27.6 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Sawirro: Wasiirka maaliyadda oo London uga qeyb-galay shir muhiim ah

0

London (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaaalda London ee dalka Ingiriiska, ayaa guddoomiyay shirka maal-gashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ee maal-gashishada Ingiriiska.

Wasiirka Biixi Imaan Cige oo shirka furay ayaa u sheegay ganacsatada iyo Maalgashigada UK in Soomaaliya diyaar u tahay maalshagi caalami ah oo ah dhinacyada, Beeraha iyo Kallluunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo ka hadlay horumarka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha dalka.

Wasiir Biixi ayaa shirka ka sheegay sida ay muhiim iyo fursad ah qaali ugu tahay ganacsatada iyo maal-gashigada reer UK in ay Soomaaliya maal-gashadaan kaddib hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda gaba-gabo ku dhaw.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan London, kaasi oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee cuntada adduunka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kulamo gaar la qaadan doona dhiggiisa dalka UK iyo hay’addaha kale ee maaliyadda dalkaasi inta uu shirka socdo.

Xamza oo ballan-qaad culus uga dhowaaqay Doolow

0

Doolow (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo shalay gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa halkaasi uga dhowaaqay ballan-qaad muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsaha badan ku dhiseyso buundooyin muhiim ah oo go’ay kadib markii deegaanada gobolka Gedo ay ka da’aan roobab mahiigaan ah iyo kuna soo rogamadeen daad xooggan.

“Waxaan safaro kale ku imaan doona magaalooyinka kale ee gobolka Gedo. Dowladda Soomaaliya waxay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhiseysa buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si lo soo celiyo amniga, nolosha iyo isu socodka bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in dowladda ay intii karaankeeda ah wax ka qaban doonto xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaada ee saameynta ku yeelatay dadka shacabka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa degmada Doolow ee gobolka Gedo, wuxuu u kuur-galay xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo biyuhu ay wada gaareen, si weyna u saameeyeen.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Sidee UK ugu bixisay lacag ka badan $1 milyan tarxiilka wiil Soomaali ah?

0

London (Caasimada Online) – Yacquub Axmed, waa wiil Soomaali ah oo dowladda Ingiriiska ay tarxiilkiisa kaga baxday lacag ka badan hal milyan oo dollar.

Kiis dacwadeedkan oo muddo badan socday ayaa waxaa ka taagnayd doodda dhanka sharcig ah oo ka socotay dalkaasi, taasi oo ugu dambeyntiina kusoo dhamaatay musaafurinta Yacquub.

Yacquub ayaa waxaa muddo dheer ku socotay dacwad la xiriirta kufsi, taasi oo ay ku wehliyeen saddex qof oo kale. Kiiskan ayaa ka dhacay dhisme ku yaal London, halkaasi oo kufsiga loogu geystay gabadh yar oo lix iyo toban jir ah, oo la qiyaamay, qiyaastii 15 sano kahor.

Marxaladaha uu soo maray kiiska iyo tarxiilka ka dhashay ee Yacquub, ayaa waxa uu caro xooggan ka dhaliyay gudaha dalkaasi, ayada oo warbaahinta Ingiriiska ay si adag uga hadashay kiiskaan.

Yacquub ayaa ugu dambeyn laga tarxiilay Ingiriiska bishii hore, kadib sanado uu baaqday, iyada oo ay ku baxday dhaqaale badan oo caro dhaliyay, tan iyo intii uu socday kiiska.

Ku dhawaad hal milyan oo lacagta Giniga Ingiriiska, oo ah in ka badan hal milyan dollar ayaa ku baxday muddada ay socotay dhageysiga heerarka kala duwan ee dacwaddaan.

Lacagtaan ayaa iskugu jirta mid la siiyay qareennada difaacayay Yacquub, mid lagu kireeyay diyaaraddii lagu masaafuriyay iyo kharash kale oo laga bixinayay sida; hoyga iyo adeegyo kale afar iyo tobanka toddobaad ee ugu horeysa marka lagu soo cesho dalka.

Dadweynaha Ingiriiska oo arrintaan si weyn uga carooday ayaa sheegay in lacagtaan tahay mid aad u badan oo aysan mudnayn in canshuurta laga qaado la siiyo dad dalkooda danbi ka galay.

