28 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Mucaaradnimada Soomaaliya: Loollan shakhsiyeed mise dagaal nidaameed?

Mucaaradnimada Soomaaliya, marka si dhab ah loo fiiriyo, waxay noqotay su’aal ku wareegsan cidda beddelaysa cidda xukunka haysa. Waxay taabanaysaa laba jiho oo kala duwan: mid waa tartan lagu beddelayo hoggaanka dowladda, midna waa dood ku saabsan sida dalka loo maamulo.

Laakiin xaqiiqda muuqata maanta waxay u dhowdahay in miisaanka ugu weyn uu weli yaallo dhanka beddelka hoggaanka, halka isbeddelka nidaamku uu weli yahay fikrad socota oo aan si buuxda u qaabaysnayn.

Siyaasadda Soomaaliya waxay ka soo baxday burbur dheer, taas oo keentay in awooddu ku wareegto shaqsiyaad iyo isbahaysiyo siyaasadeed oo degdeg u samaysma. Marka xaaladdu sidaas tahay, mucaaradnimadu inta badan waxay noqotaa tartan lagu doonayo in lagu beddelo kuwa kursiga haya, halkii ay ka noqon lahayd tartan fikrado kala duwan oo ku saabsan sida dalka loo hagaajinayo. Haddii mucaaradku guuleysto, badanaa waxa is beddela waa dadka hoggaanka haya, balse habkii dowladnimada si weyn isuma beddelo.

Inkasta oo ay jirto hadal-hayn badan oo ku saabsan isbeddel, haddana doodaha la xiriira nidaamka, sida federaalka, doorashooyinka, awood-qeybsiga iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, weli ma gaarin heer qorshe qaran oo mideysan. Waxay inta badan ku ekaadaan hadal siyaasadeed iyo aragti guud oo aan si buuxda u wada shaqayn.

Dhibaatada ugu weyn ee halkan ka jirta waa in siyaasadda dalka ay weli si weyn ugu tiirsan tahay shaqsiyaad iyo isbahaysiyo ku-meel-gaar ah. Marka siyaasadda noocaas ah ay jirto, waxa dabiici noqda in tartanku u ekaado mid meesha looga saarayo cidda xukunka haysa, halkii uu ka noqon lahaa mid ku saabsan sida nidaamka loo beddelayo.

Si mucaaradnimadu u noqoto mid dhab ahaantii isbeddel keenta, waxaa loo baahan yahay aragti mideysan oo ku saabsan sida dalka loo maamulayo, qorshe cad oo hay’adaha lagu xoojinayo, iyo heshiis siyaasadeed oo ka baxsan loollanka shaqsiyaadka. Haddii taas la waayo, mucaaradnimadu waxay sii ahaanaysaa wareeg siyaasadeed oo ku saabsan kursiga, halkii ay ka noqon lahayd dhaqdhaqaaq dhisaya nidaam cusub.

Ugu dambayn, waxa muuqata in Soomaaliya ay weli ku jirto marxalad ay mucaaradnimadu inta badan tahay tartan lagu beddelayo hoggaanka, balse ay si tartiib ah u bilaabayso dood ku saabsan nidaamka. Isbeddel dhab ah wuxuu iman doonaa marka tartanka siyaasadeed uu ka gudbo “yaa xukumaya dalka?” oo uu si dhab ah u gaaro “sidee loo xukumayaa dalka?”

W/Q: Avv. Omar Abdulle Dhagey

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Danjire Maxamed Cismaan oo si rasmi ah uga shaqo bilaabay…

0

Abuja (Caasimada Online) – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Maxamed Cismaan Maxamed ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Nigeria, Bola Axmed Tinubu.

Xaflad ballaaran oo ka dhacday madaxtooyada Nigeria ayaa madaxweynuhu ku guddoomay waraaqaha aqoonsiga, isaga oo si diirran u soo dhoweeyay danjiraha cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Tinubu ayaa muujiyay sida ay Dowladda Nigeria uga go’an tahay xoojinta iyo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada mudnaanta leh, sida ganacsiga, amniga, horumarka waara iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Danjire Maxamed Cismaan Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Nigeria soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono kobcinta iskaashi miro-dhal ah oo dan u ah labada shacab, isla markaana sare u qaadi doona xiriirka diblomaasiyadeed.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nigeria ayaa sidoo kale adkaysay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriirrada caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraam is-dhaafsi ah, iskaashi wax-ku-ool ah iyo dan-wadaag.

Sanbaloolshe oo xog yaab leh ka shaaciyay awoodda DF ee dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka hadlay xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan weli gaarin heer ay si madax-bannaan ula dagaalanto kooxdaas.

Sanbaloolshe oo wareysi bixiyay ayaa markii u horreysay banaanka keenay caqabadaha weli hortaagan Soomaaliya ee ku aaddan inay si madax-bannaan ula dagaallanto kooxda Al-Shabaab, oo weli ka howlgasha qeybo kamid ah dalka.

Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in inkastoo Soomaaliya ay hesho taageero caalami ah, gaar ahaan tan Mareykanka, haddana ay jiraan xaddidaadyo ku saabsan sida xogaha sirdoonka loo wadaago.

Waxa uu xusay in wadaagga macluumaadka sirdoonka uu yahay mid kooban, isla markaana uusan gaarin heer buuxa oo wada-shaqeyn istiraatiiji ah.

“Macluumaad waa la wadaagaa ilaa xad, laakiin boqolkiiba boqol wada-shaqeyn ma jirto,” ayuu yiri Sanbaloolshe, isagoo muujiyay in arrintan ay tahay mid si taxaddar leh loo maareeyo.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in kalsooni la’aanta iyo cabsi laga qabo is-dhexgal ay ka mid yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee xaddidaya wada-shaqeynta dhinaca sirdoonka.

Sanbaloolshe ayaa xusay in hay’adaha caalamiga ah aysan si buuxda u wadaagin xogtooda, halka Soomaaliya ay weli ku jirto marxalad dhisme oo ku aaddan kobcinta awoodaha sirdoon ee gudaha.

“Inkastoo ay jiraan meelaha ay wada-shaqeyntu ka muuqato, sida digniinaha amni iyo hawlgallada militari, haddana weli ma gaarin heer qaran oo isku filnaansho ah,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Taliyihii hore ayaa muujiyay baahida loo qabo maalgelin ballaaran iyo dhismo hay’adeed oo xooggan, si loo horumariyo sirdoonka casriga ah, gaar ahaan dhinacyada tiknoolajiyadda iyo ilaha dadka.

Si kastaba, hadalka Sanbaloolshe oo labo jeer soo noqday taliyaha NISA, isla markaana khibrad dheer u leh arrimaha amniga iyo sirdoonka dalka ayaa muujinaya tuhunnada in saaxiibada caalamka aysan rabin in dhab ahaan la baabi’iyo kooxdan iyo taageerada Soomaaliya gaarta isku filnaansho.

PUNTLAND ma waxay ku socota wadadii 1998-kii?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Mukhtaar Cabdiraxmaan Axmed oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa dhaliilo culus u jeediyay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilantay hoggaaminta siyaasadeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Puntland ay ku sii socoto xaalad khatar ah oo la mid ah tii 1998-dii, xilli uu tilmaamay in ay sii kala irdhoobayaan bulshada ku mideysneyd maamulkaas.

Mukhtaar ayaa xusay in isimadii dhaqanka iyo waxgaradkii Puntland ay u weecdeen dhanka magaalada Muqdisho iyo Dowladda Federaalka, taas oo uu ku sababeeyay saluug ay ka qabaan hoggaanka madaxweyne Saciid Deni.

“Puntland waxay ku sii socotaa 1998-dii oo ah halkii laga soo bilaabay, waxaana sabab u ah hoggaanka hadda jooga. Dhaqankii oo dhan Xamar bay aadeen, iyaga oo saluugsan siyaasadda Siciid Deni,” ayuu yiri xildhibaan Mukhtaar.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in xaaladda hadda jirta ay muujineyso jahwareer siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kaas oo halis gelin kara midnimada iyo xasilloonida Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay dhaliilo xooggan oo loo jeedinayo xukuumadda madaxweyne Deni, kuwaas oo ka imaanaya qaybo kala duwan oo bulshada ah.

