaa lagu qoraalkaan ka soo baxay taliska ciidamada PMPF-ta Puntland.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ciidanka fuliyey howlgalkaan ay bixiyeen, ninkaan meesha uu ka yimid, magaciisa iyo goobaha bartilmaameedka u ahaa, midna laguma shaacin warbixintaan.

Qeybo ka mid ah Puntland waxaa ka dagaalama Al-Shabaab, qeyb kale waxaa joogta Daacish, kuwaas oo mararka qaar ayagu is weerara, maadaama Shabaab iyo Daacish aysan heshiis aheyn, dhulka ay joogaan Puntalnd, waa buuraley aan lagu weerari karin oo deegaano fog fog ah.

DAAWO: DF oo shaacisay arrimo dhacay kahor warqadii xasaasiga ee QM loo qoray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixisay warqadii ay dhawaan u dirtay Qaramada Midoobey, taas oo ay ku dalbaneysay in wax laga bedelo howlgalka QM ee Soomaaliya, maadaama la gaaray xiligii Soomaaliya loo madax-baney lahaa arrimaheeda masiiriga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyey SNTV ayaa sheegay in go’aankaan uu daba joogay wadahadal rasmi ah oo dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, 6 maalmood ka hor markii ay warqadaasi ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa isku afgartay in Xafiiska UNSOM uu noqdo mid arrimahiisa ammaanka iyo siyaasadda lagu aamino dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa isla gartay in shaqada xafiiskaan oo xil-saaro guddi ka soo shaqeynaya is bedelka la qorsheeyey in lagu sameeyo shaqadii uu xafiiskaasi ka hayey Soomaaliya, tan iyo burburkii dalka.

“Arrinta wax ka badalka xafiiska kaalmeynta QM ee Soomaaliya waxaa loo saari doonaa guddi ka kala socda labada dhinac, guddigaas ayaa diyaarinaya sidii uu isugu badali lahaa Country Office.” Ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii hore ku guuleysatey in dalka deynta laga cafiyo, cunaqabateynta hubkana laga qaado, kadib markii la dhameystiray hannaankii barnaamijyadaasi looga baahnaa.

Waxaa dhanka kale haatan socda hannaanka soo afjarista Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo soo socday muddo ka badan 15 sanno, lana filayo in 31-ka December ee sannadkan 2024-ka la soo gabagabeeyo.

In laga guul gaaro hannaanka fulinta barnaamijyadan waxaa door weyn ka qaatey Hawlgalka Qaramada Midoobay, oo Soomaaliya garab taagnaa tan iyo markii ay colaadaha la dilaaceen Soomaaliya.

Maadaama ay Soomaaliya sameyneyso horumar dhinacyo badan leh ayaa Dib u Eegis ay sameysay Qaramada Midoobay laba sanno ka hor waxaa ku xusnaa in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM loo rogo qaab joogitaan oo la mid ah waddamada kale ee caalamka, afka qalaadna lagu yiraahdo (Country Team).

Hannaankaasi ayaa haddii uu hirgalo waxaa uu Soomaaliya u jiheynayaa dhabbada dal caadi ah oo dimoqraadi ah oo si buuxda uga soo kabtey caqabadihii la soo gudboonaadey.

Haddaba Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ka duuleysa natiijada Dib u Eegista Qaramada Midoobay ay sameysay ayaa dhowaan warqad lagu dalbanayo qaabka loo fullinayo barnaamijkaasi u dirtay Qaramada Midoobay.

Hoos ka daawo wareysiga Fiqi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray caano-shubka Ugaaska Xawaadle

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu hambalyo ugu diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta lagu caano shubay deegaanka Dahara Ugaas ee hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo masuuliyadda-dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kula dardaarmayaa Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan in uu sii ambaqaado kaalinta soo jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Ugaaska, oo door wanaagsan ku leh, bulshada Hiiraan, reer Hirshabeelle iyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Deegaanka Daaro-Ugaas ee maanta ay ka dhacday xafladda caano-shubka ah ayaa ka mid ah deegaanadii dhowaan laga xoreeyey kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin inta badan xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan, Taliyaha NISA iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa ka qeyb galay xafladda Caano-shubka Ugaaska.

Sidoo kale xafladaas waxaa maanta ka qeyb-gelay duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya, maadaama aad loo ciseeyo Ugaaska beesha Xawaadle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka soo jeeda gobolka Hiiraan, maadaama Hooyadiis ay tahay Xawaadle, wuxuuna mar kasta ku faanaa inuu ku soo koray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo Abtiyaashiis ay degaan.