Si kastaba, kiiska dacwada Yacquub ayaa banaanka keenaya hababka cakiran iyo hanaanka sharciga ee masaafurinta ee dalka Ingiriiska, taasi oo mararka qaar ay ku baxdo lacag aad u badan.

Daawo: Booliska oo shaaciyey qabashada xubno Daacish ah iyo kiisas kale oo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo amni oo dalka ka dhacay, kuwaas oo lagu soo qabtay ugu yaraan 20 qof oo ku eedeysan dembiyo kala duwan.

Afhayeenka ayaa sheegay in xubnaha qaar maxkamad la hor geeyey halka kuwo kalena ay weli baaritaano ku socdaan.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah afar nin oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay deegaanada Puntland, xilli ay u socdeen kooxda Daacish.

Raggaan ajaanibta ah waxaa la xaqiijiyey inay ka soo jeedaan dalka Marooko, sida uu shaaciyey afhayeenka booliska Soomaaliya, waxaana la sheegay inay u socdeen kooxda Daacish ee ku jirta buuraha Calmiskaad.

Nin kale oo Daacish ka tirsanaa ayaa saakay lagu qabtay Boosaaso, isagoo maleegaya qarax uu la damacsanaa shirkad ganacsi oo ku taalla Boosaaso, sida uu sheegay afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka dibadiisa caafimaad loogu qaaday askarigii isku dhigay qaraxii ay Shabaab la damacsanaayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusamareeb.

Afhayeenka Booliska ayaa xusay in weli caafimaadkooda lala tacaalayo labo askari oo boolis ah oo ku dhaawacmay qarax ay fashiliyeen.

Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa ayaa habeeno ka hor ka dhacay agagaarka Baar-Bulsho ee degmada Howlwadaag, waxaana ku geeriyooday naftiisa haligihii lagu soo xiray oo kaliya.

Hoos ka daawo

UK oo ku dhowaaqday $100 milyan kadib kulankii Xasan iyo Rishi Sunak + Sawirro

0

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada London ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak, kaasi oo looga dhowaaqay 100 Milyan oo dollar.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka deg-degga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maal-gelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyay in boqol milyan oo dollar ay arrinkaasi u qorsheeyeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaasi oo kooxda Al-Shabaab ay curyaamiyeen wax soo saarkooda, kaddib markii ay nolosha u diideen dadkii beeralayda ahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaaray magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, ayaa sidoo kale waxa socdaalkiisa qeyb ka ah ololaha qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran.

COSOBLE oo si yaab leh u weeraray dadka ku nool Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhalatay roobkii ka da’ay caasimada.

Cosoble ayaa sheegay in wasakhda iyo nadaafad xumada caasimada ee banaanka usoo baxday kadib roobabkii da’ay ay sababteeda leeyihiin dadka degan, taasi oo uu eeddeeda ka difaacay maamulka gobolka iyo kan dowladda federaalka Soomaaliya.

“Aniga eeda ma saarayo maamul gobol iyo dowlad federaal toona ee waxaan eeda saarayaa shacabka faraha badan ee haddana wax ma garadka u sii badan ee soo galay magaalada rabana iney ku noolaadaan kana shaqeystaan ee degay meel walba ee ay u arkaan iney dabada la geli karaan iyo kuwa cunnada iyo shaaha ku kariya dhinacyada waddooyinka,” ayuu yiri Cosoble oo si yaab leh uga hadlay xaaladda taagan.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran;

Haddaan Muqdisho ka soo qaado sida qof oo kale, waxaan dhihi lahaa waa qof aan kaadida iyo saxarada iska dhaqin oo wejiga, gacmaha iyo lugaga oo keliya iska dhaqa bulshadana dhex socda.

Muqdisho aad bey uga hooseysaa heer lagu tilmaami karo caasimad waddan ama xataa magaalo caadi ah. Wexey ku socotaa iney la mid noqoto aagga la yirahdo Kibera Slums ee ku yaalla Nairobi.

Waxaase is weydiin mudan yaa leh eeda foolxumada, uskaga, qarmuunka, bulaacadaha fatahaya iyo waddooyinka isu beddelay balliyada ee aad Muqdisho ku arkeyso?