Dhaliilahan ayaa waxaa jeediyay beelo, ciidamo, waxgarad iyo siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda jihada siyaasadeed ee maamulka Puntland.

Xogta markab shidaal siday oo lagu afduubtay biyaha Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in koox burcad-badeed ah ay saacadihii la soo dhaafay xeebaha degmada Bandarbayla ku qabsadeen markab siday shidaal.

Markabkan oo la sheegay inuu ku sii jeeday dekedda Garacad ayaa laga leeyahay dalka Pakistan, waxaana saaran 11 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Pakistan, sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in markabka la afduubtay xilli uu marayay meel qiyaastii 30 mayl u jirta degmada Bandarbayla, ka hor inta aan loo jiheynin xeebaha deegaanka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in markabka hadda lagu hayo deegaan lagu magacaabo Dharinbaar oo ka tirsan degmada Bandarbayla, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxdii afduubka geysatay.

Kooxda burcad-badeedda ah ayaa la sheegay inay wajahayaan cadaadisyo kala duwan oo uga imaanaya dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sidoo kale tilmaamaya inay jirto suurtagalnimada in kooxdaasi ay ka degaan markabka, maadaama uu u raran yahay ganacsato Soomaaliyeed.

Afduubkan ayaa kusoo aadaya xilli bishii Maarso ee la soo dhaafay ay koox kale oo burcad-badeed ah lacag madax-furasho ah ka qaateen markab kalluumeysi oo ay ku heysteen isla degmada Bandarbayla.

Si kastaba, afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee ka jira amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay sanadkii 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in 160 weerar ka badan laga diiwaan-geliyay xeebaha Soomaaliya.

Go’aan aad muhiim ugu ah Soomaaliya: Midowga Yurub oo shaaciyey in…

Brussels (Caasimada Online) — Midowga Yurub ayaa ansixiyay xirmo dhaqaale oo gaaraysa 75 milyan oo Euro, una dhigay 88 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, si loo xoojiyo awoodda ciidamada taageeraya xoogagga Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira ururka Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa ururka Midowga Yurub ka dhigeysa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in wadarta guud ee taageerada Midowga Yurub uu siiyay howlgalladii kala dambeeyay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii ay gaartay ku dhawaad 2.8 bilyan oo Euro.

Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in dhaqaalahan cusub, oo lagu ansixiyay hoos-imaadka Sanduuqa Nabadda ee Yurub, uu inta badan dabooli doono gunnooyinka ciidamada, qalabka aan halista ahayn iyo adeegyada kale ee la xiriira ciidamada.

Brussels ayaa intaas ku dartay in taageeradani ay ujeeddadeedu tahay in lagu xoojiyo diyaargarowga howlgalka AUSSOM, lagana caawiyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay halista ka geysan karaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan, iyadoo la xaqiijinayo in la dhowro xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada.

Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Midowga Afrika, Javier Niño Pérez, ayaa sheegay in tallaabadani ay muujineyso in ururku uu fulinayo ballanqaadyadii lagu sameeyay shirkii madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee bishii Nofembar 2025 lagu qabtay magaalada Luanda.

“Waxaan si wadajir ah u ballanqaadnay inaan xoojinno howlgallada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin Afrikaanka, waana fulineynaa taas,” ayuu yiri Pérez, isagoo raaciyay in ay muhiim tahay in la xoojiyo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.

Dhankiisa, Wakiilka Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa soo dhaweeyay deeqdan, isagoo ku tilmaamay mid ka turjumeysa go’aan wadajir ah oo lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo maamul wanaagga dimuqraadiga ah. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamada ku deeqay, isagoo ku ammaanay naf-hurnimada baaxadda leh ee ay ka muujiyeen Soomaaliya.

Dhaqaalahan ayaa imaanaya kadib bilooyin ay jireen walaac xooggan oo laga qabay sida loo sii maalgelinayo howlgalka.

War-murtiyeed soo baxay bishii Diseembar 2025, ayaa Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika wuxuu ku muujiyay walaac qoto dheer oo ku aaddan farqiga dhaqaale ee joogtada ah ee wajahaya howlgalka AUSSOM.

In kasta oo goluhu uu ku ammaanay Guddiga Midowga Afrika in ay 20 milyan oo doolar oo ka timid faa’iidada Sanduuqa Nabadda u qoondeeyeen miisaaniyadda sanadka 2025, haddana waxay dalbadeen in la helo maalgelin ku filan, la saadaalin karo, oo dhowr sano ah. Mas’uuliyiinta Afrika ayaa si isdaba joog ah uga digay in ballanqaadyada kumeel-gaarka ah ay howlgallada amniga ee xasaasiga ah u nugleeyaan carqalado.

Howlgalka AUSSOM ayaa si rasmi ah u beddelay Howlgalkii Kumeel-gaarka ahaa ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) 1-dii Janaayo 2025, kadib oggolaansho ka yimid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana waqtigiisa la kordhiyay ilaa bisha Diseembar 2026. Qaybta milateriga ee howlgalkan ayaa wejigiisa koowaad ku billowday ciidamo gaaraya ilaa 12,626 askari.

Waajibaadka howlgalka ayaa waxaa ka mid ah inuu taageero ciidamada dowladda Soomaaliya ee la dagaallamaya Al-Shabaab iyo dagaalyahannada xiriirka la leh kooxda Daacish (ISIS), in la sugo amniga magaalooyinka muhiimka ah ee dadku ku badan yihiin, iyo in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2029.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha dhanka amniga ayaa weli ah kuwo aad u sarreeya. In kasta oo in ku dhow labaatan sano la waday dagaal ka dhan ah kooxaha hubeysan, ururka Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya dhul baaxad leh oo miyi ah, wuxuuna sii xajistay awoodda uu weeraro uga fulin karo magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Mareykanka oo dib u soo celinaya xiriirka Eritrea iyo qorshaha ka dambeeya

Asmara (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa raadinaya qaabab uu dib ugu soo nooleynayo xiriirka dalka Eritrea, oo ah dowlad inta badan go’doonsan isla markaana maamusha gacan weyn oo istaraatiiji ah oo dhaca xeebaha Badda Cas.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump, Massad Boulos, ayaa u sheegay diblomaasiyiin shisheeye in Mareykanku uu qorsheynayo inuu billaabo qaadista cunaqabateynta saaran Eritrea, oo ah dal yar oo dhaca Geeska Afrika, lehna xeebo dhererkeedu ka badan yahay 700 oo mayl oo kulaala Badda Cas.

Tallaabadan ayaa, sida ay sheegeen saraakiil hore iyo kuwa hadda joogaba oo xog-ogaal ah, qayb ka ah dadaallo uu maamulka Trump ku doonayo in markii ugu horreysay muddo tobanaan sano ah dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee heerka sare ahaa ee labada dal. In kastoo qorshahan uusan weli si rasmi ah u dhammaan, saraakiil kale ayaa xaqiijiyay in qiimeyn lagu sameynayo sidii loo caadiyeyn lahaa xiriirka, cunaqabateyntana looga qaadi lahaa dalkaas.

Dadaalkan diblomaasiyadeed ee Mareykanka ayaa soo ifbaxay xilli kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto ay ku hanjabeen inay xiri doonaan isku-socodka maraakiibta ee Badda Cas. Tani waxay barbar socotaa isku-dayada xukuumadda Tehran ay ku dooneyso inay go’doomiso ganacsiga mara Marinka Hormuz, tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil.

In kasta oo qorshaha dib-u-soo-celinta xiriirka Eritrea uu ka horreeyay dagaalka Mareykanka iyo Iiraan, haddana dhaq-dhaqaaqyada Tehran ee ku wajahan xiritaanka Marinka Hormuz ayaa sare u qaaday muhiimadda siyaasadda Mareykanka ee Badda Cas. Marinkan ayaa ah xudun muhiim ah oo ay adeegsadaan qaar ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee dhoofiya shidaalka ee Bariga Dhexe, si ay uga weecdaan Gacanka Persia.

