27.3 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Naadiya, gabadhii lagu doortay Mareykanka ee qabiilkeeda muranka la geliyey oo hal arrin xaqiijisay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa caawa lagu qabtay xaflad weyn oo lagu taageeray doorashada Naadiya Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha magaalo ka tirsan dalka Mareykanka.

Xafladda waxaa isugu yimid xildhibaano u badan beelaha Habargidir oo Naadiya ay ka dhalatay, waxaana xafladda lagu soo hadal qaaday wararka sheegaya in qabiilka Naadiya uu muran ka taagan yahay.

Xildhibaanadii ka hadlay xafladda, sida Cabdiraxmaan Odawaa iyo Qaali Shire ayaa sheegay in Naadiya ay tahay gabar ka dhalatay beesha Saleebaan ee Habargidir, sidoo kale xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda beelaha kala duwan ee Soomalaiyeed ayaa soo camiray xafladaan loogu hambalyeeyey Naadiya.

Sidoo kale Naadiya ayaa si online ah uga soo qeyb gashay xafladda caawa lagu qabtay Muqdisho, waxayna aad uga mahadcelisay sida loogu farxay, loona soo dhaweeyey doorashadeedii.

Naadiya ayaa sheegtay in gabar hadii wax la baro ay noqoneyso sideeda oo kale mid guuleysata, iyadoo soo qaadatay maah-maah Soomaaliyeed oo tiraa “Gabar wax baratay waa qoys wax bartay.”

Naadiya ayaa soo hadal qaaday wararka la xiriira is qabqabsida qabiilkeeda oo sida ay sheegtay ay kala socotay barta Tiktok-ga iyo Websiteka BBC.

“Dadka ku wareersan qabiilka aan ahay waxaan rabaa inaan caawa u jawaabo, walaalayaal waxaan ahay waxa idinku aad tihiin oo ah muwaadin Soomaaliyeed, halkaas uga hara warka,” ayey tiri Naadiya.

Gabadhaan ayaa u mahadcelisay dadka u qabtay xafladaan taageerada ah, waxay sheegtay inay jeclaan laheyd inay ka soo qeyb gasho xafladda, balse aysan u suurtagelin oo ay ka cudur daaraneyso.

Ugu dambeyntii Naadiya waxay dardaaran u soo dirtay dadka Soomaaliyeed, waxay ka codsatay in dalkooda ay dhistaan oo nabadda ka shaqeeyaan, iyadoo sheegtay inay jeceshahay in mar un ay ku soo laabato dalkeeda hooyo.

Hoos ka daawo

Dab mar kale ka kacay suuqa Xamarweyne iyo sababta dhalisay oo la ogaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab kale oo la demi waayey ayaa maanta gelinkii dambe ka kacay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne, kaas oo dadka ku howlan demintiisa ay ilaa hadda ku sugan yihiin gudaha suuqa.

Dabkaan ayaa la ogaaday inuu ka dhashay haraadiga dabkii habeen hore burburiyey suuqaas, kaas oo hanti tiray dad badan oo ganacsi kumanaan dollar ku fadhiya ku lahaa suuqa Xamarweyne.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo maqribkii warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa ayaa sheegay inay ku howlan yihiin deminta dabka oo mar kale qabsaday dhismayaasha suuqa.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in dabkaasi uu dhashay dabkii hore oo labo maalmood iyo habeen lagu howlanaa demintiisa, isla markaana burburiyey carwooyinkii iyo guud ahaan goobihii ganacsi ee ku yaallay suuqaas.

Sarkaal ka tirsan booliska oo isna warbaahinta kula hadlay gudaha suuqa gubanaya ee Xamarweyne ayaa sheegay inay toos u shaqeynayeen labo maalmood iyo labo habeyn, isla markaana aan weli lagu guuleysan in dabka la baqtiiyo.

Dad badan ayaa ku hanti beelay suuqa gubtay ee Xamarweyne, kuwaas oo carwooyin iyo goobo kale oo ganacsi ku lahaa suuqa.

