Xog: Bulshada qeyb ka mid ah Muqdisho oo dhibaato ku qabta baaritaanada amni

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaadiidleyda degmooyinka Wadajir, Kaxda iyo Dharkenley ayaa dhibaato weyn ku qaba baaritaanka ciidamada amniga ee ku sugan halka loo yaqaano isgoyska Korontada ee degmada Wadajir, halkaas iskuday badan oo la sameeyey waxaba laga bedeli waayey.

Dhibaatada halkaas wa jirta waa baaritaanka ay isku soo gaarayaan gaadiid badan, taasi oo sababta in saacad kasta ay saf-dheer ku jiraan gaadiidleyda isticmaasha wadadaas.

Sida caadiga ah Muqdisho waxaa ku yaalla baro lagu baaro gaadiidka oo ciidamada amniga ay u dhigteen qaab istaraatiiji ah, balse barta koontrol ee u dhow isgoyska korontada ee degmada Wadajir waa mid ka duwan baraha kale ee lagu hubiyo gaadiidka.

Ma jirto wax u gooni ah ama gaabis dhanka ciidanka ah, hadana gadiidku waxay galaan saf-dheer, dadku waxay ka daahaan shaqooyinka iyo danaha kale ee magaalada ay u aadayaan.

Ciidamada amniga oo ku dadaalaya in la yareeyo qatarta iyo saxmadda ayaa la yimid nidaam aan jaamkii jiray waxaba ka bedelin, balse xalka goobtaas ay u arkeen, kaas oo ah in gaadiidka lagu feyliyo luuq, inta laga leexiyo laamiga.

Gaari kasta oo ku yimaada jidka dheer wuxuu geliyaa luuqa, kadibna wuxuu soo gelayaa saf-dheer, ciidamada ayaa mar kasta isku daya inay dedejiyaan baaritaanka, si loo yareeyo saxmadda gaadiidka iyo dhibaatada gaadiidleydu ay ku qabaan feylkaas dheer.

Ma jirto meel ay gaadiidleyda Muqdisho ka necebyihiin feylka ka jira isgoyska Korontada, inta badan dadka shaqooyinka leh ayaa soo jarmaada subax hore, balse waxay halkaas ka soo gudbaan iyagoo ku daahay feylka.

Sababta uu jidkaasi jaamka u yahay waxaa lagu sheegay in gaadiidka ka yimaada degmooyinka la isku yiraahdo Madiina, ee Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ay u furan tahay halkaas wado, taas oo sababta in dhowrkii daqiiqaba ay baaritaanka isugu yimaadaan gaadiid badan, halka ciidamada ammaanku ay ku dadaalaan inay kala fududeeyaan saxmadda, iyagoo gudanaaya waajibkooda baaritaanka.