27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Shaqaalaha Mareykanka oo laga saaray Bariga Dhexe xilli uu qarxi rabo dagaal culus

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in shaqaalaha Mareykanka laga daadgureynayo Bariga Dhexe oo uu ku tilmaamay “meel khatar ah”, kaddib markii wadahadalladii nukliyeerka ee Iran ay hakadeen, iyadoo cabsi laga qabo in xiisad ay ka aloosanto gobolka.

Trump wuxuu mar kale caddeeyay in uusan ogolaan doonin in Iran hesho hub nukliyeer ah, iyadoo warar isa soo taraya ay muujinayaan suurta-galnimada in Israel ay weerarto xarumaha nukliyeerka ee Tehran.

Dowladda Iran ayaa isla Arbacadii sheegtay inay beegsan doonto saldhigyada millatari ee Mareykanka ee gobolka haddii dagaal uu dhaco.

Mas’uul Mareykan ah ayaa hore u sheegay in tirada shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Ciraaq la dhimayo sababo la xiriira amni, iyadoo warar kale tilmaamayaan in shaqaale sidoo kale laga saarayo Kuwait iyo Bahrain.

“Shaqaalaha waa laga saaraya sababtoo ah goobtaasi khatar ayey noqon kartaa,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta Washington, markuu ka jawaabayay wararka ku saabsan shaqaalaha la daad-gureynayo.

“Waxaan si rasmi ah u amarnay in la daadgureeyo, waxaana sugaynaa waxa dhaca.”

Trump wuxuu hadalkiisa ku daray: “Ma ogolaan doonno in ay helaan hub nukliyeer ah. Arrintu waa mid sahlan oo cad.”

Tehran iyo Washington ayaa tan iyo bishii Abriil waday shan wareeg oo wadahadallo ah, si loo helo heshiis cusub oo beddela kii 2015, kaas oo Trump uu isaga baxay sannadkii 2018 intii uu xilka hayay.

Labada dhinac ayaa la filayay inay mar kale kulmaan maalmaha soo socda.

Trump oo horay rajo uga muujiyay wadahadallada, ayaa wareysi uu Arbacadii bixiyay ku sheegay inuusan hadda si weyn ugu kalsooneyn in heshiis la gaari karo.

Tan iyo markii uu dib ugu laabtay xafiiska Janaayo, Trump wuxuu dib u bilaabay ololihiisii “cadaadiska ugu badan” ee Iran, isagoo taageeraya dadaallada diblomaasiyadeed balse isla markaa uga digaya in tallaabo ciidan la qaadi karo haddii wadahadalladu fashilmaan.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu in uusan weerarin xarumaha nukliyeerka Iran si loo siiyo wadahadallada fursad. Si kastaba, wuxuu si isa soo taraysa u muujinayay in dulqaadkiisu sii dhammaanayo.

Dowladda Iran ayaa ka digtay in haddii weerar lagu qaado, ay si adag uga jawaabi doonto.

“Dhammaan saldhigyadooda gobolka way na hor yaallaan, waanan ognahay meelaha ay ku sugan yihiin. Iyadoo aan wax shaki ah jirin, waxaan beegsan doonnaa dhammaan saldhigyadaas ku yaalla dalalka ay joogaan,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Iran, Aziz Nasirzadeh, isagoo ka jawaabaya hanjabaadaha Mareykanka ee ah in la qaadi doono weerar haddii wadahadalladu guul darreystaan.

– ‘Khasaaraha ugu badan iyaga ayaa qaadi doona’ –

“Insha Allah, xaaladdu heerkaas ma gaari doonto, wadahadalladuna wey guuleysan doonaan,” ayuu yiri Nasirzadeh. “Laakiin haddii dagaal dhaco, khasaaraha ugu badan Mareykanka ayaa la kulmi doona.”

Mareykanka wuxuu saldhigyo badan oo millatari ku leeyahay Bariga Dhexe, iyadoo saldhiggiisa ugu weyn uu ku yaallo dalka Qatar.

Bishii Janaayo 2020, Iran ayaa gantaallo ku garaacday saldhigyo ku yaalla Ciraaq oo ay joogeen askar Mareykan ah, si ay ugu aargudato duqeyn Mareykanku ku dilay Jeneral Qasem Soleimani oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Baghdad.

Weerarkaas waxaa ku dhaawacmay askar badan oo Mareykan ah, kuwaas oo la il-daran dhaawacyo xagga maskaxda ah.

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha, UK Maritime Trade Operations—oo ah hay’ad uu maamulo ciidamada badda Britain—ayaa markabka kasta kula talisay inuu si taxaddar leh uga gudbo Badda Gacanka.

Iran iyo Mareykanka ayaa hadda ku lug leh is-mariwaa diblomaasiyadeed oo ku saabsan bacraminta uranium-ka. Tehran waxay ku andacoonaysaa in arrintaasi tahay “xuquuq aan laga gorgortami karin,” halka Mareykanka uu ku tilmaamay “khad cas.”

Iran waxay uranium u hodmisaa illaa 60%, taasoo aad uga badan xadka 3.67% ee lagu heshiiyay 2015, inkastoo ay wali ka hooseyso heerka 90% ee loo baahan yahay si loo farsameeyo madaxyada nukliyeerka.

Waddamada reer Galbeedka ayaa muddo dheer ku eedeynayay Iran inay doonayso inay samaysato hub nukliyeer ah, hase yeeshee Tehran ayaa mar kasta ku celisa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid ujeedkiisu yahay nabad.

Toddobaadkii hore, Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in hodminta uranium-ka ay tahay “furaha” barnaamijka nukliyeerka Iran, isla markaana Mareykanka uusan wax door ah ku yeelan karin arrintaas.

Wareysi uu Trump siiyay barnaamijka “Pod Force One” ee New York Post—oo la duubay Isniintii—ayuu ku sheegay inuu sii luminayo rajadii uu ka qabay in heshiis la gaaro.

“Ma hubo. Hore ayaan u filayay in heshiis la gaari doono, balse hadda kalsooni igama hayso. Waxay u muuqdaan kuwo dib u dhacaya, waana arrin laga murugoodo. Hadda waxaan ka niyad jabsanahay sidii aan dhowr bilood kahor ahaan lahaa,” ayuu yiri.

Iran waxay sheegtay inay diyaarinayso soo-jeedin cusub oo ka duwan midda Washington, taasoo ay horay u cambaareysay maadaama aysan waxba ka beddelin cunaqabateynta—arrin muhiim u ah Tehran oo muddo sanado ah la daalaa-dhaceysay culayskooda.

Dhalinyaradii quusatay “Kaluun ciiriin ah iyo biyaha badda ayaan isku cuni jirnay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay saddex kalluumeysato Soomaaliyeed oo muddo 45 maalmood ah ka go’doonsanaa badda, kadibna lix bilood ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.

Kalluumeysatadan oo dhammaantood ah reer Muqdisho, ayaa sheegay in ay badda ku lumeen xilli ay ku jireen howlo kalluumeysi, kadib markii uu ka cilladoobay matoorkii doontooda.

Cabdullaahi Yuusuf Jaamac, Aweys Cabdi Sheekh iyo Bile Maxamed Mustaf ayaa lagu kala magacaabaa kalluumeysataan laga soo badbaadiyey badda, kadib markii la waayey sideed bilood ka hor.

Iyagoo faraxsan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku sugayeen, waxayna la hadleen warbaahinta.

Waxay tilmaameen in ay ku sigteen dhimasho, markii ay ka go’day sahaydii ay wateen, ayna ku qasbanaadeen in ay cunaan kalluun ceeriin ah, isla markaana ay cabaan biyaha badda, si ay u sii noolaadaan.

45 cisho oo doontii ay la sabeyneysay gudaha badda kadib, iyagoo maraya xeebaha Maldives ayaa la badbaadiyay, waxaana loo wareejiyay dalka Liibiya.