Aniga eeda ma saarayo maamul gobol iyo dowlad federaal toona ee waxaan eeda saarayaa shacabka faraha badan ee haddana wax ma garadka u sii badan ee soo galay magaalada rabana iney ku noolaadaan kana shaqeystaan ee degay meel walba ee ay u arkaan iney dabada la geli karaan iyo kuwa cunnada iyo shaaha ku kariya dhinacyada waddooyinka.

Xamarey qurun badaney xageen ku geeyaa, dadkaagii ayaa dayacee maxaan kuu sameeyaa, caasimad waad ka hoos martaye ma dadkaad rabtaa iney cudur u la’daan ee ma kukuuyo caasimad kaa soo saartaan kuu keenaa mase qudhaada inaad qaxootiyeyso ayaad rabtaa.

Waan ku arkaa oo waan la socdaa inaad is nacday ood xammili weyday urka kaa soo baxaya, dacda ku dul sabeyneysa iyo wasakhda sida bilaa naxariista iyo bilaa jaceylka ah ee lagugu daadinayo.

Waxaa kaloon la socdaa inaad waddankiina oo aad rabto inaad tahriibto er ma baddasd mari mase dowladaha deriskasd magan galyo siyasadeed weydiisan? Kolley wax uun waad sameyniye naga ilaali inuu magafe ku kaxeysto.

Caalamkow kaalaya ila daawada magaaladii quruxda iyo carafta badneyd ee Muqdisho sida loo galay.

Midda kalase yaa qaabilsan ilaalinta xuquuqda caasimadaha iyo magaalooyinka? Xamarey waxaan kugula talinayaa inaad qareen qabsato maxkamadda adduunkana ka dacwooto.

Maxaad ka taqaan xaafadda maal-qabeenada Muqdisho ee la la’yahay waddo laga galo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafadda loo yaqaano Jeyga ama Wadada Jeyga ee aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa loo yaqaan Xaafadda Maal-qabeennada ee magaalada Muqdisho.

Xaafaddan ayaa waxaa degan dad qofka ugu hooseeya lagu tilmaami karo Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan, Wasiirro, Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore iyo Madaxweynayaal maamul goboleed oo hadda tallada ku fadhiya, waana halka ay degan yihiin dadka ladan ee siyaasada ka macaasha ama ka taajiray.

Xaafaddaasi ayaa waxaa hadda la’ weysan yahay waddo loo maro. Markii hore waxaa laga geli jiray laba waddo, mid waxay aheyd wadada KM4 ee aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa jaray biyo muddo maalmo ah lama marin, mararka qaar inkasta oo la marayay oo booyado biyaha ka qaadayeen, haddana markasta oo roob da’o wey jaran tahay.

Tusaale ahaan maanta waxay kamid aheyd waddooyinka go’an oo la awoodi waayay in la maro.

Wadada kale ee keliya ee laga mari karo waana halka wadada jeyga la yiraahdo ee ka dhacda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wadadan biyaha ma jaraan mana xiranto, marka laga reebo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale marayaan loo xiro, laakiin dhibaatada haysata ayaa ah waa waddo burbur ah, raf ah, biyo mararka qaar ay fariistaan oo gaadiidka ay dhex-maraan.

Waxay maantana aheyd boosteejo laga raro shirkada Sahal ee dadka musaafarka ah geeya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Haddii xaafaddii dadka ladan ay daganayeen ee ku taalla magaalada Muqdisho, haddii dhinaca kalena la yiraahdo madaxdii qaranka ay degan yihiin la’layahay waddo loo maro oo 1KM illaa 2KM ay dhisan la’yihiin baaba’ ama raf tahay.

Maxay tahay waxa kale ee laga filan karo magaalada Muqdisho, taasi waa su’aasha hortaalla dadka madaxda ah ee halkaasi degan.

Xog: Xasan iyo Xamza oo BF marinaya heshiis siyaasadeed uu muran ka taagan yahay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa habeen hore u yeeray dhamaan xubnaha Golihiisa Wasiirrada, wuxuu ahaa kulan deg deg ah, waa lix cisho kahor furitaanka Baarlamaanka.

Xukuumadda ayaa shirkaan iskugu timid asbuuc kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh si weyn ugu canaantay Golaha Wasiirrada inay iibin waayeen siyaasadiisa, gaar ahaan inay ka shaqeyn waayeen taageero u raadinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee la gaaray 27-kii bishii May ee sanadkaan.

