25.1 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Trump oo shaaciyey xilliga la saxiixayo heshiiska Iran iyo Israel oo aad u caraysan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iran ay Axadda saxiixi doonaan heshiis nabadeed oo dib loogu furayo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, laguna soo afjarayo dagaalka.

“Heshiiska waxaa loo qorsheeyay in berri la saxiixo, isla marka la saxiixana marinka Hormuz wuxuu u furnaan doonaa cid walba,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu Sabtidii ku daabacay barahiisa bulshada.

Hadalka Trump ayaa yimid saacado kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, oo dalkiisu door dhexdhexaadin ah ka ciyaaray wadahadallada, uu sheegay in la diyaarinayo “saxiix elektaroonik ah” oo lagu meelmarinayo heshiiska, kadibna ay toddobaadka dambe billaaban doonaan wadahadallo farsamo oo faahfaahsan.

Si kastaba, Iran ayaa muujisay taxaddar. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in aan qorshe jirin oo dhigaya in wafdi Iranian ah uu maalmaha soo socda u safro Geneva ama meel kale si uu u saxiixo heshiis.

Wuxuu sheegay in horumar jiro, balse uusan weli jirin heshiis kama dambeys ah oo Axadda la saxiixayo.

Mareykanka iyo Iran midkoodna si rasmi ah uma shaacin qoraalka heshiiska hordhaca ah ee laga hadlayo. Hase yeeshee saraakiil Mareykan iyo Iranian ah ayaa sheegay in qodobbada miiska saaran ay ku jiraan dib u furista marinka Hormuz, joojinta xayiraadda Mareykanka ee dekedaha Iran, iyo kordhinta xabbad-joojinta hadda jirta muddo 60 maalmood ah.

Mudadaas, labada dhinac ayaa lagu wadaa inay galaan wadahadallo qoto dheer oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, cunaqabateynta Mareykanka, iyo qaabka Tehran loogu fasixi karo qeyb ka mid ah lacago badan oo kaga xayiran bankiyada dibadda.

Marinka Hormuz ayaa ah halbowlaha ugu muhiimsan ee shidaalka adduunka, waxaana isaga mara qayb weyn oo ka mid ah saliidda iyo gaaska caalamka. Xiritaanka ama khalkhalka ku yimaada marinkaas ayaa si degdeg ah u saameeya qiimaha tamarta, maraakiibta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalal badan.

Ilaha la hadlay Reuters ayaa sheegay in qodobbada la diyaarinayo ay sidoo kale dhigayaan in Washington ay bilowdo fasixidda balaayiin dollar oo ka mid ah hantida Iran ee xayiran, isla markaana ay ka tanaasusho qaar ka mid ah cunaqabateynta dhoofinta saliidda Iran, haddii Tehran ay furto marinka Hormuz oo ay ilaaliso qodobbada heshiiska.

Warbaahinta Fars ee Iran ayaa dhankeeda sheegtay in Baghaei uu ku adkeystay in fasixidda hantida Iran ay tahay qeyb muhiim ah oo heshiiska ka mid ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Iran ay xaq u leedahay inay lacag ka qaaddo adeegyada la xiriira marinka Hormuz, isla markaana uu ka hadlay baahida loo qabo in la soo afjaro saldhigyada ciidan ee shisheeye ee gobolka, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Inkasta oo Trump iyo Pakistan ay muujinayaan rajo, haddana xaaladda dhulka ayaa weli muujineysa khatar weyn oo heshiiska curyaamin karta.

Saraakiil militari ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay Sabtidii dhexda u galeen oo burburiyeen diyaarado drone ah oo Iran leedahay, kuwaas oo la sheegay inay ku wajahnaayeen maraakiib ganacsi oo marayay agagaarka Hormuz. Dhacdadaas ayaa muujisay sida ay u jilicsan tahay xilligan diblomaasiyadeed, xitaa iyadoo Washington iyo Tehran ay sheegayaan in wadahadalladu meel wanaagsan marayaan.

Waxaa sidoo kale weli socda dagaalka Lebanon, halkaas oo Israel iyo ururka Hezbollah ee ay Iran taageerto ay dagaal ku jireen in ka badan 100 maalmood. Iran waxay dooneysaa in heshiiska ballaaran ee gobolka uu ku daro joojinta dagaalka Lebanon iyo in ciidamada Israel ay ka baxaan dhulka Lebanon ee ay haystaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in heshiiska la diyaarinayo uu horseedi karo in dagaalka Lebanon uu dhammaado, taas oo Tehran u fasiratay inuu ku jiro cadaadis lagu saarayo Israel inay ka baxdo goobaha ay qabsatay.

Laakiin Israel ayaa si adag uga hortimid arrintaas. Wasiirka difaaca Israel ayaa sheegay in dalkiisu uusan ciidamadiisa kala bixi doonin meelaha uu u arko inay muhiim u yihiin amnigiisa, halka sarkaal sare oo Israeli ah uu sheegay in Tel Aviv ay filayso inay sii haysato xorriyaddeeda ay kaga hortagto “halisaha” ay aragto.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uusan qeyb ka ahayn heshiiska Mareykanka iyo Iran. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Israel ay ka careysan tahay suurtagalnimada in heshiis lala saxiixdo Tehran iyadoo aan Tel Aviv laga helin oggolaansho ama dammaanad ay ku qanacdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay xiriir kala dhexeeyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi xasaasi ah bixiyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiriirka kala xiriirka kala dhexeeyo Maxamed Farmaajo iyo dhinacyada kale ee kasoo horjeedo.

Madaxweynaha oo la hadlay Barnaamijka Miisaan Podcast ee Dawan, ayaa marka hore qiray inay si joogta u wada xiriiraan isaga iyo Madaxweynihii ka horreeyay Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isla markaana ay farriimo quseeya xaaladda dalka iyo talooyin ay is waydaarsadaan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale xusay in xubnaha kale ee Madasha Samatabixinta uusan wax xiriir ah la lahayn, isaga oo ku eedeeyay inay hubeysan yihiin, isla markaana ay fowdo ka wadaan magaalada Muqdisho.

“Farmaajo mar kasta waan wada-hadalnaa, farriimo ayaan isku qornaa, laakiin saaxiibadeyda kale [Madasha Mucaaridka] qoryo ayey qaateen taasna ma aha siyaasad,” yuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday baaqii Farmaajo ee ku saabsanaa martigelinta wada xaajoodka dhinacyada siyaasadda, gaar ahaan isaga iyo Shariif oo uu ku casuumay gurigiisa, xilli uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan helin codsi rasmi ah oo arrintaas la xiriira.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay dooda ay qabaan  mucaaradka ayaa si cad u sheegay in dowladdiisa aysan ka laaban doonin qorshaheeda ku aaddan hirgelinta doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah. Waxaa kale oo uu diiday baaqyada ku saabsan in dib loogu laabto Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012.

“Dastuurkii 2012 waa taariikh. Wuu noo yaallaa, laakiin waa laga soo gudbay,” ayuu wareysiga ku yiri Madaxweynuhu.

Qaraxyo lagu diyaariyay magaalada Jowhar oo la fashiliyay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay ciidamada ammaanka HirShabelle ka sameeyeen Jowhar, kuwaas oo lagu fashiliyay qaraxyo lagu diyaariyay magaaladaas oo uu Khamiistii booqasho ku tegay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaraxyada oo miino ahaa ayaa la dhigay qaybo kamid ah xaafadaha Horseed iyo Buulo Sheekh ee degmada Jowhar halkaas oo ugu dambeyn lagu fashiliyay.

Sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah qaraxa koobaad ayaa la dhigay xafiiska xaafadda Horseed, halka qaraxa labaadna lagu aasay waddo ku taalla xaafadda Buulo Sheekh, waxaana soo saaray ciidanka amniga oo fashiliyay.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay kusoo wargeliyeen qaraxada, kadibna sidaas looga hortegay.

Xaaladda ayaa hadda deggan, iyado ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay falalkaas oo lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo ay Jowhar ku sugan yihiin wafuud kala duwan oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo ka qayb-galay furitaanka mashaariic muhiim ah oo laga hirgaliyay caasimada HirShabelle.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale weerarro qaraxyo ah oo loo adeegsaday bambaanooyin ay ka dhaceen magaaladan, kuwaas oo lagu weeraray xarumo ciidan iyo guryo ay dagan yihiin saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo dilal qorsheysan ka fulisa magaalada caasimada ah ee Jowhar iyo deegaannada ku xeeran ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo uu weli ka socdo gulufka dowladda.

Madaxweyne Aadan Madoobe oo magacaabistiisii ugu horreysay sameeyay

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Khamiistii si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa maanta sameeyay magacaabistiisii ugu horreysay ee la xiriirta dhismaha maamulkiisa.

Sheekh Aadan Madoobe oo wareegto soo saaray ayaa Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed u magacaabay agaasimaha KMG ah ee madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyada oo la faray inuu dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla.

“Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed U-Magacaabay Agaasimaha ku Meel Gaarka ah ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya,’ ayaa lagu yiri digreetada kasoo baxday xafiiska Aadan Madoobe.

Sidoo kale, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Aadan Madoobe uu sameeyo magacaabisyo cusub oo la xiriira hay’adaha maamulka, sidoo kalena uu soo dhiso golihiisa wasiirada.

Madaxweyne Aadan Madoobe ayaa marka xilka la wareegayay munaasabadda ka sheegay inuu dardargelinayo waajibaadka loo doortay, isaga oo sidoo kale hoggaamiyihii kumeel-gaarka ahaa ee xilka ku wareejiyay uga mahadceliyey shaqadii iyo dadaalkii uu geliyey xilliga kala guurka ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, ha’ahaatee, Kala baxa doorashada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi ah, iyadoo mucaaradka ay horay u diideen qaabka loo mareeyay doorashadaas.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo ka dhalatay xiisad culus oo ku aadan sida ay Villa Somalia u wajahayso doorashooyinka heer feederaal iyo heer dowlad-goboleed oo ay diidan yihiin mucaaradka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaab ka bixiyay hadallada TRUMP

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee Dawan Tv ayaa wax laga waydiiyay hadallada gefka loo arkay ee uu marar badan Madaxweynaha dalka Mareykanka ka sheegay Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa su’aal ka keenay hadallada soo noq-noqday ee Donald Trump, isaga oo xusay in ay mudan tahay in marka hore la waydiiyo cida uu ka wado, gaar ahaan Soomaalida ku nool Mareykanka iyo kuwa jooga gudaha dalka.

“Madaxweynaha Mareykanka, Trump way fiicnaan lahayd in isaga la waydiiyo inuu Soomaalida Mareykanka joogta u jeedo iyo inuu ka wado Soomaalida joogta Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya iyo Mareykanku aanu ka dhexeynin dagaal, isla markaana uu wanaagsan yahay xiriirkooda, isaga oo xusay in Washington ay weli sii wado taageeradeeda wayn ee ku aadan dagaalka adag lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Annaga iyo Mareykan ma dirirsanin, cilaaqaadkeenii noo dhexeeyayna waa fiican yahay, kaalmooyinkii uu Maraykanku siinayay Soomaaliya ee ay ugu wayneyd la dagaalanka argagixisadu sidii iyo sidii iyo si kasii xoog badan ayay noo siiyaan, fagaarayaasha caalamka looga doodana Mareykanku waa nagu garab istaageen, aad iyo aad baana uga mahadcelinaynaa,” ayuu markale yiri.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday arrimahaha socdaalka, gaar ahaan diidmada fiisaha Mareykanka oo dhawaan saameysay garsooraha Soomaaliyeed ee heerka caalami Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii loo diiday inuu galo Mareykanka, si uu uga qayb-galo ciyaaraha koobka Adduunka. Madaxweynaha ayaa sheegay in arrinta diidmada aysan ku koobneyn Soomaaliya oo kaliya, ayna jiraan waddamo kale oo uu xayiraad saaray Mareykanka.

“Dad badan waxay is waydiinayaan arrinta fiisaha uu Mareykanku diiday, arinta fiisuhu maaha mid u gaara Soomaaliya keliya, todoba Wadan oo Soomaaliya kamid tahay ayuu Mareykanku xayiraad saareym waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego, xayiraadna lama saari lahayn, naloomana soo qasdi lahayn ee dalka aan u yeelno dowlad xoogan oo dalkoo dhan hanata.” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, Hadallada Trump oo dhaliya falcelin xoogan ayaa si muuqata u xambaarsan cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah. Madaxweynaha Mareykanka oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa weli ku celinaya weeraro afka ah oo uu ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya.

Daawo: Somaliland oo jawaab kulul siisay Xasan Sheekh

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay hadal xalay kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimo ku addan ictiraafka Somaliland, isaga oo sheegay in qoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland aanu ahayn mid dhab ah, balse uu tilmaamay inuu yahay “dabin” ay ku dhacayso Somaliland.

Wareysi uu siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee ka baxa Dawan, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in tallaabada Israa’iil aysan waxba ka beddeleyn mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun oo sheegay in Somaliland ay dowladnimadeeda u dhammaystiran tahay, wuxuuna sidoo kale farriin cad u diray Xasan Sheekh.

“Xasanow dad maanta dowladnimadooda  u dhammaystiran tahay ayaanu nahay ciidankayagu cudud buu leeyahayxidhiidho caalami ahna maanta waanu haysanaa ee wax kaa dhul yaallaa yaanay jirin, gabbalkuna kaaga dhicin waxa aad awood hayso lasoo diyaar garow,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku dhuftay in Xasan uu diyaar u yahay, balse Somaliland ay iska difaaci doonto ayna leedahay ciidan ku filan oo xajin kara nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

“Xasan wuxuu dunida u sheegay inuu dagaal diyaar u yahay dowladda Somaliland waa dowlad astaan ay u tahay xasilooni, nabad-gelyo wadajir, doorasho, dimuquraadiyad iyo hormar ay kaga dhex ifeyso mandiqadda,” ayuu mar kale Wasiir Barkhad Jaamac Batuun.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Xasan wuxuu xalay qolofta ka qaaday nabarro qooyanaa mana moogana in Somaliland, shacabkeeda iyo xukuumaddeedaba ay ka dhiidhiyeen 35 sano kahor kuwo isaga ka awood badnaa oo harcad ay cashir u dhigeen”.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli aqoonsigii ay Israa’iil u fidisay Somaliland 26-kii December 2025 uu dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan, iyadoo Soomaaliya, dalal Carbeed iyo ururka Iskaashiga Islaamka ay tallaabadaas ku tilmaameen mid dhaawaceysa madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Mucaaradka oo laga dalbaday inay halka sano u daayaan Xasan + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo farriin u diray mucaaradka.

Indhacadde oo ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa dalab xasaasi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan, isla markaana Madaxweynaha ay u daayaan halka sano ee loo kordhigay, kadib ansixiintii Dastuurka cusub oo ay meel mariyeen labada Gole.