Halkaas waxaa uga biloowday xabsi ay ku jireen muddo lix bilood ah, kaas oo ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya ay ka soo furatay markii la helay xogtooda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa ku guuleysatay in wiilashaan laga sii daayo xabsiga Liibiya, isla markaana dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

Kalluumeysatadu waxay sidoo kale sheegeen in safarkooda kalluumeysi uu ka bilowday Muqdisho, xilli baddu aad u kacsanayd, ayna wateen sahay ku filan oo loogu talagalay 10 cisho kaliya, balse ay gudaha badda ku sii jireen 45 cisho oo aysan ku talagelin.

Hoos ka daawo

Golaha Wasiirada Somalia oo maanta ansixiyay xeer-nidaamiye muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulankaasi lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara.

Xeerkan ayaa muhiim u ah ilaalinta badqabka isgaarsiinta dalka, maadaama xargaha badda mara ay yihiin laf-dhabarta xiriirka gudaha iyo dibadda.

Kulanka waxaa guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, isagoo hoggaamiyay doodaha iyo ansixinta qodobbada muhiimka ah ee miiska saarnaa, isagoo adkeeyey doorka Dowladda ee horumarinta adeegyada muhiimka ah.

Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsanaa ee kulanka lagu soo qaaday ayaa ahayd diyaar garowga toddobaadka xorriyadda, oo si weyn loogu dabaaldego sanad walba. Warbixin laga soo jeediyey kulanka ayaa muujisay in qaban-qaabada munaasabaddaasi ay meel wanaagsan marayso.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu waxa ay warbixin ku saabsan Imtixaanka Qaranka ee sanad-dugsiyeedka 2025 ka dhageysteen wasaaradaha ay khusayso. Waxaa la xaqiijiyey in imtixaankaasi si rasmi ah uga bilaaban doono gobollada dalka maalinta Sabtida ah, iyadoo la hubinayo in habsami u socodkiisu uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo.

Intii uu kulanka socday, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka. Waxaa diiradda la saaray xoojinta dadaallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee caqabad ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadiyey geesiyaasha ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku jira jiidda hore ee dagaalka. Golaha Wasiirradu waxa ay muujiyeen garab istaag buuxa oo ay u hayaan ciidanka naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadkiisa.

Golaha ayaa ugu dambeyntiina adkeeyay muhiimada ay leedahay wada shaqaynta hay’adaha dowladda iyo xoojinta maamulka si loo gaaro horumar joogto ah oo dalka ka hirgala.

Somalia calls C6+ group obsolete, urges dismantling

MOGADISHU, Somalia – Somalia has called for dismantling the C6+ diplomatic coordination platform, describing it as outdated and incompatible with the country’s current political and institutional maturity.

In a formal letter addressed to UN Special Representative James Swan, Somalia’s State Minister of Foreign Affairs, H.E. Ali Omar, said the framework—established more than a decade ago to coordinate international political support—no longer reflects the country’s progress.

“The continuation of the C6+ as a tool of external political coordination is outdated and counterproductive,” Ali Omar wrote. He argued that the platform, designed during a period of political fragility, undermines Somalia’s sovereignty and gives the impression that the country remains under foreign oversight.

The C6+ was formed in the post-2010 era to bring together key international stakeholders—including the United States, United Kingdom, Italy, Sweden, Ethiopia, the African Union, the European Union, and IGAD—to support Somalia’s state-building efforts after years of conflict and institutional collapse.

The group played a central role in shaping electoral processes, promoting peacebuilding, and guiding the country through successive political transitions.

Somalia cites progress

But Somalia’s government says that era has passed.

“Today, Somalia is no longer a country in transition. It is a sovereign state with functioning constitutional institutions, a maturing democratic process, and a clear national vision for peace and development,” the letter said.

Under President Hassan Sheikh Mohamud’s leadership, the federal government has launched a broad reform agenda, including the development of new electoral legislation, efforts to implement one-person-one-vote elections, and a transition from the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) to Somali-led security arrangements.

Officials argue that continued reliance on externally driven coordination platforms undercuts the legitimacy of these initiatives.

Somalia is not seeking to end international cooperation, Ali Omar stressed, but rather to engage with partners through channels that reflect the country’s current status and aspirations.

“Somalia remains committed to close, constructive partnerships with all C6+ members, grounded in mutual respect and shared goals,” he wrote.

Villa Somalia–C6+ tensions rise

The letter comes as Somalia attempts to reassert its international standing and secure full control over its domestic political and security agenda.

The Somali government has expressed frustration that mechanisms like the C6+ often function outside official structures and risk diluting national ownership of core reforms.

Diplomatic sources in Mogadishu say the letter has sparked quiet consultations among C6+ partners. While no official response has been issued, discussions are reportedly underway to reassess coordination mechanisms in light of Somalia’s request.

The letter also follows growing friction between Villa Somalia and international actors over a proposed National Conference. As first reported by Caasimada Online, Western embassies, and the United Nations, operating from Mogadishu’s heavily fortified Halane compound, are leading efforts to convene a high-level political dialogue.

The planned conference aims to bring together federal leaders, regional presidents, opposition groups, and former heads of state to resolve disputes over elections, constitutional reform, and security policy.

Villa Somalia has strongly objected to the initiative, viewing it as external interference in Somalia’s domestic political process. The letter to UN envoy James Swan is widely seen as a direct response to what the government perceives as an overreach by international partners.

Tensions have further escalated as leading opposition figures from the Salvation Forum—headed by former President Sharif Sheikh Ahmed—along with the federal member states of Puntland and Jubaland, rejected the government’s separate dialogue initiative scheduled for June 15.

With both sides entrenched, a political impasse between Somalia’s federal authorities and key international stakeholders appears increasingly unavoidable.

Faah-faahinta dagaal culus oo maanta ka dhacay Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu maanta ka dhacay dagaal culus deegaanka Ceel Hareeri, kaas oo u dhexeeyay ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka deegaanka ay weerar qorsheysan ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka deegaankaasi.

Dagaalka oo ahaa mid si weyn loo qorsheeyay ayaa socday muddo ka badan hal saac, waxaana labada dhinac isku adeegsadeen hub culus, kaas oo jugtiisa laga maqlayay deegaano ka fog fog Ceel Hareeri.

Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in weerarkaasi uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma helin tirada saxda ah ee khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse warbixinnada horudhaca ah waxay tilmaamayaan in kooxda Al-Shabaab la gaarsiiyay jab culus.

Dagaalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ah ee weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa muujinaya karti iyo geesinimo ballaaran oo ay kaga hortagayaan halista kooxda Al-Shabaab, iyadoo weerarka maanta uu qeyb ka yahay howl-gallo taxane ah oo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda si weyn u taageeraya dadaallada xaq u dirirka, kuwaas oo ay u arkaan tiir-dhexaadka sugidda nabadda.

Bilowgii bishan ayey aheyd markii deegaanka Ceel Hareeri ka dhaceen dagaallo kale oo socday muddo afar maalmood ah, kuwaas oo lagu dilay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Dagaalladaas waxaa ka mid ahaa mid lagu khaarijiyay horjooge muhiim ah oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi Rooble Nuunuule.

Dhammaan dhacdooyinkan ayaa muujinaya sida ay ciidamada deegaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu heelan yihiin in la ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee dhibaatooyinka ku haya dalka.

How Somalia became a hub in UAE’s drone war in Sudan?

MOGADISHU, Somalia — The United Arab Emirates is facing mounting allegations of orchestrating a covert drone supply network that fuels atrocities in Sudan’s brutal civil war while carefully avoiding international accountability for war crimes.

According to British intelligence sources and multiple independent investigations, the UAE has repurposed aging Soviet-era cargo planes into flying drone assembly lines, exploiting weak oversight and legal grey zones across the Horn of Africa.

