25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Maxaa kasoo kordhay safarka Cabdiraxmaan Cirro ee Israa’iil? + Sawirro

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo weli ku sugan magaalada Tel Aviv ayaa sii wada kulamo uu la qaadanayo madaxda sare ee Israa’iil.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, kaas oo xafiiskiisa si hab-maamuus leh ugu soo dhaweeyey isaga iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga halkaasi.

Labada dhinac oo kulankan ay ku wehlinaayeen mas’uuliyiin sar sare iyo diblumaasiyiin ka kala socda Hargeysa iyo Tel Aviv ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xiriirka labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda.

Madaxweynaha Somaliland oo madasha ka hadlay ayaa marka hore ka mahadceliyay qaabilaada, wuxuuna sidoo kale sheegay in xiriirka labada dhinac uu galay waji cusub, ayna ku faraxsan yihiin ka dowlad ahaan.

“Xiriirka Somaliland iyo Israa’iil wuxuu galay weji cusub, oo labada dal ka shaqeynayaan iskaashiyo dhinacyo badan ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Kulankan waxaa ka horreeyay shirar kale oo uu xalay Cabdiraxmaan Cirro la galay maalgashadayaal iyo ganacsato oo uu kala hadlay fursadaha ka jira deegaannada Somaliland, gaar ahaan xagga beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, macdanta, shidaalka iyo khayraadka kale ee uu Alle ku manneystay.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in Cabdiraxmaan Cirro uu gaaro xafiiska Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo uu la yeelan doono kulan ay uga wada-hadlayaan xiriirka cusub ee u bilaabmay Hargeysa iyo Tel Aviv, si horay loogu sii wado, inkastoo uu abuuray xasaasiyad wayn oo gudaha iyo dibadda ah.

Booqashada madaxweynaha Somaliland ee Israa’iil oo qaadan doonta muddo shan cisho ah ayaa waxa uu maamulka Somaliland ku tilmaamtay mid calaamad u ah marxalad cusub oo muujinaysa dedaallada Somaliland ku ballaarinayso xiriiradeeda caalamiga ah, iyadoo dunida u muujinaysa doorkeeda sii xoogaysanaya ee dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, iskaashiga gobolka iyo horumarka.

Si kastaba, safarka Cirro ayaa imaanaya xilli maamulka Somaliland uu qorsheynayo inuu safaarad ka furto magaalada Qudus, taas oo ka dhigaysa in qeybo kamid ah Soomaaliya laga aqoonsaday sheegashada Israa’iil ee magaalada barakeysan.

Deni oo ku dhawaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda kala dhexeysa DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay furitaanka baarlamaanka maamulkaas ayaa ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo uga sii darayo xiisadda siyaasadeed ee haatan kala dhexeyso Dowladda Soomaaliya.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay u dhaqmayso sidii dowlad madax-banaan oo kale, ayna galayso heshiisyo caalami ah, sida uu ku caddeeyay khudbaddiisa.

Madaxweynaha Puntland oo soo daliishaday qodobo kamid ah dastuurka maamulkaas iyo kan Federaalka ayaa xusay in Puntland ay xaq u leedahay inay ka faa’iideysato khayraadkeeda dabiiciga ah, ayna soo saaraneyso.

“Dowladda Puntland weli kama quusan kamid ahaanshaha dowladnimo Soomaaliyeed oo Federaal ah, laakiin inta laga helayo dhismo dowlad heshiis lagu yahay, sida uu qabo qodobka 4-aad iyo qodobka 54-aad ee dastuurka Puntland iyo qodobka 44-aad iyo qodobka 142-aad ee dastuurka kumeel gaarka ah ee DFS, Puntland waxay xaq u leedahay in ay si madax bannaan uga faa’iideysato khayraadkeeda, ayna geli karto heshiisyo caalami ah,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray ganacsatada Soomaaliyeed, kuwa shisheeye iyo dalalka daneynayna inay ka faa’iideystaan khayraadka Puntland.

“Haddaba Puntland waxay soo dhaweyneysaa cid kasta oo rabta in ay maalgashato khayraadka ku jira dhulkeeda haddii ay tahay ganacsatada Soomaaliyeed, kuwa ajnabiga ah iyo dowladaha daneynayo inay Puntland maalgashadaan,” ayuu mar kale yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale, wuxuu soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kala diray Soomaaliya, Isla markaana uu ku xadgudbay nidaamkii Federaalka ee heshiiska lagu lahaa, laguna duulay maamul goboleedyada dalka. Waxaa kale oo uu intaas ku daray  in Puntland ay si cad uga hortimid afduub siyaasadeed iyo mid sharci oo dalka loo geysto, ayna ka dagaalamayso.

“Puntland waxay ka hortimid afduub siyaasadeed iyo mid sharci oo uu Madaxweynihii hore ee dalka ku sameeyey hannaankii heshiiska lagu ahaa, wuxuuna duullaan toos ah ku hayaa hannaankii federaalka iyo maamullada ka jira dalka, wuxuu horay duullaan hubeysan ugu qaaday Raaskambooni oo uu ku dilay muwaadiniin Soomaaliyeed, wuxuu sidooo kale khalkhal siyaasadeed iyo afgambi ka sameeyey magaalada Baydhaba, isagoo meesha ka saaray hannaankii maamul ee ka jirey Koonfur Galbeed, “ayuu yiri markale yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay kordhisay dhaqdhaqaaqeeda gudaha Puntland, isla markaana ay ka wado qorista ciidamo federaal ah oo ka howlgala deegaannada maamulkaas, si ay saameyn ugu yeelato halkaasi.

War cusub oo kasoo kordhay wada-hadallada DF iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa weli sii wada dadaalladooda ku aadan dhex-dhexaadinta madaxda Dowadda Federaalka iyo kuwa mucaaradka, si loo bilaabo wada-hadallo toos ah oo xal loogu raadinayo khilaafka hareeyay hannaanka doorashooyinka dalka.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan, kadib cadaadis aan kala joogsi lahayn oo ay saartay Beesha Caalamka, oo iyadu farogelin, billowday kadib dagaalkii dhawaan labada dhinac ku dhexmaray xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland ayaa haatan soo magacaabay guddi farsamo oo loo xil saaray isku dubbaridka dadaallada lagu doonayo in lagu bilaabo wada-hadal u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, guddigan ayaa ka kooban xubno kala metelaya Madasha Samatabixinta iyo labada maamul ee ku midoobay Golahan, waxayna kala yihiin;-

1- Wasiir hore Maxamed Dhabancad oo metelaya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, 2-Cabdirashiid Jire oo isna metelaya Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo saddex xubnood oo kale oo iyana metalaya mucaaradka Muqdisho, kuwaas oo kala ah  Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Cabdiraxmaan Ceynte.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnahan ay diiradda saari doonaan sidii loo mideyn lahaa dadaallada kala duwan ee Beesha Caalamka ee ku aadan xal ka gaaridda khilaafka ka taagan dalka ee ka dhashay arrimaha doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda wadda diyaar garow ku aadan wada-hadallada bilaabanaya oo ay door weyn ku leeyihiin dalalka Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo qaaday tallaabooyin lagu qaboojinayo xiisadda taagan.