Ilaa hadda lama ogaan wixii dhaliyey dabkaas, sidoo kale ilaa hadda toos looguma guuleysan in la demiyo dabkaas.

Habeenkii Jimcaha ee Sabtigu soo gelaayey ayuu suuqa ka kacay dabkaasi, wuxuuna soo gaaray caawa oo Isniin ay soo geleyso, taas oo ka dhigan in labo maalmood iyo labo habeen uu suuqu gubanayo.

Dowladda Hoose ee Xamar iyo shirkadaha dalka, sida Hormuud ayaa awoodooda isugu geeyey sidii dabkaas loo demin lahaa, balse weli toos looguma guuleysan in dabka la baqtiijiyo.

Sidoo kale weli lama tiro koobin hantida ku gubatay suuqa, balse dadka ku hanti beelay oo qaarkood ay warbaahinta la hadleen ayaa sheegay inay ku ceyrtoobeen dabkaas, iyadoo qaarkood ay cadeeyeen inuu dabku dhaafiyey kumanaan doollar.

Sawirro: Muxuu Wasiir Beenabeene kala hadlay Agaasimaha USAID?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene-beene) ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay agaasimaha xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Sheri Nouane Duncan-Jones.

Kulankaan ayaa waxaa saldhig u ahaa xoojinta wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo hay’adda USAID xafiiskeeda Soomaaliya, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay kulankaan uga wada-hadleen sidii looga guuri lahaa deeqaha gargaarka xoogana la saaro dhinaca horumarinta iyo xalka waara.

Sidoo kale waxay isla qaateen in la iska kaashado horumarinta dhaqalaaha ka dib xilliga dayn cafinta iyo in hay’adda USAID ay isticmaasho nidaamka dalka ee fulinta barnaamijyadda iyo mashaariicda.

Wasiir Beene-Beene ayaa uga dambeyntiina uga mahad-celiyay hay’adda USAID taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ay USAID ku dhowaaqday 5 milyan oo dollar oo ay gacan uga gaysaneyso gaarsiinta adeegyada deg-degga ah ee ay u baahan yihiin bulshooyinka u istaagay kacdoonka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida u dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka kooxda Al-Shabaab, isagoo ku duqeeya gobollada.

CC Shakuur oo si weyn u duray arrin uu madaxweyne Xasan ku dhagan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa duray arrin uu muddooyinkii dambe si weyn ugu dhaganaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in nidaamka madaxweyne iyo ku-xigeen, oo uu meel-marintiisa ku howlan yahay madaxweyne Xasan Sheekh hore loo soo tijaabiyay, looguna fashilmay.

Madaxweyne Xasan ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada wuxuu ugu adkeystay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uga hadlay dowladihii soo maray Soomaaliya iyo nidaamkoodii, waxaana muuqata in arrintaan ay si weyn ugu aragti duwan yihiin madaxweynaha iyo ergeygiisu.

“Hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo duraya aragtida uu weli ku dhagan yahay madaxweynaha ee ah nidaamka Madaxweyne iyo Ku-xigeen.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Soomaaliya saddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray.

1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga ahayd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa Baarlamaani, waxaa afgambiyey askarta.

2- Jamhuuriyaddii labaad ee ay milateriga xukunka qabsadeen, Kacaankii Hanti-wadaaga ahaana soo rogeen, Nidaamka xukunka wuxuu ahaa mid Madaxtooyo oo Madaxweyne iyo ku xigeen ah (Presidential), waa tii lagu kala tegey.

3- Jamhuuriyaddii Saddexaad, Soomaalidii dib u heshiisiinta isugu timid Carta, dalka Jabuuti waxay u laabteen nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee Jamhuuriyadii koowaad lagu yagleelay.

Haddaba, hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay.