Madaxweyne Xasan ayaa weli ka laaban aragtadiisa ah inuu dalka u guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, iyada oo la baabi’inayo kursiga ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale heshiiskaas ayaa muddo kordhin siinaya madaxda maamullada, sidoo kalena dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi siyaasadeed oo heer qaran ah.

Doonista madaxweynaha ayaa la kulantay diidmo badan, waxaase hadda muuqata in aanay dowladda weli ka laaban isku deygaan.

Kulankii habeen hore ee Golaha Wasiirrada, laba qodob ayaa ugu muhiimsana wixii laga hadlay. Mid wuxuu ahaa in loo diyaar-garoobo furitaanka Baarlamaanka iyo sidii loo marin lahaa heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran. Midda kalena waa in loo diyaar-garoobo ku biirista Soomaaliya ee dallada bulshada Bariga Afrika oo dhawaan cod loo qaadi doono.

Isku-deyga ay rabto dowladda inay ku meel-mariso heshiiskan waxaa ku hor gudban dhowr caqabadood, waxayna caqabadahaas ka imanayaan dhowr dhinac.

Heshiiska oo isku duuban

Haddii dowladda rabto in la ansixiyo heshiiska oo aan waxba laga beddelin caqabadu waa adkaan doonta.

Tusaale; waxaa jira dad badan oo ogol hanaanka madaxweyne iyo ku-xigeen, balse aan ogoleyn in dalka uu yeesho laba xisbi oo kaliya.

Sidoo kale waxaa jira Xildhibaanno diidan muddo kororsiga maamul-goboleedyada loo sameynaayo, sidaas awgeed waxaa bilaaban doonta in heshiiska wax laga beddelo, haddii xukuumadda ay diidana waa arrin buuq badan dhalin doonta.

Wax ka beddelka Dastuurka

Qoddobada qaar sida in meesha laga saaro xilka ra’iisul wasaaraha, in doorashada noqoto mid dadweyne oo laga guuro nidaamkii baarlamaaniga ahaa iyo arrimo kale oo waxaa ku jira heshiiskan u baahan wax ka beddel dastuur.

In la beddelo qoddob dastuuri ah waxay u baahan tahay saddex meelood, laba meel codadka xildhibaannada baarlamaanka, aad uma sahlana haddii cod sharci ah la aado.

Caqabada kale waa Xildhibaannada sugaya isku shaandheynta xukuumadda.

Xukuumadda waxay keentay mowduucii ugu weyna, waxaa laga guurayaa hanaan soo jiray 63 sanno.

Wuxuu isbeddelkan imaanaya iyada uusan ra’iisul wasaare Xamza wax isbeddel ah ku sameyn Golihiisa Wasiirrada oo ay Xildhibaanno badan u careysan yihiin.

Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka waa caqabad kale oo haysata heshiiskan, maadaama ay si weyn u diidan yihiin qoddobada qaar.

Si walba, taliska madaxweyne Xasan Sheekh waxay wajahayaan tallaabadii ugu cusleyd tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen 15-kii May 2022. Mana cada sida ay Xildhibaannada u laqi doonaan mashruucan.

Dacwadii loo haystay mid ka mid ah masuuliyiinta hay’adda socdaalka oo laga laabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhowaaqday in gebi ahaanba laga laabtay dacwadii loo haystay Cabdixakiin Cabdullaahi Cabdi (Jiille) oo ahaa La-taliyaha agaasimihii guud ee hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Qaraarka ay soo saartay maxkamadda ee ay ku joojisay eeddii loo heystay La-taliye Jiille ayaa loo cuskaday warqad uu soo saaray xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taasi oo u jeedadeedu aheyd eed kala noqosho.

“Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir markuu arkay qoddobka 112 XHCS oo u ogolaanaaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud in uu eeda ka laaban karo Maxkamadda ay ku waafaqday,” ayaa lagu yiri qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Maxkamaddu iyada oo cuskanaysa asbaabta sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka ku-meel-gaarka gudaneysana waajibka saaran ee ku xusan qod: 76,77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedkii loo haystay eedaysanaha sare ku xusan.”