Dadaalladan oo maalmo badan socda ayaa haatan uu muuqdo kuwa suuragelin kara in markale ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan dowladda iyo mucaaradka oo horay ugu kala kacay shirar kala duwan oo ay yeesheen.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad xasaasi ah oo ka dhalatay is mariwaaga siyaasadeed ee dhinacyadan, taas oo keentay in qalqal amni laga dareemo gudaha caasimada, inkastoo haatan xaaladdu ay dagan tahay.

Xuutiyiinta oo jawaab culus ka soo saaray booqashada uu C/raxmaan Cirro ku tegay Israel

Sanca (Caasimada Online) — Maamulka Xuutiyiinta Yemen ayaa si kulul u cambaareeyay safarka madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu shalay ku tagay Israel, xilli xiriirka sii xoogeysanaya ee Hargeysa iyo Tel Aviv uu weli abuurayo caro ballaaran oo ka taagan Soomaaliya, gobolka iyo dalal ka tirsan dunida Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay magaalada Sanca ayaa bayaan ay soo saartay ku tilmaantay Cirro “madaxweynaha is-magacaabay ee Somaliland”, iyadoo sheegtay in booqashadiisa Israel ay tahay tallaabo ceeb ah oo sii fogeynaysa Hargeysa.

Bayaanka, oo ay daabacday wakaaladda wararka Saba ee ay maamulaan Xuutiyiinta, ayaa lagu yiri: “Qof kasta oo booqda, gacan qaada ama aqoonsada dambiilayaasha dagaalka ee Sahyuuniyadda waa inuu dareemaa ceeb iyo hoos-u-dhac.”

Wasaaradda ayaa Israel ku eedeysay in gacmaheedu “ku wasakhoobeen dhiigga Carabta” ee Falastiin, Lubnaan, Iran iyo Yemen, iyadoo ku tilmaantay Israel cadowga ummadda Islaamka iyo goobaha barakeysan.

“Xiriirka sii kordhaya ee Hargeysa la sameyneyso Israel waxba kama tarayo danaha Somaliland, mana gaarsiinayo ujeeddooyinka ay raadineyso,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maamulka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Hargeysa iyo Tel Aviv uu Somaliland ka sii fogeyn doono deegaanka Carabta iyo Islaamka, halkii uu u horseedi lahaa aqoonsi iyo taageero siyaasadeed oo ballaaran.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dalalka Carabta looga baahan yahay in aysan ku ekaan cambaareyn afka ah, balse ay qaadaan “tallaabooyin muuqda” oo looga hortagayo waxa uu ku tilmaamay “tallaabooyinka ceebta ah” ee Hargeysa.

Cambaareynta Xuutiyiinta ayaa imaneysa xilli Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro uu gaaray Israel, safar loo arko mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee Hargeysa qaaddo tan iyo markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in safarka Cirro uu qeyb ka yahay dadaal lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, islamarkaana lagu wado in lagu furo safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus, oo Hargeysa ay u aqoonsatay caasimadda Israel.

Tallaabadaas ayaa si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa horey u diiday aqoonsiga Israel ee Somaliland, isagoo sheegay in tallaabadaas ay ka hor imaaneyso mabda’a ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dhuleed ee dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in xiriirka Israel iyo Somaliland uu qeyb ka yahay qorshe khatar ku ah gobolka Geeska Afrika, halka Hargeysa ay ku adkeysaneyso in ay xaq u leedahay sameysashada xiriir dibadeed oo u adeega danaheeda amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.

Bayaanka Xuutiyiinta ayaa muranka Somaliland iyo Israel siinaya xagal cusub oo ku xiran Badda Cas iyo siyaasadda gobolka.

Xuutiyiinta, oo taageero ka hela Iran, ayaa muddooyinkii dambe si weyn ugu lug lahaa xiisadaha ka taagan Badda Cas, iyagoo weeraro ku qaaday maraakiib ay ku sheegaan inay xiriir la leeyihiin Israel ama ay u socdaan dekedaha Israel.

Maamulka Sanca ayaa sheegay in Israel aysan ku guuleysan doonin qorshayaasheeda ku wajahan Soomaaliya iyo Geeska Afrika, isagoo ballan qaaday in Yemen ay ka hor imaan doonto dadaalladaas.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xuutiyiintu ay si buuxda u taageerayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay uga hortagto waxa ay ku tilmaameen “mashruuc Sahyuuni ah” oo lagu beegsanayo Soomaaliya, Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.

Mareykanka iyo Iran oo kala saxiixday heshiis buuxa oo aysan qeyb ka aheyn Israa’iil

Washington (Caasimada Online) — Mareykanka iyo Iran ayaa gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalkii u dhaxeeyay labada dal, sida ay Axaddii shaaciyeen madaxweyne Donald Trump iyo ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, oo dalkiisu door dhexdhexaadin ah ka ciyaaray wadahadallada.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in “heshiiska Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran uu hadda dhammeystiran yahay,” isagoo sidoo kale ku dhawaaqay in si degdeg ah loo furayo marinka muhiimka ah ee Strait of Hormuz.

“Hambalyo dhammaan!” ayuu qoray Trump. “Waxaan si buuxda u oggolaaday furitaanka lacag la’aanta ah ee Strait of Hormuz, isla markaana waxaan oggolaaday in si degdeg ah loo qaado xayiraadda badeed ee Mareykanka saaray dekedaha Iran.”

Trump ayaa hadalkiisa ku daray: “Maraakiibta caalamka, mishiinnadiinna shita. Saliidda ha socoto!”

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa isna sheegay in Washington iyo Tehran ay gaareen heshiis nabadeed oo dhigaya in si degdeg ah oo joogto ah loo joojiyo howl-gallada militari ee dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan.

Sharif ayaa sheegay in heshiiska si rasmi ah loogu saxiixi doono Jimcaha dalka Switzerland.

Heshiiskan ayaa imanaya kadib ku dhowaad afar bilood oo dagaal ah, kaas oo sababay dhimashada kumannaan qof, inta badan Iran iyo Lubnaan, isla markaana gilgilay suuqyada tamarta caalamka.

Dagaalka ayaa sidoo kale cadaadis weyn saaray dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada Mareykanka, kadib markii Iran ay weerarro ku qaadday Israel iyo qaar ka mid ah xarumaha Mareykanka ee gobolka.

Marinka Hormuz oo dib loo furayo

Qodobka ugu weyn ee heshiiska ayaa ah dib u furista Marinka Hormuz, oo ah marin biyood istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhaqaalaha caalamka.

Iran ayaa muddo bilo ah si wax ku ool ah u xirtay marinkan, taas oo hakad gelisay maraakiibta saliidda iyo gaaska qaada. Arrintaas ayaa sare u qaaday qiimaha tamarta, gaar ahaan shidaalka iyo saliidda cayriin, waxayna cabsi gelisay dalal badan oo ku tiirsan sahayda Khaliijka.

Mareykanka ayaa dhankiisa xayiraad badeed saaray dekedaha Iran, taas oo sii kordhisay xiisadda labada dhinac.

Sida ay ilo dhowr ah hore u sheegeen, qodobbada hordhaca ah ee heshiiska ayaa dhigaya in Iran ay dib u furto Marinka Hormuz, halka Mareykanku uu qaadayo xayiraadda badeed ee saaran dekedaha Iran.

Marinkan ayaa isku xira Khaliijka Faaris, Gacanka Cumaan iyo Badda Carabta, waxaana mara qayb weyn oo ka mid ah saliidda iyo gaaska dunida.