Soomaali waxay ku maahmaadaa

“Wixii umusha u roon ayaa ilmahana u roon”

Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo muuqdo isagoo gacan shakaalan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya ayaa saxaafada ka soo muuqday isagoo gacanta bidix u shakaalan tahay, kadib markii uu ka soo baxay qaliin kooban oo garabka ah.

Dalalka Sacuudiga iyo Burundi ayuu ku tegay laba safar oo shaqo, iyada oo madaxweynaha gacanta u duuban tahay.

Dadweynaha ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay inay arkeen madaxweynahoodii oo gacan shakaalan, balse aanay taasi ka reebin inuu u adeego dalkiisa.

Marka aad madax u tahay dal sabool ah oo ay colaad sokeeye iyo argagixiso iskugu darsoontay ma leedahay waqti aad ku nasato oo aad ku raadiso caafimaadka ugu sarreeya, dabcan jawaabtu waa Maya.

Inkasta oo aanay muwaadiniinta u riyaaqeyn inay xanuun ku arkaan madaxweynaha, haddana dhinaca kale dadka waxay leeyihiin Xasan Sheekh wuxuu muujinaya naf hurnimo hoggaamineed.

Madax badan ayaa caalamka soo maray oo ay u diiwaan-gashan tahay inay dalalkooda u khidmeeyeen iyaga oo kuraas lagu riixayo, qaar ay kasoo baxeen qaliino wadnaha ah ama ay ku jireen xaaladdo adag oo caafimaad.

Ujeedku waa inuu qofka xaqiijiyo hadafka la doortay iyo inuu guto masuuliyadda loo igmaday muddadaasi cayiman. Dadweynaha taas ayaa muhiim u ah.

Madaxweynaha 68 jirka ah ee Soomaaliya ayaa muddo saddex billood ku dhow wuxuu u dhaxeeyay gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si uu u xaqiijiyo inuu ka adkaado argagixisada Soomaaliya gaarsiisay halkii ugu xumeyd abid.

Qofka madaxda u ah Soomaaliya oo laga wada dharagsan yahay, halka ay joogto maanta iyo sida dowladaha adduunka weli u diidan yihiin in wax badan oo wanaag ah ku biiriyaan, waa ku qasban yahay inuu xaalad walba dhexda xirto oo uu daruuf walba qaato si uu dalkiisa meel u gaarsiiyo, ayey leeyihiin dadka aaminsan inuu madaxweynaha u adeegayo dalka halkii ugu sarreeyay itaalkiisa.

Xasan Sheekh in uusan aqbalin inuu seexdo illaa uu kasoo kabto ayaa dad badan u arkaan inay tusineyso laxow-jeclo, masuuliyada iyo hoggaamiye aan rabin inuu dalkiisa ka dayaco wax fursad ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hortaalla inuu argagixisada ka adkaado, taasi oo u baahan dhaqaale iyo garab caalami ah. Waxaa sugeysa inuu deyn cafinta dhameystiro iyo inuu dalkiisa ku hoggaamiyo inuu isku filnaado.

Amuurahaas marka la isku geeyo, muwaadiniinta waxaa muhiim u ah in aan waqti laga lumin dalka iyo dadka oo loo shaqeeyo si adag oo joogta ah. Indheer-garadkuna muhiim uma arkaan inay ka hadlaan dheeha iyo dharka madaxweynaha.

Dooddu waa inay ahaata sida lagu xaqiijin karo hadafyada waaweyn ee horyaalla dowladda iyo halka ay gaari karto Soomaaliya sanadaha soo aadan.

DF oo qaaday tallaabo cusub oo daba socoto heshiiskii G/Wadatashiga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo xasaasi oo daba soco heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-kii May 2023.

Dowladda ayaa magaalada Muqdisho ka furtay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kaasi oo daba socda heshiiskaasi.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog u ahaa heerarka kala duwan ee dowladda, ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, kuwaasi oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo kulankaan ka hadlay ayaa ka qeyb-galayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wada-tashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo in la gaar siiyo.