Marinka Hormuz ayaa ah iridda laga galo hantida baaxadda leh ee shidaalka Bariga Dhexe ee dhinaca bari ee Jasiiradda Carabta. Halka Badda Cas, oo dhacda dhinaca galbeed, ay tahay marin muhiim u ah isku-socodka maraakiibta milateriga iyo kuwa ganacsiga ee isaga goosha Badda Mediterranean ilaa Badweynta Hindiya. Kooxda Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer ku hanjabtay inay xiri doonaan marinka Bab al-Mandeb ee ku yaalla afka Badda Cas, si ay u garab istaagaan xukuumadda Tehran.

Massad Boulos, oo ah ergeyga Madaxweyne Trump u qaabilsan qaaradda Afrika, ayaa dabayaaqadii sanadkii hore magaalada Qaahira kulan gaar ah kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, sida ay sheegeen saraakiil iyo shakhsiyaad kale oo ku lug lahaa wada-hadallada. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in laga wada-hadlo khafiifinta cunaqabateynta Mareykanka iyo sidii loo dardargelin lahaa wada-xaajoodyo heer sare ah oo ku saabsan soo-celinta xiriirka Washington iyo Asmara.

Maalintii Isniinta, Boulos ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi. Dowladda Masar ayaa la sheegay inay fududeyneyso wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo hoggaamiyaha Eritrea.

Intii uu socday kulankaas, Boulos ayaa u sheegay Al-Sisi in Mareykanku uu qorsheynayo inuu dhowaan bilaabo qaadista cunaqabateynta Eritrea. Sidoo kale, Boulos ayaa bishii Sebtembar magaalada New York kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax Maxamed, xilli uu socday shirkii Golaha Loo-dhan-yahay ee Qaramada Midoobay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in maamulka Trump uu rajeynayo xoojinta xiriirka Mareykanku la leeyahay shacabka iyo dowladda Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenku kama uusan jawaabin su’aalo gaar ah oo la xiriira khafiifinta cunaqabateynta Mareykanka ee saaran dalkaas, wasaaradduna aysan oggolaan in Boulos lala yeesho wareysi. W

asaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Safaaradda Eritrea ee Washington ayaan iyaguna ka jawaabin codsiyo ku aaddan in ay arrintan faahfaahin ka bixiyaan.

Go’aanka kama dambaysta ah ee dib-u-soo-celinta xiriirka Mareykanka iyo Eritrea ayaa la kulmayay dib-u-dhacyo iyo istaag marar kala duwan bilihii la soo dhaafay, taas oo qayb ahaan loo aaneynayo in madaxda go’aan-qaadayaasha Mareykanka ay ku mashquulsan yihiin xasarado kale oo waaweyn oo dhanka siyaasadda arrimaha dibadda ah, sida colaadda Gaza iyo dagaalka Iiraan.

Hoggaamiyaha Eritrea ayaa dalkiisa xukumayay tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Itoobiya sanadkii 1993-kii, isagoo awoodda isku urursaday si uu u abuuro mid ka mid ah nidaamyada kelitalisnimada ee ugu cadaadiska badan adduunka.

Guddiyada Koongareeska Mareykanka ayaa Eritrea ku sifeeyay “Kuuriyada Waqooyi ee Afrika” sababo la xiriira caburinta nidaamsan ee lagu hayo mucaaradka siyaasadeed iyo xorriyadda diinta, jirdilka maxaabiista, iyo qorista khasabka ah ee in badan oo ka mid ah dhallinyarada dalkaas lagu weeciyo adeegga milateriga.

Hay’adda Freedom House, oo qiimeysa xuquuqda siyaasadeed iyo xorriyadda madaniga ah ee adduunka, ayaa Eritrea iyo Kuuriyada Waqooyi is-barbar dhigtay, iyadoo ku qiimeysay inay yihiin laba ka mid ah dalalka ugu kelitalisnimada iyo caburinta badan adduunka.

Eritrea waa dal hodan ku ah kheyraadka macdanta, xeebteeda Badda Cas waxay ka soo horjeeddaa dalalka Sacuudi Carabiya iyo Yemen. Dalka deriska la ah ee Jabuuti ayaa hoy u ah isku-imaatinka ugu cufan ee saldhigyada milateriga shisheeye ee adduunka—oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, Japan iyo Talyaaniga—taas oo muujinaysa muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas ay u leedahay quwadaha caalamka.

Maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka, oo ay ku jiraan kooxaha xambaara diyaaradaha, ayaa inta badan adeegsada Badda Cas si ay isaga kala gooshaan Badda Dhexe iyo Badweynta Hindiya, in kastoo maraakiibtaas ay sanadihii dambe weeraro kala kulmayeen Xuutiyiinta.

Sanadkii 2025-ka, maamulka Trump ayaa olole duqeymo xagga cirka ah oo qaatay laba bilood ku qaaday Xuutiyiinta, kaddib markii kooxdu ay bartilmaameedsatay maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, iyagoo u adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

Trump ayaa ololahaas joojiyay bishii May kaddib markii uu sheegay in Xuutiyiintu ay oggolaadeen inay joojiyaan weerarada ka dhanka ah marinnada ganacsiga. Si kastaba ha ahaatee, hanjabaadda kooxda ee ah inay dib u bilaabayaan colaadda ayaa dhalisay cabsi cusub oo ku aaddan isku-socodka maraakiibta ee marinka Bab al-Mandeb.

Dhawaanahan, markab xambaara diyaaradaha oo uu Mareykanku leeyahay, laguna magacaabo USS George H.W. Bush, ayaa soo maray koonfurta qaaradda Afrika si uu ugu biiro hawlgallada Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan, beddelkii uu soo mari lahaa waddada gaaban ee badda Cas.

Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa soo gebagebeeyay in haysashada cunaqabateynta iyo xiriirka kooban ee lala leeyahay Eritrea aysan wax natiijo ah keenin. Waxay aaminsan yihiin in rajo-gelinta qaadista cunaqabateynta si loo bilaabo wada-hadallo ay Mareykanka faa’iidooyin mustaqbalka fog ah uga keeni karto gobolka Badda Cas.

Saraakiishan ayaa ku dooday in gobolka Badda Cas uu leeyahay muhiimad istaraatiijiyadeed oo aad u weyn oo aanu Mareykanku iska indho-tiri karin inuu xiriir la yeesho Eritrea, inkastoo ay jirto diiwaanka xun ee Eritrea ee dhanka xuquuqda aadanaha.

Balse, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa su’aal geliyay caqli-galkaas. “Sida caadiga ah, marka aan cunaqabateyn qaadno, dalku wuxuu sameeyay wax uu ku mutaystay arrintaas,” ayuu yiri Cameron Hudson, oo ah sarkaal hore oo ka tirsan Sirdoonka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, kaas oo si dhow ula socda arrimaha gobolka. “Waa isla dalkii milateriga iyo kelitalisnimada ku dhisnaa ee soo jiray ilaa 1993-kii. Haddii aan ku abaal-marinno qaadista cunaqabateynta, maxaan beddelkeeda heleynaa?”

Dib-u-soo-celinta xiriirka Mareykanka iyo Eritrea ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta colaadaha iyo loollanka kale ee ka jira gobolka colaaduhu ragaadiyeen ee Geeska Afrika. Saraakiil Mareykan ah ayaa si hoose u muujiyay cabsi laga qabo in Itoobiya ay isu diyaarinayso dagaal ay la gasho Eritrea, iyadoo dowladda dalkaas aan badda lahayn ay sheegatay in taariikh ahaan ay xaq u leedahay xeebaha Eritrea.

 

Faah-faahinta Soomaali badan oo ku dhintay badda u dhaxeysa Spain iyo Algeria

0

Madrid (Caasimada Online) – Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ku geeriyootay badda u dhexeysa dalalka Spain iyo Algeria, kadib markii ay qalibantay doon ay la socdeen xilli ay isku dayayeen inay si tahriib ah ku galaan qaaradda Yurub.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan oo tiradoodu gaareysay 17 ruux ay wajahayeen xaalad adag oo badda ah, taas oo ugu dambeyn sababtay in doontii ay saarnaayeen ay roganto.

