Ujeedka kulan Muqdisho ku dhexmaray Soomaaliya iyo Qaramada Midoobe + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Villa Somalia, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaaraha ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay.

Wafdigan oo ay horkaceysay agaasimaha barnaamijka Qaramada Midoobay ee deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson oo dalka ku timid booqasho shaqo ayaa wada-hadalo saacado qaatay la yeelatay masuuliyiinta xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaagay agaasinka, duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.

Marwo Andersen ayaa dhankeeda ku ammaantay dowladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyada oo sheegtay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqaynta dowladda Soomaaliyeed.

Booqashada Andersen ayaa ah tii ugu horreysay ee ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii ay xilka qabatay.

“Ujeedada booqashadan ayaa ahayd in la xoojiyo xiriirka wada shaqeyn ee u dhexeeya UNEP iyo Soomaaliya, iyo in la dardar galiyo qorshayaasha horumarineed ee la xiriira waxkaqabashada dhibaatooyinka deegaanka iyo isbedelka cimilada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.

Inger Andersen ayaa sidoo kale kulan gaar ah xarunta wasaaaradda kula qaadatay wasiirka Wasaaaradda Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, wasiir-dowlaha wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo howl wadeenada wasaaradda.

Booqashadan ayaa ahayd mid miro dhal ah oo lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee labada dhinac. Wasiirka deegaanka Amb. Khadiija ayaa dhankeeda muujisay sida ay uga go’an tahay sii wadida wada shaqaynta iyo qorshayaasha wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka deegaanka iyo la dagaalanka isbedelka cimilada.