Sidoo kale, wuxuu ka codsaday Madaxweynaha in isaguna uu ka shaqeeyo sidii dalkan looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, si looga hortago in dalku galo fowdo iyo qalalaase siyaasadeed oo saameyn kara dowladnimada.

“Mucaaradka waxaan leeyahay Madaxweynaha halka sano u daaya, Madaxweynahana waxaan leeyahay doorasho heshiis lagu yahay ha qabto,” ayuu yiri Jeneraal Yuusuf Indhacadde.

Dhanka kale, wuxuu dhammaan madaxda Soomaaliyeed ku booriyay inay iska daayaan siyaasadd daneysiga ah, ayna si cadaalad ah ugu shaqeeyaan dadkooda.

“Waxaan leeyahay madaxda Soomaaliyeed inay iska dhaafaan iiga degta oo Ilaahey ay ka baqaan wixii lagu heshiiyo oo ummadda ku heshiidu oo lagu doorto haku cadaalad faleen,” ayuu mar kale yiri Jeneraal Indhacadde.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo culus iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan madaxda Villa Soomaaliya iyo kooxaha siyaasiyiinta mucaaradka.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga kala guurka waxaa is qabta siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kuwaas oo marar badan qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo halis gelin gaaray dowladnimada curdunka ee Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo shaaciyey waxa dhex-maray DF iyo Israel ka hor aqoonsigii Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland mid aan ahayn aqoonsi dhab ah, balse uu sheegay inuu yahay “dabin” ay ku dhacayso Somaliland.

Wareysi uu siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee ka baxa Dawan, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in tallaabada Israa’iil aysan waxba ka beddeleyn mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa imanaya xilli aqoonsigii ay Israa’iil u fidisay Somaliland 26-kii December 2025 uu dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan, iyadoo Soomaaliya, dalal Carbeed iyo ururka Iskaashiga Islaamka ay tallaabadaas ku tilmaameen mid dhaawaceysa madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse aan muddo ka badan soddon sano helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintan ay ka mid tahay dhacdooyinka ugu culus ee saameyn kara mustaqbalka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu xusay in dhammaan dowladaha caalamka, marka laga reebo Israa’iil, ay weli Somaliland u aqoonsan yihiin qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana uusan jirin isbeddel weyn oo ku yimid mowqifka beesha caalamka ee ku saabsan midnimada Soomaaliya.

“Somaliland ictiraaf ma helin soddon iyo dhowr sano, haddana ma helayso, kanna ictiraaf ma aha, ee waa dabin,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar walba doorbideysay wada-hadal iyo is-afgarad si xal looga gaaro arrinta Somaliland, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan ama tallaabooyin sii fogeyn kara labada dhinac.

Waxa uu sheegay in muddo ka badan soddon sano la isku dayayay in xal siyaasadeed lagu gaaro wada-hadal, isla markaana dowladda federaalka ay weli aaminsan tahay in jidkaasi yahay kan ugu habboon ee lagu ilaalin karo midnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Israa’iil ay marar hore xiriir la soo sameysay dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay dhowr jeer codsatay in labada dal yeeshaan xiriir rasmi ah oo diblomaasiyadeed, balse Soomaaliya aysan aqbalin codsiyadaas.

“Israa’iil dhowr jeer ayay nagu soo dhawaatay oo waxay rabtay inaan xiriir yeelanno. Waxaan u sheegnay in waqtigaas arrintani aysan habboonayn,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mowqifka Soomaaliya uu ku saleysan yahay arrimo bani’aadannimo, xuquuqda aadanaha iyo xaaladda shacabka Falastiin.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya aysan doonayn in lagu dhex jiido dagaallo, loollan siyaasadeed iyo dano istaraatiiji ah oo aysan iyadu lahayn, gaar ahaan xilli gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay noqdeen meel ay si weyn isugu hardinayaan quwado kala duwan.

Xasan Sheekh ayaa ka digay in tallaabada Israa’iil ay keeni karto cawaaqib siyaasadeed iyo mid amni oo saameyn ku yeesha guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa ku adkeystay in dowladda federaalka aysan waxba ka beddeli doonin mowqifkeeda ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, isagoo sheegay in arrinta Somaliland lagu xallin karo oo keliya wada-hadal Soomaaliyeed iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

Loolan xoogan oo loogu jiro kursigii uu baneeyay Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa haatan bilowday loolan xoogan oo loogu jiro xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, oo uu banneeyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo Khamiistii loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay

Siyaasiyiin kasoo jeedo Koonfur Galbeed, oo saami ahaan leh kursiga ayaa haatan bilaabay olole ay ku doonayaan inay kusoo buuxiyaan, maadaama uu bannaanaaday.

Xildhibaan Saadaad Maxamed Nuur (Caliyow), sidoo kalena ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan Baydhaba ku dhawaaqay inuu u sharraxan yahay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, isaga oo xildhibaannada ka codsaday inay codkooda siiyaan.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in musharraxnimadiisa uu ka talageliyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, uuna la imaan doono waxqabad muuqda.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo aniga oo ah Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, ahna xildhibaan ka tirsa Golaha Shacabka inaan musharrax u ahay u taaganahay kursiga gudoomiyaha inaan buuxiyo arrintaas waxaa talo ka leh Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale waxaa talo ka leh Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo waxgaradka,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaad.

Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Xildhibaannada BFS waxaan si gaar ah uga codsanayaa inay codkooda isiiyaan anigu waxaan rabaa inaan ka shaqeeyo muddada dhimman Baarlamaan mideysan iyo xildhibaan xasaanad iyo xurmo leh”.

Dhanka kale, waxaa jira siyaasiyiin kale oo iyaguna u hanqal taagayo kursigan, waxaana kamid ah Wasiirka Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo dhawaan uun soo qaaday kursi xildhibaannimo.

Wararka ayaa sheegaya in Jaamac uu haatan si hoose u wado olole uu ku doonayo inuu ku helo xilka guddoomiyaha, taas oo lololanka ka dhigeyso mid adag.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu dhawaan dib u furmo, isla markaana uu guda galo shaqadiisa, maadaama uu kororsaday hal sano, si lamid ah hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo shaaciyey laba arrin oo mucaaradka ay rabaan oo uusan aqbali karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ah inay ka soo horjeedaan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo nidaamka xisbiyada badan.

Wareysi uu siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee ka baxa Dawan, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in dowladda federaalka ay doonayso in Soomaaliya u gudubto nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan codka shacabka iyo xisbiyo siyaasadeed oo sharciyeysan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in khilaafka ugu weyn ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka aanu ahayn mid shaqsiyeed, balse uu salka ku hayo jihada siyaasadeed ee dalka.

“Mucaaradku waxay rabaan in dalka uu ku sii jiro nidaamkii hore ee doorashooyinka dadban,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay doonayso in siyaasadda Soomaaliya laga wareejiyo nidaam ku dhisan shaqsiyaad, loona gudbo hannaan ay hoggaaminayaan xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah.

Waxa uu ku dooday in xisbiyada siyaasadeed ay muhiim u yihiin kobcinta dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo tartanka siyaasadeed ee furan.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in marar badan uu mucaaradka ka codsaday inay soo bandhigaan aragti kale oo lagu beddeli karo qorshaha dowladda, balse sida uu sheegay aysan weli keenin qorshe cad.

Waxa uu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay dood kasta oo ku saabsan doorashooyinka iyo dastuurka, haddii dooddaas lagu saleeyo aragti siyaasadeed iyo sharci.

Madaxweynaha ayaa ku celiyay in dowladda aysan ka laaban doonin qorshaheeda ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si cad u diiday baaqyada ku saabsan in dib loogu laabto Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012.