Xawaadle ayaa ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee sida weyn u qadariya dhaqanka, waxayna caan ku yihiin inay ka dambeeyaan, taladana ka qaataan ugaaska.

DF ma aqbali doonta arrinta Kenya ku riixeyso ee Itoobiya taageerada ka haysata?

Muqdisho (Caasimada Online) – Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waa mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxay horey usoo noqotay ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Waxay leedahay diiwaan wanaagsan oo dhanka adeegga bulshada ah, waa aas-aase Jaamacadeed, mid warbaahineed iyo haweenay si fiican uga dhex muuqata heerarka siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxay dhawaan isku sharaxday xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, kursigaas hadda uu ku fadhiyo ra’iisul wasaarihii ee waddanka Chad.

Kursiga waxa uu hadda yaalla waqooyiga iyo bartamaha Afrika, laakiin muddo xileedkan soo aadan kursiga waxaa la rabaa inuu ku fadhiisto qof kasoo jeeda Bariga Afrika.

Musharaxiinta illaa hadda kursigan raadineysa waxaa ugu cad cad ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Dowladda Kenya waxay wadaa olole xooggan oo ah in musharaxiinta kale laga reebo, si uu kursiga u qaato Raila Odinga.

Madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu rabaa inuu isdhaafiyo culeyska Odinga oo si weyn ugu qash-qashaaday siyaasadda arrimaha gudaha. Wuxuu garab ka helayaa madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Kenya ay madaxda Soomaaliya kala hadashay inay la baxaan musharaxooda oo Fowsiya laga reebo tartanka.

Inkasta oo aanay caddeyn waxa ay Soomaaliya taas uga jawaabtay, haddana waxaa la dusinayaan inay damacsanaan muujiyeen. Horey Soomaaliya ayaa ugala baxday musharaxeeda tartankii madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kadib markii ay Tanzania usoo jeedisay gacan ku siinta xubinnimada bulshada Bariga Afrika, taas oo aakhirkii shaqeysay.

Hadda waxay Soomaaliya raadineysa kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxaa macquul ah ayaa la leeyahay in Muqdisho ay musharaxnimada Fowsiya ku bedelato in laga caawiyo oo lagu garab siiyo kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka.

Haddii ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh qaado tallaabadaas ma cadda waxay noqon doonto jawaabta Fowsiya, laakiin musharax aanay dowladdiisa wadan, ololena ugu jirin wax badan kama keeni karo tartankan.

Dadka isha ku haya arrintan waxay leeyihiin haddii si dhab ah loogu ololeeyo Fowsiya oo dalalka Carabta ah iyo kuwa Islaamka ah ee Midowga Afrika ku jira shaqo fiican laga dhex qabto wax badan oo togan ayaa suurta-gal ah.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo Muqdisho soo gaaray iyo xogta shir xasaasi ah oo furmaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Lafta-gareen iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dibu-heshiisiinta XFS Cali Cali Xoosh iyo wasiiro kale oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Socdaalka Lafta-gareen ayaa wuxuu u daaran yahay ka qeyb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Shirkan oo qorshuhu ahaa inuu qabsoomo 20-ka bishii Abriil ee lasoo dhaafay ayaa u baaqday sababo lagu sheegay “arrimo farsamo”, waxaana hadda lagu wadaa inuu maalmaha soo aadan ka furmo caasimada, xilli ay sii kala fogaanayaan labada dhinac ee dowladda federaalka iyo afarta maamul goboleed.

Shirka Golaha Wadatashiga ee dhawaan furmi doona ayaa waxaa kasoo qeyb-gali doonin madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka.

Madaxda kale ee dowlad-goboleedyada ayaa sidoo kale waxaa lasoo werinayaa inay qabaan cabasho la xiriirta dastuurka, kuwaasi oo qaarkood ka cago-jiiday qabsoomida shirkii hore, inkasta oo markii dambe la isku afgartay in miiska la iskugu yimaado, lamana oga waxa kasoo bixi doona, maadaama ay dhinacyadu waxyaabo badan xilligaan isku diidan yihiin.

Xog: Xasan Sheekh oo guddi qaran u magacaabay difaaca madax-banaanida Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qaran ee difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa waxay magacaabistooda ku timid kadib markii madaxweynaha uu arkay baahida loo qabo in la xoojiyo awoodda difaaca madax-banaanida iyo midnimada dhuleed dalka, sida lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo ay heshay Caasimada Online.

“Madaxweynaha markuu garwaaqsaday in loo baahan yahay magacaabista guddi qaran oo u difaaca madax-banaanida iyo midnimada dhuleed, si shacabka Soomaaliyeed iskugu tashado,” ayaa sidoo kale lagu yiri warqadda oo ay aragtay Caasimada Online.

