25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Faah-faahinta heshiis cusub oo Somaliland ay ku saxiixday Addis Ababa + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Heshiiskan oo ah mid caafimaad ayaa waxaa qalinka ku duugay wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo uu wehlinayo agaasimaha isbitaalka guud ee Hargaysa oo muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay magaaladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Heshiisyadan oo sidoo kale ah kuwo hordhac ah ayaa waxaa lagu mataanaynaya isbitaallada kala; APEX Indian Hospital iyo Hargeysa Group Hospital.

Heshiisyadan caafimaad ee lagu mataanaynayo labada isbitaal ayaa wax weyn ka tari doona bukaannadii waddanka dibadiisa u doonan jiray adeegyada caafimaad.

Sidoo kale heshiiskan ayaa suuro-gellin doona in dhakhaatiirta ka hawl-gasha isbitaalka Hargaysa ay tababaro ka helaan Indian APEX Hospital, islamarkaana markaana Hargeysa Group Hospital ay iman doonaan dhakhaatiirtii loo tagi jiray dalka India.

Isbitaalka weyn ee Hargeysa oo muddooyinkii dambe si weyn looga deyrinayay adeegyada uu bulshada u hayo ayaa waxaa la filayaa in tallaabadan ay wax badan ka tari doonto tayada adeega caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka.

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo ka dhacay Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa lagu weeraray guryo ay magaaladaasi ka dagan yihiib mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas.

Weerarka koowaad ee qaraxa ah ayaa waxaa lagu qaaday hoy uu dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed, kaas oo magaciisa lagu sheegay Kuuroow Amxaar, waxaana kadib xigay ka hortag ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Sidoo kale waxaa qaraxa labaad lagu weeraray guriga wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeer Ilyaas Cali Nuur oo haatan ah agaasimaha xarunta Tubsan ee maamulkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan oo ay mas’uuliyaddooda ay sheegteen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed ayaa saaka baaritaano dheeraad ah ka wada Baydhaba, si gacanta loogu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxyadaas iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Baydhaba ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal iyo weeraro ay soo abaabulaan xoogaga Al-Shabaab oo go’doomin ku haayo magaaladaas iyo deegaanada kale ee maamulka Koonfur Galbeed Soonaaliya.

FIRDHIYE oo sameeyay isku shaandheyn ballaaran iyo XIJAAR oo ka soo muuqday

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye ayaa xalay qaaday tallaabo culus wuxuuna isku shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirada, sida lagu caddeeyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Wareegtadan ayaa waxaa lagu magacaabay illaa 13 xubnood oo uu ku jiro taliyihii hore ee ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo loo magacaabay wasiirka cadaaladda ee maamulka SSC-Khaatumo.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Xeer Hoggaamiye 16/2024

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Aragtida Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qodobka 6aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qodobka 14aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qodobka 15aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatum

Markuu ku Qancay: Aqoonta iyo waayo aragnimada Masuuliyiintan

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la helo Masuuliyiin hanan kara Xilalka loo igmaday

Markuu La Tashaday: Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Wuxuu go’aamiyey

In laga bilaabo maanta oo Taariikhdu tahay 12/05/2024 Masuuliyiintani qabtaan xilalka loo magcaabay

1. Waxaa Mud. Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

2. Waxaa Dr. Xil Yuusuf Sulaymaan Sancad loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

3. Waxaa Mud. Najiib Barkhadle Warsame loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

4. Waxaa Mud. Ibraahim Jaamac Reygal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Amniga

5. Waxaa Mud. Dr Axmed Xaashi Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cilmilada

6. Waxaa Mud. Dr. Jaamac Maxamed Mursal loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha

7. Waxaa Mud. Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta yo Dastuurka

8. Waxaa Mud. Xil Cali Warsame Cismaan loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta
9. Waxaa Mud. Axmed Cabdirisaaq Diiriye loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

10. Waxaa Mudane Xil. Daahir Cabdirisaaq Axmed loo beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga

11. Waxaa Mudane Xil. Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed Hindi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka

12. Waxaa Marwo Suhuur Faysal Barre loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka

13. Waxaa Xil. Dr. Aadan Cabdillaahi Aw-xasan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu Ilaahay uga baryayaa Masuuliyiinta magacaaban in Eebbe xilka u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmayaa in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan Axdiga Maamulka oo ay ku jirto danta shacabka SSC-Khaatumo

Xeerkani wuxuu dhaqangalayaa markaa uu saxeexo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-khaatumo, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda.