Hanaankan doorasho ayaa ah midka, qof iyo cod, si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo.

Heshiiskan Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, oo dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo, kaasi oo wada-tashigiisa maanta laga furay Muqdisho.

Sawirro: Lafta-gareen iyo wasiir Jaamac oo gaaray DIINSOOR + Ujeedka

0

Diinsoor (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Socdaalkan ayaa sidoo kale waxaa Lafta-gareen iyo Wasiir Jaamac ku wehliyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed iyo masuuliyiin kale, ayada oo halkaasi maanta si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaarayn ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xirista shir dib-u-heshiisiin ah oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Diinsoor ee gobolka Baay.

Sidoo kale, waxaa qorshaha socdaalka madaxdaan qeyb ka ah sidii bulshada Diinsoor degta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada howl-galka dalka looga xoraynayo kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada Koofur Galbeed.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa.

Halka ay mareyso dacwadda saraakiisha dowladeed ee loo haysto musuqa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad u fariisatay dacwadda rafcaanka ay eedeysanayaasha ka yihiin saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Eedeysanayaasha ayaa loo heystaa dacwada la xiriirta musuq-maasuq iyo dambiyo kale, waxana horay xukunno kala duwan ugu ridday maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo markaas uu racfaan ka qaatay xafiiska xeer ilaalinta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu soo bandhigo cadeymaha ka dhanka ah saraakiishan ku eedeysan musuq-maasuqa.

Xeer Ilaaliye Ku-xigeen Farxaan Xuseen ayaa maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir u gudbiyay cadeymo la xariira warqado lacag qabasho ah, oo ay tuhmayaan in ay been abuureen eedeysanayaasha.

Eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne, halka qaarkood ay sii deysay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xukunkaas ayaa waxaa ka horyimid xeer ilaalinta, iyada oo mar kale isla kiiskan laga furay Maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga soo saaro go’aan rasmi ah.

“Xukunkii kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir waxa uu baalmarsan yahay Sharciga iyo Cadaaladda,” ayuu yiri Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo ka horyimid xukunka Maxkamadda gobolka Banaadir.

Maxkamadeynta saraakiishaan ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana dooddeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.

Si kastaba, arrimahan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ay kula dagaalamayso xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka, ayada oo hay’adda socdaalka ay xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka.

Xogta kulan Muqdisho ku dhex-maray Xasan Sheekh iyo Laftagareen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Shir aan la shaacin ayaa habeen hore wuxu Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Warbaahinta looma soo bandhigin kulanka labada nin iyo waxyaabaha looga hadlay, balse illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo hirgalin lahaa qodobada ku jiray heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ee la gaaray May 2023.

Qodobada sida gaarka ah diiradda loo saaray waxa kamid ah kuwa saameynaya dastuurka kmg ah ee Soomaaliya oo ay kamid yihiin u guuridda nidaamka madaxtooyo ee meesha ka saaraya jagada ra’isul wasaaraha iyo in dalku yeesho labo xisbi oo kaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ol’ole weyn ugu jira sidii Barlamaanka Soomaaliya u dhaqan galin lahaa qodobada wax ka badalka dastuurka ee ku jiray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay bishii may ee sanad kan 2023.

Madaxweyna Laftagreen oo ka duulaya kulanka uu Madaxwene Xasan Sheekh la yeeshay ayaa Baydhabo isugu yeeray xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed si uu ugu qanciyo in ay taageeraan qodobada wax ka badalka dastuurka.

Shirka Laftagareen iyo xildhibaannada ayaa la filayaa in uu beri ka dhaco Baydhabo.

Lama oga inta ay la egtahay taageerada uu Laftagareen uga heli doono ol’olihiisa uu doonayo in xildhibaannadu ku taageeraan wax ka badalka qodobo kamid ah dastuurka kmg ah.

ISHA: BBC

Wararkii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolkaasi oo ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan Saciid Deni iyo mucaaradka.

Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan bartamaha magaalada, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in Garoowe lagu dhex arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, isla markaana wada dhaq-dhaqaaqyo culus.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo ka tirsan kuwa PMPF oo wata illaa 20 gaadiidka dagaalka ay gudaha u galeen magaalada Garoowe, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Arrintaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka gaadiidka oo inta badan hakad ku jira.

Xubnaha mucaaridka ayaa xalay ka digay dhaq-dhaqaaq ay sheegeen in madaxweynuhu wado, iyaga oo ku eedeeyay in ciidamo badan uu kusoo daad-gureynayo caasimada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada Puntland oo ku aadan xiisadda maanta laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Waxa ay arrintaan kusoo aadeysaa, xilli baarlamaanka uu todobaadkan u madlan yahay meel-marinta xeerka doorashooyinka qof iyo cod, taasi oo ay waddo xukuumadda Deni.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa dagaal mar kale labada dhinac ku dhex-mara caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.

Al-Shabaab oo markale weerar ku qaaday xerada ATMIS ee Buulo-mareer

0

Buulo-mareer (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana aagga magaalada haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Horay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale usoo weerartay ciidamada ATMIS ee deggan magaalada Buul-mareer], halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 57 askari.

Aaskarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaan badanaa ay ka gaystaan weeraro ay ku qaado saldhigyada ku yaalla gobolkaasi.

Askarigii Guriceel ku dilay Cabdullaahi Cali Hudey oo isna toogasho lagu fuliyay

0

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dil toogasho ah lagu fuliyay, Cabdisalaan Cali Axmed oo dhawaan ay xukun dil ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdisalaan Cali ayaa lagu helay inuu magaalada Guriceel ku dilay allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey oo si weyn looga yaqaanay magaaladaasi.

Marxuumka ayaa sidoo kale la dhashay taliyaha Booliska degmada Guriceel Cismaan  Cali Hudey, waxaana inta aan la dilin uu Marxuumka qayb ka ahaa ciidanka deegaanka ee dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ka wada aagga degmada Guriceel.

Ninka la toogtay ayaa isna aha askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda, isaga oo ugu dambeyn gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu baxsaday dilka uu gaystay kadib.

Fagaaraha lagu toogtay Cabdisalaan waxaa goobjoog ahaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, maamulka degmada, ehellada iyo dadweyne kale.

Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay ninkan ayaa la dadajiyay, waxaana u dhexeeyay maalmo kooban markii lagu riday iyo saaka oo lagu fuliyay , taas oo ay soo dhaweeyeen ehellada.

Dilka Marxuum Cabdullaahi Cali Hudey ayaa sidoo kale dhalisay caro xoogan, maadaama dadka deegaanka iyo ehelladuba ay ka xumaadeen falkaasi.

Si kastaba, fulinta xukunka ayaa ugu dambeyn noqday xalka kaliya ee ay wada gaareen ehellada iyo mas’uuliyiinta degmada oo kaashanaya Maxkamadda Ciidamada.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale askari kale oo isna dil ka gaystay magaalada Baydhabo ay si deg-deg ah u toogatay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Soomaaliya oo safiirkii ugu horreeyay u dirtay Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreysay ee ebid u dirtay waddanka Eritrea, waxaana loo magacabay Cumar Idiris, oo horey u ahaa Safiirka Qatar.

Danjire Cumar Idiris ayaa waxaa waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii lasoo dhaafay madaxeynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Sidoo kale Cumar oo qoraal kooban soo dhigat bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay, isaga oo sheegay inay sharaf u tahay inuu noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yiri qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X ee hore loo dhihi jiray Twitter.

Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa sheegay in Cumar Idiris uu ka mid ahaa 17 danjire oo uu madaxweyne Afwerki ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Jimcihii.

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa xoogeystay sanadihii u dambeeyay, gaar ahaan intii uu xafiiska joogay madaxweynihii hore ee dalka ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isbaheysi saddex geesood ah ay sameysyeen isaga, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki.