Wadahadallo nukliyeer oo xiga

Inkasta oo heshiisku soo afjarayo dagaalka, haddana arrinta ugu adag ee barnaamijka nukliyeerka Iran ayaa loo dhaafay wadahadallo kale oo socon doona 60 maalmood.

Qodobbada la sheegay ayaa dhigaya in Iran aysan soo saari doonin ama heli doonin hub nukliyeer, isla markaana aysan ballaarin doonin xarumaheeda nukliyeerka inta wadahadalladu socdaan.

Mareykanka ayaa doonaya in heshiiska kama dambaysta ah uu horseedo in Iran ay si weyn u xaddiddo barnaamijkeeda nukliyeerka. Iran ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in aysan doonayn hub nukliyeer, balse ay xaq u leedahay barnaamij nukliyeer oo nabadeed.

Heshiiska ayaa sidoo kale la sheegay inuu Iran siinayo fursad dhaqaale, oo ay ku jiraan ka dhaafis cunaqabateyn saliid, hakinta cunaqabateymo cusub inta wadahadalladu socdaan, iyo sii deynta lacago badan oo Iran uga xayiran dibadda.

Israel oo ka baxsan heshiiska

Israel ayaa sheegtay inaysan qeyb ka ahayn heshiiska Mareykanka iyo Iran, isla markaana ay sii wadan doonto waxa ay ku tilmaanto xorriyadda howl-galladeeda militari ee Lubnaan.

Heshiiska ayaa yimid saacado kadib markii Israel ay duqeyn ku qaadday duleedka koonfureed ee Beirut, taas oo dhalisay caro ka timid Tehran iyo dhaliil uu jeediyay Trump.

Trump ayaa sheegay in weerarkaas “uusan dhici lahayn,” maadaama Mareykanka uu ku dhowaa heshiis nabadeed oo uu la galo Iran.

Haddii heshiisku hirgalo, wuxuu noqon karaa isbeddel weyn oo gobolka ka dhaca, isagoo yareyn kara xiisadda Khaliijka, dib u furi kara marin muhiim u ah saliidda caalamka, isla markaana bilaabi kara wadahadallo cusub oo ku saabsan mustaqbalka barnaamijka nukliyeerka Iran.

Saciid Deni oo arrimo xasaasi ah ku eedeeyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhigga 58-aad ee Baarlamaanka maamulkaas ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u jeediyay eedeymo culus.

Saciid Deni ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay in xeebaha Puntland, gaar ahaan deegaannada Xaafuun, Eyl iyo Jariiban uu ku abuuray burcadbadeed hubeysan oo weerarro ku qaaday maraakiib iyo doonyo isticmaala xeebaha bari ee Soomaaliya iyo sidoo kale biyaha caalamiga ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu Xasan Sheekh oo ay si wayn isugu hayaan arrimaha siyaasadda uu ku eedeeyey inuu isku dayay inuu colaad ka huriyo deegaannada Puntland, gaar ahaan dadka reee Sool iyo maamulka Puntland.

“Madaxweynihii hore ee DFS wuxuu ku dadaaley inuu colaad ka dhex abuuro dadka walaala ah ee Reer Sool iyo Puntland, laakiin dadka reer Sool oo aad u garasho badan way diideen ina colaadaasi dhacdo,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Dhanka kale, wuxuu soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kala diray Soomaaliya, Isla markaana uu ku xadgudbay nidaamkii Federaalka ee heshiiska lagu lahaa, laguna duulay maamul goboleedyada dalka.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray  in Puntland ay si cad uga hortimid afduub siyaasadeed iyo mid sharci oo dalka loo geysto, ayna ka dagaalamayso, sida uu ku dooday, Saciid Cabdullaahi Deni.

“Puntland waxay ka hortimid afduub siyaasadeed iyo mid sharci oo uu Madaxweynihii hore ee dalka ku sameeyey hannaankii heshiiska lagu ahaa, wuxuuna duullaan toos ah ku hayaa hannaankii federaalka iyo maamullada ka jira dalka, wuxuu horay duullaan hubeysan ugu qaaday Raaskambooni oo uu ku dilay muwaadiniin Soomaaliyeed, wuxuu sidooo kale khalkhal siyaasadeed iyo afgambi ka sameeyey magaalada Baydhaba, isagoo meesha ka saaray hannaankii maamul ee ka jirey Koonfur Galbeed, “ayuu yiri markale yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay kordhisay dhaqdhaqaaqeeda gudaha Puntland, isla markaana ay ka wado qorista ciidamo federaal ah oo ka howlgala deegaannada maamulkaas, si ay saameyn ugu yeelato halkaasi.

Muungaab oo furay imtixaan laga qaadayo 46,000 oo arday + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir, kaas oo ay sanadkan u fariisteen in ka badan illaa 46,000 oo arday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxaa lagu sheegay in imtixaanka oo lagu galayo 125 xarumood oo ku kala yaalla degmooyinka gobolka Banaadir loo sameeyay diyaar-garow dhammaystiran oo lagu xaqiijinayo habsami-u-socodka imtixaanka, amniga xarumaha iyo ilaalinta tayada maamulka imtixaanaadka.

Sidoo kale, imtixaanka sanadkan ayaa lagu daray adeegyo iyo duruufo u gaar ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si’ loo xaqiijiyo helitaanka fursad loo siman yahay.

Ugu horreyn munaasabadda daah-furka imtixaanka waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo sheegay in ay si weyn ugu diyaar garoobeen imtixaanka, isla markaana ay diyaariyeen wax kasta oo ay u baahan yihiin ardayda.

“Xarun kasta oo imtixaan lagu galayo waxaa la geeyay kooxo caafimaad, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo ciidamada dab-damiska, si loogu diyaargaroobo xaalad kasta oo soo derista inta uu socdo imtixaanka.” ayuu yiri, agaasime Cabdiraxmaan Cali Maxamed.

Intaas kadib Duqa Magaalada Muqdisho oo hadalka qaatay aya ardayda guul u rajeeyay, isaga oo ballan qaaday in maamulka gobolka uu sanadkan sii wadi doono dhiirrigelinta iyo abaalmarinta ardayda kaalmaha hore ka gala imtixaanka, sida uu soo-jireenka ka dhigay sanadkii hore.

Si kastaba, ha’ahaatee, Waxaa xusid mudan in sanadkan markii ugu horreysay ay imtixaanka ka qaybgalayaan arday muwaadiniin reer Suudaan ah oo waxbarasho ka dhigta magaalada Muqdisho, arrintaas oo muujinaysa kaalinta ay caasimaddu ka qaadanayso taageeridda waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee walaalaha soo magansaday.

Munaasabadda daah-furka imtixaanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Xasan oo maalgashadayaal waa wayn ku qaabilay Madaxtooyada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah oo ka socday dalka Talyaaniga, kuwaasi oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Xubnahah ayaa caasimada uga qayb galay shir ku saabsanaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, kadibna waxaa maanta si weyn Madaxtooyada ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa kulan ay yeesheen labada dhinac goobjoog ahaa Danjiraha dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka dhaqaale iyo kobcinta iskaashiga ganacsi ee labada dal, iyada oo  wafdiga Talyaaniga ay ka mid ahaayeen maamulayaasha shirkado ganacsi, warshado waaweyn iyo maalqabeenno daneynaya in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ganacsatada ku boggaadiyey booqashadooda Muqdisho ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay maanta ku tallaabsanayso isbeddel ballaaran oo dhanka amniga, dib u dhiska dhaqaalaha iyo abuurista jawi dhiirrigelinaya maalgashiga caalamiga ah.