DHAMMAAD

Madaxweyne C/Casiis Lafta-gareen oo isku shaandheyn ku sameeyay wasiirada

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa isku shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay qaar kamid ah golaha wasiirada maamulkaasi.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay isbeddalkan oo saameeyay illaa 6 wasaaradood oo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa magacaabay illaa 6 xubnood oo isugu jiro wasiiro, wasiir dowle iyo wasiir ku xigeen, sida lagu caddeeyay wareegtada.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

1- Ibraahin Aadan Cali (Najax) waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed

2- Cabdulqaadir Yuusuf Cabdinuur ayaa loo magacaabay cadaaladda Koonfur Galbeed

3- Maxamed Ibraahim Nuur ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda horumarinta reer Miyiga iyo adkeysiga.

4- Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose.

5- Cabdullahi Maxamed Aadan waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

6- Cabdulqaadir Ibraahim Cabdullahi ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta reer Miyiga iyo adkeysiga.

Sidoo kale waxaa la faray wasiirada cusub inay si deg-deg ah ula wareegaan xilal ka loo magacaabay, ayna dardar-geliyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Ugu dambeyn wareegtada ayaa lagu yiri “Xeerkan ayaa dhaqangal noqon doono marka uu saxiixo madaxweynaha dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuuna saxiixay” ayaa lagu yiri digreetada kasko baxday xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Xaaladda Maringa Gaza oo ka sii dartay kadib tallaabo ay qaaday ISRAEL

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa taangiyo u dirtay bariga deegaanka Jabaaliya ee waqooyiga Marinka Gaza subaxnimadii hore ee Axaddii shalay , ka dib markii habeenkii oo dhan ay duqeymo culcus oo cirka iyo dhulka ah ay ka fuliyeen aagaas.

Duqeynaha Israel waxaa ku dhintay 19 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Jabaaliya waxaa ku yaala xerada ugu weyn siddeedda xero qaxooti ee taariikhiga ah ee Gaza, waxaana ku nool in ka badan 100,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo farcamay Falastiiniyiintii laga soo eryay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka hadda loo yaqaan Israa’iil. intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.

Gelinkii dambe ee Sabtidii, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada iyo taangiyada ay u direen Jabalia ay ka hortagayaan Xamaas, oo mar kale dib u soo celiso awooddeeda ciidan, oo ka Talisa Qaza.

Israa’iil ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamas oo hogaaminaysay weeraradii lagu qaaday gudaheeda, balse duulaanka dhulka ee Gaza ayaa keenaya khatar wayn, iyadoo Xamas ay haysato la-haystayaal badan oo lagu qafaashay weerarka.

Cidamada Israa’iil ayaa go’doomiyay magaalada Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, waxayna ka gaysteen xasuuq ba’an oo ka dhashay duqeymo ay ka fulineyso halkaasi.

Si kastaba, Baaqyada Caalamiga ah ee ku aaddan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza ayaan weli loo dhega nuglaan, taasoo ka horjoogsatay dadka reer Gaza wax kasta oo magaalada gali jiray marka laga reebo tira yar oo gargaar bani’aadnimo ah.

ILHAAN CUMAR oo mar kale gaartay guul taariikhi ah

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa ku guulaysatay taageerada iyo doorashada xisbiga dimoqoraadiga ah ee DFL ee gobolka Minnesota kaas oo ah tartankeedii dib-u-doorashada ee degmada 5-aad ee Koongareeska Minnesota wareeggii koowaad ee codbixinta.

Taageerada ayaa daah furaysa ujeedada xisbiga ee gobolka ka hor tartanka hordhaca ah ee bisha Agoosto.

Xildhibaan Ilhaan ayaa ku guulaystey taageerada xubintii hore ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo ay kaga adkaatay Don Samuels oo ah ninka la tarmaya, kaasoo ay kaga guuleysatay boqolkiiba laba kaliya 2022-kii. Intii lagu guda jiray qayb su’aalo iyo jawaabo ah oo ka mid ah shirarka, Ilhaan Cumar ayaa wax laga waydiiyay dagaalka Qasa oo ay ku tilmaantay “xasuuq.”

“Ma jirto qaab aan anaga muwaadiniinta dalkan ugu ogolaan karno in aan canshuurteena dollarka ku bixino bambooyinka lagu baabi’inayo dadka rayidka ah,” ayey Ilhaan Cumar ku tiri hadal ay ka hor jeedisay kasoo qaybgalayaasha.

Don Bacon oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto Nebraska ayaa soo bandhigay qaraar lagu canaananayo Ilhaan Cumar oo uu ka sheegay eedeymo la xiriira qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha Yuhuudda inay ka qayb qaateen xasuuq. Samuels waxa uu sheegay in uu qorshaynayo in uu ku sii jiro tartanka degmadan ee xisbiga dimuqraadiga si xooggan.

