25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: Taliye Sanbaloolshe oo kulamo xasaasi ah ka wada Beledweyne + Ujeedka

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaas.

Taliyaha ayaa galabta kulan gaar ah la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo cadawga Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Dhankooda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo kulanka ka hadlay ayaa Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga iyo garab istaaga dadka reer Hiiraan ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Dhinacyadii uu la kulmay Taliye Sanbaloolshe ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xooji doonaan doorkooda ciribtirka Khawaarijta, gaar ahaan deegaanada gobolka Hiiraan.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa in 13-ka bishaan uu magaalada Beledweyne uga qeyb galo Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Qaban-qaabada munaasabadda caleema-saarka Ugaaska ayaa ka socota magaalada Beledweyne, waxaana halkaas isugu tegay Taliyaha NISA, Xildhibaanada beesha Xawaadle iyo duubabka dhaqanka beeshaas iyo beelaha kale ee deriska la ah.

 

 

Muxuu yahay mashruuca uu Qoor Qoor dhagax dhigay ee hadal-haynta dhaliyay?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta dhagax dhigay xafiiska howlgelinta mashruuca Nagaad, oo ka shaqeyn doona dib u dhiska iyo bilicada Dhuusamareeb.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Qoor Qoor wuxuu xafiiskan maamuli doonaa dhismaha  11 waddo oo dhex-marta caasimadda iyo laamiga weyn ee oo laba dhinac ah.

Sidoo kale waxaa mashruucaan qayb ah dhismaha waddada ka timaadda garoonka diyaaradaha iyo waddo weyn oo marta galbeedka magaalada oo laami ah.

Haddaba dhagax-dhigga mashruucaan oo kusoo aaday, xilli uu sii dhammaanaayo muddo xileedka Qoor Qoor ayaa waxaa ka dhashay falcelin iyo hadal-heyn xoogan.

Cali Macallin Cabdullahi “Goormee? goor xeero iyo fandhaal kala dheceen raadiye kale nooshid kaasu waa ahaadee”.

Cawaale Daahir Sandar ayaa yiri “Wax aan sii soconeen miyaa maalin kasta la dhagax-dhigaa?”.

Maxamed Cabdi “Qoor Qoor doorasho ayaa lagaaga fadhiyaa mashruucyo beena hanoo dhagax dhigin”.

Cabdishakuur Axmed “Dhagax-dhigga hanoo danbeeyee, ma kala celisid qabiilada is laynaayo, oo aad ka shaqaysid dib u heshiisin miro dhal ah”.

Cabdirisaaq Jaamac “Mashruuc hadda kadib la dhisayo xafiiskiisa miyaa hadda wax ka sugeenaa?”.

Cali Wanaagsane “Qoor Qooroow riwaayaddaas Dhuusamareeb ku joogi maysid ee boorsooyinka ka xir-xiro”.

Daawo: FIQI oo weerar ku qaaday qorax joog, hal midna ku amaanay qurbo-joogta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka maalgashiga qurbe-joogta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, gaar ahaan waaxda Jaaliyaddaha Qurbe-joogta.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay madax ka kala socotay Haya’addaha dowladda, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay madasha  ayaa sheegay in qurbe-joogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga dalka, koboca nolosha bulshada iyo difaaca dalkaba.

Sidoo kale wasiirka ayaa is barbar-dhig ku sameeyay qurbe-joogta iyo dadka gudaha ku sugan, gaar ahaan kaalintood ku aadan wax qabadka iyo dowladnimada.

“Qurba-joogta dad badan ayaa eedeeya oo yiraahdo anshax xumo ayay nagu soo kordhiyeen wiil jeego xiiran baa la keenay, gabar saas ahaa timid, laakiin qurba-joogta Soomaaliyeed waa kuwo laf dhabar u ah bulshada Soomaaliyeed” ayuu kusii daray.

Fiqi oo ka hadlayay dadka ku sugan gudaha dalka ayaa sheegay in qaarkood ay is qarxiyaan, ayna dilal ka gaystaan masaajida hortood, sida uu hadalka u dhigay.