Sidoo kale, wuxuu ku boorriyey in ay si dhow uga faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, kalluumeysiga, beeraha, warshadaha iyo adeegyada bulshada.

Dhankooda, wafdiga ganacsatada iyo maalgashadeyaasha ka socday Talyaaniga ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran iyo fursadda qaabilaadda ah ee uu siiyay, iyaga oo muujiyay sida ay u daneynayaan ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhanka suuqyada soo koraya iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale taageero kala duwan siiyaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Danab oo Shabaab badan ku laayay Kurtunwaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa maanta howlgal culus ka fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, isla markaana khasaare culus la gaarsiiyay.

Sida lagu caddeeyay bayaanka waxaa goobta lagu dilay ugu yaraan illaa 14 dhagarqabe, isla markaana uu howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

“Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ka fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab. Intii uu socday howlgalka, waxaa lagu dilay 14 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

 

Sidoo kal, Ciidanka ayaa inta uu socday howlgalka burburiyay kayd hub, walxaha qarxa iyo agab kale oo Shabaab u adeegsan jirtay diyaarinta iyo fulinta falalka argagixisanimo ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalkan lagu naafeeyay argagixisada uu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in dalka oo dhan looga xoreeyo, isla markaana uu sii socon doono.

“Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu jiraan ciribtirka Khawaarijta, kuwaas oo ku caan baxay cabburinta shacabka, dhaca hantidooda iyo falalka amni-darrada ah ee ay ka geystaan deegaannada dalka,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa kale oo lagu sii daray “Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa ka go’an sii wadidda howlgalada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo nabadda dalka”.

Si kastaba, Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa xoojiyay howlgalllada lagu beegsanayo Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo u jawaabay Xasan: Wardhiigley ma aha dowladnimada Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta la hadlayay ciidamo uu tababar usoo xiray ayaa soonhadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si kulul ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ku celiyay in dowladdiisa aysan Madaxweyne uu aqoonsaneyn Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Barnaamijka Miisaan Prodkast ee Dawan ayaa intaas ku daray in Axmed Madoobe markii uu dhawaan imaanayay Muqdisho uu ku yimid xubin ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday in aanu aqoonsi uga baahneyn dowladda dhexe, isla markaana go’aanka ay leeyihiin dadka reer Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay.

“Maalin dhawayd waxaan dhageysanayay Xasan oo leh ma aqoonsani doorashada State-ka ka dhaceyso waa mid reer Jubbaland ay aqoonsi uga baahantahay dadkeeda ayaana iska leh wax sharciyad ah oo dowladda dhexe kaga xiran ma jirto,” ayuu ku jawaabay Axmed Madoobe.

Sidoo kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu tilmaamay inuu isku koobay awoodda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dowladnimada Soomaaliya aysan ku ekeyn degmada Wardhiigleey oo ay ku taallo Madaxtooyada Qaranka.

“Dib gogosha haloogu soo noqdo talada dhulka hala dhigo korbaan u haynayaa Soomaaliya halka ay gaarsiisay waan ogsoonahay intaas oo sano ayaanu dagaal sokeeye ku jirnay Wardhiigley ma aha dowladnimada Soomaaliya haddii uu qofka u arkaa in xaafadda uu joogaa ay u noqoneyso dowladnimada Soomaaliya oo xukunka uu yahay xaafaddaa uu joogo sax ma noqonayso,” ayuu markale yiri Axmed.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu talada dhexda soo dhigo, uuna dib umba qaado wada-hadallada xalka looga gaarayo hannaanka doorashooyinka, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda.

“Maanta dolwaddda xilligeeda dhammaaday iyo Xasan Sheekh oo term-kii labaad maraya oo nin da’ah waxaad moodaa in wixii oo dhan uu iska indha tiray, uuna ka shaqeynayonwax taariikhda bog madow kaga tagi doono, waxaan oran lahaa war Xasanow dib u xasuuso Soomaaliya meesha ay soo martay iyo xaaladda maanta meesha ay taagan tahay,” ayuu sii raaciyey Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa waxaa weli ka dhexeeya khilaaf xoogan oo daba dheeraaday, kaas oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac, kadib markii uu meesha ka baxay xiriirkii Muqdisho iyo Kismaayo.

Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay booqashada Cirro ee Israa’iil?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay booqashada uu maanta Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)  ku tegay dalka Israa’iil, halkaas oo si heer sare ah loogu qaabilay.

Safarkan oo Madaxtooyada Somaliland ku tilmaamtay mid taariikhi ah ayaa muujinaya in weli Israa’iil ay sii wado xad-gudubka ka dhanka ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa soo dhaweyn kadibb kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, wuxuuna uga mahadceliyay sii dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Sidoo kale, wuxuu faah-faahiyay safarkiisa oo uu tilmaamay inuu xoojinayo xiriirka labada dhinac oo indhawaanahan cirka isku tolayay.

“Waxa sharaf weyn ii ahayd inaan ka qayb galo qado-sharafta Qaran ee uu ii sameeyey saaxiibkay, Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, taas oo ka qabsoontay Xarunta Madaxtooyada Israel. Laga soo bilaabo ilaa booqashadan Israa’iil, wada-hadalladayadu waxa ay ka tarjumayeen xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil. Maantana, xidhiidhkaasi waxa uu qaadayaa tallaabo kale oo muhiim ah, annaga oo ka wada shaqaynayna dhismaha mustaqbal ku salaysan iskaashi, wax-wada-qabsi iyo fursado wadaag ah oo u adeegaya danaha iyo horumarka labada shacab,” ayuu yir Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Haddaba sidee looga fal-celiyay booqashada Cabdiraxmaan Cirro ee Tel Aviv?

Shamsudiin Cabdirashiid: “Cirro Salaaddii Duhur & Salaaddi Casar halkee ku Dukatay ileeyn dhul Yahuud oo nacladan ayaa joogtaa?”.

Cabdiraxmaan Lankar yare: “Talaabadi aad ku dhiman lahayd waayay tan waan arkee waxa ay kugu sameyso Yahuud”

Mubaarak Ciid: “Somaliland caalamka ayay la tartamaysaa Madaxwayne guulayso”.

Zakariye Maxamed: “Subxanallaah Ilaaheeyow naga nabadgeli jidkii Yahuud oo Nasaaro mareen Yahuud ilaahay baa nacladay Cirrow.

Jubbaland oo soo bandhigtay ciidamo cusub iyo gaadiid dagaal + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) –  Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta ciidamo cusub iyo gaadiid dagaal kusoo bandhigay xero ku taalla gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo loo diyaarinayo inay ka qaybqaataan howlgallada ka socda deegaannada maamulkaaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay wax badan ka duwan yihiin kuwii hore, isla markaana ay heystaan tababarro muhiim ah oo ku aadan howlaha amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo sidoo kale aad u qalabeysan ayaa waxaa tababar usoo xiray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waana qayb kamid ah ururka gaarka ah ee Duufaan ee Ciidamada Darawiishta Maamulka Jubaland.