Waxa uu sheegay in dastuurkaasi uu galay taariikhda dastuurrada Soomaaliya loo dejiyay, balse aan dib loogu noqon karin sidii uu ahaa.

“Dastuurkii 2012 waa taariikh. Wuu noo yaallaa, laakiin waa laga soo gudbay,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda hadda jirta aysan sameyn dastuur cusub, balse ay fulisay dib-u-eegistii dastuurka ee lagu waajibiyay hay’adaha dowladda.

Waxa uu xusay in baarlamaannadii hore dhowr jeer dib u dhigeen dhameystirka dib-u-eegista dastuurka, iyadoo mar kasta hawsha loo wareejinayay baarlamaanka xiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda hadda jirta aysan doonayn in mar kale dib loo dhigo hawshaas, isagoo ku dooday in cid kasta oo qabta cabasho ama aragti ka duwan tan dowladda ay soo bandhigi karto qodobada ay diiddan tahay iyo sababaha ay u diiddan tahay.

“Qofkii qaba in qodob la beddelo waa inuu keenaa sabab sharci iyo maslaxad ku dhisan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in habraaca wax-ka-beddelka dastuurka uu ku qoran yahay dastuurka laftiisa, isla markaana la raaci karo mar kasta oo loo baahdo.

Waxa uu ku adkeystay in dib loogu noqdo Dastuurkii 2012 aysan ahayn arrin macquul ah, balse wixii sixid ama dib-u-eegis ah lagu sameyn karo dastuurka hadda jira.

Iiraan oo balaayin dollar ka qaaday Imaaraadka Carabta si looga joojiyo weerarada

Abu Dhabi (Caasimada Online) — Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramay inuu ogolaaday in Iran loo fasaxo balaayiin dollar, tallaabo la sheegay inay qeyb ka tahay isbeddel xeeladeed oo dhacay kadib toddobaadyo ay Iran weerarro ku qaaday dalkaas Khaliijka ah intii uu socday dagaalkii Mareykanka iyo Israel ay kula jireen Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Afar ilo-wareed ayaa Reuters u sheegay in tallaabadan, oo aan hore loo shaacin, ay kusoo aaday xilli ay meel gabagabo ah marayaan wada-hadallo ballaaran oo Tehran iyo Washington uga socda joojinta dagaalka.

Diblomaasiyiin ayaa sheegay in wada-hadalladaas ay qeyb ka noqon karaan in Iran loo fasaxo tobanaan bilyan oo dollar oo ah dakhliga shidaalkeeda, kuwaas oo ku xayiran bankiyo shisheeye sababo la xiriira cunaqabateynta Mareykanka.

Laba ilo-wareed oo gobolka ah ayaa sheegay in Imaaraadka uu ogolaaday in Iran loo sii daayo lacag dhan 10 bilyan oo dollar, islamarkaana in ka badan saddex bilyan oo dollar horey loo gaarsiiyey.

Laba ilo-wareed kale oo xog ogaal u ah qorshaha ayaa sheegay in lacagta guud ee laga hadlayo ay gaareyso 20 bilyan oo dollar, iyagoo intaas ku daray in tallaabada lagu heshiiyey ay qeyb ka tahay dadaal lagu joojinayo weerarrada Iran ee ka dhanka ahaa Imaaraadka.

Mid ka mid ah ilahaas ayaa sidoo kale sheegay in qeybtii ugu horreysay oo dhan saddex bilyan oo dollar horey loo diyaariyey ama loo fasaxay.

Imaaraadka oo si adag u beeniyey

Reuters ma xaqiijin in lacagaha la sheegay in la wareejinayo ay yihiin hanti uu leeyahay Imaaraadka, iyo in kale inay ka mid yihiin lacagihii Iran ee muddada dheer ku xayirnaa nidaamka bankiyada Imaaraadka ama dalal kale.

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay subaxnimadii Sabtida si adag ugu beenisay wararka sheegaya in lacagahaas la wareejiyey, oo ay ku jiraan sheegashada la xiriirta saddexda bilyan ee dollar.

Wasaaradda ayaa sheegtay in wararkaas ay yihiin “kuwo gebi ahaanba been ah oo aan sal lahayn,” waxayna ku adkeysatay in Imaaraadka uusan sii deyn, wareejin ama fududeyn wax lacag ah oo Iran uga xayirnaa cunaqabateyn.

War-saxaafadeedka Imaaraadka ma bixin faahfaahin dheeraad ah.

Ka hor inta aan la soo saarin beeninta, sarkaal Imaaraati ah oo Reuters wax ka weydiisay arrintan ayaa sheegay in siyaasadda dibadda ee Abu Dhabi ay ku dhisan tahay dejinta xiisadaha iyo taageeridda nabadda gobolka.

“Siyaasadda dibadda ee Imaaraadka waxaa hagaya dadaalka lagu dhimayo xiisadaha gobolka, iyadoo la horumarinayo nabad iyo xasillooni waarta,” ayuu yiri sarkaalku.

Weerarkii ugu dambeeyey ee Iran

Aqalka Cad weli kama uusan jawaabin codsi faallo ah oo laga dalbaday arrintan.

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa Jimcihii sheegay in wax lacag ah aan loo sii deyn doonin Iran keliya sabab la xiriirta inay saxiixdo heshiis ama ka qeyb gasho kulan.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiska suuragalka ah loo qaabeeyey qaab hubinaya in Tehran ay hesho faa’iidooyin dhaqaale kaliya haddii ay fuliso waajibaadkeeda.

Ma jirin jawaab degdeg ah oo ka timid mas’uuliyiinta Iran.

Ilaha Reuters la hadlay dhammaantood waxay diideen in magacyadooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta.

Qorshahan lagu warramay ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka Imaaraadka iyo Iran, kaas oo bilihii dagaalka uu hareeyay cadaawad muuqata.

Weerarrada Iran ayaa la sheegay inay saameyn xooggan ku yeesheen Imaaraadka, gaar ahaan Dubai, halkaas oo hoteello ay martidu ka baxday, qaar ka mid ah ajaaniibta degganna ay dalka isaga baxeen, iyadoo dhaawac soo gaaray sumcaddii amni ee Dubai ka dhigtay xarun ganacsi oo caalami ah.

Weerarkii ugu dambeeyey ee la og yahay in Iran ay si toos ah ugu qaadday Imaaraadka ayaa dhacay 4-tii May, markaas oo la beegsaday dekedda Fujairah ee ku taalla Gacanka Cumaan.

Xisaab siyaasadeed iyo dhaqaale

Mid ka mid ah ilaha xogta haya ayaa sheegay in qorshahan uu siinayo dhinacyada kala duwan waddo ay uga baxaan colaadda, iyadoo mid walba uu ilaalinayo khadkiisa cas.

Sida uu sheegay, Iran waxay ku doodi kartaa inay magdhow u heshay khasaaraha dagaalka, Washington waxay ku adkeysan kartaa in aysan wax lacag ah bixin, halka Abu Dhabi ay hesho amni iyo ilaalinta kaalinta Dubai ee xarun ganacsi, iyadoo tallaabada u dhigeysa mid lagu dhisayo kalsooni gobolka ah.

Ilo kale ayaa sheegay in lacagta lagu sii deynayo heshiis ku saabsan in Iran joojiso weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah Imaaraadka.

Ishaas ayaa intaas ku dartay in qorshuhu sidoo kale horseedi karo dib-u-dhis lagu sameeyo xiriirka labada dal, oo ay ku jiraan iskaashi sirdoon iyo mid dhaqaale.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Iran ay ugu yaraan laba dal oo kale oo Khaliijka ah kala hadashay qaab la mid ah kan Imaaraadka.