In clear violation of international arms transfer laws—which mandate end-user certificates and transparent export procedures—these aircraft are used to discreetly ferry disassembled drone components into African airspace. Once on the ground, the drones are swiftly reassembled and delivered to non-state actors, most notably the Rapid Support Forces (RSF), a group accused of systematic attacks on civilians.

One of the key transit points in this operation is Bosaso, a port city in Somalia’s semi-autonomous Puntland region. The UAE has established a military footprint there under the pretext of anti-piracy and maritime security operations.

Investigations now suggest that Bosaso is being used as a logistical hub for drone shipments bound for Sudan, enabling the UAE to obscure its involvement behind fragmented supply chains and proxy actors.

However, in addition to operating a runway and logistics center, the UAE installed a radar system near Bosaso Airport, which is ostensibly used to monitor Houthi threats in the Gulf of Aden. Investigations now suggest this infrastructure may be serving a dual purpose, aiding in the coordination and concealment of drone shipments destined for Sudan.

The consequences on the ground have been devastating. In May 2025, RSF drone strikes reportedly killed more than 70 people in El Fasher, targeting a hospital and surrounding civilian neighborhoods.

Port Sudan, a vital humanitarian lifeline on the Red Sea, has also come under attack. The RSF’s growing drone capabilities—including the use of advanced Chinese-made CH-95 and FH-95 UAVs—have transformed the battlefield, dramatically escalating the scale and reach of the conflict.

According to regional experts, these drones are likely delivered with Emirati assistance, including satellite guidance and logistical support routed through Somalia and Chad.

Since violence reignited in April 2023, Sudan’s civil war has killed over 150,000 people and displaced more than 13 million. Despite international calls for a ceasefire, the UAE’s covert arms transfers are seen as a key enabler of the RSF’s sustained offensive against Sudan’s army and civilian population.

In response, Sudan filed a case against the UAE at the International Court of Justice, accusing it of “complicity in genocide.” However, the ICJ ruled in May 2025 that it lacked jurisdiction—a procedural blow to Khartoum but one that has not silenced the allegations. The Sudanese government has since cut diplomatic ties with Abu Dhabi and continues to demand international condemnation.

“The UAE is outsourcing its war crimes,” said a senior Sudanese official, speaking on condition of anonymity. “By using Somali territory—particularly Bosaso—as a launchpad, they are not just violating international law; they are dragging Somalia into this conflict by proxy.”

Analysts warn that the UAE’s strategy represents a troubling new model of warfare: one in which state actors fragment arms supply chains and exploit weak or complicit partners to obscure their involvement. This allows them to support armed groups without facing legal or diplomatic consequences.

As Sudan’s humanitarian crisis deepens, the international community faces growing pressure to investigate the UAE’s role, scrutinize its operations in the Horn of Africa, and close the legal loopholes that make such covert campaigns possible. For now, however, the drones continue to fall—and the world continues to watch.

Guddoomiye Muungaab oo caawa magacaabay guddoomiyaal degmo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa caawa bedalay labo Guddoomiye degmo, isagoo magacaabay xubno cusub.

Guddoomiye Muungaab oo sameeyey magacaabistii ugu horeysay ayaa Guddoomiyaal cusub u soo magacaabay degmooyinka Waaberi iyo Dharkenley.

1- Mudane Cumar Meeyre Mocoow, waxaa loo Magacaabay Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey.

Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Dharkeenleey laga qaaday Maxamuud Xaaji Cali Fiidoow.

2- Mudane Xuseen Xasan Maxamuud, waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Waaberi.

Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Waaberi laga qaaday Md. Maxamed Sayid Cali.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab oo tani ay u tahay magacaabistii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka la wareegay ayaa kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha cusub in ay mudnaan siiyaan harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is bedelka cusub ee degmooyinkaas uu ku sameeyey Guddoomiye Muungaab, balse wararka ugu badan waxay sheegayaan in qiimeyn kooban oo guddoomiyuhu uu sameeyey ku fashilmeen.

Muungaab ayaa si dardar leh u shaqeynayey tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminka gobolkaan oo horay uu soo qabtay.

DF oo caawa duqeyn culus ka bilowday Ceelbaraf, Sabiib iyo Caanoole

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka fulisay duqeymo culus oo lagu dilay Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa Buurta Cadayga oo ku taala deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka fuliyay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo lagu dilay Ilaa iyo 13 xubnood oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.

Sidoo kale, warkaan waxaa lagu sheegay in duqeymahaan kooxda Al-Shabaab looga dhaawacay tiro kale oo dagaalamayaal ah.

Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday goob ay Khawaarijtu isku uruursanayeen, iyaga oo halkaas ka abaabulayay dhagaro ay la damacsanaayeen inay ku abaabulaan duulaan culus, sida lagu cadeeyey warkaan.

“Inta uu socday howlgalkan waxaa sidoo kale lagu burburiyay saanad hub ah oo khawaarijta ugu diyaarsaneed halka uu ka dhacay howlgalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku sii daray “Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa shacabkeeda geesiyaasha ah iyo Saaxiibada Caalamka waxaa ka go’an in gebi ahaanba la ciribtiro Khawaarijta, lana sugo amniga guud ee dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni waarta.”

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday abaabul culus oo dagaal, diyaaradaha dagaalka ayaa la howlgeliyey, waxaana dhanka Sabiib iyo Caanoole ka socda duqeymo kale, inkastoo aan weli laga soo saarin faahfaahin.

Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf to resign from ICJ

THE HAGUE, Netherlands – Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf, a distinguished Somali jurist and former President of the International Court of Justice (ICJ), has announced that he will resign as a Member of the Court effective 30 September 2025, more than a year before the scheduled end of his term on 5 February 2027.

The ICJ confirmed the announcement in a press release issued Wednesday, stating: “Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf will resign as a Member of the Court with effect from 30 September 2025.”

Judge Yusuf has served on the Court since 6 February 2009, and was re-elected in 2018. He held the position of Vice-President from 2015 to 2018, and later became President of the Court from 2018 to 2021—the first Somali and only the third African to lead the ICJ in its history.

According to the Statute of the Court, the process to replace him will now be initiated. “In accordance with Article 14 of the Statute of the Court, it will be for the Security Council to fix the date for the election of his successor by the General Assembly and the Security Council,” the statement noted. The successor will serve the remainder of Judge Yusuf’s term.

Judge Yusuf’s departure marks the conclusion of a remarkable 16-year tenure at the world’s highest judicial body. Widely respected in international legal circles, he is known for his expertise in international law, human rights, and global governance. Before joining the ICJ, he held senior legal roles at several UN institutions, including UNESCO and UNCTAD, and was a founding member of the African Institute of International Law.

The International Court of Justice, based in The Hague, is the principal judicial organ of the United Nations. Established in 1945, the Court is composed of 15 judges elected for nine-year terms and is responsible for settling legal disputes between states and issuing advisory opinions on legal questions referred by UN bodies.

Judge Yusuf’s resignation is seen as a significant moment not only for the ICJ but also for African representation in international justice. His legacy includes advancing the role of international law in promoting peace and equity among nations.

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo iska casilay xilkii maxkamadda ICJ

Hague (Caasimada Online) – Garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa ku dhawaaqay inuu ka tagayo xilka Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ) laga bilaabo 30-ka Sebtembar 2025, in kasta oo muddo xileedkiisu si rasmi ah ku ekaan lahaa 5-ta Febraayo 2027.

Bayaan rasmi ah ee ka soo baxay ICJ ayaa lagu yiri: “Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf wuxuu iska casilayaa xilka Xubinimada Maxkamadda laga bilaabo 30 September 2025.”

