Wararkii ugu dambeeyay DAGAAL culus oo maanta ka qarxay gobolka GALGADUUD

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dagaal beeleed lagu hoobtay uu ka dhacay bariga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyaad ku sugan halkaasi, waxaana ka dhashay kasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Ceel-barafaange oo dhaca duleedka Dhuusamareeb, waxaana uu qaatay muddo ka badan saacad, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa 5 qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, kuwaas oo kamid ah maleeshiyaadka labada dhinac ee dagaalamay.

Dhaawacyada lagu soo warramayaa in la kala geeyay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladdooda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo xooganaa qayb ka ahayd kooxda Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay sii hurineyso colaadda ka taagan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo wariyay in labada dhinac ay heleen gurmad saacadihii ugu dambeeyay gaaray deegaanka lagu dagaalamayo.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug, kuna aadan dagaalkaas khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay deegaanka Ceel-barafaange ee bariga gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka taagan colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay shacabka, waxaana sidoo kale ka socda howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shababaab.