“Dakla gudihiisa ayaa laga helayaa kuwii joogay ayaa maanta s qarxinaya oo ma aragtay masaajid hortiis wax ku dilaya, laakiin lama dhihi karo waxaa xun dadka dalka jooga oo dhan,” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa dhaliyay falcelin xoogan, wuxuuna si wayn u qabsaday baraha bulshada Internet-ka oo siyaabo kala duwan loogu falanqeeyay hadalka wasiirka.

SIYAASIYIIN bogaadiyey tallaabo ay maanta qaaday dowladda Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu bogaadiyay inay wax ka bedeshay warqaddii ay ku dalbatay in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNSOM).

Dowladda dhexe oo warqad u dirtay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haatan ay dooneyso in la magacaabo guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doono, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya, halkii markii hore ay dalbatay in xafiiska aan loo cusbooneyn joogitaanka Soomaaliya marka la gaaro December 2024.

Arrintan waxaa si weyn usoo dhaweeyay siyaasiyiinta dalka qaarkood, waxaana ka mid ah Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasime ku xigeenkii hore ee madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdinuur oo qoraal soo saaray ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku boggaadiyay go’aankan, isaga oo sheegay inuu dib u hagaajiyay tallaabadii hore ee uu qaaday.

“Haddii uu wax hagaajiyo sida warqadda masuuliyadda iyo xilkasnimada xambaarsan ee shalay loo diray New York halagu taageero. Yaan laga dhigin qof jabay oo laga adkaaday” ayuu yiri Cabdinuur oo kamid ah saaxibada aadka ugu dhow madaxweynihii hore Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay tahay tallaabo geesinimo leh oo loo qaaday jidka dheer ee dowlad dhiska Soomaaliya.

Geesinnimada laguu sheegayaba waa inaad garawshiyo muujiso. Dowlad dhiska Soomaaliya jid dheer baa sugaya oo sahay iyo adkaysi badan u baahan” ayuu yiri.

Dhankiisa, Cali Yare Cali oo ka hadlay arrintan ayaa soo dhaweeyay tallaabada dowladda oo uu ku baaqay inay haboon tahay in lagu tagaeero, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladdu markii ay tallaabo wanaagsan qaado in garabkeeda la istaago. markii laga qaldanyahay in loo garaabo. markii dowladda iyo ajnabi kale joogto dowladda lala safto,” ayaa isaguna sidaas uga falceliyay tallaabada ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo dowladda iyo Qaramada Midoobe ay isla garteen in la dhiso guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doono, sidii dib loo qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Horjooge Aadan Dhaayow oo gacanta lagu soo dhigay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka sameeyeen agagaarka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ka dhacay Kuunyo Buurow ayaa waxaa lagu soo qabtay Horjooge magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Ali Dhaayow oo ka tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo looga hadlay howlgalkan ayaa lagu sheegay inuu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna soo qabtay Horjooge Dhaayow.

“Howlgal Qorshaysan oo Ay Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ka fuliyeen tuulada kuunyo buurow oo 30km dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Buur-Hakaba ayaa waxaa lagu soo qabtay Horjooge Aadan Maxamed Ali Dhaayow oo ka tirsanaa Khawaarijta Alshabaab” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Koonfur Galbeed.

Sidoo kale ciidamada ayaa weli sii wada howlgalkooda, waxayna isku fidiyeen deegaano kaabiga ku haya degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

DF oo warqad cusub u dirtay Qaramada Midoobe kadib dalabkii xiritaanka UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobe u dirtay warqad daba socota warqaddii ay todobaadkii hore ku dalbatay in lagu xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).