Wada-hadallada u dhexeeya Tehran iyo Abu Dhabi ayaa la sheegay inay billaabmeen dhowr toddobaad ka hor, balse ay dardar galeen markii saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ay toddobaadkii hore booqdeen Abu Dhabi.

Saraakiishaas ayaa la kulmay Sheikh Tahnoun bin Zayed Al Nahyan, la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha Abu Dhabi, waxaana la sheegay inay degeen hoyga martida ee uu leeyahay.

Safarkaas kadib, saraakiil Imaaraati ah ayaa tegay Tehran si ay ugala hadlaan faahfaahinta habka lacagaha loo fasaxayo.

Hanti badan oo Iran uga xayiran Dubai

Qorshahan ayaa kusoo beegmaya xilli Dubai ay muddo dheer ahayd mid ka mid ah halbowlayaasha dhaqaale ee Iran, gaar ahaan ganacsiga, xawaaladaha iyo nidaamka bangiyada.

Bankiyada Dubai ayaa muddo dheer lagu sheegay inay hayeen lacago badan oo xiriir la leh Iran, hase yeeshee qeyb weyn oo ka mid ah hantidaas ayaa xayiran sababo la xiriira cunaqabateynta Mareykanka.

Cunaqabateyntaas ayaa bankiyada caalamiga ah uga digeysa inay la macaamilaan hay’ado ama shaqsiyaad Iran ah oo liiska madow ku jira, haddii kale ay halis ugu jiraan in laga gooyo nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka.

11-kii April, ilo sare oo Iran ah ayaa sheegay in Mareykanka uu ogolaaday in la sii daayo hanti Iran uga xayiran Qatar iyo bankiyo kale oo shisheeye, inkastoo sarkaal Mareykan ah uu si degdeg ah u beeniyey sheegashadaas.

Isha Iran ee xilligaas hadashay ayaa sheegtay in furitaanka hantida la xayiray uu “si toos ah ugu xiran yahay” xaqiijinta badqabka marin-biyoodka Hormuz, oo ah qodob muhiim ah oo ku jira wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda.

Maxay Africa uga dhigan tahay magacaabista Cumar Cartan ee Super Cup-ka Yurub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Laga soo bilaabo Soomaaliya ilaa Salzburg, magaalada afaraad ee ugu weyn Austria, laga soo bilaabo garoomada maxalliga ah ilaa finalka ciyaaraha Yurub, seerigu wuu sii dhawaaqayaa, mana muuqato inuu dhowaan joogsan doono.

Xilli uu soo jiitay indhaha bahda kubadda cagta caalamka, garsooraha caanka ah ee Soomaaliyeed Cumar Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhexdhexaadiyo kulanka weyn ee finalka koobka UEFA Super Cup, kaas oo dhex mari doona kooxaha Paris Saint-Germain (PSG) iyo Aston Villa, laguna qaban doono magaalada Salzburg.

Marka laga soo tago xiisaha ciyaarta, magacaabistani waxay xambaarsan tahay macne qoto dheer oo taariikhi ah iyo astaan gaar ah, gaar ahaan qaaradda Afrika, halkaas oo matalaadda garsoorka heerka sare ee kubadda cagta Yurub ay muddo dheer ahayd mid xaddidan.

Horumarkan ma aha oo keliya guul shakhsi ah ama mid dal gaar ah u soo hoyatay, balse waa guul weyn oo ay wada leedahay qaaradda Afrika oo dhan.

Waa kuma Cumar Cartan?

Cumar Cartan waa garsoore kubadda cagta ah oo u dhashay Soomaaliya, kaas oo si deggan sumcad weyn uga dhex dhistay wareegyada garsoorka caalamiga ah ee hoos yimaada qaab-dhismeedka FIFA, CAF iyo UEFA.

Isagoo ka yimid Soomaaliya, dal horumarkiisa kubadda cagta ay caqabad ku noqdeen in ka badan 30 sano oo xasillooni-darro amni, mid siyaasadeed iyo caqabado dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah, kor u kiciisa sumcadeed wuxuu astaan u yahay adkeysi iyo go’aan adag.

Garsooridda heerkan oo kale ah waxay u baahan tahay sannado badan oo horumar iyo tababar joogto ah ah, iyadoo la soo maro horyaallada maxalliga ah, barnaamijyada tababarka caalamiga ah, imtixaanno jireed oo adag iyo qiimeyn joogto ah oo lagu sameeyo qaabka garsooraha u maamulo ciyaarta.

Garsoorayaasha laguma qiimeeyo oo keliya saxnaanta go’aannadooda, balse sidoo kale waxaa lagu qiimeeyaa maamulka ciyaarta, xiriirka ciyaartoyda iyo tababareyaasha, iyo awoodda ay u leeyihiin inay xakameeyaan cadaadiska marka ay ciyaartu meel adag mareyso.

Magacaabista Cartan ee kulan final ah oo ay wada ciyaarayaan laba ka mid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub waxay muujineysaa inuu buuxiyey, welina sii wado buuxinta, halbeegyada ugu sarreeya ee garsoorka heer caalami.

Garsoorayaasha Afrika iyo masraxa caalamka

Taariikh ahaan, matalaadda garsoorayaasha Afrikaanka ah ee heerka sare ee Yurub waxay ahayd mid aad u kooban. Inkastoo ciyaartoyda Afrikaanka ah ay noqdeen cudud muhiim ah oo saameyn weyn ku leh kubadda cagta caalamka, haddana garsoorayaasha qaaradda ka socda badanaa kuma badna tartamada waaweyn ee Yurub, sida UEFA Champions League, Super Cup iyo finalada kale ee miisaanka leh.

Si kastaba ha ahaatee, labaatankii sano ee la soo dhaafay, hay’adaha maamula kubadda cagta, sida FIFA iyo UEFA, waxay kordhiyeen dadaallada lagu ballaarinayo fursadaha garsoorayaasha, iyagoo adeegsanaya barnaamijyo is-dhaafsi, akadeemiyo lagu horumariyo garsoorayaasha iyo magacaabisyo caalami ah.

Garsoorayaal Afrikaan ah ayaa horey u jebiyey caqabado dhowr ah tartamada Koobka Adduunka iyo kuwa CAF, balse magacaabista heer UEFA ah waxay muujineysaa aqoonsi ka duwan kuwa kale, maadaama ay si toos ah garsoorayaasha Afrikaanka ah u geyneyso bartamaha kubadda cagta heerka sare ee Yurub.

Sidaas darteed, shaqada Cumar Cartan waxay qeyb ka tahay silsilad sii kordheysa, balse weli naadir ah, oo garsoorayaal Afrikaan ah oo cagta saaraya masraxa ugu weyn ee kubadda cagta caalamka.

Maxay magacaabistani muhiim ugu tahay Afrika?

Marka hore, waxay jebineysaa caqabado fikradeed oo muddo dheer jiray. Muddo sanado ah, waxaa jiray aragti aan si cad loo sheegin oo ku saabsan maamulka isboortiga caalamiga ah, taas oo garsoorka heerka sare u aragtay meel ay ku xooggan yihiin Yurub iyo Koonfurta Ameerika.

Magacaabista Cartan waxay caqabad ku tahay sheekadaas, iyadoo caddeyneysa in heerka sare ee garsoornimadu uusan ku xirneyn meel juqraafi ahaan go’an.