Dadka geeriyooday ayaa la xaqiijiyay inay isugu jiraan 5 gabdhood iyo 12 wiil, kuwaas oo dhammaantood ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo rajo ka qabay inay nolol ka helaan dibadda.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee Algeria ayaa sheegay in uu markii dambe la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Algeria, taas oo u xaqiijisay in koox muhaajiriin Afrikaan ah ay ku dhinteen gobol xeebeed qiyaastii 100 kiiloomitir (60 mayl) dhanka galbeed kaga beegan caasimadda Algiers.

Danjire Yuusuf ayaa sheegay inuu saacadihii hore ee Khamiista u safray magaalada Bou Ismail ee dalka Algeria, isagoo halkaas gaaray abaare 6-dii subaxnimo. “Waxaan booqday laba isbitaal oo ku yaalla gobolka, halkaas oo aan ku soo arkay meydadka,” ayuu sii raaciyay.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria ayaa muddooyinkii dambe wadday dadaallo joogto ah oo lagu xakameynayo tahriibka, isla markaana lagu wacyigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Safaaraddu waxay xustay in dadaalladaas ay qeyb weyn ka qaateen hoos u dhigidda tirada dhimashada, inkastoo dhacdadan cusub ay dib u muujisay halista wali jirta.

Dhacdadan murugada leh ayaa mar kale iftiimisay khatarta weyn ee ku xeeran safarrada tahriibka, gaar ahaan kuwa loo maro badda oo inta badan sababa dhimasho iyo musiibooyin bani’aadamnimo.

Marinka u dhexeeya Waqooyiga Afrika iyo dalka Spain ayaa ah mid ka mid ah jidadka inta badan ay adeegsadaan muhaajiriinta isku dayaya inay galaan qaaradda Yurub, safarkaas oo inta badan loo adeegsado doonyo la saaray rarkii loogu talagalay mid ka badan oo aan u qalmin inay bad maraan.

Shilalka doonyaha ayaa si joogto ah uga dhaca marinnadan, gaar ahaan aagga galbeedka Badda Mediterranean iyo marinnada Badweynta Atlantic-ga, halkaas oo sanad walba kumannaan tahriibayaal ah ay naftooda halis u geliyaan si ay uga baxsadaan colaado, saboolnimo iyo dhibaatooyin la xiriira isbeddelka cimilada.

Muhaajiriinta Soomaalida ayaa ka mid ah dadka si isa soo taraysa ugu dhiirrada safarradan khatarta ah, iyagoo ka cararaya amni-darrada, fursadaha dhaqaale oo kooban iyo xaaladaha abaaraha ee muddada dheer ragaadiyay dalkooda hooyo.

Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiinta dowladda Algeria ma aysan soo saarin faahfaahin buuxda oo ku saabsan masiibadan ugu dambeysay, oo ay ku jiraan tirada guud ee rakaabka saarnaa doonta ama qaabka rasmiga ah ee ay doontu ku degtay.

Si kastaba, waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la shaaciyo magacyada iyo sawirrada qaar ka mid ah dadka geeriyooday, kadib markii xogta la gaarsiiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn uga naxday bulshada Soomaaliyeed, iyadoo mar kale la is weydiinayo sida xal waara loogu heli karo tahriibka halista badan.

Mareykanka oo gargaar dhaqaale u fidinaya Imaaraadka oo wajahaya xaalad adag

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa Arbacadii sheegay inuu taageersan yahay qorshe taageero dhaqaale oo qaab is-dhaafsi lacageed ah (currency swap) lagu siinayo Imaaraadka Carabta.

Tallaabadan ayaa la doonayaa in lagu gacan-qabto dalkan qaniga ku ah shidaalka ee xulafada la ah Washington, kaas oo haatan la tacaalaya dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay dagaalka Iiraan.

Isagoo ka hadlayay dhageysi ka dhacay Aqalka Senate-ka Mareykanka, ayuu Bessent xusay in Imaaraadka, iyo dalal kale oo ku yaalla Khaliijka iyo Aasiya, ay codsadeen suurta-galnimada in is-dhaafsi lacageed lala sameeyo. Wuxuu tilmaamay in qorshahani uu ka hortagayo in dalalkani ay si fowdo ah u iibiyaan hantida ay ku leeyihiin Mareykanka, xilli ay raadinayaan waddooyin ay ku helaan lacagta dollar-ka.

Dagaalka Iiraan ayaa burbur baaxad leh gaarsiiyay kaabayaasha shidaalka iyo gaaska ee guud ahaan Bariga Dhexe, arrintaas oo dhabar-jab weyn ku noqotay dhaqaalaha dalalka sida Imaaraadka oo si weyn ugu tiirsan marin-biyoodka Hormuz si ay shidaalka ceyriin ugu daabulaan suuqyada caalamka.

Xoghayaha Maaliyadda ayaa sharraxay in is-dhaafsiga lacagaha ee lala sameynayo Imaaraadka ay sidoo kale dani ugu jirto Mareykanka, maadaama uu xasilinayo suuqyada sarifka lacagaha qalaad, uuna ilaalinayo hantida Mareykanka ee daafaha caalamka.

Wuxuu intaas raaciyay in taageeradan uu bixin karo Bankiga Dhexe ee Mareykanka (Federal Reserve Bank) ama Wasaaradda Maaliyadda qudheeda, taas oo adeegsan karta Sanduuqeeda Xasilinta Sarifka (Exchange Stabilization Fund) si ay u iibsato lacagta waddan kale.

“Khadadka is-dhaafsiga, ha ahaadaan kuwa ka yimaada Federal Reserve ama Wasaaradda Maaliyadda, ujeeddadoodu waa in nidaamka loo ilaaliyo suuqyada maalgelinta doolarka iyo in laga hortago in hantida Mareykanka loo iibiyo si nidaamka ka baxsan,” ayuu yiri Mr. Bessent, isagoo carabka ku adkeeyay in is-dhaafsigaasi uu faa’iido wadajir ah u leeyahay Imaaraadka iyo Mareykanka.

Farsamo ahaan, nidaamkan is-dhaafsiga ayaa ka dhigan in dowladda Mareykanku ay iibsato lacagta Imaaraadka ee Dirham-ka, si dalkaas uu u helo dollar badan oo uu ku maareeyo isdhaafsiga ganacsiga iibka shidaalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Senator Chris Van Hollen, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doorto gobolka Maryland, ayaa su’aal geliyay sababta taageero dhaqaale loo siinayo Imaaraadka, isagoo farta ku fiiqay in Madaxweyne Donald Trump iyo qoyskiisu ay xiriir maaliyadeed iyo mid ganacsi oo shakhsi ah la leeyihiin dalkaas.

Maamulka Trump ayaa wajaha dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan kharashka baaxadda leh ee ku baxaya dagaalka Iiraan, kaas oo dad badani ay u arkaan inuu yahay mid aan loo baahnayn.

“Dagaalka Iiraan wuxuu durba inagu noqday mid qaali ah oo khasaare weyn inagu keenay,” ayuu yiri Mr. Van Hollen. “Aragtideyda, wuxuu ahaa khalad aad u weyn, wuxuu inaga dhigay kuwo amnigeedu hooseeyo, xaaladdana aad ayuu uga sii daray.”

Xoghaye Bessent ma uusan magacaabin dalalka kale ee iyaguna soo dalbaday taageeradan maaliyadeed.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sanadkii hore adeegsatay is-dhaafsi lacageed oo gaaraya 20 bilyan oo doolar oo ay soo marsisay Sanduuqa Xasilinta Sarifka, si ay gacan u siiso dhaqaalaha dalka Argentine oo la daalaa-dhacayay xasarado. Tallaabadaas ayaa ujeedkeedu ahaa in lagu xoojiyo rajada siyaasadeed ee madaxweynaha dalkaas, Javier Milei.

Bessent ayaa awood buuxda u leh go’aan ka gaarista isticmaalka sanduuqan, kaas oo hantida saafiga ah ee ku jirta ay gaaraysay ilaa 44 bilyan oo dollar bishii Febraayo.