Go’aankan ayaa waxa uu si rasmi ah dhaqan-gal u noqday maalintii shalay oo taariikhduna aheyd 19-kii November 2023.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa horay saraakiil dowladeed ugu soo eedeeyay musuq-maasuq, kuwaasi oo qaarkood ay maxkamadda gobolka sii daysay kadib muddo ay socotay maxkamadeyntooda, halka kuwa kale dhageysiga kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne, halka qaarkood ay sii deysay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xukunkaas ayaa waxaa ka horyimid xeer ilaalinta, iyada oo mar kale isla kiiskan maalmo ka hor ka furay Maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga soo saaro go’aan rasmi ah.

Maxkamadeynta saraakiisha loo haysto musuqa ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana dooddeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli dowladda ay wado qorshaha la-dagaalanka xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka, ayada oo hay’adda socdaalka ay xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka.

Waxa uu ahaa toddobaad aad ugu xun Abiy Ahmed

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxa uu u ahaa toddobaad aad u dhib iyo niyad jab badan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, waxaa sidaas qortay warbaahinta Bloomberg News.

Hoggaamiye sanadkii 2018 xukunka ku qabtay inuu ballan-qaaday inuu furfuri doono dhaqaalaha dalkan ku yaalla Geeska Afrika, oo uu hurin doono kobac dhaqaale, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Abi wuxuu gurtay miraha iyo cawaaqibka in ganacsi la sameeyo xilli dagaal.

Marka koowaad, xaraash ay dowladda sameysay oo ay ku iibineysay shatiga shirkad taleefan gacmeed oo caalami ah oo dalka ka howlgasha, ayaa ku guuldareystay inuu soo jiito wax yabooh ah.

Kadib, shirkadda kaliya ee bixisa adeeg maaliyadeed ee laga leeyahay dibedda, Ethio Lease, ayaa sheegtay in ay xiri doonto xafiiskeeda Itoobiya, iyada oo ku eedaysay isbeddelada bankiga dhexe uu ku sameeyey xeerarka sarifka lacagaha qalaad inay ka dhigeyso mid aan macquul ahayn inay kasii shaqeyso dalka.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee Abiy ayaa xiray oo garaacay laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaaruhu soo faro-gelin si loo sii daayo.

Bankiga ayaa ku tilmaamay “dhacdo diblomaasiyadeed oo halis ah.” Faah-faahin dheeri ah lagama soo bixin arrintan.

Waxaa intaas dheer kadib dagaalladii arxan darrada ahaa ee ka dhacay gobolka waqooyi ee Tigray oo dhamaaday sanad kahor, ayaa waxaa dhowr gobol oo kale oo dal ka mid ah laga soo weriyey xasillooni darro kadib markii maleeshiyaad kala duwan ay dagaal la galeen ciidamada dowladda.

Dagaalladaas oo lagu daray hab maamulka dowladeed ee xun ayaa ka dhigay mid adag in ganacsi laga sameeyo Itoobiya, oo macnaheedu yahay in rajadii Abiy ee aheyd inuu Itoobiya u furo maal-gashi dibedda ah ay weli tahay riyo un.

Waxaa hubaal ah, in horumar laga gaaray wada-hadallada dib-u-qaabaynta deymaha oo dawladda siinaya waqti ku aaddan gudashada waajibaadkeeda ka hor waddada dheer ee heshiiska dayn-cafinta, dhaqaaluhuna wuu sii kordhayaa.

Hase yeeshee, dal ay ku nool yihiin dad dhallinyaro ah oo ka badan 100 milyan, oo dhowr sano ka hor lagu tilmaamay inuu yahay mucjiso dhaqaale, Itoobiya waxa ay u eegtahay mid ay adag tahay in caalamka laga iibiyo.

Xog: Maxaa kasoo kordhay xaalada magaalada Garoowe?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaalada Garoowe oo ay weli ku wadan sugan yihiin ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka ah.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa innoo sheegay in maanta ay dareemayaa jawi deganaashaha marka loo eego shalay oo ay ciidamo badan soo galeen caasimada.

Sidoo kale waxaa haatan billowday dadaallo dhex-dhexeedin ah oo ay wadaan odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Deni iyo mucaaradka.

Wararla ayaa intaasi kusii daraya in maanta la filayo in magaalada Garoowe ay gaaraan odayaal dhaqameed iyana ka socda gobolka Sool iyo deegaanno kale.

Xiisada Garoowe ayaa sii shalay sii laba qarxday, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa PMPF ay gudaha u galeen magaalada Garoowe, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso, taas oo ay digniin ka bxiyeen xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaaladaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi.

