DF oo digniin u dirtay dadka baraha bulshada ku faafiya…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siisay dadka baraha bulshada ku faafiya waxyaabaha kasoo horjeeda qawaaniinta dalka.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya marnaba raali ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulshada iyo abuurada dhaqanka nuucaas ah.

”Dalkaan muddooyinkii ugu danbeysay xoriyaadda hadalka waxaa u ka joogay meel wanaagsan, qof maanta cabsi darteed awoodi waayay in uu  gudbiyo fariin u doonayay oo sax ah, sharcigana waafaqsan inuu jiro umalayn maayo sidan aaminsanahay, mabda’a xuquuqul insanka iyo xorriyadda hadalka halkaas ayuu naga yaalla,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Al-Cadaala oo ka qeyb-galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala barah bulshada ayaa waxa kale oo uu sheegay in dadka baraha bulshadda ka hadla ee dhanka qaldan u isticmaala ay saameyeen wacyi-galinta bulshada, taasi oo uu sheegay in aan marnaba la aqbali doonin.

“Waxaa la arkayaa idaacaddo ay ka socdaan Gabar qori sidata oo ku hanjabaysa in ay 200 oo dad ah dilayso, waxa nuucaas ah anshaxa iyo xeerarka saxaafadda midna ma ogola mana sameyn kartida,” ayuu yiri Al-Cadaala oo hadalkiisa si wata.

“Waa in aan kala saarno wixii anshaxa saxaafadda caalamiga ah ay isla aqoonsan yihiin iyo in aan ilaalino xorriyadda hadalkana. Dadka ay dowladda xirtay waxay ku kaceen wax ka baxsan xorriyada hadalka, anshaxa, Islaamnida, dhaqanka ummaddeed ka soo horjeeda ayeey ku kaceen, sharciga ayaana la geyn doona”.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay booliska Soomaaliya xabsiga dhigeen dhallinyaro baraha bulshada ku faafin jirtay aflagaado, anshax-xumo iyo kicin dadweyne, kaasi oo ugu dambeeyey Asmar Daahir Faarax oo xalay lagu xiray saldhigga degmada Hodan, kadib markii uu muuqaal anshax-xumo ah ku faafiyey baraha bulshada.