Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cise oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa kulamo kala duwan ka wada gudaha magaaladaasi oo uu uga qayb-galay shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika
Biixi ayaa kulamo doceedyo looga hadlay arrimaha dhaqaalaha dalka la yeeshay madax kala duwan oo ka socotay dowladaha UK, Norway iyo Netherlands oo iyaguna ka qayb-galay shirweynahaasi.
Wasiirka maaliyadda ayaa si gaar ah ula kulmay Wasiirada Horumarinta Dowladaha UK iyo Norway, Mr. Andrew Mitchell Uk, Mrs. Bjørg Sandkjær Norway, waxayna wada-hadalkooda diiradda ku saareen mudnaanta dhaqaale ee Soomaaliya deyn cafinta kadib iyo taageerada horumarinta Maaliyadda.
Sidoo kale, wasiir Biixi ayaa la kulmay ergayga gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan dowladda Netherlands Mrs. Sanne Loewenhardt oo ka mid aheyd ka soo qayb galayaasha shirka Bangiga Horumarinta Afrika, wuxuuna ka hadlay arrimaha dhaqaalaha dalka.
Intii ay socdeen shirarkan gaar gaarka ah wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay dhammaan dowladihii uu madaxdooda la kulmay, qaabka wanagaasan ee ay uga soo qeyb qaateen geedi socodkii hannaanka isbaddalka maaliyadda Soomaaliya oo soo maray waddooyin kala duwanaa oo howl badan laga soo qabtay.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda federaalka ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan horumarimta dhaqaalaha dalka, ayada oo laga faa’iideysanayo dayn-cafinta oo markii hore caqabad ku ahayd maalgashiga dalkeenna.
Soomaaliya ayaa haatan kasoo kabaneysa burburkii ku dhacay dowladdii dhexe kadib, waxayna haatan qaaday dhowr tallaabooyin oo la bogaadiyay, sida deyn-cafinta, qaadista cunaqabateynta hubka iyo ku biirista suuqa bariga Afrika oo isna ah mid muhiim ah.