Marka labaad, waxay dhiirigelin u tahay jiil cusub oo garsoorayaal ah. Gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika, garsoorayaasha da’da yar badanaa ma helaan tusaalayaal badan oo ay ku daydaan oo jooga heerarka ugu sarreeya ee kubadda cagta.

Marka ay arkaan mid iyaga ka mid ah oo dhexdhexaadinaya ciyaar UEFA Super Cup ah, waxay taasi shidi kartaa hamiga kumannaan garsoorayaal ah oo mustaqbalka doonaya inay heerkaas gaaraan.

Waxay diraysaa farriin cad: uma baahnid inaad ka timaaddo waddan awood weyn ku leh kubadda cagta si aad u gaarto halka ugu sarreysa ee garsoornimada.

Marka saddexaad, waxay xoojineysaa sumcadda kubadda cagta Afrika. Aqoonsiga kubadda cagta Afrika badanaa waxaa lagu qeexi jiray ciyaartoydeeda. Hase yeeshee, magacaabistan waxay ballaarineysaa aqoonsigaas, iyadoo ku dareysa garsoorka heerka sare.

Waxay xoojineysaa fikradda ah in Afrika aysan kubadda cagta caalamka ku biirin oo keliya hibo garoonka dhexdiisa ah, balse ay sidoo kale ku biiriso daacadnimo, hoggaan iyo xirfad lagu xakameeyo ciyaaraha ugu adag.

Saameynta ballaaran ee kubadda cagta Afrika

Magacaabista Cumar Cartan waa mid ka badan astaan keliya. Waxay yeelan kartaa saameyn dhismeed oo ballaaran.

Barnaamijyada horumarinta garsoorayaasha ayaa laga yaabaa inay helaan maalgelin dheeraad ah, iyadoo xiriirrada kubadda cagta ee dalalka Afrika ay ku dhiirran karaan inay dhisaan nidaamyo tababar oo xooggan, maadaama ay arkaan in ay jiraan dariiqooyin caalami ah oo lagu gaari karo guul.

Sidoo kale, wada-shaqeynta UEFA iyo CAF ayaa laga yaabaa inay sii xoogeysato. Magacaabista noocan ah waxay muujin kartaa iskaashi qoto dheer oo dhex mara xiriirrada qaaradaha, gaar ahaan dhinaca horumarinta garsoorayaasha.

Kalsoonida caalamiga ah ee heerka garsoorka Afrika ayaa iyaduna kor u kici karta. Shaqo kasta oo heer sare ah oo lagu guuleysto waxay dhiseysaa kalsooni cusub oo loo qabo garsoorayaasha Afrikaanka ah ee loo magacaabi karo ciyaaraha waaweyn ee mustaqbalka.

Haddii isbeddelkani sii socdo, wuxuu si tartiib tartiib ah u dheellitiri karaa qeybinta caalamiga ah ee magacaabista garsoorayaasha heerka sare.

Xilli lagu faano, balse masuuliyad culus leh

Inkastoo dabaaldegga magacaabistan uu yahay mid xaq ah, haddana xilliyada noocan oo kale ah waxay sidoo kale xambaarsan yihiin cadaadis culus.

Ilaalinta iyo falanqeynta caalamiga ah ee heerka UEFA Super Cup waa mid aad u adag. Go’aan kasta waxaa lagu falanqeyn karaa adduunka oo dhan dhowr ilbiriqsi gudahood. Taasi waa xaqiiqada garsoorka heerka sare ee maanta: saxnaanta waa la filayaa, khaladaadkana si weyn ayaa loo buunbuuniyaa.

Cumar Cartan, hadafku ma aha oo keliya inuu ciyaarta si wanaagsan u maamulo, balse sidoo kale waa inuu sii xoojiyo kalsoonida lagu qabo garsoorayaasha Afrikaanka ah ee ka soo muuqanaya masraxa caalamka.

Seeriga laga maqlayo meel ka fog garoonka

Magacaabista Cumar Cartan ee dhexdhexaadinta kulanka PSG iyo Aston Villa ee Salzburg waa wax ka badan shaqo guul ah. Waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay isboortiga Afrika.

Waxay muujineysaa in dariiqyadii mar loo tixgeliyey inay xiran yihiin ay hadda si tartiib ah u furmayaan, inkastoo weli ay jiraan caqabado badan.

Afrika ahaan, tani waa xasuusin in aqoonsiga caalamiga ah uusan u gaar ahayn ciyaartoyda oo keliya. Wuxuu sidoo kale gaari karaa garsoorayaasha, tababareyaasha, falanqeeyayaasha iyo maamulayaasha sii wada inay ku koraan xirfad, hufnaan iyo heer sare.

Laga soo bilaabo Soomaaliya ilaa Salzburg, laga soo bilaabo garoomada maxalliga ah ilaa finalada Yurub, seeriga garsoorka wuxuu sii wadaa inuu dhawaaqo.

Markanna, wuxuu xambaarsan yahay codka horumarka Afrika ee dunida oo dhan.

W/D: Cali Muxiyaddiin
Email: [email protected]

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka oo dhulka ku jiiday Netanyahu

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa eedeyn culus u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isaga oo ku tilmaamay shaqsi caadeystay bilaabista dagaallo cusub kadib marka guulo hordhac ah laga diiwaangeliyo colaadda Bariga Dhexe.

Vance waxa uu tilmaamay in Netanyahu uu ku lug leeyahay khaladaad isdaba-joog ah oo saameyn weyn ku yeeshay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, inkasta oo Mareykanku uu marar badan taageero diblomaasiyadeed iyo mid amni siiyay Israa’iil.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanku uu si joogto ah u garab istaagay go’aamada Netanyahu ee hore, xitaa marka ay jireen digniino la xiriira in ay sii hurin karaan xiisadda iyo dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

JD Vance oo Mareykanka ku matalay wada-hadalladii dhowaan lala yeeshay Iiraan, ayaa si aan hore loo arag u muujiyay dhaliil uu u jeediyay Netanyahu, inkasta oo uusan si toos ah u adeegsan erayo aad u adag oo rasmi ah oo lagu cambaareeyo.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa isna toddobaadkii hore si adag u canaantay Netanyahu, isaga oo uga digay in uu sii kordhiyo xiisadda Bariga Dhexe oo horey u sababtay khasaarooyin badan oo siyaasadeed iyo mid bini’aadantinimo.

Hadalladan ka soo yeeray hoggaanka Mareykanka ayaa muujinaya kala duwanaansho cusub oo ka dhex abuurmay Washington iyo Tel Aviv, gaar ahaan arrimaha la xiriira istaraatiijiyadda colaadaha Bariga Dhexe.

Si kastaba, hadalladan ayaa kordhin kara cadaadiska diblomaasiyadeed ee saaran Israa’iil, isla markaana saameyn ku yeelan kara jihada mustaqbalka ee wada-hadallada nabadda ee gobolka.

Kadib dhacdadii Mareykanka, Cumar Cartan ma qaadanayaa baasaboor dal kale?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa sheegay in uusan dooneyn inuu qaato baasaboor aan kan Soomaaliya ahayn, isaga oo dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku faanaan dalkooda iyo jinsiyaddooda.

Cartan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada iyo siyaasiyiinta haysta baasaboorrada dalalka shisheeye ay muhiim tahay inay qiimeeyaan baasaboorka dalkooda hooyo, ayna ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa sumcaddiisa iyo awooddiisa.

Garsooraha ayaa xusay in qaadashada baasaboor shisheeye ay inta badan la xiriirto xaalado qaxootinimo, isagoo tilmaamay in qofka fursad u haysta inuu ku noolaado dalkiisa ay habboon tahay inuu ku dheganaado baasaboorkiisa Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale muujiyay rajo ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalka uu awood u leeyahay inuu horumar sameeyo haddii dhalinyaradu ay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta qaranka.