Eritrea ayaa sidoo kale ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo iskugu jira cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka.

Golaha wasiirada Somalia oo go’aanno ku gaaray shir deg-deg ah oo ay yeesheen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan deg-deg ah oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ah.

Ugu horreyn golaha ayaa shirkooda ku go’aamiyay inay ku ansixiyaan hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.

Sharcigan ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intaasi kadib ayaa waxaa shirka warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab  iyo howlgallada lagu xasillinayo dalka.

Shirka deg-degga ah ee golaha wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa go’aamiyay in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay dalka, kuwaas oo wajahaya xaalad adag.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu horay u baaqday shirkii todobaadlaha ahaa oo ay Khamiis walba yeelan jireen golaha, kaas oo looga hadlo shaqooyinka xukuumadda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan jira xaalado is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab iyo xaalado bani’aadanimo oo ka dhashay fatahaadaha ka jira gudaha dalka.

Daawo: Madaale oo ka hadlay xaalad culus oo Muqdisho ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) –
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa qabtay shir jaraa’id ayaa ka xaaladda fatahaadaha, gaar ahaan Muqdisho oo dadka ku nool ay aad uga cabanayaan Maamulka.

“Roobabka da’ay ee xoogga leh ee caasimadaha adduunka wada maasheeyey anaga illaa hadda cidna noogama dhiman, Guddigii gurmadka ee aan magacaabay ayaan u mahadcelinayaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in maagaalada Muqdisho aysan ku dhiman hal qof, waxaana xusid mudan in Beledweyne iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gedo ay daadadku dad badan ku dileen.

Guddoomiyaha ayaa balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu la imaa doono qorshe magaalada lagu dhaafi karo biyaha oo fariista guryaha, wadooyinka iyo meel kasta oo godan.

“Dadkeyga waxaan ku dhiirigelinayaa in qof kasta uu doorkiisa qaato, si dadkeena aan ugu adeegno, maamul degmo, shacab iyo qof kasta yaan loo kala harin samata bixinta iyo gurmadka dadkeena tabaaleysan,” ayuu yiri Madaale.

Sidoo kale guddoomiye Madaale ayaa ka hadlay xaalada ay ku noolyihiin dadka deegaameystay daafaha Muqdisho oo ku jira guryo coosh ah oo roobka aan ka celi karin, wuxuuna codsaday in loo gurmado dadkaas.

Goobo jardiimo ah oo dadku ku nastaan ayuu sheegay Madaale inay dhisi doonaan, jidadkana dhisi doonaan “Waxaan rabnaa inaan sameyno jardiimooyinkii dalkeenu uu lahaa jiray kuwo ka casrisan.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Madaale wuxuu u tacsiyeeyey dadkii ku hanti beelay dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee Xamarweyne, halkaas oo hanti badan ay ku gubatay.

Hoos ka daawo

Madaxweynaha Turkiga oo balanqaad culus u sameeyey dadka reer Qaza

0

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa dadaal ku bixin doona dib u dhiska kaabayaasha burburay, isbitaallada iyo iskuullada Qaza, haddii xabad joojin laga gaaro halkaas,  madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa warbaahinta Turkiga maanta ka shaaciyey balan-qaadkaan.

“Haddii xabbad joojin la gaaro, waxaan sameyn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah si aan kabasho uga samayno burburka ay geysatay Israa’iil,” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan jeediyey isagoo ku jira diyaaradii uu kaga soo laabtay safar uu ku tagay Jarmalka, halkaasoo uu wadahadallo kula yeeshay madaxda Jarmalka.

“Waxaan ku dadaali doonnaa dib-u-dhiska kaabayaasha burburay ee Qaza iyo dib-u-dhiska dugsiyadii burburay, isbitaallada, biyaha iyo tamarta,” ayaa lagu yiri war ay boggeeda ku baahisay baahisay A Haber.