Axmed Madoobe oo goobta kula hadlay ciidamada tababarka dhammaystay ayaa xusay in casharrada kala duwan ee ay qaateen, gaar ahaan la dhaqanka bulshada, loo baahan yahay in laga dareemo deegaannada ah ka howlgalayaan, gaar ahaan kuwa laga xoreeyo Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in guusha howlgalladu aysan ku koobnayn oo keliya dhinaca amniga, balse ay muhiim tahay in ciidamada ay kasbadaan kalsoonida iyo taageerada shacabka ay u adeegayaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale ku bogaadiyey ciidamada dadaalka ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday, isagoo ku dhiirrigeliyey inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla markaana ay door muuqata ka qaataan xoreynta iyo sugidda amniga deegaannada Jubaland.

Jubbaland ayaa u muuqato inay xoojineyso difaaceeda, ayna kordhineyso tirada ciidamadeeda, maadaama ay taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo mar isku rogtay gacan ka hadal kadib dagaal labada dhinac ku dhexmaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa kaloo loo jirta in Jubbaland ay dardargelineyso dagaalka ay kula jirto argagixisada, OO weli ku xooggan dhul ballaaran oo kamid ah maamulkaasi, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kadib dhacdadii Mareykanka, FIFA oo ku dhawaaqday in garsoore Cartan la siinayo…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa ku dhawaaqday in garsoore Cumar Cartan la siin doono dhammaan gunnooyinkii iyo lacagihii uu heli lahaa intii uu ka shaqeyn lahaa Koobka Adduunka.

Go’aankan ayaa imanaya kadib markii dowladda Mareykanka ay ka hor istaagtay Cartan inuu ka qayb-galo Koobka Adduunka 2026, inkastoo uu ka mid ahaa garsoorayaasha si rasmi ah loogu soo xulay tartankaas.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, FIFA ayaa go’aankan u gaartay si loo yareeyo saameynta ballaaran ee ka dhalatay maqnaanshihiisa tartanka ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Hay’adda FIFA ayaa muujisay garab istaag xooggan oo ay la garab taagan tahay garsooraha Soomaaliyeed, iyadoo ka xun caqabadihii dhanka socdaalka ee sababay in uusan gudan waajibaadkiisii shaqo ee Koobka Adduunka.

FIFA ayaa sidoo kale raalli-gelin ka bixisay duruufaha keenay in Cartan laga celiyo safarkiisii, taasoo dhalisay hadal-heyn ballaaran oo ka dhex abuurantay bahda kubadda cagta iyo taageerayaasha ciyaaraha ee caalamka.

Dhacdadan ayaa si weyn looga falceliyay gudaha Soomaaliya iyo dunidaba, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen tallaabo aan caddaalad ahayn in garsoore heer caalami ah looga hor istaago inuu ka qayb galo tartan uu si rasmi ah ugu soo baxay.

Garsoore Cumar Cartan ayaa muddadii ay arrintani taagnayd helay taageero ballaaran oo uga timid bahda isboortiga, siyaasiyiin, madax kala duwan iyo qaybo badan oo bulshada ka tirsan, kuwaas oo cambaareeyay tallaabadii lagu hor istaagay.

Dhinaca kale, hab-dhaqankii degganaa iyo dulqaadkii uu muujiyay Cartan intii ay socotay murankan ayaa si weyn loogu ammaanay fagaarayaasha isboortiga, iyadoo lagu tilmaamay inuu si xirfadeysan uga falceliyay xaaladda adag ee soo wajahday.

Taageeradaas iyo sumcadda uu ku leeyahay garsoorka caalamiga ah ayaa keentay in Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) uu u magacaabo inuu garsoore ka noqdo kulanka UEFA Super Cup 2026, kaas oo 12-ka August ku dhex mari doona kooxaha Paris Saint-Germain (PSG) iyo Aston Villa, taasoo loo arko abaalmarin iyo kalsooni cusub oo la siiyay garsooraha Soomaaliyeed.

Sawirro: Cabdiraxmaan Cirro oo maanta ka degay Israa’iil – Sidee loogu soo dhaweeyay

0

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Israa’iil, halkaas oo si heer sare ah loogu qaabilay.

Safarkan oo Madaxtooyada Somaliland ku tilmaamtay mid taariikhi ah ayaa muujinaya in weli Israa’iil ay sii wado xad-gudubka ka dhanka ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa soo dhaweyn kadibb kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland.

Booqashadan oo Madaxtooyaddu ku tilmaamtay tii ugu miisaanka cuslayd ee ay Somaliland ka fuliso fagaarayaasha diblomaasiyadda ee heer caalami ayey sheegtay un lagu maamuusay hab-maamuus heer caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen roogga Cas, salaan-sharafta ciidamada iyo tumista heesta astaanta maamulka.

“Waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee Calanka iyo Heesta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah uga dhex muuqdaan munaasibad heerkan ah oo ka dhacaysa Qasriga Madaxtooyada Israa’iil,” ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Labada madaxweyne waxa ay yeesheen wada-hadallo rasmi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga istiraatijiyadeed iyo danaha wadaagga ah ee Somaliland iyo Israa’iil.”

Madaxweyne Cirro iyo Isaac Herzog ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay uga go’an tahay dhisidda iskaashi ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag, nabad, xasillooni iyo horumar waara

Munaasibadda kadib, labada mas’uul ayaa si wadajir ah saxaafadda u jeediyey war-murtiyeed ay ku muujiyeen rabitaankooda ku aaddan xoojinta xiriirka labada dhinac.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Israa’iil ayaa Cirro iyo wefdigiisa ku maamuusay qado-sharaf oo ka dhacday qasriga madaxtooyada Israa’iil, taas oo lagu muujiyey qaddarinta gaarka ah ee loo hayo booqashada hoggaamiyaha Somaliland iyo muhiimadda ay u leedahay xiriirka labada dhinac.

Booqashada madaxweynaha Somaliland ee dalka Israa’iil oo qaadan doonta muddo shan cisho ah ayaa waxa uu maamulka Somaliland ku tilmaamtay mid calaamad u ah marxalad cusub oo muujinaysa dedaallada Somaliland ku ballaarinayso xiriiradeeda caalamiga ah, iyadoo dunida u muujinaysa doorkeeda sii xoogaysanaya ee dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, iskaashiga gobolka iyo horumarka.

Si kastaba, safarka Cirro ayaa imanaya xilli maamulka Somaliland uu qorsheynayo inuu safaarad ka furto magaalada Qudus, taas oo ka dhigaysa in qeybo kamid ah Soomaaliya laga aqoonsaday sheegashada Israa’iil ee magaalada barakeysan.

Maxaa ka socda duleedka magaalada Baydhaba?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan howlgallo amni oo ballaaran, kuwaas oo lagu xoojinayo nabadgalyada magaalada iyo deegaannada ku hareeraysan.

Ciidamo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa si wadajir ah uga howlgalaya duleedka Baydhabo, halkaas oo ay ka sameysteen saldhigyo cusub iyo fariisimo ciidan oo loogu talagalay adkeynta amniga iyo ka hortagga khataraha ka iman kara kooxaha hubeysan.