Halka Samuels uu ku doodayo hadallada Ilhaan Cumar in ay yihiin kuwo dadka kala fogeynaya isla markaana kala qaybinaya degmada, waxa uu mooshinka canaanta ah ee Bacon ugu yeeray siyaasad. Isaga oo isla su’aashaas ka jawaabaya, Samuels waxa uu dagaalka ugu yeeray “xaalad qalafsan oo aad u gurracan.”

“Inaad hoggaamiso degmo ay ku badan yihiin Yuhuuda iyo Muslimiinta, halkii ay kulamadu ka noqon lahaayeen shirweyne wada hadal, halkaas oo khatartu aad uga yar tahay xiisadduna ka hooseeyso tan Bariga Dhexe lafteeda, iyadu waxay dooratay hal dhinac,” Samuels ayaa sidaas u sheegay warbaahinta MPR.

Labada tartamayaal Samuels iyo Ilhaan Cumar ayaa khudbado kala duwan kula hadlay taageerayaashoodii ku sugnaa dugsiga sare ee South High ee Minneapolis.

Samuels ayaa helay 85 cod halka xildhibaan Ilhaan Cumar ay heshay 133 cod. Samuels ayaa wacad ku maray inuu ku sii jiri doono tartanka, kaasoo noqon doona mid si dhow isha loogu hayo marka ay noqoto tartanka xisbiga Dimuqraadiga ee dalka oo dhan.

Isha: BBC

Daawo: Sayid-Cali oo ka hor calaacalay maxkamadda, codsina u diray dadka kiiskiisa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa ayaa maanta markii 3-aad la horgeeyey Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, iyadoo maanta fursad loo siiyey in waxa uu qabo uu ka hor sheego maxkamadda.

Maxkamadda ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay dhageysanaysay kiiska eedeysanaha, waxaana la horkeenay maxkamadda marqaatiyaal cusub.

Maxkamadda ayaa maanta su’aalo weydiisay eedeysanaha, wuxuuna ku jawaabay sidii horay uu uga jawaabay eedeymaha loo heysto, markii la hor geeyey maxkamadda gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay.

Sayid-Cali ayaa maanta codsi u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo saxaafadda, isagoo sheegay in laga been-sheegay kiiskaan oo xaaskiisii uusan dilin.

“Waxaan idiin cadeynayaa in xaaskeygii aana dilin, waxaan idinka codsanayaa in kiiskaan aan laga been-sheegin, qofkii marqaadi cad u keena inaan xaaskeygii gubay oo cadeyn na tusa, waxaan ka balan-qaadayaa inaan ogolaa doono in la i qisaaso,” ayuu yiri Sayid-cali.

Wuxuu sheegay in marqaatiyaasha la keenay maxkamadda aysan kiiskiisa run ka sheegin, isagoo garsooraha ka codsaday in kiiskiisa uu cadaaladda marsiiyo.

Sidoo kale Sayid-Cali ayaa ku calaacalay in guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir oo dil ku xukumay uusan kiiskiisa cadaaladda ka eegin, balse maanta uu cadaalad ka dalbanayo guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir.

Maanta waxaa la dhageystay difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamaddu ku iclaamisay, waxaana sidaas ku soo gabagaboobay dhageysiga kiiskaan.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa go’aan ka soo saarto kiiska Sayid-cali Macalin, waxaana aad loo sugayaa go’aankaas.

Hoos ka daawo

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarun muhiim u ah ololihiisa…

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweymaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta xarigga ka jaray xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir.

Xaruntaan ayaa la sheegay inay ka qayb qaadanayso qorshaha looga hortagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ganacsatadu ay dowladda ka gacan siiyeen dib u dhiska dalka, isagoo dul istaagay sida ay bulshada uga haqabtireen kaalintooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ganacsatada ka dalbaday in la raqiisiyo qiimaha Gaaska, si qoys walba u awoodo iibsashadiisa.

“Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaaska dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’iideyaan shacabka, isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gobolada dalka ayaa dalbaday in fursadaha horumarka la wada gaarsiiyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xogta kiis loo haysto shirkad ajnabi ah iyo maxkamadda G/Banaadir oo soo saartay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay baafin ay ku wargelinayso shirkad ajnabi ah, oo ay soo eedeeysay xeer ilaalinta qaranka.

Shirkadan oo lagu magacaabo Automative Management Services (AMS) ayaa loo haysta “inay galeen dambi bixin la’aan canshuur ku waajibtay ganacsigooga, bixinta cadeymo been abuur ah iyo marin habaabin, iyo weliba ganacsi sharci darro ah oo aan ahayn kii ay shatiga u haysteen.”

Sidoo kale waxay shirkad ajnabiga ah kusoo eedeysay xeer ilaalinta ku xad-gudubka shuruucda dalka iyo denbi lacag dhaqis, sida lagu shaaciyay warqadda baafinta ee kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.