Wali ma cadda baaxadda taageerada uu Imaaraadku u baahan yahay, ama xitaa inuu dhab ahaan gargaar noocaas ah u baahan yahay iyo in kale.

Lacagta Imaaraadka ee Dirham-ka ayaa qiimaheedu si toos ah ugu xiran yahay dollarka Mareykanka, waxaana Bankiga Dhexe ee dalkaas uu weli haystaa kayd lacageed oo aad u weyn, inkasta oo ay jirto carqaladeynta dhoofinta shidaalka ee ka dhalatay dagaalka gobolka.

RW Xamza iyo Jubaland oo si kulul iskugu jawaabay – Maxaa la isku qabtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiritaanka garoonka diyaaradaha Doolow ayaa haatan xiisad cusub ka dhex abuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubaland, kadib markii uu maanta Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu sheegay in dowladda aysan xirin garoonkaas.

Garoonka diyaaradaha Doolow ee gobolka Gedo ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in dowladda aysan wax xayiraad ah saarin garoonkaas oo muddo badan xiran.

Xamza oo hadalkan ka jeediyay munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in dhawaan dib loo furi doono si ay u sahlanaato isu socodka dadka.

“Dowladda Federaalka ah uma xirna garoonka diyaaradaha degmada Doolow, waxaa jira dad doonaya inay ka safraan, waxaan rajeyneynaa in la furo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalka Xamza ayaa markiiba waxaa ka dhashay falcelin kala duwan, iyadoo Jubaland ay si kulul uga jawaabtay sheegashada Dowladda Federaalka, taas oo ay ku tilmaamtay “waxba kama jiraan ah”.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa ku tilmaamay hadalka ra’iisul wasaaraha “nasiib-darro weyn,” isagoo sheegay in uusan ka tarjumayn xaaladda dhabta ah ee ka jirta garoonka Doolow.

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka uu muddo ka badan hal sano u xirnaa Dowladda Federaalka, taas oo uu sheegay inay saameyn toos ah ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo adeegyada muhiimka ah.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Jubaland ay marar badan ka digtay saameynta ka dhalaneysa xirnaanshaha garoonka, gaar ahaan dhinacyada isu socodka, ganacsiga iyo adeegyada bulshada, isla markaana ay si joogto ah ugu baaqayeen in dib loo furo.

“Arrintan waxay muujinaysaa dayacaad cad iyo ka fogaansho masuuliyadeed oo ka timid Dowladda Federaalka,” ayuu yiri wasiirka, isagoo su’aal ka keenay cidda dhab ahaan masuulka ka ah xirnaanshaha garoonka.

Si kastaba, Garoonka diyaaradaha degmada Doolow ayaa xiran muddo sanad ka badan, kadib khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Jubaland, iyadoo weli aan la helin xal rasmi ah oo lagu furayo, inkastoo dowladda dhexe ay muujinayso rajo ah inuu dib u shaqo bilaabo garoonka.

Puntland oo tallaabo degdeg ah qaaday kadib afduubka Dr. Faarax Cabdi Maxamed

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa wada howlgallo lagu baadigoobayo Dr. Faarax Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta hay’adda MSF ee ka howlgasha Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo, kaas oo ay afduubatay koox hubeysan.

Dr-ka ayaa maalintii labaad ku jira gacanta kooxda afduubatay, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay si kulul u cambaaraysay afduubka loo geystay.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu muujiyay sida uga xun yihiin dhacdadan, iyagoo tilmaamay mid khatar ku ah badqabka iyo shaqada bahda caafimaadka ee u adeegta bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Dr. Faarax Cabdi Maxamed uu ahaa xirfadle caafimaad oo muddo dheer si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu adeegayay bulshada, isaga oo door muuqda ka qaatay badbaadinta nolosha shacabka ku nool gobolka Mudug.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay in afduubka loo geystay dhakhtarka uu yahay fal ka baxsan bini’aadantinimada, isla markaana si toos ah uga hor imaanaya qiyamka iyo anshaxa bulshada Soomaaliyeed.

Waxay intaas ku dartay in falalkan oo kale ay cabsi gelin karaan bahda caafimaadka, isla markaana wiiqi karaan adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, xilli ay baahi weyn u qabaan adeegyada caafimaad.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqday maamulka gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga inay si degdeg ah u xaqiijitan sii deynta Dr. Faarax, isla markaana la horkeeno cadaaladda cid kasta oo ku lug leh afduubka.

Ugu dambeyntiina, wasaaraddu waxay ku boorrisay bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo dedejiyo badbaadinta dhakhtarka, loogana hortago falal amni darro oo noocan oo kale ah.

Jubaland oo digniin culus soo saartay, sheegtay inuu dhamaaday muddo-xileedka…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha Xukuumadda Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Golaha Wasiirrada Jubaland ayaa si qoto dheer uga hadlay hubanti la’aanta ka taagan dalka iyo dhammaadka muddo-xileedyada hay’adaha Dowladda Federaalka.

Golaha ayaa caddeeyay in 14-kii April 2026 si rasmi ah u dhammaatay muddadii sharci ee Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxay si cad u sheegeen in muddo-xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku egyahay 15-ka bisha May ee soo socota.

Xukuumadda Jubaland ayaa ka digtay in xaaladdan ay horseedi karto firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara xasilloonida dalka, isla markaana saameyn ku yeelan kara howlaha hay’adaha federaalka, haddii aan si degdeg ah loo helin xal siyaasadeed oo mideysan

Waxaa kale oo ay si adag uga digeen faragelin kasta oo ka imaan karto dowlado shisheeye, taas oo ay ku tilmaameen mid dhaawici karta madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana sii hurin karta xiisadaha jira.

Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kala duwan inay ka shaqeeyaan badbaadinta nidaamka sharciyadda iyo heshiisyadii horey loo gaaray, si looga fogaado qalalaase hor leh oo dalka dib ugu celin kara marxalado adag.

Sidoo kale, Jubaland ayaa sheegtay in xalka kaliya ee looga gudbi karo xaaladda taagan uu yahay wadatashi dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo sii jiritaanka hay’adaha dowliga ah.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Golaha Xukuumadda Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta, 23-ka Abriil 2026, ku yeeshay magaalada Kismaayo kulankoodii caadiga ahaa, ayaa si qoto dheer uga dooday xaaladda hubanti la’aanta ah ee dalku wajahayo, iyo dhammaadka muddo-xileedka sharciyadda ee hay’adaha Federaalka.

Goluhu wuxuu caddeynayaa in, sida uu dhigayo qodobka 60-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ay 14-kii Abriil 2026 dhammaatay muddadii sharci ahaaneed ee Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale, muddo-xileedka Madaxweynaha Dowladda Federaalka wuxuu ku egyahay 15-ka bisha May ee soo socota.

Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Jubaland waxay aaminsan yihiin in dhammaadka muddadaas sharciyeed uu si siman u taabanayo dhammaan hay’adaha Federaalka, isla markaana ay jirto khatar ka dhalan karta firaaqa jira oo keeni kara qalalaase amni iyo hoos u dhac ku yimaada howlaha Hay’adaha Federaalka ah.

Golaha Xukuumaddu waxay si adag uga digayaan faragelin kasta oo ka timaadda dowlado shisheeye oo wax u dhimaysa madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka, iyagoo xusay in tallaabooyinka noocaas ahi ay sii xumeyn karaan xaaladda jirta, isla markaana dalka u horseedi karaan burbur iyo kala qeybsanaan hor leh.

Golaha Xukuumadda Jubaland waxay ugu baaqayaan dhammaan daneeyayaasha kala duwan iyo saaxiibada Soomaaliya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan badbaadinta sharciyada iyo heshiisyada ay gaareen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la helo xal loo dhan yahay oo lagaga gudbo marxaladdan adag.

Ugu dambeyn, Goluhu waxa uu hoosta ka xariiqayaa in xal loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed uu yahay dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo xasillooni waarta iyo sii jiritaanka hay’adaha dowliga ah.