Garsoore Cabdulqawi ayaa markii ugu horreysay loo doortay ICJ 6-da Febraayo 2009, waxaana dib loo doortay sannadkii 2018. Wuxuu sidoo kale soo noqday Madaxweyne ku-xigeenka Maxkamadda intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2018, kaddibna wuxuu noqday Madaxweynaha Maxkamadda intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2021—wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee xilkan qabta, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa dhawrka qof ee Afrikaanka ah ee xilka madaxnimo maray.

Sida uu qabo Qodobka 14-aad ee Axdiga Maxkamadda, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamin doona taariikhda la qaban doono doorashada beddelkiisa, iyadoo Golaha Guud iyo Golaha Ammaanka ay si wadajir ah u dooran doonaan xubin cusub. Sida uu qabo Qodobka 15-aad, xubinta cusub ee la doorto waxay dhammeysan doontaa xilka harsan ee Garsoore Cabdulqawi.

Garsoore Cabdulqawi wuxuu Maxkamadda ICJ ka tirsanaa muddo 16 sano ah, wuxuuna si weyn loogu tixgeliyaa khabiir heer caalami ah oo ku xeel dheer xeerarka caalamiga ah, xuquuqda aadanaha, iyo cadaaladda caalamiga ah.

 Kahor intii uusan ICJ ku biirin, wuxuu xilal sare ka soo qabtay hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNESCO iyo UNCTAD, wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii Machadka Afrika ee Xeerka Caalamiga ah.

Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ku taal magaalada Hague, waa hay’adda garsoor ee ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay. Waxaa la aasaasay 1945, waxayna ka kooban 15 garsoore oo loo doorto muddo sagaal sano ah, si ay u xalliyaan khilaafaadka u dhexeeya dowladaha iyo u bixiyaan talo sharciyeedyo ku saabsan su’aalaha uu u gudbiyo Golaha Guud ama hay’adaha Qaramada Midoobay.

Is-casilaadda Garsoore Cabdulqawi waxaa loo arkaa dhacdo muhiim ah oo saamayn ku yeelan doonta matalaadda Afrika ee garsoorka caalamiga ah. Wuxuu ka tagayaa dhaxal muuqda oo ku saabsan sare u qaadista doorka xeerka caalamiga ah iyo horumarinta sinnaanta iyo cadaaladda dunida.

Walaac xooggan oo laga qabo istiraatiijiyadda cusub ee Shabaab ay la soo baxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye ee la howl-gala ayaa si weyn uga walaacsan halista sii kordheysa ee kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan istiraatiijiyadda cusub ee haatan ku howlan tahay, taas oo ay uga faa’iideysaneyso adeegsiga drones-ka.

Kooxda oo haatan xiriir toos ah la’leh Xuutiyiinta Yemen, ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ku bixineysa qorshaha ka faa’iideysiga tiknoolajiyadda drones-ka ee lagu rakibo walxaha qarxa ama loo adeegsado weerarro toos ah.

Khubarada ammaanka ee gobolka ayaa ka digay in kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab iyo Daacish, ay heleen qalab casri ah oo halis ku ah xasiloonida gobolka. Dalalka ku yaalla Geeska Afrika ee Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu boorriyay in ay si degdeg ah u xoojiyaan difaacyadooda cirka, si looga hortago khatartan sii kordheysa.

Moses Okello oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Ammaanka (ISS) ayaa sheegay in helitaanka drones-ka wax dila uu si weyn u dhaawici karo dadaallada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. “Kooxaha hubeysan wax heshiis ah uma baahna haddii ay heli karaan drones ay ku fuliyaan weerarro culus,” ayuu yiri.

Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa daaha ka qaaday in Al-Shabaab ay sanadkii 2024 xiriir la yeelatay kooxda Xuutiyiinta Yemen si ay u helaan hub casri ah iyo tababar la xiriira drones-weerar ah.

Xuutiyiinta, oo si weyn loogu yaqaan adeegsiga drones-ka lagu beegsado maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, ayaa la rumeysan yahay inay taageero toos ah siiyaan Al-Shabaab iyo Daacish, iyaga oo kaashanaya tababar iyo agab ay Iran bixiso.

Sida lagu xusay warbixin ka timid hay’adda Carnegie Endowment, xeebaha Soomaaliya ayaa hadda noqday marin muhiim ah oo lagu soo geliyo qalabka drones-ka, taasoo sare u qaadday halista weerarro cusub.

Taimur Khan oo ka tirsan hay’adda Conflict Armament Research ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah drones-ka FPV (first-person view) laga sameeyo gudaha Yemen, inkastoo qaar ka mid ah agabkooda laga keeno Iran. Drones-kan ayaa loo adeegsadaa weerarro ismiidaamin ah, kormeer iyo hawl-gallo toos ah. Waxaa la aaminsan yahay in Daacish ay durba adeegsaday noocan.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale shaacisay in lixdii bilood ee ugu dambeysay la qabtay shan drone oo ismiidaamin ah oo la tuhunsan yahay in Xuutiyiintu u direen Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la xiray toddobo qof oo lala xiriiriyay Al-Shabaab iyo Daacish.

DF Soomaaliya oo canshuur ku soo rogeysa shaqaalaha iyo heerarka la qorsheeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay canshuur cusub kusoo rogto dadka shaqeeya, gaar ahaan kuwa qaata mushaarka billaha ah.

Sida lagu xusay sharciga cusub ee canshuuraha dakhliga, dowladda ayaa canshuuri doonta dadka mushaharkoodu u dhexeeyo $101–$500, iyadoo laga jari doono illaa 6%. Canshuurtaasi waxay si toos ah ugu dhacaysaa dowladda federaalka.

Sidoo kale, waxaa 12% laga jari doonaa dadka qaata mushaar bille ah oo u dhexeeya $501–$1500, halka dadka qaata mushaharka ka badan $1500 laga qaadi doono 18%.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo sii xoojinaysa qorsheyaasha kor u qaadista dakhliga gudaha, ayaa canshuurtan cusub ku xustay sharciga cusub ee canshuuraha dakhliga, kaas oo la filayo inuu si rasmi ah u ansixiyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Canshuurtan ayaa durba hadal-hayn xooggan ka abuurtay baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen wax aan suurto-gal ahayn, maadaama uusan jirin adeeg dowladeed oo bilaash ah, isla markaana muwaadinka laga qaado canshuuro fara badan oo magacyo kala duwan leh, kuwaas oo aan waxba loogu qaban.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u hirgelisay qaadista canshuurta gadista ee loo yaqaan VAT. Canshuurtaas oo ay ka cabteen shacabka Muqdisho, ayaa dowladda beddeshay habkii hore, iyadoo hadda si toos ah looga jaro lambarada ganacsi ee loo yaqaan “Merchant”.

Ganacsatada ayaa lacagta canshuurta iibka ku dalaceysa muwaadinka, kadibna marka uu isla marka dhaco iibka dowladda ayaa lambarka ganacsadaha ka jaraneysa xadiga canshuureed ee uu wax ku iibsaday.

Inkasta oo hanaanka ay dowladda u jarato canshuurta ay tahay mid ganacsatada ka go’aysa, haddana culeyska waa mid shacabka ku dhacaya, maadaama ayaga lagu dalacayo canshuurtan oo dhan 5%.

Bulshada Soomaaliyeed, oo haatan la daala dhacaysa duruufo nololeed oo adag, ayaa u aragta canshuuraha tirada badan ee la soo rogay culeys hor leh, kuwaas oo aan dib ugu laaban shacabka, balse ku dhacaysa jeebabka madaxda sare.

SACIID DENI oo lugaha la galay fadeexad la mid ah tan haysata Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxgaradka iyo siyaasiinta gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa soo saaray bayaan culus oo ku socda Madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo ay uga hadleen xaaladda uu ku sugan yahay gobolka ee amniga, horumarka iyo dhulka danta guud oo ay sheegeen in la xaraashayo.