Howl-galladan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu kordhinayo dadaallada lagu sugayo amniga guud ee magaalada Baydhabo, oo ah xarunta siyaasadeed iyo maamulka ee dowlad-goboleedkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in saldhigyada cusub laga hirgeliyay goobo istaraatiiji ah oo ku yaalla duleedka magaalada, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada amni-darro ee ka dhici kara aaggaas, isla markaana loo xaqiijiyo amniga shacabka.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay amar ay shalay soo saareen hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, kaas oo lagu faray saraakiisha ciidamada inay dardargeliyaan howlgallada lagu sugayo amniga Baydhabo iyo deegaannada hoos yimaada.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa muujiyay walaac ku aaddan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la sheegay inay wadaan kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda maamulka, kuwaas oo taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen oo si xoog ah looga tuuray xukunka. Kooxahan ayaa lagu eedeeyay inay weerarro ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin gobolka Baay.

Baydhabo ayaa dhawaan marta-gelisay dagaallo ka dhashay isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay maamulkaasi, oo haatan uu hoggaaminayo Sheekh Aadan Madoobe oo maalmo ka hor loo doortay madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Mareykanka iyo Iran oo maanta saxiixaya heshiis taariikhi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa la filayaa inay maanta kala saxiixdaan heshiis lagu doonayo in si rasmi ah loogu soo afjaro colaaddii u dhexeysay labada dal, taas oo sii xoogeysatay tan iyo 28-kii Febraayo ee sanadkan, kadib weerarro iyo iska horimaadyo horseeday xiisad amni iyo mid siyaasadeed oo baahsan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay natiijada dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hormuud ka yihiin Pakistan, Qatar iyo dalal kale oo door firfircoon ka qaatay dhex-dhexaadinta iyo raadinta xal waara oo lagu soo afjaro colaadda labada dhinac.

Trump ayaa sheegay in heshiiska maanta la saxiixayo uu furi doono bog cusub oo ku saabsan xiriirka labada dal, inkastoo uusan weli shaacin qodobada rasmiga ah ee lagu heshiiyay. Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in wada-hadallada ay diiradda saareen arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin amniga marin-biyoodka Hormuz, yareynta xiisadaha milatari ee gobolka iyo dammaanad-qaadyo la xiriira amniga iyo ganacsiga caalamiga ah.

Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Iiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay sheegay in wada-hadalladu gaareen heerkii ugu dambeeyay, isla markaana ay jirto rajo xooggan oo ku aaddan in lagu kala saxiixdo heshiis xabbad-joojin iyo is-afgarad waara.

Tehran ayaa sidoo kale ka digtay tallaabo kasta oo ay Israa’iil qaaddo oo carqaladeyn karta geeddi-socodka heshiiska, iyadoo ku baaqday in dhammaan dhinacyadu ka fogaadaan ficillo sababi kara in xiisaddu mar kale dib u soo laabato.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa heshiiska la filayo in maanta la saxiixo. Wargeyska The New York Times ayaa ku tilmaamay heshiiska mid noqon kara isbeddel weyn oo ku yimaada siyaasadda Bariga Dhexe, halka suuqyada caalamka, gaar ahaan kuwa shidaalka, ay si dhow ula socdaan natiijada wada-hadallada, maadaama amniga marin-biyoodka Hormuz uu saameyn toos ah ku leeyahay dhaqaalaha dunida.

Heshiiska la filayo ayaa waxaa door muhiim ah ka ciyaaray dhex-dhexaadinta Qatar iyo Pakistan, taas oo sahashay isu soo dhowaanshaha mowqifyada labada dhinac.

Heshiis kasta oo rasmi ah wuxuu noqon karaa mid si weyn u beddela xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, haddii si buuxda loo dhaqan-geliyo qodobada lagu heshiiyay.

Haddii heshiiska la saxiixo sida la qorsheeyay, waxa uu noqon doonaa mid ka mid ah is-afgaradyadii ugu waaweynaa ee diblomaasiyadeed ee sanadkan, iyadoo dunidu indhaha ku hayso saameynta uu ku yeelan doono gobolka Bariga Dhexe iyo xiriirka mustaqbalka ee Washington iyo Tehran.

Israel oo saldhig sirdoon ka sameysatay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Israel ayaa saldhig sirdoon ka sameysatay Somaliland, sida ay sheegtay warbaahinta Drop Site News ee Mareykanka oo soo xiganeysa saraakiil Soomaali ah, kuwa ka tirsan maamulka Somaliland iyo kuwo amni oo gobolka la socda.

Warbixinta ayaa sheekada ka saareysa heerkii hore ee ahaa in Israel ay kaliya dooneyso saldhig militari oo ay ka hesho Berbera, waxayna ku doodeysaa in dhaq-dhaqaaq sirdoon oo Israel leedahay uu durba ka billowday gudaha Somaliland.

Drop Site News ayaa sheegtay in dhowr sarkaal oo hadda xilal haya iyo kuwo hore, oo ay ku jiraan saraakiil Soomaali ah, sarkaal hore oo amni, sarkaal amni oo Yurub ah iyo sarkaal ka tirsan Somaliland, ay u xaqiijiyeen in Israel ay joogitaan sirdoon ku leedahay garoonka diyaaradaha Berbera.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa diiday inay Drop Site News faahfaahin ka siiso warbixinta.

Sarkaal ka tirsan Somaliland oo ku dhow madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa Drop Site News u sheegay in Israel ay wada-hadalladii Hargeysa la yeelatay ku soo qaaday walaaceeda amni ee ay ka qabto Badda Cas iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta.

“Arrintaas aad bay muhiim ugu ahayd,” ayuu yiri sarkaal kale oo Somaliland ka tirsan oo la hadlay warbaahintaas.

Drop Site News ayaa sidoo kale sheegtay in cutub ka tirsan ilaalada madaxtooyada Somaliland uu tababar uga soo laabtay Israel, isla markaana saraakiil sirdoon ay iyaguna tababar heleen. Sarkaal Soomaali ah ayaa sidoo kale warbaahintaas u sheegay in koox kale oo ka tirsan ciidamada badda Somaliland loo diray Kenya.

Caasimada Online si madax-bannaan uma xaqiijin karto sheegashooyinkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid xiriirka Israel iyo Somaliland, waxayna sheegtay in dhaqdhaqaaq kasta oo militari ama sirdoon oo Israel ka sameyso Somaliland uu xadgudub ku yahay madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Dawan 12-kii June ku sheegay in Israel dhowr jeer la soo xiriirtay dowladda Soomaaliya si loo furo xiriir diblomaasiyadeed, balse Muqdisho ay diiday.

Isagoo ka hadlayay xiriirka Somaliland iyo Israel, ayuu madaxweynuhu ka digay in “dhibaato weyn ay ka iman doonto”, wuxuuna intaas ku daray in “calaamado horeba muuqdaan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin saldhig Israel ay ka sameysato Somaliland, isla markaana ay ka hortegi doonto tallaabo noocaas ah.

Sarkaal sare oo Soomaali ah ayaa Drop Site News u sheegay in Muqdisho ay si dhow ula socoto faragelinta Israel.

“Waxaan si dhow ula soconnaa faragelinta Israel, taas oo aan u adeegayn Somaliland ama amniga gobolka. Waxay kaliya hormarinaysaa danahooda, iyadoo qof walba kale uu khasaarayo,” ayuu yiri sarkaalkaas.

Israel ayaa bishii December noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland, tallaabadaas oo caro xooggan ka dhalisay Soomaaliya iyo dalal badan oo gobolka ah.