Warqaddii horey ayey dowladda ku sheegtay in horumar ballaaran ay ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed horay uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Si kastaba, warqad kale oo dowladda u dirtay Qaramada Midoobe ay ku sheegtay inay dooneyso in la billaabo qorshaha kala guurka ee xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya lagu xirayo, balse uma aysan qaban waqti si la mid ah warqadidi hore.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in haatan ay dooneyso in la magacaabo guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doono, sidii dib loo qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Sidoo kale warqada cusub oo ay dirtay dowladda ayaa waxaa lagu cadeeyey in ay diyaar u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka ee UNSOM.

Tallabadan kadib ayaa waxaa si toos ah u wada-hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee QM oo sameeyay xiriir khadka taleefoonka ah, iyaga oo heshiis ku gaaray magacaabida guddi gaar ah oo dib u qiimeynaya shaqada xafiiska UNSOM.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo waajibaadka xafiiska QM EE (UNSOM) uu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

Sawirro: DF oo gacanta ku dhigtay SHIDAAL ay lasoo dageen kooxda Al-Shabaab

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay gelinkii dambe Jimcihii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Howdley ayaa waxaa si gaar ah u qaaday ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo kaashanaya ciidamada deegaanka oo iyana ka soo baxay dhanka degmada Ceel-dheer, kuwaas oo waddada u galay agab loo waday Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan shidaal ay halkaas kala soo dageen Al-Shabaab, isla markaana lagu jeenay doon, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo waday shidaalka iyo gaari nooca raaxda ah oo ay wateen, kuwaas oo loo soo bandhigay warbaahinta.

“Ciidanka Xoogga  dalka gaar ahaan kumaandooska  Danab iyo gorgor oo kaashaanaya ciidanka Deegaanka oo iyana ka soo baxay degmada Ceel-dheer ayaa howlgalo ka sameyay deganka howdley oo duleedka degmada Xarardheere ciidanka waxa usuurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan 150 jirgan oo shidaal ah oo halkaasi dooni keentay isla markaana loo waday cadawga khawarijta.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Sidooo kale waxaa lasoo raaciyay “Waxaa ay ciidamadu ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ku luglahaa soo dejinta shidalka kuwaasi oo baaritano ay ku socdaan”.

Horay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidan oo kale u fashliyay hub iyo saanad ay doonayeen inay Al-Shabaab kala soo dagaan halkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo deegaanada badan ka xoreeyay kooxda.

 

MUUSE BIIXI oo sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta wareegto soo saaray ayaa sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis isla socoda.

Muuse Biixi ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland, Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan, isaga oo xilkaas u magacaabay Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage.

Wareegtada ayaa u qornayd sidatan:-

Wareegto Madaxweyne 11.05.2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida, kuna magacaabay Gudoomiye cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan;

Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Gaashaanle Sare Cabdi Cali Xayd Raage laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilan

Maleeshiyada Al-Shabaab oo gubay guryo ku yaalla deegaanka DAARUNIMCA

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Daarunimca oo hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka dhacay dagaal kooban.

Al-Shabaab ayaa waxaa u suuragashay inay muddo saacado ah la wareegaan deegaankaas, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab muddada ay joogeen magaalada ay gubeen guryo ay lahaayeen ciidamada oo ku yaalla halkaasi, waxayna kadib dib uga gurteen deegaankaasi, markii ay dagaal rogaal celis ah kusoo qaadeen ciidanka huwanta.

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood Macallin Muxidiin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in dib loo riixay dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday halkaasi.

“Weerar gaadmo ah ayay soo qaadeen nimanka cadowga ahaa oo Khawaarijta ahaa oo beledka Daarunimca kusoo qaaday, markii ay gurmadka ogaadeena dib ayay uga baxeen, horaana loo riixay” ayuu yiri guddoomiye Macallin Muxidiin Maxamuud Kulmiye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan xaaladda ay dagan tahay, isla markaana ay deegaanka gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

“Xaaladda deegaanka hadda waa dagan tahay waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waana sii joogi doonaan” ayuu sii raaciyay.

Daarunimca ayaa waxaa marar badan ka dhashay dagaallo khasaare kala duwan gaystay, kadib weeraro ay kusoo qaadeen maleeshiyaadka Shabaab oo horay looga saaray halkaas.