Howlgalka Soomaaliya oo ka baxay quustii kadib markii uu helay malaayiin dollar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa ansixiyay lacag dhan €75 milyan oo lagu taageerayo howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo markale muujiyay doorkooda hoggaamineed ee taageerada howlgalada uu Midowga Afrika ka wado qaaradda.

Deeqdan cusub ayaa xoojinaysa dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado amni oo weli u baahan iskaashi caalami ah.

Taageerada Midowga Yurub ayaa kusoo aadeysa xilli howlgalka uu wajahayay culeys dhaqaale. Howlgalkaan ayaa laf-dhabar u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Taageeradan ayaa sidoo kale ka dhigaysa wadarta guud ee Midowga Yurub uu ku bixiyay howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku dhowaad €2.8 bilyan, tan iyo markii la bilaabay taageeradan labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Midowga Afrika, Javier Niño Pérez ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay fulinta ballanqaadyadii lagu gaaray shirkii AU–EU ee ka dhacay magaalada Luanda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac.

“Midowga Yurub mar kale wuxuu caddeynayaa inuu yahay lammaane lagu kalsoonaan karo. Waa muhiim in la xoojiyo amniga dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Pérez, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay joogtaynta taageerada.

Dhankiisa, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, Bankole Adeoye ayaa si diirran u soo dhoweeyay taageeradan dhaqaale, isaga oo sheegay inay wax weyn ka tari doonto howlaha howlgalka AUSSOM.

Adeoye ayaa sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamada ku biiriyay howlgalka, isagoo xusay inay door muhiim ah ka qaataan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Iskaashigan u dhexeeya Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah, kuna dhisan ajendaha horumarineed ee Afrika ee 2063, kaas oo hiigsanaya qaarad nabad ah, barwaaqo ah oo isku filan.

Dhanka kale, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas ayaa kulan la yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta nabadda iyo amniga Afrika iyo saameynta sii kordheysa ee colaadaha caalamiga ah.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga labada dhinac, loona dardargelin lahaa dadaallada lagu wajahayo khataraha amni ee ka jira Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika oo Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ka tahay.

Daawo: RW Xamza oo maanta daah-furay mashruuc ballaaran oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka iyo is-dhexgalka bulshooyinka barakacayaasha ah, kaasi oo muhiim u ah horumarinta nolosha bulshada nugul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashruucan uu diiradda saarayo hagaajinta nolosha iyo xoojinta is-dhexgalka bulshooyinka barakacayaasha iyo kuwa martigeliya.

Sidoo kale waxa uu xusay in uu qayb weyn ka qaadan doono xoojinta nabadda, amniga, iyo kobaca dhaqaale ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in la helo xal waara oo lagu taageerayo dadka danyarta ah, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen barakaca iyo duruufaha adag.

Mudane Xamza ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee degan Doolow oo qeyb ahaan uu quseeyo mashruucan ay soo mareen dhibaatooyin badan oo ay sababeen burburkii iyo abaarihii kala dambeeyay ee dalkeenna soo maray, balse ay yihiin dad gob ah oo waqtiga adag saameeyay.

“Maanta laga bilaabo waxay heli doonaan nolol wanaagsan oo barwaaqo ah, xukuummadda Dan-Qaranna ayaa xoogga saari doonto sidii looga hirgalin lahaa mashaariic wax-ku-ool ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mashruucan ayaa xoogga saaraya u adkaysiga isbeddelka cimilada iyo la-qabsiga saameyntiisa, iyada oo la fulinayo barnaamijyo dib-u-dejin ah, shaqo-abuur, iyo xirfad-barid kor loogu qaadayo awoodda bulshada, waxa uunna taageerayaa horumarinta beeraha, xoolaha, iyo dhiirrigelinta ganacsiyada yaryar si loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

174 muwaadin oo Muqdisho laga soo dejiyay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dejisay 174 dhalinyaro oo laga soo celiyay dalka Liibiya, kadib markii ay la kulmeen duruufo aad u adag.

Mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda, Xasan Maxamed Cali ayaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee laga soo celiyay Liibiya.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay soo mareen xaalado adag oo dhinaca bani’aadantinimada ah, oo ay ka mid ahaayeen xabsi, jirdil iyo nolol aad u liidata.

Dib u soo celinta muwaadiniintaan waxaa hoggaaminayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku caawinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda, isla markaana lagu yareynaayo dhibaatooyinka ay wajahaan.

Tan waxay sidoo kale daba socota booqashadii uu Wasiirka Waraaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ku tagay Liibiya, taas oo gacan ka geysatay xoojinta iskaashiga dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed si ammaan ah.

Howl-galka soo celinta waxaa fuliyay Waaxda Arrimaha Qurbajoogta, iyadoo lala kaashanayo hay’adda International Organization for Migration (IOM), Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.

Muwaadiniintan ayaa markii ay yimaadeen Muqdisho waxaa la siiyay gargaar degdeg ah oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad, hoy ku meel gaar ah iyo taageero nafsiyeed, waxaana loo diyaarinayaa barnaamijyo dib u dhexgal bulsho ah, si noloshooda ay dib ugu bilaabaan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyo wax ka qabashada sababaha keenaya tahriibka sharci darrada ah iyadoo la ballaarinayo fursadaha gudaha dalka.

Puntland oo ku dhawaaqday inay u diyaar garowday dagaal ka dhan ah DF Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Maamul-goboleedka Puntland, Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si kulul uga hadlay marxaladda kala guurka ee Soomaaliya, gaar ahaan dhammaadka muddo xileedka hay’adaha Dowladda Federaalka.

Qarjab ayaa shaaca ka qaaday in dalka u galayo xaalad mugdi ah, isla markaana aan la saadaali karin waxa dhacaya, haddii la gaaro 15-ka May oo uu ku egyahay muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo dowladdiisa ay ku doodeyso muddo kordhin hal sano ah oo lagu caddeeyay dastuurka cusub ee ay meel-mariyeen labada Gole ee Baarlamaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo walwal badan muujinayo ayaa farriin u diray shacabka maamulkaasi, isaga oo ugu baaqay inay dagaal u diyaar garoobaan, isla markaana ay la shaqeeyaan madaxdooda.

“Dowladda aynu dhisanay oo aan ku khasaarnay waxaa u dhiman 20 iyo dhowr cisho, Xildhibaannadiina waqtigii waa ka dhamaayay meel ay caawa u socotana lama yaqaano bal si uubaa wax noqonayaan aan diyaar garowno”. ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dowlad-goboleedka Puntland.

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa si cad dadka ugu sheegay inay diyaarsadaan hubkooda, ayna u diyaar garoobaan difaac, haddii lasoo aado dhanka Puntland.

“Qof weliba oo qorigiisa dhulka ka yiilay ha sifeysto saliid ha marsado difaacna ha u diyaar garoobo”. ayuu mar kale yiri Wasiir Qarjab.

Waxaa kale oo uu wasiirku intaasi kusii daray “Annaga oo aan rabsho bilaabeyn ayaa waxaa la rabaa inaynu sidaas u wada diyaar garowno inaynu talo wada yeelano ayaa la rabaa inaynu is-cafino ayaa la rabaa”.

Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo shalay kasoo yeeray wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland, kadib markii ay shaaca ka qaadday in ay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Soomaalida iyo ajaaniibta ku lugta leh kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland.

Soomaaliya iyo Shiinaha oo qaaday tallaabo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashigooda iyadoo Arbacadii si rasmi ah ay labada dal u daah-fureen Xarunta Cilmi baarista iyo  Casriyeynta Shiinaha oo laga hirgeliyay Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya.

Arrintan ayaa muujineysa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee sii kobcaya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Daah-furka xarunta cusub waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Diabadda  Mudane Xamza Haadow iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyo marti sharaf kale oo muhiim ah.

Aasaaska Xarunta Cilmi baarista iyo Casriyeynta Shiinaha waxay ka tarjumayaa dadaalka wadajirka ah ee lagu horumarinayo is weydaarsiga aqoonta, kordhinta is fahamka labada dal, iyo dhiirrigelinta cilmi baaris wadajir ah oo ku saabsan arrimaha istaraatiiji ah.