Bayaanka ayaa sidoo kale eedeymo waawayn loogu jeediyay hoggaanka Puntland, waxaana xukuumadda loogu soo jeediyay baaq ku aaddan in si deg-deg ah ay wax uga qabato xaaladda amni-xumo iyo horumad la’aan ee ka jirta gobolka Mudug, gaar ahaan colaadaha qabiilka iyo sidoo kale mashaariicda xanniban.

“Waxaan xukuumadda ka dalbanaynaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u fasaxdo mashaariicda gobolka ka xanniban oo uu ugu horreeyo jidka Xarfo-Galkacyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada ku mideysan bayaankan ayaa si gaar ah Madaxweyne Deni ugu eedeeyay inuu iibinayo dhulalka danta-guud ee ku yaalla gobolka, iyada oo aan loo marin hannaan sharci ah, waxayna sidoo kale dalbadeen in la joojiyo iibinta dhulalkaas.

Tani waa fadeexo lamid ah midda haysata Madaxweyne Xasan Sheekh oo maamulkiisa lagu eedeeyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Waxaan ogsoonahay in ay jiraan dhulal dowladdu gadeyso, iyadoo aan loo marin hannaan sax ah. Haddaba waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo iibka dhulalka aan dadka gobolku xog ogaal u ahayn, waxna loogu qabaneyn,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay siyaasiyiinta.

Waxaa kale oo ay ku baaqeen in la joojiyo dhammaan dagaalada sokeeye ee ka socda Mudug, laguna dhammeeyo wada-hadal nabadeed, si loo soo afjaro xiisadaha taagan, gaar ahaan dilalka aanooyinka qabiil ee kusoo noq-noqda gobolkaasi.

Dhinacyadan waxaa kale oo ay ku baaqeen si si deg deg ah la’isugu yimaado shirweyne muhiim ah oo ay yeelanayaan  dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Mudug, kaas  oo looga arrinsanayo horumarinta iyo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira gobolkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Gaalkacyo iyo deegaannada Mudug ka socday dhaq-dhaqaaqyo culus, iyada oo bulshada ay saluug ka muujinayeen in laga gaabiyay waxqabadkii ay ka filinayeen xukuumaddooda, lagana jartay mashaariicdii gobolka.

Guddiga doorashooyinka oo qaaday tallaabo yaab leh oo dhalisay fal-celin xooggan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa maanta qaaday tallaabo yaableh oo la xiriirta doorashooyinka lagu murunsan yahay ee qof iyo codka ah, kadib markii uu diiwaangelin ka bilaabay waddooyina waawayn ee caasimada.

Guddiga ayaa soo qaatay gawaari nooca raaxada ah oo la dhex-dhigay Kumpuutaro lagu diiwaan-gelinayo dadweynaha maraya jidad muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada.

Dadka ayaa la arkayaa iyaga oo safaf ku jira, isla markaana qaadanaya shahaadada isdiiwaangelinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee uu weli ka taagan yahay muranka, yana isku hayaan Villa Soomaaliya iyo mucaaradka oo arrintan ka qaba walaac xooggan.

Guddiga oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in isdiiwaangelintu ay ku socoto si habsami lahe, wuxuuna shacabka kugu baaqay inay shahaadooyinka qaataan, si ay codadka u dhiibtaan.

“Muwaadin is-diiwaangeli oo iska diiwaangeli goobta kugu dhaw ee ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si aad u hesho xuquuqdaada dastuuriga ah ee codbixinta marka la gaaro doorashada” ayaa lagu yiri farriin uu soo saaray guddiga doorashooyinka.

Dhinaca kale arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan, waxaana ka fal-celiyay qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada oo su’aalo ka keenay qaabka uu wax u wado guddiga.

Mascuud Xasan: “Guddiga doorashada waa wareereen wax is diiwangaliyo markii ay waayeen ayay jidadka so istaageen sidii shirkadaha Simcards-ka wareejin jiro oo kale”

Mahad Diiriye Maxamed: “Mesha kaar miyaa lagu qaybina waa maxay nolashan?”

Enjineer Daahir Sheekh: “Shaqadaan waxbaa ku dhax rafanayee ummadda shaki ayaa hareeyay, howshanine mid kheyru caadi ah bey u egtahay”.

Nuur Cabdullahi: “Gaari dhaxdiis miyaaa la’isku dhax diiwan-gelinooya wallaahi yaab waaye”.

Xogta qorshaha safarkii Abiy ee Yurub iyo dagaalka ay qorsheyneyso Itoobiya

Roma (Caasimada Online) – Inta u dhaxaysa Paris, Rooma, iyo Vatican-ka, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxa uu raadinayaa taageero siyaasadeed iyo dhaqaale, isaga oo ka duulaya suurta-galnimada in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dalkiisa iyo Eritrea. Dalka gudihiisa, dhibaatada dhaqaale iyo caburinta ayaa sii hurinaysa mucaaradka dowladda.

Bishii Maajo 22-keedii, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa magaalada Paris ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Tani waxa ay ahayd booqasho aan la filayn, ka dib safarkii Macron ee Addis Ababa ee bishii December 21, 2024, kaas oo ujeedadiisu lagu sheegay in lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ku saleysan saaxiibtinimo istiraatiiji ah.

Wada-hadalladii u dhexeeyay Abiy iyo Macron waxa ay ahaayeen “kuwo wax dhisayay,” sida uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku qoray baraha bulshada. Macron, dhinaciisa, waxa uu bartiisa X ku sheegay in Faransiisku uu mustaqbal “barwaaqo iyo nabad” ah u arko Itoobiya.

Faransiisku, si kastaba ha ahaatee, ma ahayn joogsiga kaliya ee Yurub intii uu socday safarkii bishii May. Dhowr maalmood ka dib, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu u duulay Roma si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni iyo Baadari Leo XIV. Hase yeeshee, waxa uu baajiyay joogsigii qorsheysnaa ee Boqortooyada Ingiriiska. London, dhab ahaantii, jaaliyadda Itoobiyaanka ahayd ayaa isugu soo baxday jidadka, iyaga oo ka mudaaharaadaya booqasho suurtagal ah, isla markaana cambaareynaya xasuuqyada ka dhacaya gobolka Amxaarada iyo xarigga xildhibaannada iyo mucaaradka Addis Ababa.

Si rasmi ah, ujeedada safarka Yurub waxa ay ahayd in lagu soo jiito maalgashi cusub oo ay hesho Itoobiya. Xaqiiqda, Abiy waxa uu hiigsanayaa inuu ka helo taageero siyaasadeed Midowga Yurub. Faransiisku waxa laga yaabaa inuu ku qanciyo saaxiibkiisa Jarmalka, halka Ra’iisul Wasaare Meloni ay u dhaqmi karto dhex-dhexaadiye ahaan la-xaajoodka dawladaha Yurub ee muxaafidka ah.

Warbaahinta Talyaaniga, oo sida ku cad xogta dhawaanahan siisa 14% oo keliya wararkooda Bariga Afrika, ayaa iska indhatirtay imaatinka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, marka laga reebo wakaaladaha wararka. Si ka duwan, Augustine Passilly, oo ah wariye Faransiis ah oo ka yimid Addis Ababa, ayaa maqaal falanqayn ah oo ku saabsan safarka ku daabacay Le Point, isaga oo sidoo kale soo xiganaya ilo wax ku ool ah oo lagu fahmo ujeeddooyinkiisa qoto dheer ee ka baxsan kuwa muuqda.

“Qaybta ugu muhiimsan ee safarkan,” ayuu yiri Mahdì Labzaè, oo ah cilmi-baare ka tirsan CNRS (Xarunta Qaranka ee Cilmi-baarista Sayniska) iyo khabiir ku takhasusay Afrika, “waxa ay ahayd in la tijaabiyo jawaabta waddamada xulafada la ah haddii ay dhacdo dagaal cusub oo ka dhan ah Eritrea. Intaa waxaa dheer, dowladda, oo ku dhow inay burburto, waxa ay si ba’an u raadinaysaa dhaqaale.”