Muxuu XAMZA kala hadlay ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika? + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan dalka Kenya ayaa weli kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi, halkaas oo ay ku joogo booqasho rasmi ah ah.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa maanta Nairobi kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa si gaar ah kulankooda diirada ugu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimaha amniga, la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda   Federaalka Soomaaliya.

Mike Hammer ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadi oonto garab istaaga Soomaaliya, ayna ka caawin doonto arrimaha hortabinta leh, sida arrimaha milatariga iyo bani’aadanimada.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada joogtada ah siiya Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaataa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

 

MAREYKANKA oo qaaday tallaabo ka dhan ah ISRAEL

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihi shaaca ka qaadday, in hubka ay ugu deeqday Isra’il ee ay u adeegsatay dagaalka ay ka waddo Gaza, ay u badan tahay in uu ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Hase yeeshee, warbixinta oo ay soo diyaarisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka loona gudbiyay Koongareeska, ayaa dhanka kale sheegta, in duruufaha dagaalka ay saraakiisha Mareykanka u diideen go’aan ka gaarista qaar ka mid ah duqeymo cirka ahaa oo ku koobnaa meelaha qaar, sidaasi daraadeedna aysan u kala caddeyn in adeegsiga hubka Mareykanka ee Israi’l uu meelaha qaar ku xadgudbay shuruucda caalamiga ah.

Warbixintan sheegeysa in ay jiraan caddeymo muujinaya in Isra’il oo ah xulufada ugu dhaw Mareykanka ay jibisay xeerarka caalamiga ah ee ilaaliya rayidka, ayaa noqoneysa bayaanki ugu xooganaa ee ay Washington ku cambaareyso Tel Aviv, tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza wixi ka danbeeyay weerarki Xamaas ee 7-badi October.

Natiijada warbixintan ayaa khatar dheeraad ah gelineysa xiriirka sii kharaaranaya ee u dhaxeya Isra’il iyo maamulka madaxweyne Biden. Maamulka Biden ayaa qaaday tallaabooyin aysan ku farxin Isra’il, tan iyo marki ay ciidamada Isra’il galeen marinka Rafax todobaadkan.

Mareykanka ayaa horay uga digay in uusan raalli ka aheyn duullaan ay Isra’il ku qaaddo magaalada Rafax oo ay ku noolyihiin in ka badan 1.3 milyan oo Falastiiniyiin qaxooti ah, ilaa ay Isra’il ka keeneyso qorshe cad oo dammaanad qaadaya badqabka dadka rayidka ah.

Todobaadkaan Biden ayaa sheegay inuu hakinayo hubka uu Mareykanka u daabulo Isra’il, arrintaas oo uu uga jawaabayay qabsashadi ay Isri’il qabsatay marinka isku xira Rafax iyo Masar iyo duqeymo ay ciidanka Israil ka geysteen qeybo ka mid ah Rafax, halkaas oo lagu dilay dad badan oo rayid ah.

Isra’il wali kama aysan jawaabin warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka, hase yeeshee qaar ka mid ah mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Koongareeska ayaa cambaareeyay warbixinta kuna tilmaamay mid lid ku ah Isra’il.

AP iyo Reuters + VOA

Xamza oo soo gabagabeeyay booqashadiisii KENYA – Maxaa kasoo baxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, isaga oo kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Nairobi joogay muddadii u dhexeysay 6-da ilaa 11-ka May, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda sare ee dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha dalkaas William Ruto oo isagu u fidiyay casuumadda uu ku tegay Nairobi.

Inta uu Xamza joogay magaalada caasimada ah ee Nairobi wuxuu heshiisyo la gaaray dowladda Kenya, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada; arrimaha dibedda, nabadgalyada, dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada iyo arrimaha adeegga bulshada.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas oo uu uga warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha ganacsi iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxa kale oo uu Kenya kula shiray Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Soo laabashadiisa kahor wuxuu maanta booqasho ku tagey Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya, iyada oo ay halkaas ku soo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Safarkan ayaa noday kii ugu horreeyay eeuu ra’iisul wasaaruhu ku tegay Dalka Kenya, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii June ee sanadkii 2022-kii.