Sidoo kale, Machadka Diblomaasiyadda, oo ah xarunta ugu muhiimsan ee tababarka iyo cilmi baarista Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa door weyn ka ciyaara diyaarinta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale xoojinaya  ka qaybgalka Soomaaliya ee heer caalami iyada oo loo marayo waxbarasho, cilmi baaris siyaasadeed, iyo iskaashi caalami ah.

Dhinaca kale, Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Dr Hodan Cismaan oo qoraal soo saartay ayaa faah-faahinsay ka bixisay muhiimadda xaruntan cusub, iyadoo si weyn ugu bogaadisay labada dowladood.

?Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, munaasabadda taariikhiga ah ee lagu daah-furay Xarunta Daraasaadka Casriyeynta Shiinaha” ayay tiri Danjire Hodan Cismaan.

Waxay intaas kusii dartay “Tallaabadan qiimaha badan waxay xambaarsan tahay macne fog oo ka baxsan furitaanka xarun cusub, maadaama ay astaan u tahay heerka sii kobcaya ee xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana ay muujinayso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay fahamka waayo-aragnimada horumarineed ee dalalka saaxiibka la ah”.

Ugu dambeyn Hodan ayaa xustay in xaruntan ay noqon doonto madal muhiim u ah cilmi-baaris, is-weydaarsi aqooneed, iyo diyaarinta jiil cusub oo diblomaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ah oo si qoto dheer u fahamsan isbeddellada caalamka iyo fursadaha iskaashi ee jira.

“Waxaan ku kalsoonahay in hindisahan muhiimka ahi uu sii xoojin doono iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, kanaalin doono aqoon, faham iyo xiriir miro-dhal ah oo waara. Hambalyo mar kale” ayay qoraalkeeda kusoo gabagabeysay.

DF oo hub ka dhigis ku sameysay mas’uuliyiin taabacsanaa Lafta-gareen

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weli mashquulsan xaaladda Koonfur Galbeed, kadib isbeddelkii ay ka sameysay magaaada Baydhaba ayaa haatan bilowday inay hub ka dhigis ku sameyso qaar kamid ah mas’uuliyintii taabacsanaa maamulkii Lafta-gareen ee ku haray magaaladaasi, si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda halkaasi.

Ciidamada dowladda ayaa bilaabay inay beegsadaan mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed, iyadoo ujeedada lagu sheegay hub uruurin, si loo xaqiijiyo amniga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa hubka lagala wareegay wasiir ku xigeenkii amniga Koonfur Galbeed Maxamed Yuusuf, iyada oo sidoo kale laga qaaday ciidanka ilaalada u ahaa, kadib markii la tuhmay mas’uulkaas oo kamid ahaa raggii horay ula soo shaqeeyay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shalay sidoo kale xabsi guri la galiyay duqa Baydhaba Cabdullahi Watiin, iyadoo sidoo kalena laga qaaday ilaaada.

Watiin ayaa dhawaan dib ugu laabtay Baydhaba, kadib dadaallo ay sameysay Villa Somalia, waxaana uu la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ku ballameen in shaqadii uu halkeeda kasii wado, si aan loo dareemin habacsanaan.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa u muuqdo kuwa ay dowladda ku xakamayneyso xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed, ka gadaal markii ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ay maalmo kahor ku dhawaaqeen in dowladda dhexe aysan doorasho ka qaban karin magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Intaas kadib waxaa bilowday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, taas oo keentay in ciidamadii Koonfur Galbeed u cararaan gobolka Gedo, halkaas oo ay geeyeen hubka iyo gaadiidka ay wateen.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dowladda qorsheysanayso inay maamulka Koonfur Galbeed ka qabato doorashooyin qof iyo cod ah, taas oo ay diidan yihiin ciidamada taabacsan madaxweynihii hore Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sacuudiga oo cambaareeyey shirqoolkii lagu fashiliyey Imaaraadka Carabta

Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa Arbacadii si kulul u cambaaraysay “shirqoolkii argagixiso ee ujeeddadiisu ahayd in lagu wiiqo midnimada qaran iyo xasilloonida” dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sucuudiga oo bayaan soo saartay ayaa bogaadisay hufnaanta iyo feejignaanta laamaha ammaanka ee Imaaraadka, kuwaas oo ku guuleystay inay burburiyaan shabakad argagixiso, ayna xiraan xubnaheedii, iyagoo fashiliyay qorsheyaashoodii dambiyeed.

Bayaanka ayaa intaas raaciyay in Boqortooyadu ay si buuxda u garab taagan tahay Imaaraadka Carabta, isla markaana ay taageersan tahay tallaabo kasta oo ay u qaaddo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida, iyo weliba la-dagaallanka xagjirnimada iyo argagixisanimada nooc kasta oo ay tahay.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii mas’uuliyiinta Imaaraadku ay Isniintii xaqiijiyeen xarigga xubno ka tirsan koox xiriir la leh dalka Iiraan, kuwaas oo qorsheynayay falal “argagixiso” oo ka dhan ah dalkaas. Kooxdan ayaa isku dayeysay inay qortaan muwaadiniin u dhashay Imaaraadka, isla markaana ay dhaqaale u leexiyaan hay’ado shisheeye oo “shaki uu ku jiro”.

Waaxda Amniga Qaranka ee Imaaraadka ayaa ku dhawaaqday in la tirtiray ururkaas argagixisada ah lana soo xirxiray xubnihiisii, kuwaas oo la sheegay inay diyaarinayeen hawlgallo argagixiso iyo falal burburin ah oo habaysan.

Sida lagu xusay bayaan lagu baahiyay barta xiriirka bulshada ee X, baaritaannada la sameeyay ayaa daaha ka qaaday in kooxdani ay xiriir dhow la leedahay nidaamka ‘Wilayat al-Faqih’ (Ilaalinta Fiqiga) ee ka arrimiya dalka Iiraan.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirrada iyo magacyada 27 nin oo eedeysanayaal ah, in kasta oo aan si dhab ah loo shaacin dhalashadooda.

Xubnaha kooxdan ayaa lagu soo oogay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin abuurista iyo maamulidda urur qarsoodi ah, inay xarun uga dhigteen gudaha Imaaraadka, inay daacadnimo u ballan-qaadeen hay’ado shisheeye, iyo inay dhaawaceen midnimada qaran iyo nabadda bulshada dalkaas.

Sidoo kale, kooxda ayaa lagu eedeeyay inay ururiyeen lacago ayna u xawileen dhinacyo shisheeye oo laga shakisan yahay.

Sida ay hay’adaha amnigu sheegeen, eedeysanayaasha ayaa kulamo qarsoodi ah ku qaban jiray ujeeddooyin ay ku doonayeen inay dadka ku qanciyaan afkaartooda, iyagoo isku dayayay inay dhex-galaan jagooyinka xasaasiga ah ee dowladda.

Waxaa intaas dheer in kooxdu ay bartilmaameedsanaysay dhallinyarada Imaaraadka, si ay ugu abuurto afkaar marin-habaabin ah, uguna qorto u-adeegidda dano shisheeye. Waxay sidoo kale kicinayeen dadweynaha si ay uga horyimaadaan siyaasadda arrimaha dibadda iyo habraacyada gudaha ee dowladda, iyagoo isku dayayay inay sawir xun ka bixiyaan dalka.

Dhacdadan ayaa daba socota hawlgal kale oo bishii la soo dhaafay ay dowladda Imaaraadku ku xirtay ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsan “shabakad argagixiso”, taas oo, sida sheegtay, xiriir la lahayd Iiraan iyo maleeshiyada Xisbullah ee dowladda Tehran ay taageerto ee fadhigeedu yahay Lubnaan.

Xogta saraakiil CIA ah oo lagu dilay dal ay qarsoodi ku joogeen iyo su’aalo hareeyey

Mexico City (Caasimada Online) – Laba sarkaal oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA) ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gobolka Chihuahua ee dalka Mexico, arrintaas oo dhalisay su’aalo xooggan oo ku aaddan nooca dhaq-dhaqaaqyo ee ay dalkaas ka wadeen.