“Baasaboor aan keenna ahayn ma rabno. Dhallinyaradu ma aha inay caadifad qaaddo oo ay yiraahdaan waddanka waan nacnay, kadibna ay qaxootinimada ka door bidaan dalkooda. Qof aan qaxooti ahayn ama aan xaaladdaas soo marin oo baasaboor kale haysta ma jiro,” ayuu yiri Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan.

Hadalka Cartan ayaa kusoo aadaya xilli dunida si weyn looga hadal hayo dhacdadii dhowaan loogu diiday inuu galo dalka Mareykanka, taas oo keentay inuu seego ka qeyb-galka tartanka Koobka Adduunka ee 2026, halkaas oo FIFA ay u soo xulatay inuu garsoore ka noqdo.

Inkasta oo caqabaddaasi soo wajahday, Cartan ayaa ku adkeystay ku dhegganaanshaha baasaboorka Soomaaliya, isaga oo sheegay in xal u raadinta caqabadaha jira ay ka muhiimsan tahay in laga leexdo aqoonsiga iyo jinsiyadda dalka hooyo.

Si kastaba, Garsooraha u dhashay dalka Soomaaliya ee Cumar Cartan ayaa dhawaan dhex-dhexaadin doona ciyaarta weyn ee Super Cup-ka ee dhexmari doonta kooxaha Paris Saint-Germain iyo Aston Villa, sida uu ku dhawaaqay xiriirka ciyaaraha Yurub ee UEFA.

UEFA ayaa muujisay garab istaaggeeda iyadoo u dhiibtay hoggaaminta ciyaar weyn oo dhici doonta bilowga xilli ciyaareedka soo socda. Kadib markii ay dib u soo celiyeen saraakiisha xadka Mareykanka, guddiga maamula kubadda cagta Yurub ayaa xaqiijiyay inuu garsoori doono kulanka Super Cup-ka ee bisha August ka dhici doona magaalada Salzburg.

“Go’aanka Artan loogu magacaabay inuu garsoore ka noqdo ciyaarta Koobka Super Cup-ka ee UEFA ayaa loo qaatay iyadoo la raacayo hannaanka Is-fahamka ee dhowaan ay kala saxiixdeen UEFA iyo CAF si loo dhiiri-geliyo iskaashiga dhinacyo badan, oo ay ku jirto garsooridda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UEAFA.

Sidoo kale wuxuu yiri: “UEFA iyo CAF waxaa ka go’an ballanqaad wadajir ah oo ku aaddan horumarinta kubbadda cagta ee heer kasta iyo horumarinta qiyaamka asaasiga ah ee midnimada, sinnaanta, iyo takoor-la’aanta.”

Mareykanka iyo Iiraan oo ku dhow heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka

Islamabad (Caasimada Online) – Wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ayaa maraya marxaladihii ugu dambeeyay, iyadoo warar kala duwan oo ka soo baxay Tehran, Washington iyo Islamabad ay muujinayaan in heshiisku ku dhow yahay gabagabo rasmi ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi ayaa sheegay in is-afgarad lagu joojinayo colaadda u dhexeysa labada dal uu marayo heer gabagabo ah, isaga oo xusay in dhinacyadu ay gaareen horumar weyn oo ku aaddan qoraalka heshiiska.

Araghchi ayaa sidoo kale warbaahinta uga digay inay ka fogaato faallooyin iyo saadaal ku saabsan qodobbada heshiiska, illaa si rasmi ah loo dhammeystiro loona shaaciyo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib u baahiyay hadalka kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, inkastoo uusan si toos ah u faahfaahin mowqifkiisa, taas oo si weyn u soo jiidatay dareenka warbaahinta caalamka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iiraan ay si buuxda isugu raaceen qoraalka ugu dambeeya ee heshiiska, isla markaana uu hadda marayo marxaladdii ugu dambeysay ee lagu dhameystirayo.

Warbaahinta caalamka oo ay ku jiraan wakaaladaha waaweyn ee wararka sida Reuters iyo Associated Press, ayaa si weyn u tabinaya horumarka wada-hadalladan, iyaga oo sheegaya in heshiiska uu noqon karo mid ka mid ah horumarrada diblomaasiyadeed ee ugu waaweyn ee gobolka ka dhaca sannadihii u dambeeyay.

Sidoo kale, falanqeeyayaasha caalamka ayaa tilmaamaya in haddii heshiiskan la dhameystiro uu saameyn weyn ku yeelan karo xasilloonida Bariga Dhexe, xiriirka Washington iyo Tehran, iyo sidoo kale xaaladda amni ee gobolka oo dhan.

Inkasta oo ay jiraan rajooyin xooggan oo laga qabo heshiiska, haddana dhinacyada ayaa weli ka digaya in wax kasta oo kama dambeys ah lagu dhawaaqo illaa si rasmi ah loo saxiixo loona xaqiijiyo dhammaan qodobada lagu heshiiyay.

Kheyre oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh iyo dowladdiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay iska hor-imaad ka dhacay xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis, isagoo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ku lug leedahay waxa uu ku tilmaamay “dhulboob iyo barakicin lagu hayo shacabka danyarta ah.”

Kheyre oo qoraal ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen dad rayid ah, isla markaana ay dhacdadaasi sababtay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee taliska arxanlaawaha ah ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku hawlan dhulboob, uu maanta ku weeraray xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxaan Alle ka baryayaa inuu u naxariisto shacabkii uu talisku ku dilay weerarkan, una booga-dhayo intii uu ku dhaawacay.”

Kheyre ayaa sidoo kale dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii dowladdu ku joojisay baneynta dhulka danta guud, maadaama ay weli sii socdaan falal uu ku tilmaamay boob dhuleed, barakicin iyo gabood-fallo ka dhan ah shacabka.

“Waxaa amakaag iyo ayaandarro ah in taliska waqtigiisu dhammaaday, oo horay u sheegay inuu joojiyay dhulboobka, uu maanta ku hawlan yahay boobka dhulka danta guud, barakacinta danyarta iyo xasuuqa shacabka. Taas oo tusaale nool u ah sida ay isu burinayaan hadalka iyo ficilka taliska Madaxweyne hore Xasan Sheekh, oo caadeystay gabood-fallo iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaas oo wiiqaya kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.”

Sida uu sheegay, falalka noocan ah waxay dhaawacayaan kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladda, sidoo kalena caqabad ku yihiin horumarka dalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha uu jeediyay Xasan Cali Kheyre ee la xiriira dhacdadii ka dhacday xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis.

DF iyo FAO oo yeeshay wada-hadallo muhiim ah – Maxaa kasoo baxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdifatax Cabdulqaadir Faarax ayaa xarunta Wasaaradda kulan istiraatiiji ah kula yeeshay wafdi sare oo ka socday hay’adda cuntada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), oo ay hoggaaminaysay Marwo Verenica Mutiro, madaxa barnaamijyada FAO ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay agaasimaha waaxda kormeerka iyo qiimaynta, Maxamuud Siciid Nuur iyo madaxda qaybaha kala duwan ee waaxda kormeerka iyo qiimaynta.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo FAO, iyadoo mudnaanta la siinayo waafajinta taageerada FAO iyo himilooyinka ku cad qorshaha isbeddelka qaranka (NTP 2025–2029).