QM oo taageertay dalabka xubinnimada FALASTIIN

New York (Caasimada Online) – Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihi si weyn u taageeray, dalabka Falastiin ee ah in ay xubin buuxda ka noqoto Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa, iyada oo uu Goluhu kula taliyay Golaha Ammaanka inuu arrintan si wanaagsan dib ugu eego.

Qaraarki Golaha Guud ee shalay oo ay cododkooda ka dhiibteen dhammaan 193-da xubin ee Golaha, ayaa waxaa haa ugu codeysay 143 dowladood, 9 waddan oo ay ku jiraan Isra’il iyo Mareykanka ayaa diiday halka 25 xubin ay ka aamustay.

Qaraarkan ayaanan Falastiin siineyn aqoonsiga xubinnimada ee Qaramada Midoobay, balse si fudud ugu aqoonsaday in Falastiin ay u qalanto xubinnimada.

Si Falastiin ay u noqoto xubin buuxda oo ka mid ah xubnaha Qaramada Midoobay ayaa u baahnaan doonto, in ay qaraar ku ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxay u badnaan doontaa inuu Mareykanka codka awoodda qayaxan ee Veto-ga ku diidi doono, sidi uu ugu diiday fadhigi dhawaan ay arrintan ka yeesheen Golaha Ammaanka.

Qaraarki Golaga Guud ee la ansixiyay Jimcihi, ayaa Falastiin sii doona xuquuqo dheeraad ah oo aysan horay u heysan, laga billaabo bisha September ee sannadkaan 2024-ka, kuwaas oo ay ka mid yihiin kursi ay ku yeelan doonaan hoolka Golaha Guud, laakin cod kuma yeelan doonaan golaha.

Daawo: Xasan oo ka hadlay doorashada uu qabanayo iyo qadiyadda Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha ee maanta qeybtaan kaga hadlay arrimaha doorashooyin uu qorsheynayo inuu dalka ka qabto iyo qadiyadda Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay inay ka go’antahay in dalka uu ka qabto doorasho qof iyo cod ah, taasna uusan ka gorgortami doonin, isla markaana uu xaqiiji doono si kasta oo ay ku suurtageli karto.

“Doorasho Qof iyo Cod ah ayaa ballanqaadnay, waana hirgalinayaa alle idinkiis, dadkeenana waa in ay dortaan cidda danahooda iyo mustaqbalkooda ka shaqeynaysa,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in dadkaan aysan u tali doonin cid dambe oo hoggaanka dalka si qaldan ku timaada “fursad kale ma jirto, dadkeena waa inay doortaan cida meteleysa,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay qadiyadda Somaliland, isagoo sheegay in waxaba aysan u wabin dowladda Soomaaliya, dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada waqooyi.

“Walaalaha Somaliland majirto wax dhibaato ah habayaratee oo na dhexyaal, doorashooyinka ku soo wajahan iyo dimoquraadiyadda ay hiigsanayaan si nabad ah inay ugu dhamaato ayaan u rajeyneynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in dowladda Soomaaliya ay weli daneyneyso in Somaliland dowladiisu wadahadal la yeelato, si looga tashado aayaha iyo wadajirka umadaan walaalaha ah.

“Mowqifkeenii hore ayaan ku taaganahay, Somaliland waa walaalaheen waa dad Soomaaliyeed, waxaan qabnaa aan wadajirno, sida aan ku wadajireynana aan ka wadahadalno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Aqriso: Magacyada 17-kii ergay ee QM ay u soo dirtay Soomaaliya tan iyo 1992-kii

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobey weydiisatay in la soo geba-gebeeyo joogitaanka howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya oo soo socday in ka badan 10 sano, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online.