Dhanka kale waxaa saaka dib loo dhigay kulan ay yeelan lahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan magaalada Garoowe.

Kulanka baarlamaanka oo uu qorshuhu ahaa  in looga doodo xeer doorashooyinka ayaa dib loo dhigay muddo saddex beri ah, sida uu shaaca ka qaaday guddoomnka golaha oo farriin wargelin ah u diray xildhibaanada maamulkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa dagaal mar kale labada dhinac ku dhex-mara caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe.

Farmaajo oo war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda dalka

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimo bani’aadanimada ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya.

Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah dalka, isagoo sheegay in culays uu ka jiro gobollada.

“Dhibaatada soo food saartay kumannaan qoys oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Mudug ee ay sababeen daadadka ku rogmaday gobolladaas waa mid aad u culus oo inoo ka baahan dhammaanteen in aynu u istaagno” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay is abaabulaan, isla markaana ay u gurmadaan dadka tabaaleysan.

“Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan” ayuu mar kale yiri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay fatahaadaha, isaga oo tacsi u diray dadka shacabka ah ee lasoo wariyay inay ku geeriyoodeen daadadka ku dhuftay dalka.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay shacabka inay hoggaansamaan talooyinka kasoo baxay hay’adaha dowladda ee ku aadan roobabka iyo fatahaadaha ka jira gudaha waddanka.

“Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dadkii inooga dhintay daadadka ku soo rogmaday gobollo badan oo ka tirsan dalka, waxaana adkeynayaa in loo hogaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah” ayuu warsaxaafadeedkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynihii hore.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo saameyn ku yeelatay kumannaan qoysas ah oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Sawirro: Xamza oo gaaray Doolow iyo ‘wuxuu kusoo arkay’

0

Doolow (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa u daarna kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow, oo biyuhu ay wada gaareen, si weyna u saameeyeen.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbin doono degmooyinka kale ee gobolka, oo ay iyana ka jiraan xaalado bini’aadanimo oo aad u daran.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda El-Niño, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay iskugu darsameen gobolkaasi.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een iyo Garbahaarey oo iyadna xaalad adag gashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah hay’adda maareynta musiibooyinka qaran ee SODMA.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada oo lasoo taagay nin qarax ku dilay hooyo iyo caruurteeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta kasoo muuqday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Maxkamadda ayaa waxaa lasoo taagay eedeysane lagu magacaabo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka, uuna ka howlgalayay caasimada, gaar ahaan waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax miino oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay iyo sidoo kale darawal mooto Bajaajleh ahaa.

Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Axmed Cabdalle oo maxkamadda ka hadlay ayaa sheegay inuu ninka  halis ahaa, isla-markaana uu ka shaqeynayay sidii uu u beegsan lahaa dadka shacabka ah ee mara waddadaasi.

“Ninkan wuxuu isku kor dilay laba wiil oo aan qaan gaar ahayn iyo hooyadood waa ninka maalin walba waddada Afgooye aadeyso illaa Muqdisho isku xirto la raadsanaayay inuu qarax dhigo oo uu dad badan ku laayo bis” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada.

Sidoo kale waxaa Maxkamadda kasoo muuqatay haweeneyd Ruqiyo Jaamac Khayre oo iyana lagu eedeeyay inay hubka u kaydin jirtay kooxda, taas oo laga soo qabtay deegaanada Ceelasha Biyaha taas oo la sheegay ina la shaqayneysay eedeysanaha.

Xeer ilaalinta ayaa  Maxkamadda ka codsatay in eedeysanayaasha lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay ‘khatar ku ahaayeen’ amniga guud ee dalka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray fadhigan, wuxuuna sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan.

Xuutiyiinta oo afduubtay markab laga leeyahay Israel

Sanca (Caasimada Online) – Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto ayaa Axaddii sheegay inay Badda Cas ku qabsadeen Markab laga leeyahay Israel, sheegashadaas oo ay durba beenisay Israel.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Saree ayaa bayaan lasoo dhigay barta X ku sheegay in fallaagada “ay qasbadeen Markab laga leeyahay Israel, una kaxaysteen xeebta Yemen.”

