Washington (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Sen. Jim Risch (R-Idaho), ayaa si kulul uga digay khataraha isa soo taraya ee amniga qaranka Mareykanka uu wajahayo isagoo si gaar ah uga hadlay Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Wuxuu eedeyn u jeediyay Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan oo uu ku tilmaamay quwado qas-wadayaal ah oo ka faa’iideysanaya xasillooni darrada si ay u wiiqaan danaha Mareykanka ee gobolka.
“Soomaaliya weli waxay tahay meel ay argagixisadu si xor ah uga hawlgalaan,” ayuu yiri Risch, isagoo tusaale u soo qaatay amar uu dhawaan bixiyay Aqalka Cad oo lagu xayiray socdaalka dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay galaan Mareykanka. “Waa in aan si dhab ah u qaadannaa khatarta ka imaaneysa kooxda Al-Qaacida iyo faracyada Daacish ee halkaas ka hawlgala. Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, wuxuu ugu horreyn u taagan yahay ilaalinta shacabka Mareykanka.”
Senatorku wuxuu si gaar ah u amaanay weerarradii dhawaan Ciidanka Mareykanka ee Afrika (U.S. Africa Command) ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, isagoo tilmaamay in Maamulka Trump uu qaaday dariiq cusub oo ka fog ku-tiirsanaanta keliya ee dowladda dhexe.
“Maamulkaan wuxuu si miyir leh u doortay in uu la shaqeeyo la-hawlgalayaal gudaha ah oo wax-ku-ool ah halkii uu ku xirmi lahaa nidaam dawladeed oo daciif ah,” ayuu yiri. “Tani waa nooca tallaabo ee lagu curyaamin karo shabakadaha argagixisada.”
Bishan Juun gudaheeda, Mareykanku wuxuu fuliyay lix duqeyn oo lagu beegsaday dagaalyahannada Daacish ee Soomaaliya — arrin uu Risch ku tilmaamay muujinaysa sida Washington diiradda u saartay amniga Geeska Afrika. Wuxuu sheegay in kooxaha xagjirka ahi ay sii fidiyaan saameyn ahaan iyagoo ka faa’iideysanaya fowdada siyaasadeed iyo taageerada ay helayaan dowladaha cadowga la ah Mareykanka.
“Ficillada Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan waxay si weyn u khatar gelinayaan jawiga amniga ee Afrika, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri. “Shiinuhu wuxuu adeegsanayaa xeelado dhaqaale oo xad-dhaaf ah, Ruushku wuxuu faragelin milatari ku sameynayaa gobollo dagaal ah, halka Iiraan lagu tuhunsan yahay inay heshiisyo ku raadineyso in ay ka uruuriso uranium macdan ahaan, taasoo si gaar ah u halis gelinaysa nabadda gobolka.”
Risch wuxuu carrabka ku adkeeyay in Mareykanku u baahan yahay inuu sii adkeeyo hoggaamintiisa caalamiga ah, balse wuxuu sidoo kale ugu baaqay waddamada Afrika inay xoojiyaan doorkooda. “Ma suurtagal ahan in Mareykanka keligii uu u guntado la-dagaallanka argagixisada. Waddamada gobolka waa inay si buuxda uga qayb qaataan dadaallada amni.”
Senatorku wuxuu xaaladda Soomaaliya ku xiray xaalado istiraatiiji ah oo ballaaran, isagoo xasuusiyay in weerarro argagixiso oo ka dhacay Afrika ay leeyihiin saameyn muddo dheer reebta. Wuxuu tusaale u soo qaatay howlgalladii Osama bin Laden ee laga fuliyay Suudaan 1990-meeyadii — kuwaasoo ugu dambeyn horseeday weerarkii 11-kii September ee 2001. “Haddii aan Afrika dayacno, waxaan gelaynaa khatar aan ka daba tagi karin,” ayuu yiri.
Hadalka Risch ayaa yimid xilli dowladda Mareykanka ay dib u qiimeyn ku samaynayso xiriirka ganacsi iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddamada Afrika. Inkastoo uu ammaanay siyaasadda natiijo-ku-salaysan ee Madaxweyne Trump, haddana wuxuu uga digay in Mareykanka laga hor maro saaxadda caalamka. “Mareykanku waa inuu miiska wax lagu qeybsanayo ku yeeshaa kursi — dhinaca ganacsiga, diblomaasiyadda, iyo milatarigaba,” ayuu yiri.
Marka laga soo tago Soomaaliya, Risch wuxuu xusay dhibaatooyinka kale ee qaaradda, sida colaadda Suudaan oo ay ku dhinteen in ka badan 150,000 qof, halka 12 milyan ay ku barakaceen. Wuxuu sidoo kale xusay saameynta sii kordheysa ee Shiinaha uu ku leeyahay meelaha hodanka ku ah macdanta, sida bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.
Hase yeeshee, Risch wuxuu si cad u sheegay in Soomaaliya ay tahay meesha ugu dambeysa ee amniga Mareykanka laga ilaaliyo. “Halista argagixisadu ee Soomaaliya kama aha mala-awaal — waa mid dhab ah, halis ah, waana in si degdeg ah oo go’aan leh loogu hortago,” ayuu ku adkeeyay.