Dhibaatada dhaqaale waa mid aad u daran. $265 milyan oo doollar oo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) la filayo inuu Itoobiya siiyo dhammaadka Juunyo ma ku filna in laga soo kabsado waddan, sida lagu sheegay warbixin gudaha ah oo dhowaan soo baxday, 26% ee 130-ka milyan ee qof ay ku nool yihiin faqri ba’an.

Waqti dhaqaaluhu burburayo oo heshiiska guduhu aanu jirin, Abiy waxa uu u muuqdaa inuu doonayo inuu dareenka u weeciyo bartilmaameed dibadeed: Eritrea.

Ka dib gumeystihii Talyaaniga, iyo ka dib sanado badan oo federaal iyo isku-darka Itoobiya ah, Eritrea waxa ay xornimadeeda heshay 1991. Laga soo bilaabo 1998 ilaa 2000, si kastaba ha ahaatee, dagaal ayaa mar kale ka dhex qarxay labada waddan, heshiisyadii Algiers ee xigayna ma keenin nabad dhab ah, balse xaalad “aan dagaal ahayn.” Kaliya imaatinkii Ra’iisul Wasaare Abiy ee 2018 ayaa dib loo bilaabay wada-hadal, kaasoo mar kale galay dhibaato ka dib heshiiskii Pretoria ee u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo Tigray.

Hadda Ra’iisul Wasaare Abiy waxa uu ka codsanayaa Eritrea inay dhisto deked ganacsi iyo saldhig ciidan badeed oo ku yaalla Assab. Waxa uu luminta dekeddaas ka dib madax-bannaanida Eritrea ku tilmaamay “qalad taariikhi ah.”

Dhab ahaantii, Eritrea marnaba ma diidin helitaanka dekedaha Massawa iyo Assab ee dhaq-dhaqaaqa ganacsiga. Dhanka lahaanshaha taariikhiga ah, dekedaha marnaba kuma aysan jirin Itoobiya marka laga reebo sannadihii federaalka, isku-darka, iyo gumeysiga millatariga. Eritrea madax-bannaan waxa ay dib u qabsatay dhulkeeda, oo ay calaamadeeyeen xuduudaha gumeystihii hore oo ay ku jireen dekedaha.

Fikradda ah in dal weyn uu heli karo bad ayaa laga yaabaa inay dhego furan ka hesho Yurub, inkasta oo aanay jirin hoggaamiye Yurub ah oo si furan u taageeray mowqifkan. Si kastaba ha ahaatee, jidka safarka Abiy waxa uu muujinayaa ujeedada ah in la helo taageero haddii ay dhacdo dagaal ka dhan ah Eritrea.

Waxa u muuqda inuu Ra’iisul Wasaare Abiy dejinayo waa hadallada saaxiibtinimada leh ee Faransiiska. Macron ma celin dhoola-caddaynta iyo gacan-qaadka, inkasta oo ay jiraan eedeymo ku saabsan xadgudubyo ba’an oo xuquuqda aadanaha ah oo ka dhacay gobollada Amxaarada iyo Oromada.

Kaarka kale ee Abiy uu ciyaarayo waa ballanqaadkiisa ku aaddan ilaalinta heshiiskii Pretoria (2022), oo la saxiixay ka dib laba sano oo dagaal ah oo u dhexeeyay dowladda Itoobiya (oo sidoo kale ay taageertay Eritrea) iyo TPLF. Si kastaba ha ahaatee, maanta Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) way kala qaybsan tahay, kooxda uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael-na waxa ay ku dhowaatay Eritrea, iyaga oo ka cabsi qaba suurtagalnimada dagaal cusub oo uu Abiy bilaabo.

Marka laga soo tago dariiqa diblomaasiyadeed, Abiy waxa uu sidoo kale raadinayaa taageero millatari oo ka yimaada Turkiga, oo horey u soo saaray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo isticmaalo duqeymaha gobolka Amxaarada, iyo Imaaraadka Carabta, oo laga yaabaa inay ku taageeraan dagaal ka dhan ah Eritrea.

Sida ay sheegayaan ilo gudaha ah, bilihii u dambeeyay ciidamada Itoobiya ayaa isku urursanayay xadka Eritrea.

Yurub waxaa sidoo kale xusay Desta Tilahum, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kacaanka Shacabka Itoobiya, kaasoo yiri: “Waxaan u baahannahay xiriir diblomaasiyadeed oo lala yeesho Midowga Yurub, laakiin waa inay dadka u anfacdaa, ma aha hal hoggaamiye oo keliya. Siyaasiyiinta Yurub waa inay ogaadaan in Itoobiya ay dadku maalin kasta u dhintaan gaajo, isku dhacyo gudaha ah, iyo sicir-barar. Carruurta ma aadaan dugsiga, dhalinyaradana waxaa lagu qasbaa inay dagaallamaan. Marna ma arag qas sidan oo kale ah. Haddii Itoobiya ay burburto, adduunka ayaa la kulmi doona cawaaqibka.”

Mucaaradka, oo inta badan la aamusiyo ama la caburiyo, ayaa ka cabsi qaba in safarka Abiy ee Yurub loogu talagalay in lagu ururiyo dhaqaale cusub oo aan loogu talagalin in lagu yareeyo dhibaatada balse lagu dhamaystiro mashaariicda raaxada ah laguna xoojiyo awoodda dowladda. Rooma, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu sidoo kale la kulmay Pietro Salini, oo ah madaxa shirkadda Webuild, oo ah shirkad dhismaha oo dhamaystiraysa Biya-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), laakiin horey u cabatay dib u dhac ku yimid bixinta lacagaha.

Dhanka kale, bartamihii bishii May, shaqo joojin baaxad leh oo ay sameeyeen shaqaalaha caafimaadka ayaa ka dhacday Itoobiya si ay uga mudaaharaadaan xaaladaha shaqo ee liita iyo mushahar yarida. Shaqo joojinta waxaa xigay caburin, iyada oo boqolaal qof la xiray, sida ay sheegtay Amnesty International.

Safarkii Abiy waxa uu ku soo gabagaboobay Vatican-ka, isaga oo la kulmay Baadari Leo XIV. Baraha bulshada, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu uga mahadceliyay “soo dhoweyntii diirran” iyo ballanqaadkii wadajirka ah ee nabadda adduunka. Fariin u muuqata mid laba-geesood ah, oo ku saabsan maalinta ka horeysa isku dhac cusub oo suurtagal ah oo lala galo Eritrea — rajo ay ka baqayaan dad badan.

War cusub oo kasoo kordhay shirka uu ku baaqay Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee qabsoomida gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh ee lagu casuumay madax-goboleedyada, mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Shirkan oo loo ballansan yahay 15-ka bishan ayaa waxaa faah-faahin ka bixiyay qaban qaabiyay wasiirka cadaadda iyo dastuurka oo kamid ah xubnaha u xilaasan gogosha.

Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in jadwalka shirka uu sidiisii yahay, isla markaana ajendaha uu yahay dastuurka, doorashooyinka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in shirkan aan loo xirin koox gaar ah ee uu yahay shir wadatashi ah oo dhinacyada oo dhan ay ka wada qayb-geli doonaan.

“Annaga koox gaar ah ma casuumin, ajandaha waa cad yahay waxaa laga hadlayaa Dastuurka, Doorashooyinka iyo Amniga, Akhyaari gar waa isku diida balse gogol iskuma diido” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Soomaaliya, Xasan Macalin Maxamuud.

Waxaa kale oo uu intaasi “Ma jirto meel aan ku niri loo joojin mayo, dalkaan waa la wada leeyahay, walaalayaalow gogoshaan ka soo qeyb gala, wixii aad tabaneysaan waa loo wada jooga”.