“Maxkamaddu waxay baafinaysaa kuna wargalinaysaa Shirkadda Automative Management Services (AMS) oo ah shirkad ganacsi oo ajnabi ah, taasi oo dacwad ciqaab ah oo ay dhinac ka tahay ka furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir, uuna kusoo eedeeyay xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Maxkamaddu waxay ku wargelinaysaa shirkadda sare ku xusan in ay ku hortimaado maxkamadda muddo soddan (30) maalmood gudahood ah, oo ku eg Tr. 10/06/2024, si ay iskaga difaacdo eedda uu kugu soo eedeeyay xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.”

Masuuliyiinta shirkadan ajnabiga ah ee loo haysto ganacsiga sharci darada iyo inay ku xad-gubeen shuruucda dalka ayaa waxay maxkamadda fartay inay dhowraan waqtiga loo muddeeyay, haddii kale ay maxkamadda qaadi doonto dacwadda iyaga oo maqane ah.

Xasan Sheekh oo qaatay go’aan yaab leh, xilli DF ay dhex dabaalaneyso musuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ugu weyn ee ay ka hadleen dadka Soomaaliyeed waa boobka baahsan ee ku socda dhulalka danta guud ee ku yaallay Muqdisho.

Nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn loogu haysta inuu sifo sharci darro ah ku bixinayo dhulalkii dowladda.

Meelaha ay qayladdii ugu dambeysay ka timid waxaa kamid ah;

1. Suuqa Argentina ee degmada Kaaraan
2. MCH-kii degmada Hodan iyo
3. Gudaha xerada Xalane

Ka horna, wuxuu buuqooda taagna dhulalkii;

1. Dab-demiska
2. Oodweyne
3. Bangala
4. Ara’a, oo ku dhow Asluubta
5. Qabuuraha Iskuul Buluusiya iyo
6. Bangaariyo

Boobka dhulalka dowladda ayaa si aan qiyaas laheyn usii burburineysa sumcada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan wuxuu Jimcihii ka hadlay Masaajidka Madaxtooyada waxaa la filaayay inuu soo hadal qaadi doono boobka dhulalka dowladda. Marar badan waxaa loogu baaqay madaxweynaha inuu hakiyo boobka socda, kadibna sharci loo sameeyo hab iibinta dhulalka ay dowladda ka maarantay, laakiin taas dhagaha ayuu ka fureystay madaxweynaha.

Shacabka Soomaaliyeed waxay filayeen in marka ugu horeysa ee uu hadlo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka hadli doono dhibaatada dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho iyo cabashada ay qabaan shacabka reer Muqdisho.

Laakiin madaxweynaha hadal-hayntiisi Jimcihii wuxuu la aaday inuu ku duro dhanka mucaaradka, arrimaha dastuurka iyo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Khudbada madaxweynaha wax badan kama duwaneyn marka nuxurka iyo ereyadaba la eego khudbooyinkiisi hore ee uga hadlay mucaaradka, dastuurka iyo Itoobiya, waana sababta aanay wax saameyn ah u yeelan farriintiisi Jimcihii.

In uusan madaxweyne Xasan Sheekh marna soo hadal qaadin waxa ugu weyn ee lagu haysto dowladdiisa oo ah boobka dhulalka iyo baroorta danyarta Muqdisho degan ayaa dad badan ku riixday inay farriintan u qaatan inuu madaxweynaha raali ka yahay fool-xumada ka taagan dhulalka danta-guud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sanadkii dhamaaday ee 2023 dhowr jeer Masaajidka Madaxtooyada kaga hadlay arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo sida ay dowladdiisa uga go’an tahay inay la dagaalanto ayaa Jimcihii marna soo hadal qaadin wax la xiriira musuq-maasuq nuucii uu doonaba ha noqdee.

Waa cutubkii labaad ee hab xukunka madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhulalka danta-guud.

Xog: Wax ka ogow arrimaha xasaasiga ee keenay isbedelka DF ee go’aankii UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib ula laabatay warqad ay dhawaan u qortay Qaramada Midoobay oo ay ku dalbatay in la xiro xafiiska QM ee Soomaaliya ku yaalla ee la yiraahdo UNSOM.

Warqad uu ku saxiixna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa 5-tii bishan loo diray Qaramada Midoobay, taas oo Soomaaliya ay ku dalbatay in xafiiska UN-ka la xiro, xilli ay Soomaaliya sheegtay inay horumar ka sameysay arrimaha amniga iyo siyaasadda.

Laakiin warqaddii mid ka duwan ayay habeen hore gudbisay Soomaaliya, oo luuqad ahaan ka dabacsan tii hore, iyada oo Soomaaliya ay dalbatay guddi qiimeyn ku sameeya arrinta xiritaanka xafiiskan oo wada-tashiyana sameeya.