Warqadda uu Golaha Ammaanka u diray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayuu kaga codsaday “in la joojiyo shaqada howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kadib markii aan si qoto dheer u tixgalinay istaraatiijiyadda aan mudnaanta siineyno.”

Afhayeen u hadlay xafiiska UNSOM Ari Gaitanis oo ka jawaabaya codsigan ayaa sheegay in codsigan uu caddeyn u yahay shaqada qiimaha leh ee UNSOM uu ka qabtay taageeridda maamullada Soomaaliya.

Waxa uu intaas ku daray inay wada-hadal kula jiraan dowladda federaalka Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay qaataan go”aanada Golaha Ammaanka.

Xafiiska UNSOM ayaa waxaa 2013 aas-aasay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu mas’uuliyiinta Soomaaliya uga taageero u gudubka dimoqraadiyadda iyo sareynta sharciga ka dib in ka badan 20 sano ah oo ay dalka ka jireen dagaalo sokeeye, burcadnimo iyo kooxo argagixiso.

UNSOM ayaa beddelay UNPOS oo soo shaqeynayey April 1995-kii ilaa June 2013.

Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya usoo mahacawday 17 ergay, tan iyo 1992.

Toban waxay kasoo jeedeen qaaradda Afrika, 4 Britain, 2 Mareykan, midna Ciraaq. Waxay kala ahaayeen:-

1- Mohamed Sanoun, 1992, Algeria
2- Ismat Kittani, 1992, Iraq
3- Jonathan Howe, 1993, USA
4- Lansana Kouyate, Guinea, Feb 1994 (Acting)
5- Victor Gbeho, July 1994, Ghana
6- Abdulhamid Kabia, 1996 (Sii-haye) Sierra Leone
7- Flex Mosha, 1996, Tanzania
8- David Stephen, September 1997, UK
9- Winston Tubman, February 2002, Liberia
10- Francois Fall, Guinea, 2005
11- Ahmadou Ould Abdalla, 2007 Mauritania
12- Augustine Mahiga, 2010, Tanzania
13- Nick Kay, 2013, UK
14- Michael Keating, 2015, UK
15- Nicholas Haysom, 2018, RSA
16- James Swan, 2019, James Swan, USA
17- Catriona Laing, 2023, Britain.

BOOLISKA oo soo bandhigay rag kufsi wadareed yaab leh ka geystay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 5 nin oo ku eedeysan inay kufsi ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaas oo wajahaya eedeymo culus.

Raggaan ayaa kufsaday hal gabar, waxayna booliska Soomaaliya soo bandhigeen sawiradooda, inkastoo markii dambe ay warbaahinta codsadeen in sawirada aan loo isticmaalin baraha bulshada.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigey Eedaysanayaal Kufsi Wadareed  u geystey  Gabar Soomalaiyeed

Markay Taariikhda Aheyd  10-05-2024 abaaro 06:00pm Fiidnimo waxaa Howl-gal lagu Soo Qabtey 5  Eedeysane oo Kufsi wadareed u geystey Gabar Soomalaiyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska.

Eedeysanayaashaaan ayaa lagu sheegay qoraal inay Gabadha ku kufsadeen  degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Si gaar ah kufsi wadareedkaas ayaa gabadha loogu geystay Waaxda Horseed ee degmada Xamarweyne, waxayna arrintaasi noqotay mid ka yaabisay dadka xaafadaasi ku nool.

Raggaan ayaa gabadha la galay guri jajaban oo ku yaala waaxdaas, waxayna isku dayeen in kufsiga kadib ay baxsadaan.

Booliska degmada  Xamarweyne oo kaashanaya shacabka ayaa dadaal dheer kadib ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan raggii kufsiga u geystay gabadha.

5-ta  eedeysane ee kufsigaas loo heysto ayaa hadda ku xiran saldhigga Booliska Degmada Xamarweyne, waxaana la hor geynayaa cadaaladda, sida lagu shaaciyey qoraalka booliska.