Somaliland, xiriirka Israel wuxuu u yahay fursad ay ku hesho aqoonsi ay raadineysay in ka badan 30 sano. Israel-na waxay ka arkaysaa Somaliland goob istiraatiiji ah oo u dhow Yemen, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xilli Xuutiyiintu ay Badda Cas ka dhigeen mid ka mid ah marinnada ugu khatarta badan caalamka.

“Hargeysa waxay raadinaysay cid kasta oo beddeli karta xisaabta diblomaasiyadda,” ayuu Jethro Norman, oo ah khabiir ku takhasusay Geeska Afrika kana tirsan machadka Danish Institute for International Studies, u sheegay Drop Site News.

“Somaliland waxay halis u gelaysaa kalsoonidii ay ku lahayd dunida Muslimka, si ay u hesho aqoonsi uusan weli siin dal kale oo xubin ka ah Qaramada Midoobay,” ayuu yiri.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa farriimo kala duwan ka bixiyay suurta-galnimada in Israel ay saldhig militari ka hesho Berbera.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa markii hore beenisay qorshe noocaas ah, balse sarkaal kale oo Somaliland ka tirsan ayaa markii dambe Channel 12 ee Israel u sheegay in arrintaas laga wada hadlayo.

Jaamac Cabdullaahi Cigaal Gabuush, oo ah la-taliyaha arrimaha dibadda ee madaxweynaha Somaliland, ayaa Channel 14 ee Israel u sheegay in iskaashi amni uu durba billowday, wuxuuna ku tilmaamay mid “aad muhiim u ah”.

“Laakiin ma aha wax si weyn loo buunbuuninayo. Wuu jiraa, waana iskaashi ku dhisan dan wadaag,” ayuu yiri.

Xiriirka sii xoogeysanaya ee Somaliland iyo Israel ayaa sidoo kale walaac ka abuuray gudaha Somaliland, halkaas oo qaar ka mid ah dadka wax dhaliila ay sheegayaan in raadinta aqoonsigu aysan noqon mid Somaliland ku garab istaagto Israel xilli uu socdo dagaalka Gaza.

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil, oo ka mid ah culimada ugu caansan Somaliland, ayaa hore u sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay raadiso aqoonsi, balse aysan raadintaas noqon mid lagu taageerayo Israel.

“Inaad ka cararto dulmiga ku haysta,” ayuu yiri, “ma aha inay kugu hoggaamiso inaad taageerto daalimka ugu weyn ee maanta dilaya dad Muslimiin ah.”

Xasan oo shaaciyey in Turkey kaliya aan la siin heshiiska shidaalka balse ay ku jiraan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa difaacay doorka dowladda Turkiga ee sahminta shidaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in Muqdisho ay la shaqeynayso cid kasta oo diyaar u ah inay maalgashi ku sameyso khayraadka dalka.

Wareysi uu Madaxweynuhu siiyay warbaahinta Dawan Media, ayuu kaga jawaabay su’aalo la xiriira sababta Turkiga loogu doortay howlaha sahminta shidaalka, xilli ay jiraan shirkado caalami ah oo waaweyn oo khibrad dheer u leh arrimaha shidaalka.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo heshiisyada Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca shidaalka iyo difaaca badda ay weli dood ka dhex dhalinayaan siyaasiyiinta, khubarada iyo qeyb ka mid ah bulshada, kuwaas oo qaarkood su’aalo ka keenay hannaanka loo maray heshiisyada, saamiga Soomaaliya iyo daahfurnaanta xogta la xiriirta khayraadka badda.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadkii 2024 kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira difaaca badda iyo sahminta shidaalka. Heshiiska tamarta ayaa Ankara siinaya door ku saabsan sahminta, qiimeynta, horumarinta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya.

Markabka Turkiga ee Oruç Reis ayaa bishii October 2024 gaaray xeebaha Soomaaliya, si uu halkaas uga sameeyo sahmin seismic ah. Markabka ayaa xog ka uruuriyay aagag ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana xigay in markabka Cagri Bey uu billaabay qodista shidaalka bishii April.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa diiday aragtida ah in Soomaaliya ay sugto xasillooni siyaasadeed oo buuxda ka hor inta aan la bilaabin ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Waxa uu sheegay in siyaasadda ay mar walba la socoto dood iyo tartan, isla markaana aysan jirin dal dimoqraadi ah oo siyaasaddiisu gebi ahaanba xasilloon tahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dadka dhaliilaya heshiiska Turkiga laga doonayo inay soo bandhigaan shirkado kale oo diyaar u ah inay maalgashi ku sameeyaan shidaalka Soomaaliya.

“Yaa kale oo na raba?” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in Soomaaliya ay leedahay boqollaal block oo badeed, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku jiraan shidaal iyo gaas.

Waxa uu sheegay in dowladihii uu hoggaaminayay ay bixiyeen 12 block oo shidaal ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay qaateen shirkado Turki ah, halka sagaalka kale ay heleen shirkado reer Galbeed ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mid ka mid ah shirkadaha shisheeye ee haysatay toddobo block ay dhowaan dib ugu soo celisay dowladda, kadib markii ay sheegtay inaysan haysan awooddii maaliyadeed ee ay ku sii wadi lahayd maalgashiga.

Arrintan ayuu ku sheegay tusaale muujinaya in helidda shirkado diyaar u ah inay lacag badan geliyaan sahminta shidaalka Soomaaliya aysan ahayn wax fudud, gaar ahaan dal muddo dheer la daalaa-dhacayay amni-darro, khilaaf siyaasadeed iyo tabashooyin la xiriira hay’adaha dowladda.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweynayso shirkad kasta oo doonaysa inay maalgashi ku sameyso shidaalka dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in shirkado waaweyn oo caalami ah ay hore u haysteen xuquuqda meelo ka mid ah badda Soomaaliya, balse markii dambe ay dib uga laabteen.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda aysan cid gaar ah u xirin fursadaha maalgashiga, balse ay la shaqeynayso cid kasta oo diyaar u ah inay maalgeliso khayraadka dalka.

“Waxaan haysannaa badeecaddan, waan u baahan nahay, waana ku dul baahan nahay,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya aysan sii sugi karin in khayraadkeeda dabiiciga ah uu muddo dheer ku jiro dhulka iyo badda, iyadoo dalku u baahan yahay dhaqaale, shaqo-abuur iyo il dakhli oo ka baxsan deeqaha iyo canshuuraha xaddidan.

Hase yeeshee, doodda ku saabsan shidaalka Soomaaliya ayaa ka sii weyn cidda sahminaysa. Waxay taabaneysaa su’aalo la xiriira maamulka khayraadka, sida dakhliga loo qeybinayo, doorka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, iyo sida loo xaqiijinayo in heshiisyada waaweyn lagu maamulo daahfurnaan iyo isla-xisaabtan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in heshiisyada Turkiga ay yihiin fursad istiraatiiji ah oo dalka ka caawin karta inuu dib u soo nooleeyo rajadiisa tamareed, halka dadka dhaliilsan ay sheegayaan in shacabka loo baahan yahay in si cad loogu sharxo faahfaahinta heshiisyada iyo waxa Soomaaliya uga soo baxaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dooday in dowladda ay ka faa’iideysaneyso fursad kasta oo sharci ah oo lagu horumarin karo khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalku u baahan yahay saaxiibbo diyaar u ah inay qaadaan khatarta maalgashi ee marxaladdan.