Militariga Xuutiyiinta “waxay sii wadi doonaan inay fuliyaan howlgallo militari oo ka dhan ah cadowga Israel, illaa inta ay ka joogsanayaan gardarrooyinka ka dhanka ah Gaza iyo dambiyada foosha xun ee ka dhanka ah walaalaheen Falastiin ee Gaza iyo Daanta Galbeed,” ayuu yiri Saree.

Militariga Israel ayaa beeniyey inay markabka la afduubtay, oo lagu magacaabo Galaxy Leader laga leeyahay Israel.

Bayaan ay ciidamada Israel soo dhigeen barta X ayaa lagu yiri “Afduubka ay Xuutiyiinta ugu gaysteen Markab xamuul meel u dhow Badda Cas ee Yemen waa dhacdo weyn oo leh cawaaqib caalami ah.”

“Markabku waxa uu ka ambabaxay dalka Turkey, isagoo ku sii jeeday India, waxaana ka shaqaynayay dad rayid ah oo jinsiyado kala duwan kasoo jeeda, balse kuma jiraan Israa’iiliyiin.”

“Ma ahan Markab Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Israel.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale beeniyey in markabka laga leeyahay Israel, laakiin wuxuu cambaareeyay, “Weerarka Iran ee ka dhanka ah markab caalami ah.”

“Markabka oo ay leedahay shirkad Ingiriis ah, ayna maamusho shirkad laga leeyahay dalka Japan, ayaa waxa afduubtay kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay hagayso Iran,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Markabka waxaa saaran 25 shaqaale oo u kala dhashay dalal kala duwan oo ay ku jiraan Ukraine, Bulgaria, Philippine iyo Mexico.”

Si kastaba, faahfaahinta xogta lahaanshaha maraakiibta ayaa milkiyadda markabka la xiriirineysa shirkadda Ray Car Carriers, oo uu aasaasay Abraham “Rami” Ungar, oo la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah ragga ugu qanisan Israel.

Ungar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inuu ka war hayo dhacdadan balse uusan bixin karin wax faallo ah, isaga oo sugaya faah-faahin.

Markab isaga lala xiriiriyay ayaa sanadkii 2021 la kulmay qarax ka dhacay gacanka Cumaan. Warbaahinta Israel ayaa ku eedaysay Iran xilligaas.

Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka dagay London + Ujeedka

0

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaaray magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa oo ka dhacaya magaaladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shirweynahaas uu khudbad ka jeediyo, taas oo uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee ka jira.

Sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdikadir Cali Dige oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay safarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay in shirka kadib uu madaxda Ingiriiska kala hadli doono arrimo ay ka mid ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa madaxda ugu sarreysa ee Ingiriiska, sida ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha ayaa waxa uu kala hadli doonaa waxyaabaha muhiimka u ah DFS, oo ay ugu horreeyaan dagaalka Soomaaliya looga ciribtirayo Khawaarijta iyo Argagixisada gobolka” ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu uu UK ka dalban doono in ay Soomaaliya ka taageerto qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeenna, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kulamadaas kadib uu madaxweynaha la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Lodon, isaga oo warbixin kasiin doono xaaladda dalka.

Xog: Kulankii baarlamanka Puntland ee oo la baajiyey xilli xiisad dagaal ay kacsan tahay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Fadhiggii Baarlamanka Puntland ee maanta Isniin ah ayaa gebi ahaanba la baajiyay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la baajiyay fadhigga oo looga doodi lahaa wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo xukuumaddu soo gudbisay.

Xogta aan helnay ayaa sheegaya in xaalado amni dartood fadhiga dib loo dhigay ilaa Khamiista toddobaadkan, kadib markii magaalada Garoowe laga dareemay xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhashay muranka arrimaha doorashooyinka 2024.

Xiisadda ayaa sidoo kale dhalisay in shacab badan ka bara-kacaan xaafadaha caasimadda Garoowe, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo magaalada maadaama ay is hor-fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Xaaladda magaalada Garoowe ayaa aad u kacsan kadib markii halkaas dowladdu ku soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF.

Ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa sidoo kale dhankooda samaynaya dhaq dhaqaaqyo, islamarkaana ku jira diyaar-garow ciidan sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa saamayn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimadda waxaana laga bara-kacay xaafadaha qaarkood, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaal ka dhaco magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goobaha waxbarashada ay weli xiran yihiin islamarkaana aan saaka loo shaqa tegin xarumaha dowladda qaarkood.