Haddaba, sababta isbeddelka Soomaaliya iyo waxa isbeddelkan cusub ka dhalanaya ayaa warbixintan kusoo koobeyna. Laba qodob ayaa lagu saleeyay isbeddelka ku yimid go’aankii Soomaaliya.

Mid waa in warqaddii koowaad aanay marin wada-tashiyadio loo baahna, waxaana la isku khilaafay luuqadii ay ku qorneyd iyo waqtiga.

Aragtida waa jirtay oo illaa haddana madaxweyne Xasan Sheekh waa qabaa in xafiiskaas la xiro, laakiin goorma ayaa arrintaasi lala wadaagaya Qaramada Midoobay iyo sidee loo dhigayaa hab qoraalka la iskuma waafaqin, buuq ayaa arrintaasi ka dhashay, sida aan kasoo xiganay xubno kamid ah dowladda federaalka.

Qodobka labaad waa cadaadis fuulay nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Marka la qaadayo tallaabooyin culeyskaan leh waa inaad talada wax ka siisa dowladaha waaweyn ee daneeya arrimaha Soomaaliya ee sida dhabta ah u caawiya dalkaaga.

Waxaa la sheegay in aanay dowladda arrintaan kusii wargelin saaxiibadeeda caalamiga ah, ayna arrintani dhaka-faar ku noqotay dowladaha Mareykanka, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Turkiga.

Kadibna waxaa madaxweyne Xasan Sheekh ku laabtay doodo ah in arrintaan ay qiimeyn iyo wada-tashiyo ka horreeyaan, in argagixisada weli xoogan tahay oo tallaabooyinka qaar ay sababi karaan inuu dalka iyagu gacanta u galo iyo in Soomaalida aanay isku waafaqsaneyn hab xukunkiisa waqtigaan, uuna u baahan yahay markii uu tallaabadan qaadayo inuu ku jiro marxalad dhaqaalaha dalka fiican yahay, dowladda is-bixin karto, argagixisana 80 boqolkii laga adkaaday, siyaasad ahaan ay Soomaalida is ogoshahay.

Dhamaan arrimahaas waa kuwo calowsan hadda. Cadaadiskan iyo qaladka ka dhacay qorsheyntii koowaad ayaa lagu fasiray dib u gurashada Soomaaliya ka sameysay xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay.

Warqaddan cusub ee ay Soomaaliya dirtay waxaa ka dhalanaaya dhismaha guddi, shaqo qiimeyn la yiraahdo oo sanado badan socon doonta iyo wada-tashiyo lala yeelanayo dhamaan dhinacyada Soomaalida sida; dowladda federaalka, maamul goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Mana cadda inay dhamaan dhinacyadaasi madaxweyne Xasan Sheekh ku raaci doonaan in xafiiskan la xiro, maadaama ay badan yihiin dhinacyada aaminsan inuu Xasan Sheekh hal ujeedo ka leeyahay arrintaan, taas oo ah inuu boobo doorashada soo aadan oo ay meesha ka baxaan dhamaan dhinacyada caalamiga ah ee hor istaagi kara sida; ATMIS iyo Qaramada Midoobay.

Ciidanka SOMALILAND oo helay qalab casri ah + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarigga ka jaray agab cusub oo loo keenay ciidanka dab-demiska, kaasi oo wax weyn ka tari doona hawlaha la-dagaallanka dabka ee ay bulshada u hayaan.

Taliyaha ciidanka dab-demiska, Sarreeye-guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey xarunta dabdemiska, waxana uu halkaas salaan sharafeed kaga qaatay cutubyo katirsan ciidanka dabdemiska oo xarunta heegan ku ahaa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xarunta ciidanka dabdemiska, isaga oo u kuur-galay hannaanka ay halkaas uga socoto shaqada bulshada loo hayo, isaga oo xarigga ka jaray agab cusub oo loo soo kordhiyey ciidanka dab-demiska.

Taliyaha ciidanka dab-demiska, Sarreeye guuto Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa madaxweynaha u sharraxay noocyada agabka kala duwan ee maanta la daah-furay, waxana uu xusay in agabkani sare u qaadi doono adeegyadii ay ciidan ahaan bulshada u hayaan.

Taliyaha ciidanka booliska, Sarreeye-gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey horumarka ay ciidanka dab-demisku sameeyeen, waxana uu ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda.

Sidoo kale, wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed ayaa iyaguna dhankooda bogaadiyey agabka cusub ee loo keenay ciidanka dabdemiska, iyaga oo si weyn u ammaanay hoggaanka ciidanka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu dambeyntiina hambalyeeyey ciidanka dab-demiska iyo taliskoodaba, isaga oo ammaanay nidaamka hufan ee taliyaha ciidanku ka hirgeliyey gudaha ciidanka iyo sida uu ugu hagar baxay inay helaan agab ay hawshooda ku qabsadaan.