Labada dhinac ayaa isku raacay in la dejiyo meelaha mudnaanta leh ee iskaashiga mustaqbalka, gaar ahaan sugnaanta cuntada, horumarinta wax-soo-saarka, adkeysiga bulshada iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay diyaarinta qorshe hawleed wadajir ah oo saddex sano ah, kaas oo hagaya wada-shaqeynta, mudnaanta barnaamijyada iyo natiijooyinka la filayo in la gaaro.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xoojinta dadaallada abaabulka kheyraadka, si loo helo maalgelin dheeraad ah oo taageerta mudnaanta horumarineed ee dalka, loona dardargeliyo hirgelinta barnaamijyada saameynta leh.

Agaasimaha guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan taageerada iyo mashaariicda horumarineed lagu saleeyo mudnaanta qaranka, natiijooyin la cabbiri karo, iyo isla xisaabtan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo shacabka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad lagu sii xoojinayo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee wasaaradda iyo FAO, iyadoo la dardargelinayo qorsheynta wadajirka ah, isku-duwidda barnaamijyada, iyo taageerada horumarinta qaranka.

Sidee NISA u fashilisay qaraxyo ay maleegaysay kooxda Al-Shabaab?

0

Marka (Caasimada Online) – Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan ku fashiliyay walxo kiimiko ah oo la sheegay in loo adeegsan lahaa samaynta qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ku dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed.

Walxahan kiimikada ah ayaa laga helay dhul deex ah oo ku dhow deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada ammaanka iyo kuwa deegaanka.

Sida saraakiishu sheegeen, walxaha la qabtay ayaa ku jiray in ka badan boqol jirgaan, kuwaas oo la rumeysan yahay in loo diyaariyay samaynta walxaha qarxa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda Al-Shabaab ay walxahan ku aastay goobtaas kadib markii ay ka war heleen in ciidamada ammaanka ay daba socdaan dhaqdhaqaaqyadooda iyo qorshayaashooda.

Taliyaha nabad-sugidda qaranka ee degmada Marka, Maxamed Sheekh Xasan ayaa ciidamada deegaanka uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen soo helidda walxahan, isagoo tilmaamay in macawiisleyda gobolka ay heleen godad lagu aasay jirgaannada xilli ay roondo ku marayeen inta u dhexeysa Marka iyo Gendershe.

Taliyaha ayaa sheegay in macluumaadka ay bixiyeen ciidamada deegaanka lala wadaagay taliska NISA ee gobolka Shabeellada Hoose, taas oo keentay in si degdeg ah loo fuliyo howlgalka lagu soo saaray walxahaas. Wuxuu sidoo kale xusay in la laba-jibaari doono howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Deegaanka, Maxamed Cusmaan Indhoi-giir ayaa sheegay in jirgaannada la qabtay ay ku jireen noocyo kala duwan oo budo kiimiko ah, kuwaas oo sida uu sheegay Al-Shabaab u adeegsan jirtay samaynta qaraxyada.

Wuxuu xusay in ujeeddada walxahaas ay ahayd in lagu waxyeelleeyo shacabka, balse ciidamada ammaanka iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan qorshahaas.

Cabdiraxmaan Cirro oo looga digay in uu saxiixo heshiiska Israel

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo lagu wado inuu safar ku tago magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil ayaa looga digay inuu saxiixo heshiiska loo yaqaan Abraham Accords.

Cirro ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho mas’uuliyiinta Israa’iil, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xiriirka labada dhinac iyo arrimo la xiriira cadaadisyada dibadda iyo gudaha ee soo wajahay maamulka uu hoggaamiyo tan iyo markii ay soo baxeen talaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka Israa’iil.

Dhinaca kale, waxaa isa soo taraya digniinaha loo jeedinayo Cirro ee ku saabsan suurtagalnimada inuu saxiixo heshiiska Abraham Accords, kaas oo dalal dhowr ah oo Carbeed hore ula galeen Israa’iil si loo caadiyeeyo xiriirka ka dhexeeya dhinacyadaas.

Si kastaba, dadka ka soo horjeeda heshiiska ayaa ku doodaya in qaar ka mid ah dalalkii hore ugu biiray ay dib uga laabteen ama ay dib u qiimeeyeen mowqifkooda ku aaddan heshiiskaas.

Qaar ka mid ah dadka ka soo horjeeda tallaabadaas ayaa ku doodaya in heshiiskaasi uu ka hor imaanayo qiyamka iyo mabaadi’da ay aaminsan yihiin bulshada Muslimiinta ah, iyagoo ugu baaqay hoggaamiyaha Somaliland inuu ka fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta xiriir rasmi ah oo lala yeesho Israa’iil.

Sidoo kale, culimo iyo aqoonyahanno ku sugan deegaannada Somaliland ayaa la sheegay inay si cad uga hadleen safarka la qorsheeyay, iyagoo muujiyay walaac ku aaddan saameynta siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhalan karta.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar ka mid ah culimada iyo dadka aragtiyahooda ka dhiibtay arrintan ay la kulmeen cadaadisyo la xiriira mowqifyada ay ka qaateen safarka iyo xiriirka la sheegay in la doonayo in lala yeesho Israa’iil, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin eedeymahaas.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa la filayaa inuu safarkiisa Tel Aviv sii maro dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo socdaalkan uu noqonayo mid si weyn isha loogu hayo, maadaama uu ku soo beegmayo xilli ay weli taagan yihiin doodaha ku saabsan mustaqbalka xiriirka Somaliland iyo Israa’iil.

Xasan Sheekh oo jeediyay hadal uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya sii socoshada hanaanka doorasho qof iyo cod, xilli mucaaradka diidan yahay hanaankan doorasho.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in Soomaaliya ay weli kasii maqnaato doorasho dadweyne, isagoo xusay in muddo 58 sano ah ay ka soo wareegtay doorashadii ugu dambeysay ee noocaas ah ee dalka ka dhacda. Waxa uu tilmaamay in maanta la hayo fursado badan oo lagu xaqiijin karo himiladaas.

“58 sano kahor ayaa noogu dambaysay doorasho. Wax way naga qaldan yihiin waxna way inoo saxan yihiin, waxaa loo baahan yahay in aan qabano doorashada si wixii qaldamay berri loo saxo, waxaan u baahanahay labo xisbi oo wayn oo dalka ku tartama,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haddii ay caqabado iyo khaladaad ka jiraan howlaha socda la sixi karo inta geeddi-socodku socdo, balse aan looga joogsan doonin in Soomaaliya ka hana qaado doorasho dadweyne.

Xasab Sheekh ayaa sheegay in nidaamka xisbiyada dalka uu mari doono hannaan lagu kala saarayo axsaabta siyaasadeed, isagoo tilmaamay in xisbiyada tirada badan ee hadda jira laga soo saari doono saddex xisbi qaran oo waaweyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xisbiyada kale ee aan ku soo bixi karin heerkaas ay heli doonaan fursad ay ku midoobaan ama ay awooddooda isu geeyaan, si ay door muuqda uga qaataan tartanka siyaasadeed iyo maamulka dalka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa meesha ka saaray eedeymaha sheegaya in dowladda federaalka ay damacsan tahay inay sii haysato awoodda ama ay dib u dhigto isbeddelka siyaasadeed, isagoo sheegay in ujeeddada dowladda ay tahay hirgelinta doorasho dadweyne oo beddesha nidaamka doorashooyinka dadban.

“Dalkaan in doorasho ay ka dhacdo ayaan rabnaa. Tikteetar iyo boqortooyo ma rabno, xalna ma aha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray: “Shaatiga dowladnimada wuu tolan yahay, ee waa inuu gashto qofka uu u galo. Yaa gashan kara oo ku jaan-go’an ayaa ah su’aasha.”