Daawo: Xasan Sheekh oo war cusub ka soo saaray damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha ee maanta kaga hadlay xadgudub ka Itoobiya ee madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay qorshihiisa dhinacyada dhameystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka dalka iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

Qeybtaan waxaan ku eegeynaa sida uu Maxaxweynuhu uga hadlay damaca Itoobiya ay ku raadineyso badda Soomaaliya, isagoo sheegay in waxaba aysan iska bedelin xiisadii qaraxday bilowgii sanadkaan, kadib markii heshiis qar-iska tuurnimo ah uu Muuse Biixi badda ugu saxiixay Itoobiya.

“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ogadaan u jeedka damaca Itoobiya waa soo jireen, wuxuu ku dhammaan donaa kiiskaan sida isku dayadii hore ee soo jireenka ahaa, mana jirto wax lagu badalan karo Baddeena,” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaxda labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay qaadeen talaabooyin aysan ka fiirsan, taasi oo sababtay in marar badan ay qalqal gasho xasiloonida labada shacab ee deriska ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda Abiy Axmed uu ku haminayo inuu soo afjaro rajadii fogeed ee Itoobiyaanku ay ku raadinayeen badda, maadaama ay arkaan ee Soomaaliya ay mar kale soo kabaneyso.

“Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu arkaa in Soomaaliya soo kabaneyso, tariikh inteeda badan madow ayaa nasoo dhexmartay Itoobiya, waad la socotiin wixii dagaalo na dhex-maray iyo wixii ay Muqdisho ka geysteen ciidamada Itoobiya markii ay soo galeen, marka hadda waxay arkaan in Soomaaliya ay soo kabaneyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in damaca Itoobiya uusan waxaba ka bedeli karin Soomaaliya, isla markaana uu rajeynayo in dagaalo iyo dhibaatooyin kale aysan dhexmarin labada dal ee deriska ah.

Hoos ka daawo

Maxay PUNTLAND ka tiri go’aanka ay dowladda dalka uga saarayso xafiiska UNSOM?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka horyimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ay ku dooneyso in la joojiyo shaqada xafiiska QM ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaasi oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).

Dowladda federaalka oo dalabkan u gudbisay Qaramada Midoobay ayaa waxay ku sababeysay in la joogo waqtigii ay Soomaaliya u madax-banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Puntland ayaa go’aankan ku tilmaamtay mid qaris ka tuurnimo ah oo aan laga fiirsan, ayada oo ku dooday in xafiiska UNSOM ee Soomaaliya uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xilligaan dowladnimadeena.

“Xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) kaalin muuqata ayuu ku leeyahay amniga iyo siyaasadda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiir Maxamuud Caydiid ayaa waxa uu sheegay in xilligan aanay jirin dowlad Soomaaliyeed oo awood leh oo dalka oo dhan maamusha, markaasna uu xafiiska QM ee UNSOM uu door wanaaagsan ku leeyahay u qareemidda iyo difaaca qaddiyadda dowladnimada Soomaaliya, sida uu sheegay.

“Xasan Sheekh isagaa maalin kasta looga yeeraa Xalane. Horta xaggee joogtaa dowlad oran kartaa xafiiska Jimciyadda Qurumaha (QM) ka dhaxeysaan ka maarannaa?. Dowlad ma jirtaa baa meesha taala!,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka warfaafinta Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku dooday in xafiiskan uu fududeeyo, uuna ka shaqeeyo inta badan xal u helida iyo isu soo dhaweynta dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

“Xafiiska UNSOM wuxuu fududeeya wada-hadalada iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee mar walba dhex-mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Marka haddii doorkooda la waayo waxaa meesha ka baxeysa dowladnimada Soomaaliya.”

Go’aankan ay diiday Puntland ayaa waxay dowladda federaalka sheegtay in sababta u weyn ee uu salka ku hayo ay tahay in loo guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee caadiga ah, ayada oo laga guurayo kan hadda ee UNSOM ee fadhigiisu yahay Xalane.

