28.9 C
Mogadishu
Saturday, May 24, 2025

Wasiirka Gaashaandhiga DF oo war ka soo saaray saraakiishii maanta la dilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa war ka soo saaray geerida Taliyihii guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo maanta lagu dilay qarax miino.

Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Mad Dheere), iyo saraakiisha kale oo la shahiiday ayaa maanta duhurkii lagu dilay inta u dhaxeysa degmooyinka Aw-diinle iyo Berdaale ee Koonfur Galbeed, xili ay ku jireen howlgal sifeyn ah.

“Qoyska, ehelada, Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga tacsiyeynaynaa Geerida shahiid Maxamed Nuur Sheegow, Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad iyo saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee inaga shahiiday, waxaana Alle uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu alle caafiyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Allaha u naxariistee Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Maxamed Nuur Sheegow iyo saraakiisha kale ee la socotay iyo guud ahaan naftood hurayaasha CXDS ee horay inooga Shahiiday waxa ay naftooda u hureen in Dalka, Dadka iyo Diinteenna suuban ay ka badbaadiyaan Cadowga Khawaarijta ah.

Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor oo ahaa sarkaal ciidan iyo tiro kale oo saraakiil ah ayaa qaraxaas lagu laayey, sidoo kale askar badan ayaa geeriyootay maanta, in kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaaray.

Ciidankaan waxay ku jireen howlgal muddo 3 maalmood ah, waxayna ku howlanaayeen inay isku furaan wadooyinka ay Shabaab go’doomiyeen ee isaga kala goosha gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta agga Berdaale qarax miino kula beegsatay kulanyadii ku jirtay howlgalka, ilaa 3 gaari ayaa la sheegay inay isku mar miinooyinku haleeleen, kuwaas oo goobta ku basbeelay, waxaana ku dhamaatay askar iyo saraakiil badan.

Madaxweynaha K/Galbeed iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo maanta war ka soo saaray dilka Taliyaha iyo saraakiisha kale ayaa uga tacsiyeyey dhamaan umadda Soomaaliyeed, geeridaan ayaa maanta aad u taabatay dadka Soomaaliyeed ee rajada weyn ka qaba in laga adkaado kooxaha argagixisada ah.

- Advertisement -

Read more

Local News