“Cid kasta oo imaanaysa oo diyaar u ah inay nala shaqeyso, waan la shaqeyneynaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Trump oo shaaciyey xilliga la saxiixayo heshiiska Iran iyo Israel oo aad u caraysan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iran ay Axadda saxiixi doonaan heshiis nabadeed oo dib loogu furayo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, laguna soo afjarayo dagaalka.

“Heshiiska waxaa loo qorsheeyay in berri la saxiixo, isla marka la saxiixana marinka Hormuz wuxuu u furnaan doonaa cid walba,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu Sabtidii ku daabacay barahiisa bulshada.

Hadalka Trump ayaa yimid saacado kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, oo dalkiisu door dhexdhexaadin ah ka ciyaaray wadahadallada, uu sheegay in la diyaarinayo “saxiix elektaroonik ah” oo lagu meelmarinayo heshiiska, kadibna ay toddobaadka dambe billaaban doonaan wadahadallo farsamo oo faahfaahsan.

Si kastaba, Iran ayaa muujisay taxaddar. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in aan qorshe jirin oo dhigaya in wafdi Iranian ah uu maalmaha soo socda u safro Geneva ama meel kale si uu u saxiixo heshiis.

Wuxuu sheegay in horumar jiro, balse uusan weli jirin heshiis kama dambeys ah oo Axadda la saxiixayo.

Mareykanka iyo Iran midkoodna si rasmi ah uma shaacin qoraalka heshiiska hordhaca ah ee laga hadlayo. Hase yeeshee saraakiil Mareykan iyo Iranian ah ayaa sheegay in qodobbada miiska saaran ay ku jiraan dib u furista marinka Hormuz, joojinta xayiraadda Mareykanka ee dekedaha Iran, iyo kordhinta xabbad-joojinta hadda jirta muddo 60 maalmood ah.

Mudadaas, labada dhinac ayaa lagu wadaa inay galaan wadahadallo qoto dheer oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, cunaqabateynta Mareykanka, iyo qaabka Tehran loogu fasixi karo qeyb ka mid ah lacago badan oo kaga xayiran bankiyada dibadda.

Marinka Hormuz ayaa ah halbowlaha ugu muhiimsan ee shidaalka adduunka, waxaana isaga mara qayb weyn oo ka mid ah saliidda iyo gaaska caalamka. Xiritaanka ama khalkhalka ku yimaada marinkaas ayaa si degdeg ah u saameeya qiimaha tamarta, maraakiibta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalal badan.

Ilaha la hadlay Reuters ayaa sheegay in qodobbada la diyaarinayo ay sidoo kale dhigayaan in Washington ay bilowdo fasixidda balaayiin dollar oo ka mid ah hantida Iran ee xayiran, isla markaana ay ka tanaasusho qaar ka mid ah cunaqabateynta dhoofinta saliidda Iran, haddii Tehran ay furto marinka Hormuz oo ay ilaaliso qodobbada heshiiska.

Warbaahinta Fars ee Iran ayaa dhankeeda sheegtay in Baghaei uu ku adkeystay in fasixidda hantida Iran ay tahay qeyb muhiim ah oo heshiiska ka mid ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Iran ay xaq u leedahay inay lacag ka qaaddo adeegyada la xiriira marinka Hormuz, isla markaana uu ka hadlay baahida loo qabo in la soo afjaro saldhigyada ciidan ee shisheeye ee gobolka, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Inkasta oo Trump iyo Pakistan ay muujinayaan rajo, haddana xaaladda dhulka ayaa weli muujineysa khatar weyn oo heshiiska curyaamin karta.

Saraakiil militari ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay Sabtidii dhexda u galeen oo burburiyeen diyaarado drone ah oo Iran leedahay, kuwaas oo la sheegay inay ku wajahnaayeen maraakiib ganacsi oo marayay agagaarka Hormuz. Dhacdadaas ayaa muujisay sida ay u jilicsan tahay xilligan diblomaasiyadeed, xitaa iyadoo Washington iyo Tehran ay sheegayaan in wadahadalladu meel wanaagsan marayaan.

Waxaa sidoo kale weli socda dagaalka Lebanon, halkaas oo Israel iyo ururka Hezbollah ee ay Iran taageerto ay dagaal ku jireen in ka badan 100 maalmood. Iran waxay dooneysaa in heshiiska ballaaran ee gobolka uu ku daro joojinta dagaalka Lebanon iyo in ciidamada Israel ay ka baxaan dhulka Lebanon ee ay haystaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in heshiiska la diyaarinayo uu horseedi karo in dagaalka Lebanon uu dhammaado, taas oo Tehran u fasiratay inuu ku jiro cadaadis lagu saarayo Israel inay ka baxdo goobaha ay qabsatay.

Laakiin Israel ayaa si adag uga hortimid arrintaas. Wasiirka difaaca Israel ayaa sheegay in dalkiisu uusan ciidamadiisa kala bixi doonin meelaha uu u arko inay muhiim u yihiin amnigiisa, halka sarkaal sare oo Israeli ah uu sheegay in Tel Aviv ay filayso inay sii haysato xorriyaddeeda ay kaga hortagto “halisaha” ay aragto.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uusan qeyb ka ahayn heshiiska Mareykanka iyo Iran. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Israel ay ka careysan tahay suurtagalnimada in heshiis lala saxiixdo Tehran iyadoo aan Tel Aviv laga helin oggolaansho ama dammaanad ay ku qanacdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay xiriir kala dhexeeyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi xasaasi ah bixiyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiriirka kala xiriirka kala dhexeeyo Maxamed Farmaajo iyo dhinacyada kale ee kasoo horjeedo.

Madaxweynaha oo la hadlay Barnaamijka Miisaan Podcast ee Dawan, ayaa marka hore qiray inay si joogta u wada xiriiraan isaga iyo Madaxweynihii ka horreeyay Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isla markaana ay farriimo quseeya xaaladda dalka iyo talooyin ay is waydaarsadaan.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale xusay in xubnaha kale ee Madasha Samatabixinta uusan wax xiriir ah la lahayn, isaga oo ku eedeeyay inay hubeysan yihiin, isla markaana ay fowdo ka wadaan magaalada Muqdisho.

“Farmaajo mar kasta waan wada-hadalnaa, farriimo ayaan isku qornaa, laakiin saaxiibadeyda kale [Madasha Mucaaridka] qoryo ayey qaateen taasna ma aha siyaasad,” yuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, waxa uu soo hadal qaaday baaqii Farmaajo ee ku saabsanaa martigelinta wada xaajoodka dhinacyada siyaasadda, gaar ahaan isaga iyo Shariif oo uu ku casuumay gurigiisa, xilli uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan helin codsi rasmi ah oo arrintaas la xiriira.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay dooda ay qabaan  mucaaradka ayaa si cad u sheegay in dowladdiisa aysan ka laaban doonin qorshaheeda ku aaddan hirgelinta doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah. Waxaa kale oo uu diiday baaqyada ku saabsan in dib loogu laabto Dastuurkii Ku-meelgaarka ahaa ee la ansixiyay sanadkii 2012.

“Dastuurkii 2012 waa taariikh. Wuu noo yaallaa, laakiin waa laga soo gudbay,” ayuu wareysiga ku yiri Madaxweynuhu.