Ciidamada dab-demiska Somaliland ayaa maanta u dabbaal-degay sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegta aas-aaskooda, waxaana ay kamid yihiin hay’adaha Somaliland leedahay ee muddadii ay jireen sida weyn u anfacay bulshada, naf iyo maal badan oo bulshadu lahaydna bad-baadiyey.

Maxkamadda Racfaanka oo maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiska Sayid-Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga kiiska loo haysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud, oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed, ayadoo maanta maxkamadda ay ka yeelatay fadhigii saddexaad.

Fadhigan oo ahaa kii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka qayb-galay dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maxkamadda ayaa maanta fursadda uga badan siisay qareennada difaaca eedeysanaha, kuwaas oo lasiiyay fursad ay kusoo bandhigeen cadeymahooda iyo doodahooda, maadaama horay loo dhageystay xeer ilaalinta qaran oo iyadu soo oogtay dacwaddan.

Sidoo kale waxaa maanta maxkamadda kasoo muuqday howlwadeeno iyo dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo ay marxuumadda ku geeriyootay, waxaana wax laga waydiiyay qaabka ay ula tacaaleen marxuumadda iyo sida ay ahayd xaaladdeeda.

Eedeysane Sayid Cali oo isna ka hadlay goobta wuxuu dalbaday in aan la siyaasadeyn kiiskiisa, loona eego dhanka cadaaladda oo haddii uu dambe leeyahay la xukumo.

“Aniga ma dilin xaaskeyga, haddii uu dambigaan igu cadaado isla berri hala’ii dilo” ayuu yiri eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka oo ku dhawaaqay in lasoo gabageeyay dhageysiga kiiskan ayaa sheegay in go’aanka rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonto fadhiga xiga, ayna soo muddeyn doonto maalinta la shaacinayo xukunka.

Wararkii ugu dambeeyay ee khilaafka HirShabeelle

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo haatan ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka ka jira HirShabelle.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya reer Beledweyne iyo HirShabelle uu saameyn ku yeeshay horumarkii maamulkaasi, loona baahan yahay in xal loo helo.

“Wax haddii ay halaabaan waa naga dhexeeyaan, haddii ay hagaagaana waa naga dhexeeyaan waxaan laga tashan waa halaabaayaan in la’is khilaafo iyo khilaaf micnihiisana waan aragnay” ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo ka hadlayay khilaafka la haray HirShabelle.

Madaxweynaha ku xigeenka HirShabelle ayaa shaaca ka qaaday inay haboon tahay in dib loo saxo wixii khaldamay oo la’isugu yimaado miiska wada-hadalka, si xal loo wada gaaro.

“Muslim waa khaldamaa ee waxaa haboon inaan wax saxno oo ka wada tashano oo wanaagii aan ka wada shaqeyno” ayuu mar kale yiri madaxweyne ku xigeenku.

Dabageed oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray reer Beledweyne, wuxuuna ka codsaday inay kusoo laabtaan HirShabelle, si looga gudbo khilaafka labada dhinac.

“Dadka Soomaaliyeed oo walaalahey ah oo Beledweyne jooga waxaan ka codsanayaa inaan tashano oo waxa naga dhexeeya aan ka tashano” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Beledweyne ay ka socdaan kulamo kala duwan oo ay wadaan taliyaha NISA, Sanbaloolshe, hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleyda Cali Jaytse iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Daawo: Biyo uu cabo ayuu waydiistay Hooyo KHADIIJA Siyaad, kadibna waa dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa la horgeeyay Ibraahim Aadan Maadey oo afgarashadiisu ay tahay Cabdiraxmaan, kaas oo ah xubin ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana dil ka gaystay degmada Hodan.

Ibraahim ayaa loo haystaa inuu nolosha dhaafiyay marxuumada Khadiija Siyaad oo uu kowdii bishii 1-aad ee sanadkan ku hor dilay gurigeeda oo ku yaalla waaxda Kacaan.

Sababta loo dilay marxuumadda ayaa lagu sheegay inay wada shaqeyn ka dalbadeen Al-Shabaab, balse ay ka diiday, ayada oo maxkamadda lagu soo bandhigay farriimo hanjabaad ah oo maleeshiyaadka usoo direen, kahor inta aysan dilin.

Gabar ay dhashay marxuumadda oo la joogtay xilliga la dilayay ayaa sheegtay in eedeysanaha uu yimid, iyaga oo shaax ku cabayay guriga hortiisa, uuna waydiistay biyo uu cabo, kadibna markii ay u doontay uu hooyadeed sidaas ku dilay.