Horraantii todobaadkan Erdogan waxa uu ugu baaqay Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu in uu ku dhawaaqo in Israa’iil ay haysato hubka Nukliyeerka ah iyo in kale, wuxuuna arrintan ku soo noqday hadal uu u jeediyay suxufiyiinta, isaga oo ku baaqay in la baaro hubka Nukliyeerka ah ee halkaasi ka jira.

Isku dayga in bukaanno badan laga raro isbitaalka al-Shifa waxay noqon doontaa “dhibaato aad u weyn” ayey tiri afhayeen u hadashay Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa tiri.

Margaret Harris ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah bukaannada isbitaalka ku jira ay yihiin kuwa “aad u xanuunsan, dhaawacya daran qaba, ama dhallaanka yaryar ah, oo kaliya lau qaadi karo gaadiid dhab ah , oo aan lug lagu rari karin”.

Waxay sheegtay, dhakhaatiirta al-Shifa waxay ogaayeen raridda bukaannada inaysan suurtagal ahayn “haddii uusan qof bixineynin ambalaas daryeel degdeg ah.”

“Waxaan sidoo kale ku aragnaa Qaza in helitaanka sariiraha isbitaallada iyo adeegyadu ay sii yaraanayaan sida baahida ay kor ugu kacdo tirada aan suurtagal ahayn in wax laga qabto ee xaaladaha caadiga ah,” ayay tiri.

Horaantii maanta wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in 120 bukaan ay weli ku jiraan Al-Shifa, oo ay la socdaan “tiro aan la cayimin” oo ah dhallaan dhicis ah.

Xildhibaanada BF ee ka soo jeeda Hiiraan oo war culus soo saaray – Maxay dalbadeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka reer Beledweyne oo ay daadadka ku dhufteen

Dadkii ku noolaa magaalada Beledweyne ayaa gebi ahaanba isaga qaxay magaalada oo ay harqiyeen biyo ka soo fatahay wabiga Shabeelle.

Xildhibaanada oo mid mid ula hadlay warbaahinta ayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka ka codsaday in dadkii ka qaxay Beledweyne loo gurmado, maadaama ay ku jiraan nolol adag oo hantidoodii iyo hooygoodii ay biyo dhaafiyeen.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo ka mid ahaa xildhibaanada hadlay ayaa yiri, “Waxaan codsanayaa waxii loogu talagalay dadkaas fatahaadu saameysay in gacantooda mid aan ahayn aysan ku dhicin.”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa yiri, “Dhibaato culus ayaa ka jirta gobalka Hiiraan, waxaana ku baaqeynaa in caawinteeda aan laga daalin.”

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla ayaa yiri “Waa in si deg deg ah kaalmo loo gaarsiiyo dadka maatada ah ee ku dhiban magalada Beledweyne oo fatahaad culus ay ku dhufatay.”

Xildhibaan Caanoy oo isna goobta ka hadlay ayaa yiri ”Reer Beledweyne shantii sano ee lasoo dhaafay bax soo noqo ayey ku jireen ee waxaa markaan kadib la rabaa in xal deg deg ah loo helo.”

Shiine Culeey oo ka mid ah qurbajoogta Soomaaliyeed ayaa joogay goobtii lagu qabtay shirkaan jaraa’id ee looga hadlay xaaladda Beledweyne isagoo yiri “Reer Hiiraan guulaha lagu naaloonayo iygaa ka dambeyay dhibaatada fatahada waa inaan ku garab istaagnaa.”

Sawirro: Xasan Sheekh oo shir guddoomiyey kulanka amniga qaranka oo looga hadlay afar qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka.

Shirkaas ayaa looga hadlay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho oo si gaar ah loogu gorfeeyey shirkaan.

Sidoo kale madaxda amniga qaranka waxay shirkaan uga hadleen dib u dhiska ciidamada qaranka oo hadda meel fiican soo gaartay.

Arrimaha kale ee diiradda la saaray waxaa ka mid ah xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya.

