Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Swan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay ku-simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay Soomaaliya James Swan.

Kulankaas ayaa looga hadlay dardargelinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swan la wadaagay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ergayga warbixin ka siiyey dhinacyada kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta dalka, isagoo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadka cusub ee QM ay u soo igmatay.

Waa kulankii ugu horeeyey oo James Swan uu la yeeshay Madaxweynaha, Ergeyga ayaa maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan dib loogu soo magacaabay Soomaaliya.

Ninkaan ayaa hora yuga soo shaqeyey dalka, wuxuuna ku soo aaday xili adag oo muddo kororsi markii dambe fashilmay uu isku dayey Farmaajo, kadibna waxaa daba-dheeraaday doorashooyinkii dalka, James Swan ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu muhiimsanaa ee markaas loo daba-fadhiyey xalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isla maanta xafiiskiisa ku qaabilay James Swan, waxayna labada masuul kulankooda uga wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadceliyey hay’adaha Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin in si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.