Dhinaca kale mucaaradka ayaa weli saluug ka muujinayo qaabka uu wax u wado Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna shiruud adag ku xireen ka qayb-galka shirka uu iclaamiyay oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo uu taagan yahay muran siyaasadeed oo wayn.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale shaki xoogan ka muujiyay shirka uu qabanayo Xasan Sheekh, waxayna sheegeen inuu taageero ugu raadinayo qorshihiisa, laakiin waxa ay taasi beddalkeeda dalbadeen in shirka uu noqdo mid xal looga gaaro khilaafka ka taagan dalka.

“Madashu waxa ay u aragtaa kulmada uu Madaxweynuhu qabanaayo 15-ka iyo 22-ka bishaan inay yihiin kuwa oo uu taageero ugu raadinaayo jidkii uu horay ugu joogay ee sababay khilaafka iyo kala aaminbaxa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka mucaaradka.

Sidoo kale, Madasha ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay dhaawaceyso niyad wanaagii ay markii hore kusoo dhaweysay gogosha uu dhigay Madaxweynaha, ayna niyad-jabineyso shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga ah ee rajada ka qabay gogosha taalla.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad adag, waxaana taaan khilaaf culus oo u dhexeeya dowladda fedeeraalka, qaar kamid maamul goboleedyada dalka iyo xubnaha mucaaradka.

Daawo: Dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday Muqdisho kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinnoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii gaari xamuul oo soo fariin goostay uu dardaray mooto Bajaaj, xilli uu marayay isgoyska Afarta Darjiin oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Shangaani ee gobolka Banaadir

Shilka ayaa dhacay xilli ay wadda mashquul ahayd, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo  isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay shilka, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida uu xaqiijiyay goobjooge ku sugnaa goobta, xilliga ay mashaqadu dhaceysay.

Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa darawalkii kaxeynayay mooto Bajaajta iyo qof kale oo saarnaa, iyada oo dhaawacyada si deg deg loola cararay goobaha caafimaadka.

“Meesha mootooyin badan ayaa maray baabuurka soo fariin goostay wuxuu horay u qaatay Bajaaj u socotay dhinaca Sanca, waxaana ku dhimatay laba qofood, waxayna kala ahayeen darawalka iyo qof shacab ah oo mootada saarnaa” ayuu yiri goobjooge la hadlay Telefishinka Somali Cable.

Dhacdadan ayaa si weyn ay dadka uga argagaxeen, waxaana muddo qaadatay in gaariga hoostiisa laga soo bixiyo maydadka iyo dhaawacyada.

“Gurmad wayn ayaa loo fidiyay dadka, Soomaali ayaa isugu timid meesha kadibna gaariga xamuulka waxaa laga dajiyay rarka, si looga hoos bixiyo dadka” ayuu sii raaciyay goobjoogaha.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo ay laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka ay ka bixiyeen dhacdadan iyo haddii la qabtay darawalkii waday gaariga xamuulka ah.

Shilalka gaari ee ka dhaca Muqdisho ayaa gaysta khasaarooyin badan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur, waxayna noqodeen dhacdooyin soo laa laabtay, iyada oo inta badan gaadiidka xamuulka ay yihiin kuwa duugoobay oo muddo dheer shaqeynayay

Kuuriyada Waqooyi oo si yaab leh uga hadashay liiska lagu daray Soomaaliya

Pyongyang (Caasimada Online) – Kuuriyada Waqooyi ayaa ka hadashay liiska xayiraadda socdaalka ee maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka uu saaray Soomaaliya iyo 11 dal oo kale, kaasi oo si lama filaan ah looga reebay Pyongyang.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Talaadadii sheegtay in aanay wax dan ah ka lahayn in lagu daro ama laga reebo liiska Maraykanka ee waddamada dadkooda laga mamnuucay inay Mareykanka u soo safraan, sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ah ee dalkaas.

Inkasta oo Pyongyang aan lagu darin liiskaas, haddana Wakaaladda Wararka ee Dhexe ee Kuuriya (KCNA) ayaa daabacday war jawaab u ah go’aankii Madaxweyne Donald Trump uu dhowaan ku shaaciyay xayiraad safar oo lagu soo rogay 12 waddan, oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Afghanistan, Myanmar, Haiti, Iran, Suudaan iyo Yemen.

Trump ayaa ku sababeeyay tallaabadaas — oo dhaqan gashay Isniintii — in ay qayb ka tahay dadaallada lagu difaacayo dalka lagana hortagayo “argagixisada shisheeye” iyo khataraha amni.

Warbixin la daabacay bishii Maarso ayaa muujisay in Kuuriyada Waqooyi iyo Ruushka sidoo kale laga fakaray in lagu daro liiska, balse ugu dambeyn laga reebay.

KCNA ayaa sheegtay in laga yaabo in aan lagu darin Kuuriyada Waqooyi liiska ay muujinayso istaraatijiyadda Maraykanka ee ah “ul iyo toon”, taasoo ujeedkeedu yahay in dib loo furo fursadda wadahadal.

Pyongyang ayaa intaas ku dartay in keliya Maraykanka uu caddeyn karo sababta looga reebay liiska — ha ahaato mid farsamo ama mid siyaasad — balse waxa la hubo, ayay tiri, waa in “anaga ahaan, aan gebi ahaanba wax xiiso ah u qabin arrinta gelitaanka Maraykanka.”

Xitaa haddii maamulka Maraykanka ee hadda jira uusan si ula kac ah ugu darin Kuuriyada Waqooyi liiska waddamada laga mamnuucay socdaalka, Pyongyang arrintaas ma danaynayso mana aragto sabab ay ugu faraxdo, sida lagu sheegay warbixinta KCNA.

Shaacin: Doorkii Imaaraadka Carabta ku lahaa heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa la ogaaday inuu ahaa dhinacii ugu weynaa ee ka dambeeyay heshiiska badda ee muranka dhaliyay ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, arrin si weyn u beddelaysa isu dheellitirka siyaasadeed ee Geeska Afrika, isla markaana kicinaysa xiisado siyaasadeed oo ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Heshiiskan is-afgarad (MoU), oo la saxiixay 1-da Janaayo 2024, ayaa Itoobiya siinaya marin xeebeed 19-kiloomitir ah oo ku yaalla agagaarka dekedda Berbera ee Somaliland. Bedelkeeda, Addis Ababa waxay ballan qaaday inay tixgelin doonto sheegashada madax-bannaanida Somaliland ee ka go’ista Soomaaliya.

In kasta oo si rasmi ah loogu muujiyay inuu yahay heshiis laba geesood ah, haddana saameynta istiraatiijiyadeed iyo maaliyadeed ee Imaaraadka—gaar ahaan iyada oo loo marayo shirkadda DP World oo taageero ka hesha dowladda Imaaraadka una maamusha dekedda Berbera—ayaa muujinaysa in Abu Dhabi ay fududeysay ama xitaa suurtagal ka dhigtay heshiiskan, iyada oo qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo ay ku doonayso inay ku xakunto marin-biyoodka Badda Cas.

Istaraatiijiyadda dekedaha ee Imaaraadka

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Imaaraadka Carabta wuxuu si isdaba joog ah u ballaariyay saameyntiisa Geeska Afrika, isagoo maalgashi ku sameeyay dekedo, xarumo milatari, iyo kaabayaal gaadiid oo ku yaalla deegaanada istiraatiijiga ah ee xeebaha leh.