Isbedalkan ayay sheegtay inuu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo Soomaaliya ay ku dooneyso “in ay isku waafajiso qaab dhismeedka xiriirka caalamiga ah iyo kan waddamada kale ee madaxa-bannaan.”

Si kastaba, waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay (UNSOM) ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

Xogta afarta qodob ee ay ka wada-hadleen R/W Xamza iyo William Ruto + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Kenya, ayaa ka wada-hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida uu shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sida uu goordhoweyd baahiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza iyo Ruto ayaa kulankaan diirada ku saaray dhinacayadda ganacsiga, amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah iyo xasilloonida guud ee gobolka.

Kulankaan ayaa ahaa mid mira-dhal ah, waxaana uu imanaya maalmo kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya ay qalinka ku duugeen heshiisyo dhowr ah, oo qeyb ka ah iskaashiga labada dal.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamza oo maalmahan safar shaqo ku jooga caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa isla maanta kulan la qaatay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee ku jiro barlamaanka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dalka, gaar ahaan danaha dadka Soomaaliyeed ee kuwada nool labada dal.

Mudane Xamza ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay laf dhabarka u yihiin xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay muhiim tahay sii xoojinta iskaashi ku dhisan isdhaafsiga danaha labada dal.

KENYA oo fadeexad weyn dhex joojineysa DF Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maalmo kahor bilowday qorshe ay dowladda federaalka Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika.

Kursigan ayaa waxaa Soomaaliya ugu sharaxan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxay Kenya u wadaa Raila Odinga, waxayna bilowday wada-hadallo ay Soomaaliya ugu qancineyso inay taageerto ninka ay u wado kursigaas.

Kenya ayaa mowqifkeeda si cad ugu sheegtay Soomaaliya intii lagu guda jiray kulankii Talaadaddii dhex-maray madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Bare oo maalmihii dambe ku sugnaa Nairobi.

Qorshaha Kenya ay ugu qal-qaalineyso Soomaaliya inay ka tanaasusho musharaxnimada kursigan muhiimka ayaa u muuqda mid ay xukuumadda Nairobi ay fadeexad ku dhex istaajineyso Soomaaliya, oo ayadu horey diiwaanka u gashay inay lugaha qabato musharaxiinta kuraasta muhiimka ah u ordeysa.

Daba-yaaqadii sanadkii tegay waxay dowladda Xasan Sheekh dhabar-jebin ku sameysay Xildhibaan Marwo Bashiir oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, una tartameysay xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka.

Marwo oo markaas olole xooggan u gashay hanashada kursigaas ayaa waxay sheegtay inay dhabar-jebiyeen madaxda sare ee dalka, sida madaxweynaha iyo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Doorashada oo ay ka dhiman tahay 48 saac ayaa lagu wargeliyay Marwo in baarlamaanka Soomaaliya uu soo diray warqad ay tartanka uga harayaan, taasi oo la yaab iyo dhabar-jebin culus ku noqotay, sida ay sheegtay.

Waxay sheegtay inay go’aansatay in tartankaas aysan ka harin, maadaama ay heysatay balan-qaad weyn iyo rajo doorasho oo aad u sareysa, hase yeeshe looga guuleystay maadaama aysan garab ka haysanin dalkeeda.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa xilligaasi balan siyaasadeed kula gashay xilkaasi dhiggeeda Tanzania, ayada oo sheegtay inay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaas oo ka dhexeeyo Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, ayna dowladda Tanzania ay ka heshiiyeen in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM.

Si kastaba, arrintaas ayaa boog iyo sumcad xumo weyn ay ka dhaxashay dowladda Xasan, waxaana markaan hortaalla tijaabo kale oo ay uga baaqsan karto in la dhex joojiyo fadeexad iyo in diiwaanka u gasho dhabar-jebinta masuuliyiinta xilalka sare ee gobolka iyo caalamka uga doona Soomaaliya.