Guddigan qaran ayaa waxaa Iskuduwe looga dhigay Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Caynte, sidoo kale waxaa xubno ka ah; Maxamed Cismaan Jawaari, Yuusuf Garaad Cumar, Dr’s Maryan Qaasim Axmed, Cali Xaaji Warsame oo wasiir hore oo Puntland ah iyo Ciif Maxamed Beddel.

Magacaabista guddiga qaran ee difaaca ayaa imaneysa xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haysa heshiiska is-afgarad ee bishii Janaayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Muuse Biixi iyi Abiy Axmed.

Heshiiskaasi oo xad-gudub dub ku ahaa madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya ayaa waxaa si weyn uga hortimid dowladda federaalka oo xukuumadda Addis Ababa ku qasabtay inay dib uga joogsato dhaqan-gelinta heshiis beenaadkaasi oo loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha oo dhan;

1. Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf Caynte – Iskuduwe
2. Maxamed Cismaan Jawaari – Xubin
3. Yuusuf Garaad Cumar – Xubin
4. Dr’s. Maryan Qaasim Axmed – Xubin
5. Cabdikariin Xasan Jaamac – Xubin
6. Cali Xaaji Warsame – Xubin
7. Ayuub Ismaaciil Yuusuf – Xubin
8. Jaamac Maxamed Askar – Xubin
9. Ciid Maxamed Beddel – Xubin
10. Faysal Cabdi Rooble – Xubin

Muuse Biixi oo maanta sameeyay arrin uu muddo ka cago-jiiday + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta guddoomiyay kulan caaadi aheyn oo iskugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumadda Somaliland, kaasi oo lagu meel-mariyay tallaabo uu muddo ka cago jiidayay Mr. Biixi.

Kulankaan ayaa lagu lafo-guray gobolnimada Gabiley iyo kor-u-qaadista derajooyinka degmooyinka dalka qaar kamid ah, ayada oo golaha uu warbixin guud oo la xiriira amniga ka dhegeystay wasiirka arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin.

Wasiirka ayaa golaha uga warbixiyey amniga guud ee Somaliland, diyaar garowga xuska sannad guurada 33-aad ee 18 May iyo xaaladda amni ee mandaqadda geeska Afrika, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulanka.

Sidoo kale, waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Raabbi Cabdi Maxamed oo golaha u akhriyey warbiximihii ay soo diyaariyeen guddidii loo xil saaray shirkan shirkii ka horeeyey sidii xal waara looga gaari lahaa xakamaynta shilalka gaadiidka ee dalka ku soo badanaya.

Golaha ayaa sidoo kale waxa uu ku xoojiyay guddidii hore xubno cusub si shirka shirkan xiga goluhu u ansixiyo go’aamada ay horkeenaan guddidu.

Dhinaca kale, Golaha ayaa waxaa la horkeenay soo jeedinta gobolnimada Gabiley iyo kor-u-qaadista darajooyinka degmooyinka Caynaba, Baki, Sheekh iyo Baligubadle oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaradda arrimaha guduhu.

Waxa uuna goluhu soo jeediyey in loo gudbiyo golaha wakiillada Somaliland, si ay waajibaadkooda uga gutaan Gobolnimada Gabiley iyo kor-u-qaadista darajo beddelka degmooyinka Caynaba, Baki, Sheekh iyo Baligubadle.

Sidoo kale golaha ayaa wuxuu wasaaradda arrimaha gudaha u soo jeediyeen inay soo gudbiso dhammaan gobollada iyo degmooyinka kale ee buuxiya shuruudaha qiimaynta ee ku xusan xeerka ismaamulka iyo degmooyinka Lr. 23/2019, soona samayso si loogu gudbiyo golaha wakiilada iyo guurtida oo iyaguna waajibaadkooda dastuuriga ah ka gudan doona.

Arrintan oo uu muddo ku fadhiyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa xilligaan u adeegsanaya olole doorasho, si uu codad uga helo bulshada degan gobollada iyo degmooyinkaasi, ayada oo billo uga harsan yihiin doorashada uu loolanka adag ku wajahayo.

Taliye Sanbaloolshe ma ku guuleysan doona qorshaha uu ku doonayo inuu reerkiisa…

Beledweyne (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa laba jeer ku laabtay gobolka Hiiraan, tan iyo markii loo magacaabay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA.