“Aniga iyo hooyo oo banaanka shaax ku cabeyno aa nin meel uu ka imaaday aan la ogayn aa soo kor istaagay, kadib wuxuu dhahay biyo isii waxay igu tiri orod biyo soo sii Muslim waayee markaa laba talaabood qaaday xabad ayaa dhacday waan soo noqday xabaddii 2-aad ayaa dhacday, isla markiina waa u orday” ayay tiri gabar ay dhashay marxuumadda.

Allaha u naxariistee maamada ayaa ka shaqeyneysay waaxda nadaafadda ee degmada Hodan, sida ay maxkamadda u sheegtay gabadheeda.

“Hooyadey degmada ayay ka shaqeyneysay, waana iska xamaalan jirtay” ayay mar kale tiri gabadha oo lagu wareystay maxkamadda.

Eedeysanaha oo isna ka hadlay goobta ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen iyo qaabka uu fuliyay dilkaasi “Sheeko iyo wax mana dhex marin biyo isii markaan dhahay maamada way isoo fiirisay, kadibna gabadha ayay ku dhahday orod biyo u keen” ayuu yiri.

Ninkan ayaa ka yimid degmada Jilib, wuxuuna sheegay inuu maalmo kooban uu joogay magaalada Muqdisho, uuna qaadaanayay mushaar ay usoo dirayeen Al-Shabaab.

“Mushaar waxaan qaadanaayay 3 bil, biishii koowaad waxaan qaatay 50 dollar, bishii labaad waxaa la’iisoo tuuray 70 dollar, bishii kalena waxay isoo direen 90 dollar” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu yiri “Maxkamdda waxaan ka codsanayaa inay arinta ii khafiifiso, maadaama aan kala ogayn dhulkaasna aan isaga soo koray, mana aaminsaneyn dowladda”

Hoos ka daawo

Daawo: Xalane oo arrin yaab leh ka sheegay Sayid-Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta fadhiga 3-aad ka yeelatay kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Fadhigan oo ka duwanaa kuwii hore ayaa waxaa ka qayb-galay dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maxkamadda ayaa maanta fursadda uga badan siisay qareennada difaaca eedeysanaha, kuwaas oo lasiiyay fursad ay kusoo bandhigi karaan cadeymahooda iyo doodahooda, maadaama horay loo dhageystay xeer ilaalinta qaran oo iyadu soo oogtay dacwaddan.

Ugu horreyn waxaa hadalka qaatay Abuukaate Cali Xalane oo u doodaya Sayid-Cali, wuxuuna si la yaab leh uga hadlay eeddama culus ee loo haytso eedeysanahan oo ay horay xukun dil ugu soo xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Banaadir.

Abuukaate Xalane ayaa sheegay in Sayid-Cali uusan gelin dambigan, isla markaana uu raadiyaha ka maqlay inay gubatay xaaskiisa,markii uu ka tegay goobta kadib.

“14-ka bishii labaad waxaa laga qoray in uu maqlay Raadiyaha ninka gubay xaaskiisa, waxaa kale oo uu caddeeyay falka uu gaystay iyo xaqiida dhacday” ayuu yiri Xalane.

Sidoo kale wuxuu Abuukaataha ku dooday in Sayid-Cali uu gubay qol, isla markaana uusan gubin Luul, sida uu hadalka u dhigay.

“Saydi-Cali wuxuu si toos ah u carab baabay inuu gubay qol, ee uusan gubin xaaskiisa, weliba wuxuu sheegay qolka wuu marnaa, mana ku jirin xilligaas xaaskeyga” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Geerida Luul Dab ma keeninee dayac iyo daryeel la’aanta Isbitaalka ayaa keentay, lugaheeda ayeyna ku socotay markay dhacdadu dhacday”.

Si kastaba, Maxkamadda Racfaanka ayaa looga fadhiyaan inay go’aan rasmi ah ka gaarto kiiskan oo ay wada sugayaan dadka Soomaaliyeed, maadaama uu soo maray marxalado kala duwan.

Ergeyga QM iyo Qoor-Qoor oo saddex arrin oo xasaasi ah ka wada-hadlay (Sawirro)

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabbilay wakiilka xoghayaha Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin; amniga iyo la-dagaallanka argagaxisada, arrimaha doorashooyinka iyo qaaybentooda iyo guud ahaan siyaasadda dalka.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafiga la socday Marwo Catriona Lainga ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta Qarramada Midoobay ee maamulka Galmudug oo meel wanaagsan uu maraaya dhismaheedu.

Kulankan ayaa sidoo klae waxaa madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ku wehliyay madaxweyne ku-xigeenka iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirrada maamulka.

Catriona Laing ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ka waday gudaha dalka, kuwaas oo ku macsalaameyneysay madaxda Soomaaliyeed, ayada oo sidoo kale booqasho ku tegtay qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada, ayada oo wada-hadallo lasoo yeelatay hoggaamiyeyaasha gobollada.