Madaxweynaha Mexico, Claudia Sheinbaum, oo shir jaraa’id qabatay Talaadadii, ayaa ka hadashay dhacdadan, iyadoo carrabka ku adkeysay in baaritaan rasmi ah uu socdo. Waxay xustay in sharciga Mexico uu si cad u dhigayo in wakiillada shisheeye ay tahay inay oggolaansho federaal ah helaan si ay dalka uga hawlgalaan.

Tani waxay ka dhigan tahay in saraakiisha Mareykanka aysan si toos ah ula shaqeyn karin mas’uuliyiinta heer gobol iyagoo aan fasax ka haysan xukuumadda dowladda dhexe. Ilaa hadda ma cadda in nidaamkaas la raacay intii uu socday hawlgalkan iyo in kale.

Madaxweynaha ayaa qiratay in ay jiraan warbixino is-khilaafsan oo soo baxayay wixii ka dambeeyay shilka, kuwaas oo ku saabsan sababta dhabta ah ee xubnahan Mareykanka ah ay u joogeen Mexico. Waxay amartay in Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud uu baaritaan dhammeystiran sameeyo si loo ogaado in la jebiyay Dastuurka ama Sharciga Amniga Qaranka, iyo in la xaqiijiyo in maamulka gobolka Chihuahua ay helaan dhammaan xogta saxda ah.

Xiisadda u dhexaysa labada dal ayaa ahayd mid cirka isku shareertay sanadkii la soo dhaafay, iyadoo laga cabsi qabo in Mareykanku uu isku dayo inuu qaado hawlgallo ciidan oo dhulka ah gudaha Mexico, taas oo xadgudub ku ah madax-bannaanideeda.

Tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad si uu u guto muddo-xileedkiisa labaad, Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowr jeer ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo milateri si uu u “tirtiro” kooxaha ka ganacsada daroogada iyo shabakadaha kale ee dambiyada. Hase yeeshee, Sheinbaum ayaa si adag u diidday tallaabo kasta oo noocaas ah, iyadoo ku sifeysay khad cas oo aan marnaba la dhaafi karin marka la eego xiriirka labada waddan.

Iyadoo ku celinaysa mowqifkeeda, madaxweynaha Mexico waxay sheegtay in hawlgallada wadajirka ah ee dhulka aan la oggolayn, balse heshiiska iyo wada-shaqeynta u dhexaysa labada dowladood ay ku egtahay is-dhaafsiga xogta iyo iskaashiga dhanka sirdoonka.

In kasta oo ay ku tilmaamtay xiriirka ay la leedahay Mareykanka mid “wanaagsan”, waxay ka digtay in haddii baaritaanka lagu ogaado in la jebiyay shuruucda Mexico ay arrintaas ka dhalan doonto cawaaqib. Waxay xaqiijisay in xukuumaddeedu ay gudbin doonto dacwad diblomaasiyadeed oo rasmi ah, ayna dalban doonto in ficillada noocaan ah aan dib loo soo celin, iyadoo raacisay inay durba xiriir la sameysay safaaradda Mareykanka.

Dhankiisa, Safiirka Mareykanka Ronald Johnson ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ugu tacsiyeeyay shilkan, isagoo dhacdadan ku tilmaamay mid xusuusin xanuun badan u ah khataraha ay wajahaan saraakiisha labada dal ee u heellan ilaalinta bulshooyinkooda. Johnson ayaa labadan sarkaal ku tilmaamay “shaqaale safaaradeed”, balse warbaahinta ayaa farta ku fiiqday inay xubno ka ahaayeen hay’adda CIA.

Wargeyska The Washington Post oo warkan markii ugu horreysay baahiyay ayaa sheegay in saraakiishan ay ku guda jireen hawlgal ka dhan ah daroogada, iyagoo soo xiganaya saraakiil aan magacooda la shaacin. Gaarigooda ayaa u muuqda inuu waddada ka baxay oo uu ku dhacay waadi saacadihii hore ee aroornimadii Axadda, waxaana weli aan la xaqiijin aqoonsigooda rasmiga ah.

Hadallo is-burinaya oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka Chihuahua ayaa sii kordhiyay jahawareerka ku aaddan ciddii dhabta aheyd ee ku lug laheyd hawlgalka daroogada.

Isniinta, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee gobolka ayaa soo saaray bayaan uu ku adkeysanayo in “keliya xubno ka tirsan Wakaaladda Baarista Gobolka (AEI) iyo ciidamada milateriga Mexico” ay ka qaybqaateen hawlgalkaas. Xeer-ilaaliyaha Chihuahua, Cesar Jauregui Moreno, ayaa meesha ka saaray in wax ciidamo shisheeye ah ay faragelin ku lahaayeen arrintan.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta gobolka, macallimiin ka socda Mareykanka ayaa u joogay Chihuahua ujeeddooyin kale, sida bixinta tababar ku saabsan maamulidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka. Dhanka kale, maamulku wuxuu xaqiijiyay in ciidamada Mexico ay fuliyeen hawlgal laba maalmood qaatay oo lagu soo helay laguna bur-buriyay warshad daroogada lagu farsameeyo oo ku taalla deegaanka El Pinal.

Xafiiska ayaa ku adkeystay in xilligii uu shilku dhacayay saacadihii hore ee subaxnimada, ciidamada ammaanka Mexico ay si fudud ugu wadeen saraakiisha Mareykanka dhanka garoonka diyaaradaha, maadaama ay qorsheynayeen inay Axaddii ka dhoofaan magaalada Chihuahua.

“Aad ayaan u ixtiraamnaa madax-bannaanida dalkan iyo in aysan wakiillo shisheeye si toos ah u soo faragelin hawlgallada noocan ah,” ayuu bayaanka ku yiri Jauregui Moreno.

Tan iyo markii uu Trump bilaabay muddo-xileedkiisa labaad, su’aasha ku saabsan inuu qaadi doono tallaabooyin wiiqaya madax-bannaanida Mexico ayaa si weyn u hareeyay xiriirka xuduudaha ee labada dal.

Sanadkii hore, wuxuu kooxaha daroogada Mexico u aqoonsaday “ururo argagixiso oo shisheeye,” taas oo muujinaysa diyaar-garow hawlgal milateri oo suurtagal ah. Fariin gaar ah oo uu u diray Koongareeska, ayuu Trump xubnaha kooxahan iyo shabakadaha kale ee dambiyada ugu sifeeyay inay yihiin kuwo si sharci-darro ah ugu jira “colaad hubeysan” oo ay la leeyihiin Mareykanka.

Aragtidaas ayaa horseedday inuu qaado olole uu ku duqeeyay doomo lagu eedeeyay inay daroogo wadeen oo marayay Badda Caribbean-ka iyo qaybta bari ee Badweynta Baasifigga, hawlgalladaas oo lagu dilay ugu yaraan 180 qof.

Sidoo kale, wuxuu laba jeer weeraray dalka Venezuela—bishii Diseembar iyo horraantii bishii Janaayo—tallaabooyinkaas oo sababay in la afduubo lana xiro madaxweynihii dalkaas Nicolas Maduro.

Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores ayaa hadda sugaya maxkamadeyn ku saabsan eedeymo la xiriira ka-ganacsiga daroogada iyo hubka oo ka dhacaysa New York. Khubarada sharciga ayaa weerarkaas ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Wax yar kaddib markii xukunka laga tuuray Maduro, Trump ayaa cusbooneysiiyay hanjabaadihiisa ah in dalal kale ay wajihi karaan weeraro ka dhaca dhulkooda, iyadoo Mexico ay ka mid ahayd bartilmaameedyada uu farta ku fiiqay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Sheinbaum ayaa gebi ahaanba gashaanka ku dhuftay hadalladaas, iyadoo dhanka kale sii laba-jibaartay hawlgallada xukuumaddeeda ee ka dhanka ah kooxaha daroogada.

Bishii Febraayo, tusaale ahaan, milateriga Mexico ayaa fuliyay hawlgal weyn oo lagu toogtay laguna dilay Nemesio Ruben Oseguera Cervantes oo loo yaqaanay “El Mencho”, kaas oo ahaa hoggaamiyihii kooxda weyn ee Jalisco New Generation Cartel.