Sababta ugu weyn ee safaradiisa ayaa lagu sheegay mid uu ku raadinayo inuu reerkiisa ku qanciyo inay dib u bilaaban gulufkii ka dhanka ahaa argagixisada.

Reer Hiiraan, gaar ahaan beesha uu ka dhashay Taliye Sanbaloolshe ayaa haysta diiwan ammaan mudan marka laga hadlayo sida ay ula dirireen argagixisada, ugana saareen inta badan deegaanadooda.

Tan iyo markii uu dagaalka dhaafay waxaa batay jabka iyo ciidamada kasoo baxaya furimaha. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxay fahamsan tahay in howl-galkan cusub aan looga maarmi karin reerkan sida ba’an u jabiyay argagixisada.

Waxay qabaan reerkan tabashooyin siyaasi ah, si gaar ah mid la xiriirta maamulka HirShabelle. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saddexdii bilood ee ugu dambeysay waxa uu reerkan siiyay laba kursi oo muhiim ah, waana Taliyaha NISA iyo Safiirka Turkiga, waxaana uu hadda uga fadhiya inay dagaalka ku garabsiiyan.

Waxay u muuqata in tabashadooddii federaalka ay hoos u dhacday balse midda ay ka qabaan HirShabelle iyo sida looga qanci karo ayaa ah culeys weyn oo horyaala Taliye Sanbaloolshe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu sugayo in Sanbaloolshe reerkiisa kusoo qanciyo inay dagaalka dib ugu soo laabtan. Culeysyada kale ee jira ee burintana u baahan waxaa kamid ah; argagixisada oo odayaal iyo dad deegaanka jooga oo reerkaas ah dhowr jeer usoo bandhigay inay nabad ka qaataan.

Sida muuqata reerkan loogama maarmo dagaalka, Sanbaloolshe inuu kusoo qancin waayo wax weyn ayey u dhimi kartaa qorshihiisa cusub ee la-dagaalanka argagixisada iyo jihada cusub ee hay’adda NISA.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dooneysa inay dib ugu laabato la-dagaalanka argagixisada, halkaas oo uu sidoo kale madaxweynaha doonayo inuu kusoo ceshto dhibcihii uga lumay xoog ku meel-marintii dastuurka iyo buuqii siyaasadeed ee taagna waayahan.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuu Sanbaloolshe reerkiisa kusoo celin karo dagaalka, balse ay dhici karto inay shuruudo adag miiska keenaan sida; in loo damaanad qaado madaxtinimada maamulka HirShabelle doorashada soo aadan.

BOOLISKA Soomaaliya oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay fal ka dhacay HELIWAA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliya oo howlgal gaar ah sameeyay ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay fal maanta ka dhacay degmada Heliwaa, kuwaas oo ay gaysatay burcad hubeysan oo watay Mooto Bajaaj.

Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay kooxdan oo saaka taleefano badan ku dhacay gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay taliska booliska ee qaybta gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliiska Soomaliyeed oo gacanta ku soo dhigay koox burcad ah oo taleefoono ka dhacday dad rayid ah . Saaka taariikhda 13-05-2024 abaaro 07:30 Am ayaa waxaa muwaadiniin Soomaaliyeed lagaga dhacay teleefoonada gacanta degmada Heliwaa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.

Soo qabashada raggan burcadda ah ayaa timid, kadib xiriir toos ah oo ay shacabka la sameeyeen booliska, iyaga oo deg-deg u wacay nambarka gaaban ee xiriirka dadweynaha.

“Dhibanayaashii waxay deg-deg ula xiriireen Xarunta Gurmadka Deg-degga ayaga oo toos u wacay nambarka gaaban 991, kuna war geliyey In la dhacay. Xarunta Gurmadka ayaa Sitoos ah u howl gelisay ciidanka Booliiska ee u dhawaa goobta dhaca laga geystey” ayaa mar kale lagu yiri.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaan si degdeg ah ugu gurmaday saldhigga Booliiska Heliwaa, kaas oo raad raac kadib gacanta ku soo dhigay tuugadii iyo Mooto Bajaaj ay wadteen”.

Raggan oo lagu xiray saldhigga booliska degmada Heliwaa waxaa la horgeyn doonaa maxkamad, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

“Waxaana lagu haayaa Saldhigga Heliwaa baaris ayaa socota waxaan la horgeydoonaa maxkamada ay quseyso” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Arrintan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka deegaanka oo ku farxay tallaabada uu qaaday booliska oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay dhibaatada ay burcadda ka gaysteen degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa weli dhibaato ku haya kooxo burcad ah iyo ciyaal weero weli ka jira qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay qaati ka taagan yihiin dadka shacabka ah.