Sida uu horey u shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Lainga ayaa gaba-gabeynaysa hawsheeda bishan May ee sanadkaan, taasi oo loo magacaabay bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka.

Si kastaba, Qaramada Midoobay oo ay hay’adaheeda ka howl-galaan gudaha dalka ayaa xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn buuxda la leh dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka.

Burcad-badeed Soomaali ah oo la qabtay kadib arrin lama filaan ah oo ay kala kulmeen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa qabtay lix qof oo looga shakisan yahay in ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah, kadib markii ay rasaas ku fureen markab shidaal oo marayay Gacanka Cadmeed.

Ragga la qabtay ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jasiiradaha Marshall, sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka fulisay ee ciidamada badda Midowga Yurub.

Burcad-badeedda ayaa rasaas ku furay markabka, iyagoo markaas saarnaa doon yar oo hub uu saarnaa, sida ay sheegtay xarunta howlgallada ganacsiga Marin-biyoodka UK, oo korjoogteysa marinnada markabka ee bariga.

Burcad-badeedda ayaa sitay qoriga nooca Kalashnikov iyo bambooyin, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka sida gaarka loo leeyahay ee Ambrey, weerarkaas ayaa kusoo aaday iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerareen maraakiibta maraysay Badda Cas iyo Marinka Bab el-Mandeb.

Markabka waxaa saarnaa ciidamo hubeysan, waxayna Burcad-badeedu ku fureen rasaas markii hore, balse rasaas kale ayey ugu jawaabeen ciidamadii saaraa markabka, taasi waxay sababtay inuu dab ka dhasho doontii ay wateen ragga burcadda ah.

Rasaastii laga soo riday markabka ayaa la sheegay inay haleeshay fuusto shidaal ku jiray oo saareyd doonta burcadda, taasi oo sababtay in dab ka dhashay doontiina gubato.

Ugu dambeytii qoladii la weeraray ee markabka waxay gurmad u fidiyeen oo badda kasoo badbaadiyeen burcadii, kuwaas oo la sheegay inay qabaan dhaawacyo aan la kala xaqiijin inay dab yihiin iyo rasaas yihiin.

Weerarrada badda ee muddooyinkaan socday ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiyada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Mediterranean-ka.

Howlgal uu hoggaaminayay Uune Guudle Cabdiraxman oo ka dhacay K/ Galbeed

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaanada dhaca buuraleyda iyo dhulka howdka ah ee u dhexeeya gobollada Baay iyo Bakool.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay taliye ku xigeenka ururka 47-aad ee guutada 8-aad, qaybta 60-aad, Xiddigle Uune Guudle Cabdiraxmaan, kaas oo sheegay inay cagta mariyeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu xoreeyay deegaano ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa haatan ku sugan deegaanada howlgalka laga sameeyay sida uu warbaahinta dowladda u xaqoojiyay Xiddigle Uune Guudle Cabdiraxmaan.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed gaar ahaan Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa manta Howlgal Sifeyn ah waxay kasameyeen Degaanada Dhaca Buuraleyda iyo Dhulka Hoowdka ah ee Kala Qeybiya gobolada Baay Iyo Bokool” ayaa laghu yiri qoraalka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in la burburiyay xarumo ay kooxda ku laheyd halkaasi, laguna diyaarinayay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

“Inta howlgalkan gaarka uu socday ayaa lagu bur-buriyay goobo maleeshiyaadka khawaarijta isku abaabuleyeenoo u dhaxaysa Degmooyinka Bardaale iyo Qasax Dheere ee Gobalka Baay iyo degmada Waajid ee gobolka Bakool” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas la doonayo in kooxda looga sifeeyo guud ahaan maamulkaasi.

 

Maxkamadda Racfaanka oo mar kale maanta bilowday dhageysiga kiiska Sayid Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta fadhiga saddexaad ka yeelaneysa kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Fadhigan oo ka duwan kuwii hore ayaa waxaa ka qayb-galaya dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maanta ayaa qorshaha waxa uu yahay in la dhageysto difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamaddu ku iclaamisay.

Xeer ilaalinta oo iyadu inta badan doodda qaadatay fadhigii hore ayaa waxa ay kusoo bandhigtay muuqaalka guriga lagu gubay Luul, sidoo kale waxa ay keentay marqaatiyeyaal cusub oo ay ku jiraan dadkii ugu horreeyay ee marxuumadda ugu galay guriga iyo dhaqaatiirka isbitaalka la geeyaykahor inta aysan geeriyooon.

Dooddan ayaa si toos ah loogala socon doonaa warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu kiiskan yahay mid aad isha loogu wada hayo.

Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii uu sheegay inuu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Si kastaba, hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.