Sidoo kale masuuliyiinta amniga qaranka Soomaaliya waxay shirkaan uga tashanayeen nooca warbixinta la hor geynayo shir ay dhawaan dowladda Soomaaliya la yeelan doonto Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Shirkaas waxaa looga hadlayaa amniga Soomaaliya, gaar ahaan hanaanka ay dowladda Soomaaliya ula wareegeyso amniga qaranka.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga.

Sidoo kale waxaa lagu dhiirrigeliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay kumanaan qoysas ah oo ku go’doonsan Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii ay ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex-mara magaaladaasi.

Fatahaadda ayaa saameysay afarta xaafadood ee Beledweyne, waxaana ay gaysatay khasaarooyin baaxad leh, iyada oo inta badan dadka deegaanka ay barakaceen.

Sidoo kale waxaa jira qoysas kumamaan ah oo weli ku go’doonsan magaalada oo si weyn looga dareemayo fatahaadda, ayadoo loo maleeyo bad marka la eego biyaha wada gaaray.

Qoysaska barakacay ayaa sidoo kale waxaa haatan soo wajahday xaalad adag, waxayna ku dhibaateysan duleedka Beledweyne, ayada oo ay soo wajahay hoy la’aan.

Tirada dadka ku dhintay fatahaadda ku dhufatay magaalada Baledweyne ayaa sidoo kale gaartay 13 qof, dadkaasi waxaa ku jirta gabar afar jir lagu qiyaasay oo meydkeeda laga helay xero barakacayaal ah.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cabdi-shimaale ayaa la hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo wax kasta oo dhib u keeni kara noloshooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in bannaakaas ay ku sugan yihiin, ayna marti ugu yihiin roob habeen iyo maalin kala joogsi lahayn oo korkooda ku bilowda kuna dhammaada.

Waxaa kale oo uu baaq u diray dowladda federaalka iyo hay’adaha gargaarka, isaga oo ka dalbaday in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

”Istaagga ayuu waaga noogu baryay, wuxuu ilaahey keennay waa ku shukrineynaa, marka hay’adaha gargaarka bixiya waxaan ka filaneynaa kheyr, Dowladda Hirshabeelle sidoo kale, waxaa ka filaneynaa in ay wax u qabato ummaddan,” ayuu yiri Cabdi-shimaale.

Qaylo dhaanta kasoo yeeraysa reer Beledweyne ayaa kusoo aadaysa, ayada oo dowladda dhexe ay haatan waddo gurmad loo fidnayo dadka ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaadda.

Guddiga PEC oo go’aan cusub kasoo saaray doorashada PUNTLAND

0

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Puntland ee (PEC) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa go’aan cusub kasoo saaray doorashada maamulkaasi oo ay weli ku muransan yihiin xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni.

Guddiga PEC ayaa shaaca ka qaaday in mabda’ ahaan ay isla qaateen in maanta ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah waxa isku hayaan labada dhinac.

Guddoomiyaha guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay inay ka go’an tahay in lasii wado hannaanka doorashada, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqada ugu horreyso oo ay qaban doonaan ay tahay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayna bilaabayaan 16-ka December.

“Waxaan isla garanay 16-ka December inay noqoto maalinta aynu daah-fureyno ama ay innoo bilaabaneyso dib u furista waxa la yiraahdo diiwaangelinta” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sameyn doonaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ay la kaashan doonaan hay’adaha kale e Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xisbiyada maqan, isaga oo ugu baaqay inay doorashada kusoo biiraan, isla-markaana doorkooda ka qaataan dadaallada haatan soconaya.

“Waxaan kusoo qatamiyaa inaan halkan baaq uga diro xisbiyada siyaasadda ee weli aan halkan ka muuqan inay kusoo biiraan, waana rajaynayaa” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Go’aankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay Madaxweyne Deni uu mucaaradka u diray farriin ku aadan doorashada, isaga oo xusay inuu diyaar u yahay inuu wahadal la galo.