Sawirro: Maamulka deegaan ka tirsan Jubaland oo go’aan culus ka gaaray shabaqa…

0

Joore (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka deegaanka Joore ee gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland Maxamed Fanax ayaa mamnuucay shabaq ay isticmaali jireen kalluumaysatada deegaankaas.

Shabaqaan oo ah mid ka sameysan caag ama fiilo Ceengari ah (Nylon Silk Nets), ayaa laga isticmaalaa guud ahaan xeebaha Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in shabaqaan uu dhibaato xooggan ku reebay kulluumeysiga xeebaha dalka.

Shabaqaan ayaa inta badan ku dhex iga’ badda, markii uu ku soo dhaco kalluunkii lagu dabaayey.

Taasi waxay kaliftaa in kulluun badan uu ku baqtiyo gudaha badda, maadaama uu u go’ayo shabaqaan ka sameysan cinjirka.

Markii laga soo tago kalluunka la dabanayo waxaa la sheegay in shabaqaan uu aad u dhibaateeyo noolayaasha kale ee badda.

Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii  badda, kadib markii uu batay isticmaalka shabaqaan oo sanadihii u danbeeyay aad ugu batay badda Soomaaliya.

Tallaabada uu qaaday maamulka deegaanka Joore ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la aaminsan yahay inay horseed u noqon doonto in wax soo saarka badda ee deegaanadaas ay wax badan iska beddeli doonaan.

Maamulka deegaankaas ayaa baahiyey sawirrada shabaqyadii laga aruuriyay kalluumeysatada xeebaha Joore, kuwaas oo hal meel la isugu geeyey.

Dad badan oo lagu dilay gobol ay isku hayaan Sudan iyo K/Sudan

0

Abyei (Caasimada Online) – Weeraro dhowr ah oo ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee ay kala sheeganayaan Suudaan iyo Koonfur Suudaan ayaa waxaa ku dhintay 32 qof.

Dadka ku dhintay weeraradan ayaa waxaa ku jira askari nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin maxalli ah.

Wakiilka dowladda ee gobolka Abyei, oo ah dhul qani ku ah saliidda oo lagu muransan yahay kuna yaalla soohdinta labada dal, ayaa cambaareeyay weerarradii aroornimadii Axadda ka dhacay laba gobol oo ay geysteen maleeshiyaad hubaysan iyo askar xirnaa darayska ciidanka qaranka Koonfur Suudaan.

Bulis Koch Aguar Ajith, oo ah wasiirka warfaafinta ee Abyei, ahna afhayeenka Koonfurta Sudan ee gobolka, ayaa bayaan uu soo saaray gelinkii dambe ee Axadii ku sheegay in weerraradani ay ku dhinteen 32 qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 20 qof.

Waxa uu sheegay in dadka dhintay uu ka mid yahay askari ka tirsan ciidamada UNISFA ee howlgalka nabad ilaalinta QM halkaasi u jooga, uuna askari kale ku dhaawacmay laakin waxa uusan bixin faahfaahin intaasi ka badan.

Koonfurta Suudaan ayaa ku baaqday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo weerarradaasi.

Abyei oo ku taalla aag u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfur Suudaan, ayaa ahayd meel ay labada dal isku hayaan tan iyo markii ay Koonfurta Suudaan xornimada qaadatay 2011-kii.

Xog: R/W Xamza oo ku wajahan GEDO + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland  oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad xoogan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisul wasaare Xamza ayaa saacadaha soo socda ka duuli doono garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku horumari doono degmada Doolow oo kamid ah meelaha ugu daran ee ku dhufteen fatahaadaha ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbin doono degmooyinka kale ee gobolka oo ay iyana ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo aad u daran.

Ujeedka safarka Xamza iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii uu usoo qiimeyn lahaa xaaladda Gedo, uguna kuurgeli lahaa nolosha qoysaska ay saameysay fatahaadaha.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xooga saari doono sidii gurmad bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya dalka.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobolkaas.

Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay waxaa kamid ah, degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een, magaalada Garbahaarey oo xaalad adag gashay iyo degmada Doolow oo biyuhu ay wada gaareen, halkaas oo ay booqan doonaan madaxda dowladdu.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA).

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.