Joogitaanka Imaaraadka ayaa si xawli ah uga kordhay dalalka Jabuuti, Eritrea, Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyada oo la adeegsanayo magaca horumarin iyo adeeg xamuul. Si kastaba ha ahaatee, dadka dhaliila ayaa ku tilmaamaya dadaalladan in ay yihiin xeelad awood kororsi oo siyaasadeed.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa bishii May 2025 si dhif ah u bixiyay wareysi daah-furan, isagoo ku eedeeyay Imaaraadka Carabta inuu wado “gumeysi casri ah,” isagoo adeegsanaya awood dhaqaale iyo heshiisyo istiraatiiji ah si uu ula wareego hantida dhaqaalaha ee muhiimka ah.

“Imaaraadku waxay noo wajahayaan si cadaawad ah tan iyo markii aan diidnay shuruudahooda,” ayuu yiri Geelle. “Annaguna marnaba ma oggolaan doonno.”

Geelle wuxuu xiisadda hadda taagan la xiriiriyay go’aankii Jabuuti ku laashay qandaraaskii maamulka dekedda ee ay horay u heshay DP World sanadkii 2012, taasoo dhalisay muran sharciyeed iyo mid siyaasadeed oo sanado socday.

Wuxuu ka digay in damaca Imaaraadka uu haatan ku baahay guud ahaan gobolka—laga bilaabo Doraleh ilaa Berbera iyo Assab—taasoo khatar gelinaysa doorkii Jabuuti ee bartamaha ganacsiga Badda Cas.

Jabuuti waxay muddo dheer ahayd marinka badda ee ugu weyn Itoobiya, taasoo keentay dakhli malaayiin doollar ah iyo miisaan siyaasadeed oo muhiim ah. Hase yeeshee, heshiiska Berbera iyo dadaallada lagu soo noolaynayo dekedda Assab ee Eritrea—labaduba ay garab taagan tahay Imaaraadka—ayaa khatar gelinaya doorkaas.

Si ay u ilaaliso saameynteeda, Jabuuti waxay qaaday tallaabooyin ay ka mid yihiin:

  • Casriyeynta dekedda Doraleh iyadoo rakibtay wiishash waaweyn iyo kordhin xamuul qaadkeeda,
  • Kala dirista sanduuqa maalgelinta qaranka si looga hortago saamaynta Imaaraadka,
  • Xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Soomaaliya, Sacuudiga iyo Masar si ay uga hortagto isbahaysiga uu Imaaraadku hoggaaminayo.

Hadalka Geelle wuxuu muujinayaa walaac sii fidaya oo ah in Jabuuti si istiraatiiji ah loo hareeraynayo—dhaqaale ahaan, diblomaasi ahaan, iyo xagga amniga.

Soomaaliya oo si adag u jawaabtay

Dowladda Soomaaliya waxay heshiiska Itoobiya–Somaliland u aragtay mid si toos ah ugu xadgudbaya madax-bannaanideeda. Dowladda Federaalka ayaa si degdeg ah u cambaareysay heshiiska, waxayna u yeertay safiirkeedii Itoobiya iyadoo sidoo kale ku hanjabtay inay tallaabo sharci ah qaadi doonto.

Si loo dejiyo xiisadda, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa 11-kii December 2024 ku kala saxiixday magaalada Ankara heshiis loo bixiyay Baaqa Ankara, kaasoo uu fududeeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Heshiiskaasi wuxuu dib u xaqiijiyay ixtiraamka madax-bannaanida labada dal, wuxuuna u furay Itoobiya waddo sharci ah oo ay marin ugu hesho dekedaha si rasmi ah loo aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Kadib heshiiska:

  • Itoobiya waxay ballan qaaday inay wadahadallo rasmi ah la yeelan doonto dowladda Federaalka si ay deked ugu hesho,
  • Soomaaliya waxay ku adkaysatay in dhammaan heshiisyada la xiriira badda lagu saleeyo dastuurka,
  • Wadahadallada diblomaasiyadeed ayaa dib u bilaabmay iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa Janaayo 2025.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya weli si rasmi ah ugama tanaasulin heshiiskii ay la gashay Somaliland, taasoo keentay mugdi ku saabsan sharciyaddiisa iyo sida loo fulin doono mustaqbalka.

Khariidadda gobolka oo dib loo qaabeeyay

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Imaaraadku dhisay jiho cusub oo istiraatiiji ah oo ku saleysan isbahaysiga Itoobiya iyo Somaliland, taasoo si cad u caqabadeynaysa doorkii dhaqameed ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Malaayiin doollar oo maalgashi ah oo ay Imaaraadku ku sameeyeen Itoobiya ayaa u suurta geliyay inay kala duwdo marinkeeda ganacsi oo aysan si buuxda ugu tiirsanaan Jabuuti, iyadoo sidoo kalena sare u qaaday dadaallada Somaliland ee raadinta aqoonsi caalami ah.

Isbeddelkan ayaa sidoo kale saameeyay xisaab-xirka amniga gobolka. Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa u soo janjeeray dhanka dalalka Sacuudiga, Masar iyo Turkiga—kuwaas oo ka walaacsan ballaarista saameynta Imaaraadka, kuna dadaalaya inay garab istaagaan midnimada Soomaaliya iyo isku dheelitirka gobolka.

Doorka hoose ee Imaaraadku ka ciyaaray heshiiska Itoobiya–Somaliland ma ahan oo keliya mid diblomaasiyadeed—waa istiraatiiji. Iyada oo loo marayo maalgelinta dekedaha, taageerada milatari, iyo ka faa’iideysiga khilaafaadka gobolka, Abu Dhabi waxay si qoto dheer u beddeleysaa khariidadda Geeska Afrika.

Jabuuti, waxay halgan ugu jirtaa badbaadinteeda dhaqaale. Soomaaliya, waxay dagaal ugu jirtaa difaaca midnimadeeda iyo madax-bannaanideeda. Itoobiya, waxay raadineysaa helitaanka marin-biyood ay muddo dheer ku taamaysay.

Puntland oo shuruudo ay ku jirto doorashadii Jubaland ku xirtay gogosha Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in aysan ka qeyb geli doonin gogosha wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sababta ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan u hoggaansaneyn dastuurka iyo sharciga dalka.

Wasiirka Cadaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, ayaa sheegay in Puntland aysan wax wadahadal ah la furi doonin Dowladda Federaalka, ilaa buu yiri ay ku soo laabato xayndaabka dowladnimada.

Sidoo kale, wasiirkaan u hadlay Puntland ayaa sheegay in sidoo kale dowladda federaalka ay shuruud uga dhigeyso inay ogolaato in gogol wadatashi qaran oo dhab ah laga dhigo.

Qodobada ay Puntland shuruudda uga dhigtay ka qeyb-galka gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa sidoo kale kamid ah, in dowladdu ay ku noqoto dastuurkii lagu heshiiyay August 2012-kii, sidoo kalena dib loo soo celiyo Golihii Wadatashiga Qaranka oo isku beddelay xisbi siyaasadeed, in dalka loo jiheeyo doorasho qaran oo heshiis lagu yahay iyo in dowladu ay aqbasho doorashadii Jubbaland.

Wasiirka Cadaaladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka dhego-adaygay baaqyada bulshada ee tilmaamayey in jidka ay dowladdu ku socoto uusan ahayn mid sax ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 15-ka bishaan iclaamiyey gogol siyaasadeed oo siyaasiyiinta iyo hoggaanka bulshada uu u fidiyey si looga wadahadlo arrimaha khilaafku ka taagan yahay iyo nidaamyada muhiimka u ah dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gogoshani ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wadahadalka, kalsoonida iyo iskaashiga u dhexeeya qaybaha kala duwan ee hoggaanka siyaasadda iyo bulshada, si loo adkeeyo midnimada qaranka iyo horumarka dalka.

Ilaa hadda ma muuqato saansaan muujineysa in gogoshaasi ay furmi karto waqtigii loo qorsheeyey oo seddax maalmood ay ka harsan yihiin, mucaaradka ayaa sidoo kale horay shuruudo ugu xiray kasoo qeyb galka gogoshaas.