Sawirro: Nin Shabaab ah oo u dhashay dalka Yemen oo lagu qabtay Ceeldheer

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deeganka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin ajanebi ah oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa lagu qabtay deegaanka Mareeg oo ah deegaan ku yaalla xeebta, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka ah ee deegaanka oo helay xogta dhagarqabaha ayaa howlgal baadi-goob ah ka sameeyay xeebaha gobolka Galgaduud, kuwaas gacanta kusoo dhigay ninkaan.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Caasimada Online u sheegay in ninkaan uu ka mid yahay tiro maleeshiyaad ah oo ka lumay Khawaarijta markii ay ku jabeen dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Ceeldheer.

Dhowr habeen ayey ciidanku ku raad-joogeen ninka hadda la qabtay iyo labo kale, kuwaas oo go’doon ku ahaa howdka degmada Ceeldheer.

Ninkaan ayaa sheegay inuu ka soo jeedo dalka Yemen, sidoo kale wuxuu sheegay inay la socdeen labo nin oo mid Soomaali yahay, midna ka soo jeedo dalka Yemen, kuwaas oo maalmo badan ay duurka ku wadajireen.

Sida ay saraakiishu noo sheegeen waxaa duurka gaajo ugu geeriyooday labadii nin ee kale, xogta sheegeysa in raggii kale ay dhinteen waxaa saraakiisha ciidanka la wadaagay ninka la qabtay ee u dhashay dalka Yemen.