Sawirro: Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay gabdho caan ka ahaa TikTok

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dhalinyaro baraha bulshada ka baahinaysay farriimo kicinaya colaado dadweyne, gaar ahaan qabiilada dega Muqdisho.

Booliska Soomaaliya ayaa howlgal Muqdisho ka socday 24 saacadood ku soo xiray dhalinyaro isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok ka waday kicin bulsho.

Tirada dhalinyarada lasoo xiray waxaa lagu sheegay 21 qof, kuwaas oo bulshada dhaxdeeda ka waday “anshax xumo iyo kala qoqob” sida lagu sheegay qoraalka booliska.

Baaritaan ku saabsan kiisaska loo heysto dhalinyaradaan ayuu bilaabay booliska Soomaaliya, si looga gun gaaro, cida soo abaabushay falalka ay ku kaceen dhallinyaradaan.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan falalka anshax xumada ah, hadalada kicinaya bulshada iyo aflagaadada muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dhalinyaradaan oo intooda badan caan ka ah barta Tiktok ayaa saacadihii lasoo dhaafay u kala saftay Abgaal iyo Habargidir, waxayna mararka qaar isku balansanayeen dagaal, iyagoo soo gelaya Live.

Howlgal soo bilowday shalay galab ayaa lagu soo xiray dhamaan dhalinyaradii lala xiriirinayey filalkaas, waxaana loogu goodiyey in maxkamad la horgey doono, balse lama oga sida laga yeeli doono kiiskooda.

Hadal-heyn badan ayuu xarigga dhalinyaradaan ka abuuray baraha bulshada, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa barta TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho.