28 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Xog: Madaxtinimada Sheekh Aadan Madoobe ee Koonfur Galbeed oo la go’aamiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa lagu wadaa inuu Axadda maanta ah tago magaalada Baydhaba, xilli ay sii xoogeysanayaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira cidda hoggaamin doonta maamulka Koonfur Galbeed kadib isbeddelladii xoogganaa ee dhacay.

Safarka Aadan Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli Villa Somalia ay dadaal xooggan ku bixineyso qaabeynta hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu xilka ka degay 30-kii Maarso, maalmo kaddib markii ciidamada dowladda federaalka ay galeen Baydhabo.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in Aadan Madoobe loo diyaarinayo inuu noqdo musharraxa ugu culus ee xilka Koonfur Galbeed, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaas ay u arkaan musharrax ay dhabarka ku wado Villa Somalia.

Arrintan ayaa tartanka ka dhigeysa mid aan u muuqan mid furan, gaar ahaan maadaama Baydhaba ay hadda ku jirto marxalad kala-guur ah oo dowladda federaalka ay saameyn xooggan ku leedahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bishan horraanteed ku-xigeenkiisa Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacaabay hoggaamiye ku-meel-gaar ah oo Koonfur Galbeed ah, si uu maamulka u sii wado inta doorasho laga qabanayo.

Siyaasiyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Aadan Madoobe loo arko guuleyste lasii saadaalinayo, maadaama uu haysto taageerada xarunta federaalka iyo garab ka mid ah siyaasiyiinta deegaanka.  

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qanciyey agaasimihii hore ee Villa Somalia, ahaana saaxiib aad ugu dhow, Xuseen Sheekh Maxamuud inuu tratnka uga haro Aadan Madoobe, ayada oo si kale loo qanciyey.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee  Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo dalacsiiyay inuu si rasmi ah u noqdo Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Dhaq-dhaqaaqa Baydhaba ayaa dhanka kale kusoo aadaya xilli Villa Somalia iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ay weli ka gaabsanayaan isku-shaandheyn ballaaran oo muddo la hadal hayey.

Bishii Maarso, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sameeyay isbeddello kooban, oo ay ku jireen xil ka qaadis iyo magacaabista wasiirro ku-xigeenno cusub, balse weli lama shaacin wareegto ballaaran oo taabaneysa wasiirrada miisaanka leh.

Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in qaar ka mid ah wasiirrada hadda xilalka haya ay wajahaan suurta-galnimada in mar kale loo wareejiyo wasaarado kale ama loo magacaabo xilal cusub, taasoo sii muujineysa wareegga siyaasadeed ee xukuumadda Xamsa Cabdi Barre.

Dhaq-dhaqaaqyada Baydhaba iyo hakadka ku jira isku-shaandheynta xukuumadda ayaa muujinaya in Villa Somalia ay hadda mudnaanta siineyso xakameynta siyaasadda Koonfur Galbeed, kahor inta aysan qaadin tallaabooyin kale oo gudaha xukuumadda ah.

Xogta tahriibayaal Soomaali ah oo ku naf waayay badda Mediterranean-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay dhacdo aragagax leh oo la xiriirta dhalinyaro Soomaali ah oo ku geeryooday xeebaha u dhexeeya dalalka Aljeeriya iyo Spain.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ugu yaraan 17 dhalinyaro ah oo ku dhinteen mashaqadaas, isla markaana ay wadaan dadaadallo dheeri ah.

“Badda u dhexeysa Spain iyo Algeria waxaa ku geeriyooday illaa 17 dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo runtii xeebtaas ku tahriibayay dadkaas sida aan xogta ku helnay 12 kamid ah waa wiilal, halka 5 kalena ay yihiin gabdho, waxayna da’dooda u dhexeysaa 18 illaa 30 sano” ayuu yiri Maxamuud Macallin.

Sidoo kale, wuxuu fariin u diray waalidiinta dhalinyaradaas, isaga oo ugu baaqay  in ay la soo xariiraan hay’adda, si ay helaan warbixin dhamaystiran.

“Waxaan haynaa sawirrada marxuumiinta Ilaahey ha u naxariisto waxaan dooneynaa oo halkan aan u joognaa in aan helino macluumaad intaas ka dheeri ah waxaan ka codsaneynaa in waalidiinta ay nala soo xiriiraan, si aan u ogaano inta dhimatay warbixintana la’isugu hagaajiyo” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, Guddoomiyaha SoDMA ayaa guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed uga digay halista tahriibka, isaga oo sheegay in sanadahan ay sii kordheen, maadaama dad badan ay ku geeriyoodeen biyaha.

“Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa xaaladahaan waa nagu bateen in ay ka taxadaraan tahriibka waa adag yahay waana dhib badan yahay waa halis”. ayuu mar kale yiri guddoomiyaha Hay’adda SoDMA.

Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon.

Si kastaba, ha’ahaatee, Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.

Cumaan oo shaacisay in aan la aqbali karin gooni u goosatada Soomaaliya

Muscat (Caasimada Online) — Dowladda Saldanadda Cumaan ayaa mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee ay la garab taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayada oo si cad u diidday aqoonsiga hay’ad kasta ama maamul ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan, Badr bin Xamad Al-Busaidi, ayaa mowqifkan adag ku dhawaaqay intii ay socdeen wada-hadallo uu maanta magaalada Muscat kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan ayaa sheegtay in labada wasiir ay ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka ah, waddooyinka lagu ballaarin karo iskaashiga, iyo isbeddellada xasaasiga ah ee ka socda Geeska Afrika.

Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli Soomaaliya ay raadinayso taageero goboleed oo ballaaran si ay uga hortagto go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, uguna magacawday ergey diblomaasiyadeed.

Wasiir Al-Busaidi ayaa xaqiijiyay taageerada “sugan” ee Cumaan u hayso “midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed” ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo hoosta ka xarriiqay “in aanay aqoonsanayn cid kasta oo ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliya”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in wada-hadalladu ay diiradda saareen xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga qaybo kala duwan si loo taageero “iskaashi xooggan iyo dano wadaag ah”.

Waxay xustay in labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan isbeddellada gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, ayna carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la isku duwo dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo hormariyo amniga, xasilloonida iyo horumarka waara.

Wasiir Cabdisalaan ayaa soo dhoweeyay mowqifka Cumaan, isagoo muujiyay sida Soomaaliya ay u qaddarinayso “doorka diblomaasiyadeed ee wax dhisaya” ee Saldanadda iyo dadaallada ay ku bixinayso horumarinta wada-hadalka, dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dal, oo ay ku jiraan madaxa waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cumaan, Sheekh Faysal bin Cumar Al-Marxuun, iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Cumaan, Bashiir Xasan Xaaji.

Bayaankan ayaa soo baxaya xilli dowladda Soomaaliya ay dardargelinayso olole diblomaasiyadeed oo ka dhan ah tallaabo kasta oo ay u aragto inay dhaawacayso qaranimadeeda, gaar ahaan markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan.

Soomaaliya ayaa falkaas ku tilmaantay sharci-darro, waxayna ugu baaqday saaxiibadeeda dunida Carabta, Afrika iyo guud ahaan caalamka Islaamka inay diidaan fal kasta oo Somaliland ula dhaqmaya sidii qaran.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanideeda sanadkii 1991-kii, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya. In kasta oo ay dhisatay hay’adaheeda, qabatay doorashooyin, isla markaana ay xajisatay xasillooni, haddana waxay tobanaan sano ku guuldareysatay inay hesho aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Muqdisho ayaa ku adkeysanaysa in gobolkaasi uu yahay qayb ka mid ah Soomaaliya, maqaamkiisana lagu xallin karo oo keliya hannaan dastuuri ah iyo mid siyaasadeed oo ay Soomaalidu hormuud ka tahay.

Aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland ayaa si weyn kor ugu qaaday heerka xiisadda, iyadoo arrin dastuuri ah oo Soomaaliyeed oo soo jiitamaysay u beddeshay iska-hor-imaad diblomaasiyadeed oo goboleed oo ballaaran.

Muqdisho ayaa ku eedeysay Israa’iil inay ku xadgudubtay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, halka Somaliland ay aqoonsigaas u soo bandhigtay inuu yahay horumar taariikhi ah oo ay ka gaartay ololaheeda soddonka sano ah ee raadinta qaranimada.

Khilaafkan ayaa sii qoto dheeraaday kaddib markii Israa’iil ay u dhaqaaqday inay ergey diblomaasiyadeed u magacawdo Somaliland, taas oo keentay cambaarayn wadajir ah oo ka timid dalal dhowr ah oo Carbeed iyo Muslimiin ah, oo ay ku jiraan Cumaan, Sacuudi Carabiya, Masar, Turkiga, Pakistan, Indonesia iyo Urdun.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa ku sifeeyeen tillaabada Israa’iil inay tahay “xadgudub qaawan” oo ka dhan ah qaranimada Soomaaliya, waxayna ka digeen inay horseedi karto tusaale khatar ah oo ka hanaqaada Geeska Afrika.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale iska diiday tillaabada ay Israa’iil u qaadday dhanka Somaliland, isagoo dib u xaqiijiyay inuusan Somaliland u aqoonsanayn dowlad madax-bannaan, wuxuuna ka digay tallaabooyinka hal dhinac ah ee wiiqi kara midnimada Soomaaliya.

Dowladda Muqdisho, bayaanka Cumaan wuxuu ku soo kordhinayaa cod kale oo Carbeed oo muhiim ah, kaas oo xoojinaya isbaheysiga diblomaasiyadeed ee isa soo taraya ee ka dhanka ah aqoonsiga Somaliland.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa aaminsan in arrintani aysan ku ekeyn oo keliya Somaliland, balse ay tahay in la ilaaliyo mabaadi’da ah in xuduudaha Afrika aan dib loo sawiri karin iyadoo la adeegsanayo aqoonsi hal dhinac ah ama heshiisyo lala galo maamul goboleedyada.

Diidmada cad ee xukuumadda Muscat ay ku diidday “cid kasta oo ka baxsan qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliya”, waxay Muqdisho siisay taageero fagaare ah oo dheeraad ah xilli xasaasi ah, iyadoo wadda olole ay ku xakameynayso guulaha diblomaasiyadeed ee Somaliland, isla markaana ay dib ugu riixayso aqoonsiga Israa’iil ee gobolkaas.

Wada-hadalladii Mareykanka iyo Iiraan ee Pakistan oo la baajiyey iyo Trump oo amray…

Islamabad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta baajiyay safar ay laba ergey oo Mareykan ah ku tagi lahaayeen caasimadda Islamabad si ay ula kulmaan dowladda Pakistan oo dhex-dhexaadinaysa wada-hadallada dagaalka Iiraan.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan uu ka dhoofay caasimadda Pakistan markii ay soo dhammaadeen wada-hadallo, arrintaas oo dhabar-jab cusub ku ah rajadii laga qabay in xal nabadeed la gaaro.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu Trump ku sheegay in uu baajiyay booqashadii qorsheysneyd ee ergeygiisa gaarka ah Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay ee Jared Kushner, isagoo sabab uga dhigay wax uu ku tilmaamay jahawareer baaxad leh oo ka dhex jira hoggaanka Iiraan.

“Waqti aad u badan ayaa lagu dhumiyay safar, shaqo aad u badan! Waxaa taas dheer, in uu jiro isqabqabsi iyo jahawareer baaxad leh oo ka dhex jira ‘hoggaankooda.’ Cidna ma oga cidda mas’uulka ah, xitaa iyaga qudhooda. Sidoo kale, awoodda oo dhan annaga ayaa gacanta ku heyna, iyaguna waxba ma hayaan! Haddii ay doonayaan inay wada-hadlaan, waxa kaliya oo ay tahay inay sameeyaan waa inay na soo wacaan!!!” ayuu qoray madaxweyne Trump.

Goor sii horreysay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa ka dhoofay magaalada Islamabad iyadoo aysan muuqan wax horumar ah oo laga gaaray wada-hadalladii uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan dowladda Bakistaan.

Xukuumadda Tehran ayaa meesha ka saartay in wareeg cusub oo wada-hadallo toos ah ay la yeelato Mareykanka. Ilo diblomaasiyadeed oo Iiraan ah ayaa xaqiijiyay in Tehran aysan marnaba aqbali doonin waxa ay ugu yeertay “dalabaadka xad-dhaafka ah” ee Washington.

Ismari-waaga Mareykanka iyo Iiraan

Washington iyo Tehran ayaa haatan ku jira ismari-waa siyaasadeed, xilli Iiraan ay inta badan xirtay marinka muhiimka ah ee Hormuz, kaas oo caadi ahaan qaada shan-meelood meel ka mid ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee caalamka loo iibgeeyo, halka Mareykankuna uu dhankiisa go’doomiyay dhoofinta shidaalka ee Iiraan.

Colaaddan, oo haatan ay ka jirto xabbad-joojin dhaqan-gashay, ayaa billaabatay kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay 28-kii Febraayo duqeymo xagga cirka ah ku qaadeen Iiraan. Tan iyo xilligaas, Iiraan ayaa dhankeeda weeraro la beegsatay Israa’iil, saldhigyada Mareykanka iyo dalalka Khaliijka.

Dagaalkan ayaa sababay in qiimaha tamarta uu gaaro heerkii ugu sarreeyay sanado badan, arrintaas oo hurisay sicir-barar caalami ah, isla markaana mugdi gelisay rajadii kobaca dhaqaalaha adduunka.

Bayaan lagu daabacay barta rasmiga ah ee wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu ku leeyahay Telegram, ayaa lagu sheegay in Araqchi uu “sharraxaad ka bixiyay mowqifyada mabda’iga ah ee dalkiisa ee ku aaddan isbeddelladii ugu dambeeyay ee la xiriira xabbad-joojinta iyo soo-afjaridda dhabta ah ee dagaalka lagu soo qaaday Iiraan.”

Markii la weydiiyay shuruudaha Tehran ee ku aaddan mowqifka Mareykanka ee wada-hadallada, sarkaal diblomaasiyadeed oo Iiraani ah oo ku sugan Islamabad ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: “Mabda’ ahaan, dhinaca Iiraan ma aqbali doonaan dalabaadka xad-dhaafka ah.”

Dhanka kale, Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in Mareykanku uu maalmihii la soo dhaafay arkay xoogaa horumar ah oo ka imaanaya dhinaca Iiraan, ayna rajeynayeen in horumar intaas ka badan la gaaro dhammaadkan toddobaadka. Waxay sidoo kale xustay in Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, uu isna diyaar u ahaa inuu u safro dalka Pakistan.

Madaxweyne Ku-xigeen Vance ayaa horraantii bishan hoggaaminayay wareegii koowaad ee wada-hadalladii fashilmay ee lala yeeshay Iiraan, kuwaas oo ka dhacay caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo deg-deg uga jawaabay baaqa mucaaradka + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb-galay caleema saarka Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa si deg-deg ah uga jawaabay baaq kasoo yeeray mucaaradka oo ku aadan in la dhex dhexeediyo iyaga iyo Madaxweynaha.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in siyaasiyiintu ay heshiin waayeen, sidaas daraadeedna ay dalbanayaan inay soo kala dhexgalaan odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Waxaan rabaa codsi aan wakiil uga aha saaxibadey oo ku aadan duubabka codsigaag oo ah in duubabka aysan bixin illaa la’iska arko oo talada siyaasadeed meel la’isla dhigo” ayuu yiri Madaxweynihii oee dalka.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan u baahanahay duubabka inay la wareegaan howsha siyaasiyiinta waa is indha buuxi waayeen waa la’is arkay waa la wada fariistay waxba waa la’isu keeni waayay marka duubabow taladii waa la’idinku soo celiyay wixii toosan adkeeya waxaan toosneen meesha ka saara”.

Intaas kadib waxaana isna hadalka qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh oo munaasabadda ku sugnaa, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo hadalkaas, isaga oo ugu baaqay dhaqanka inay doorkooda qaataan.

“Dhaqanka Soomaaliyeedow waa joogtaan maanta waana fursad ee qofkii khaldan gacanta qabta, kan saxanna garab istaaga”. ayuu yiri Xasan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin xaalad sababi karta in dalka uu burburo, balse siyaasaddu leedahay is-rii xriix, ayna iska dhamaan doonto

“Dab kama kace looma baahno dowladnimadeena waa kortay siyaasaddu is jiid jiid iyo is riix riix waa leedahay annaga kan naga dhex jiro ma ah mid burburin, dumin ama balaayo dhaceyso waana dabeecad ay siyaasadda wadato wayna hagaageysaa” ayuu markle yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Soomaaliya oo noqotay dalkii u horreeyay Afrika ee hirgeliya…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Xarunta Ilaalinta Rayidka ee xilliyada colaadaha (CIVIC), oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Afrika ee hay’adda, Mudane Vianney Bisimwa.

Intii uu socday kulanka Fiqi iyo Bisimwa ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta ku aaddan ilaalinta bed-qabka rayidka, yareynta waxyeellada shacabka xilliyada hawl-gallada ciidan, iyo horumarinta hab-raacyo waafaqsan xeerarka dalka iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu horreeyay Afrika ee dhaqan-geliya siyaasad noocan ah.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu caddeeyay in heshiiska uu mudnaan siinayo siyaasadda qaran ee ilaalinta bed-qabka rayidka xilliyada howwl-gallada ciidan iyo marka ay jiraan colaadaha hubeysan.

“Heshiiskan ayaa taageeraya hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bed-qabka Rayidka xilliyada Hawl-gallada Ciidan iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo Soomaaliya ka dhigeysa dalkii ugu horreeyay Afrika ee dhaqan-geliya siyaasad noocan ah. Waxa kale oo uu heshiisku xoojinayaa tababarka, wacyigelinta iyo awood-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, si loo xaqiijiyo in hawl-gallada loo fuliyo si waafaqsan sharciga, xirfad sare, taxaddar, isla-xisaabtan iyo ilaalinta karaamada rayidka”. ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta bed-qabka rayidka, isagoo xusay in siyaasaddan ay ka tarjumeyso sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in dhammaan hawl-gallada amniga lagu hago ilaalinta nolosha, karaamada, xuquuqda iyo bed-qabka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in ay ka go’an tahay xoojinta ilaalinta bed-qabka rayidka, kor u qaadista kormeerka iyo isla-xisaabtanka hawl-gallada ciidan, iyo la-shaqeynta hay’adaha qaranka, bulshada rayidka iyo saaxiibbada caalamka, si dib-u-habeynta hay’adaha amniga Soomaaliya loogu saleeyo hannaan waafaqsan sharciga, isla markaana ku dhisan mas’uuliyad iyo kalsooni dadweyne.

Saxiixa heshiiska waxaa dhanka Wasaaradda goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda; halka dhanka Xarunta CIVIC ay ka socdeen Agaasimaha CIVIC ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Ibrahim, Danjire Maman Sambo Sidikou, S/Gaas Bashir Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac.

Daawo: R/W Xamza iyo Rooble oo si kulul isugu jawaabay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta iska dhex weeraray xafladdii lagu caleema saaray Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Rooble oo weerarka bilaabay ayaa sheegay in uu sii dhimaanayo muddo xileedka dowladda, ayna madaxweyne Xasan Sheekh u hartay wax ka yar 20 maalmood, isla markaana aysan weli caddeyn jihada uu aadayo dalka.

“Waxaan leeyahay dalkan maanta saaxibkey Xamza iyo odeygiisa waxaa u haray 19 maalmood iyo lix saacadood sifiican dhagaha u furay ee sida sharafta lahayd oon shalay tusbaxa idin-kuugu dhiibay fadlan soo dhawaada”. ayuu yiri Rooble.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay oo jawaabay Ra’iisul wasaare Xamza oo isna goobjoog ahaa munaasabadda, wuxuuna sheegay in weli fursad ay haystaan, ayna ku dhaqmayaan farsamooyin iyo xeelad, sida uu hadalka u dhigay.

“Saaxibkey Rooble oo madaafiic yaryar meesha ka tuuray waxaan leeyahay meel kasta oo la tegaa hadal-bey leedahay marka meeshan hadal siyaasadeed maleh laakiin laba kalimo haddii aan ka iraahdo intii yiri mid waxaa leeyahay war la qabaa xiiso maleh midka kalena waxaan leeyahay saacaddu haddii ay kaa istaagto waxay u baahan tahay hagaajin” ayuu ku jawaabay Xamza.

Munaasabadda lagu caleema saarayUgaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa kulmisay muxaafad, mucaarad waxaana sidoo kale ka qayb-galay madaxweyne Xasan oo guul u rajeeyay Ugaaska cusub.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo dowladda iyo mucaaradka isku hayaan sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka.

Baydhaba oo laga daah-furay qorshe muhiim u ah Koonfur Galbeed + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta si rasmi ah looga daah-furay qorshahay isbeddalka iyo siyaasadda Koonfur Galbeed, maadaama la galayo doorashooyin isku sidkan.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaafuray Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara, isagoo goobta ka jeediyay khudbad xasaasi ah.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka qeyb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda, wakiillo ka socday bulshada rayidka iyo bahwadaagta caalamiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo hirgelinta nabad waarta.

“Qorshahan cusub ayaa diiradda saaraya xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta nabad waarta. Sidoo kale waxa uu qorshuhu qeexayaa istiraatiijiyad cad oo lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale, iyo bulsho ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed soomaaliya”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Hoggaamiyaha KMG ah Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa madasha ka sheegay in qorshahan uu yahay mid horseedi doona isbeddel dhab ah isla markaana uu saldhig u noqon doono horumar waara oo ay gaaraan shacabka Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay shacabka iyo daneeyayaasha kala duwan in ay ka qeyb qaataan hirgelinta qorshahan si loo xaqiijiyo mustaqbal xasilloon oo horumar leh.

Koonfur Galbeed ayaa hadda wajaheysaa marxaad kala guur ah, waxaana la’isku diyaarinayaa doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.

Daawo: Doorashada waxa ay ka dhaceysaa Teendhada Afisyooni: Sidaas waxaa yiri…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo wareysi siiyay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadee ee dalka, gaar ahaan is-mariwaga ka taagan hannaanka doorashooyika dalka.

Xasan Yare ayaa shaaca ka qaaday in mar kale dib loogu laaban doono Teendhada Afisyoone, si loo soo doorto madaxweyne cusub.

“Teendhada la’iskuma diidano ee qaabka loo aadaayo ayaa la’isku haystaa mooyaane teendho waa la aadayaa” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Baarlamaanku codeyn doono, lagulana kala bixi doono codadka xildhibaannada labada Gole.

“Codka waa la ridayaa shaki yuu kaa gelin 329 xildhibaan way codeynayaan waqtiga ayaa sheegi doono”. ayuu mar kale yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Hadalkan ayuu xildhibaanku ka sheegay munaasabadda caleema saarka Ugaaska Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa kulmisay muxaafad, mucaarad iyo inta badan dhaqanka Soomaaliyeed oo isaga kala yihim gayiga Soomaaliyeed.

Madasha waxaa kasoo wada muuqday, Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

“Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi waa munaasabad dhaqan oo ka caagan wax kasta oo aan ku kala aragti duwanahay, dhaqankeenu waa mid nool oo isku xira guud ahaan umadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo goobta ka hadlay.

Daawo: Madal cajiib ah oo maanta Muqdisho ku kulmisay Muxaafad iyo mucaarad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa haatan ka socota munaasabadda caleema saarka Ugaaska Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, waxaana ka qayb-galaya madax, siyaasiyiin, dhaqanka iyo qaybaha bulshada.

Munaasabadda oo ah mid ballaaran ayaa kulmisay muxaafad, mucaarad iyo inta badan dhaqanka Soomaaliyeed oo isaga kala yihim gayiga Soomaaliyeed.

Madasha waxaa kasoo wada muuqday, Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre oo goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dhammaan ka qayb-galayaasha, wuxuuna sheegay in xafladda ay ka caagan tahay siyaasad iyo arrimaha la’isku diidan yahay ee ka taagan dalka.

“Caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi waa munaasabad dhaqan oo ka caagan wax kasta oo aan ku kala aragti duwanahay, dhaqankeenu waa mid nool oo isku xira guud ahaan umadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Khayre.

Sidoo kale, wuxuu boggaadiyay doorka dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aadan dib-u-heshiisnta dalka iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

“Dhaqanka Soomaaliyeed waxay udub dhexaad yihiin dowlad dhiska Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo wadajirka Ummadda” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo munaasabadda laga jeediyay hadallo u badan dardaaran ku socda Ugaaska Beesha Murusade ee maanta lagu caleema saaray magaalada Muqdisho.

DF oo kala caddeysay in Israa’iil ay ka mamnuucday Bab al-Mandab iyo in kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey warar si weyn loo faafiyay oo sheegayay in Muqdisho ay ka mamnuucday maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil inay maraan marin-biyoodka Bab al-Mandab, iyagoo caddeeyay inuusan jirin go’aan noocaas ah oo la qaatay.

Mas’uuliyiintan ayaa tilmaamay in sheegashadan ay salka ku hayso fasiraad khaldan oo laga bixiyay hadallo uu jeediyay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika.

Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxtooyada Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in aysan waxba kala socon go’aan, wareegto ama amar badeed oo arrintan la xiriira.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in aysan jirin hay’ad federaal ah oo ku dhawaaqday mamnuucid ama soo saartay habraacyo hawlgal oo lagu xaddidayo maraakiibta lala xiriirinayo Israa’iil ee mara Bab al-Mandab ama marin kasta oo caalami ah.

Warbaahinta dowladda Iiraan iyo xarumo warbaahineed oo fadhigoodu yahay Yemen ayaa ahaa kuwii ugu horreeyay ee baahiyay wararkan, iyagoo ku andacooday in Soomaaliya ay “xirtay” marinka Bab al-Mandab si ay uga aarsato aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Haddallo si khaldan loo fasiray

Danjire Cabdullaahi Warfaa ayaa jeediyay hadallo dhaliyay sheegashadan, isagoo ka digay in faragelinta shisheeye ee madax-bannaanida Soomaaliya ay yeelan karto cawaaqib-xumo, oo ay ku jiraan xannibaado suurtagal ah oo la xiriira marinnada istaraatiijiga ah ee badda.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in hadallada Warfaa ay ahaayeen digniin siyaasadeed oo ku aaddan difaaca wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, balse aysan ahayn ku-dhawaaqis rasmi ah oo go’doomin ah. Waxay xuseen in qaar ka mid ah warbaahinta shisheeye iyo baraha bulshada ay si khaldan u soo bandhigeen hadalladan, iyagoo ka dhigay go’aan toos ah oo dowladda Soomaaliya ay ku beegsanayso maraakiibta Israa’iil.

Ma jirto hay’ad dowladeed oo Soomaaliyeed oo ku dhawaaqday siyaasad noocaas ah, mana jirto hay’ad qaabilsan arrimaha badda oo soo saartay ogeysiis lagu mamnuucayo in maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ay maraan marinka Bab al-Mandab.

Sheegashadan ayaa sidoo kale wajaheysa caqabad weyn oo dhanka xaqiiqada ah. Marinka Bab al-Mandab wuxuu kala baraa Yemen iyo dalalka Jabuuti iyo Ereteriya, mana aha marin ku yaalla Soomaaliya.

Soomaaliya maamusho midna labada dhinac ee marin-biyoodkan, mana laha awood qaran oo ay ku xaddidi karto isku-socodka maraakiibta ee halkaas. Falanqeeyayaasha arrimaha badda ayaa tilmaamaya in Soomaaliya ay sidoo kale ka maqan tahay awooddii ciidamada badda, kuwa cirka iyo gantaallada ee loo baahnaa si loo soo rogo ama loo fuliyo go’doomin ka dhan ah mid ka mid ah marinnada badda ee ugu xasaasisan adduunka.

Wararkan xaqiiqada ka fog ayaa soo baxaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha diblomaasiyadeed, kaddib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu aqoonsada Somaliland dowlad madax-bannaan bishii Diseembar 2025, tallaabo ay Soomaaliya ku cambaaraysay in ay tahay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Israa’iil ayaa bishan sii qoto dheereysay khilaafka, kaddib markii ay Michael Lotem u magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee aan fadhigiisu ahayn Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay magacaabistaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub toos ah oo ka dhan ah qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Dhacdo burcad-badeednimo

Dhacdo kale oo ka gaar ah tan, Hay’adda Howlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in laba doonyood oo yaryar oo hubeysan ay ku soo dhawaadeen markab xamuul ah oo qiyaastii 83 mayl-badeed u jira koonfur-bari degmada Eyl ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah doonyaha ayaa u soo jirsatay 600 oo mitir, taas oo ku qasabtay shaqaalaha markabka inay ridaan rasaas digniin ah. Doontii laga shakiyay ayaa dib u soo riday rasaas kahor inta aysan iska laaban. Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii markabka ay nabad qabaan.

Mas’uuliyiin Soomaali ah iyo korjoogayaasha arrimaha badda ayaa sheegay in dhacdadan aanay la xiriirin khilaafka diblomaasiyadeed ee Somaliland ama wararka beenta ah ee ku saabsan Bab al-Mandab.

Waxay xuseen in dhacdadani ay u muuqato mid la xiriirta falalka burcad-badeednimada ee sanadaha badan ka jiray xeebaha Soomaaliya, beddelkii ay ka tarjumi lahayd tallaabo cusub oo badeed oo ay dowlad taageereyso, taas oo la xiriirta xiisadda gobolka ee taagan.

Marinka Bab al-Mandab ayaa weli ah mid ka mid ah marin-biyoodyada ugu xasaasisan adduunka, isagoo isku xira Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Qalalaase kasta oo halkaas ka dhaca wuxuu saameeyaa isku-socodka u dhexeeya Aasiya, Yurub iyo Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan shixnadaha shidaalka, gaaska iyo konteenarada.

Marinkan ayaa markii horeba wajahayay cadaadis weyn oo kaga imaanayay weerarada Xuutiyiinta ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, taas oo ku qasabtay maraakiib badan inay ka weecdaan marinkan oo ay beddelkeeda ku wareegaan koonfurta qaaradda Afrika.

War kasta oo ku saabsan xannibaad cusub oo aaggaas ah ayaa halis u ah inay sii geliso baqdin shirkadaha maraakiibta, kuwa ceymiska iyo dowladaha gobolka ee durba la tacaalaya xasillooni-darrada bilihii la soo dhaafay ka taagnayd Badda Cas.

Si kastaba, mas’uuliyiinta Muqdisho ayaa caddeeyay in muhiimadda koowaad ay weli tahay difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyadoo loo marayo waddooyinka diblomaasiyadeed iyo kuwa sharciga ah, ee aysan ahayn in la furo iska-hor-imaad badeed oo aysan ku dhawaaqin, awoodna u lahayn inay fuliyaan. 

Maamul cusub oo Baydhaba loo magacaabay kadib markii Cabdullahi Watiin lagu…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-U-Heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Isaaq Ismaan (Fanax) oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay magaalada Baydhaba oo ay haatan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku aadan doorashada kusoo foodka leh Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna duqa magaalada, sida lagu caddeeyay wareegtada.

“Wasiirka waxaa go’aamiyay qodobka 1aad: Maanta tr. 25 April 2026 wuxuu magacaabay gudd. Degmada Baydhabo ahna duqa magaalada. Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ahna duqa magaalada”. ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa faray laamaha amniga iyo maamulka gobolka Baay inay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee lasoo magacaabay, si uu u guto waajiaadka shaqo ee loo igmaday xiligaan xasaasi ah.

“Waxaan maamulka Gobolka Baay iyo dhammaan laamaha amniga Degmada Baydhabo la farayaa inay fuliyaan wareegtada. Magacaabistan waxey dhaqan galeysaa markuu saxiixo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Guddoomiyaha iyo duqa cusub ee loo magacaabay Baydhaba ayaa beddalaya Cabdullahi Watiin oo kamid ahaa saaxibadii aadka ugu dhawaa madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo haatan dibad joog ah.

Watiin ayaa maalmo kahor lagu sameeyay hub ka dhigis, kadib markii looga shakiyay inuu si hoose ula shaqeynayay maamulkii hore, gaar ahaan ciidankii Lafta-gareen ee maalmo kahor gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa u muuqdo kuwa ay dowladda ku xakamayneyso xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed, kadib markii ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ay maalmo kahor ku dhawaaqeen in dowladda dhexe aysan doorasho ka qaban karin magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Mareykanka oo xukun dheer ku riday Cabdisatar Axmed kadib isku daygiisa ahaa inuu…

Minneapolis (Caasimada Online) – Waaxda Caddaaladda ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in nin 23 jir ah oo kasoo jeeda gobolka Minnesota, asalkiisana Soomaali yahay, lagu xukumay siddeed sano iyo bar xabsi federaal ah, kadib markii lagu helay inuu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu uga barbar dagaallamo kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka (Daacish).

Xukunka Cabdisatar Axmed Xasan oo dhacay Arbacadii ayaa ku soo beegmaya xilli milateriga Mareykanka iyo ciidamada maamul-goboleedka Puntland ay wadaan olole ballaaran oo ka dhan ah garabka Daacish ee Geeska Afrika, taas oo si xawli ah u koreysa, noqotayna goob ay u soo hayaamaan dagaalyahannada shisheeye.

Garsooraha Maxkamadda Federaalka Mareykanka ee degmada Minnesota, Donovan W. Frank, ayaa Cabdisatar ku xukumay 102 bilood oo xabsi ah, taas oo ay weheliso 15 sano oo si dhow loola socon doono dhaqdhaqaaqiisa marka uu xabsiga ka soo baxo. Ninkan ayaa horay u qirtay inuu dambiile yahay, isagoo qiray inuu isku dayay inuu taageero maaddi ah siiyo urur argagixiso oo shisheeye.

Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ayaa dalbaday in lagu xukumo 17 sano, iyagoo ku dooday in isku-daygiisa ku aaddan ku-biiritaanka kooxdaas uu ahaa mid joogto ah, qorsheysan, oo aan ka-noqosho lahayn. Dhanka kale, qareennada difaacayay ayaa weydiistay in lagu xukumo shan sano, iyagoo xusay inuusan cid kale qorin, lacag u dirin dibadda, ama uusan ku guuleysan safarkiisa.

Christopher Dotson, oo ah wakiilka gaarka ah ee hay’adda dambi-baarista Mareykanka (FBI) u qaabilsan xafiiska Minneapolis, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Cabdisatar Xasan uu qaaday tallaabooyin dhab ah oo uu isku dayay inuu ugu biiro uguna taageero Daacish. Wuxuu kooxdaas ku sifeeyay urur argagixiso shisheeye oo naxariis daran, mas’uulna ka ah dhimashada kumannaan qof oo aan waxba galabsan. Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in xukunkani uu waddada ka saarayo shakhsi damac argagixiso ku jiray, uuna farriin cad u dirayo ciddii isku dayda inay gacan siiso kooxahaas.

Dokumiintiyada maxkamadda ayaa muujinaya in Cabdisatar uu bilaabay daawashada iyo akhriska dacaayadaha Daacish iyo kooxaha kale ee xagjirka ah horraantii sanadkii 2024. Wuxuu markii dambe u sheegay baarayaasha federaalka in xagjirnimadiisu ay sii xoogeysatay kadib markii uu qarxay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023.

Waxaa lagu eedeeyay inuu soo dejistay muuqaallo iyo qoraallo dhiirrigelinaya rabshado oo ka yimid garabka warbaahinta ee Daacish. Sidoo kale, eedeymaha ayaa sheegaya inuu helay buug-gacmeedyo ku qoran luuqadda Carabiga oo faahfaahinaya sida loo sameeyo walxaha qarxa ee awoodda badan sida C4 iyo maadada ‘urea nitrate’. Wuxuu sidoo kale baaritaan ku sameeyay xirfadaha tababarka toogteyaasha (snipers), isagoo la xiriiray iskuul dhanka internet-ka ah oo bixiya farsamada hubka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka.

Markii la gaaray bishii Nofembar 2024, wuxuu xiriir joogto ah la yeeshay xubno Daacish u qaabilsan qorista dagaalyahannada oo ku sugan Soomaaliya. Sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha, wuxuu xubnahaas ugu yeeri jiray “taliye” iyo “adeer”, isagoo weydiistay caawimaad si uu u gaaro deegaannada ay kooxdu maamusho.

Kadib markii uu ka tagay shaqadiisii, lacagtiisiina uu kala baxay bankiga, ayuu bishii Diseembar 2024 iibsaday tikit hal jiho ah oo uu ku tagayo Soomaaliya, isagoo internet-ka ku soo qoray: “Waxaan iska dhiibayaa Daacish markiiba.”

Sirdoonka FBI-da ayaa isha ku hayay isku-daygiisii ugu horreeyay ee uu doonayay inuu uga dhoofo garoonka diyaaradaha ee Minneapolis 13-kii Diseembar 2024, balse halkaas ayaa laga celiyay markii la ogaaday inuusan wadan dal-ku-gal (Visa).

Laba toddobaad kadib, ayuu markale isku dayay, isagoo u duulay magaalada Chicago si uu uga raaco diyaarad caalami ah. Saraakiisha Kastamka iyo Ilaalada Xuduudaha (CBP) ayaa qabtay kahor inta uusan diyaaradda fuulin, waxaana boorsadiisii gacanta laga helay shahaadadiisii dhalashada, waraaqihiisii jinsiyadda iyo shahaadadiisii dugsiga sare.

In kasta oo uu markii hore beeniyay inuu lahaa ujeeddo xun, haddana markii dambe wuxuu qirtay taageerada uu u hayo Daacish iyo rabitaankiisa ku aaddan dhismaha khilaafada Islaamiga ah. Wuxuu u sheegay saraakiisha dowladda inuusan aaminsaneyn dimoqraadiyadda, isagoo ku dooday in nidaamka caddaaladda Mareykanku uu yahay argagixisada dhabta ah.

Isku-dayga Cabdisatar ee ahaa inuu gaaro furimaha dagaalka ayaa ku soo beegmay isbeddel weyn oo ku yimid shabakadda caalamiga ah ee Daacish. In kasta oo inta badan Soomaaliya ay awood ku leedahay kooxda Al-Shabaab oo gacan-saar la leh Al-Qaacida, garabka Daacish ee Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay si weyn isku soo abaabulay, iyagoo boqollaal dagaalyahanno shisheeye ah ku soo dhoweeyay saldhigyadooda.

Horraantii sanadkii 2025, ciidamada ammaanka Puntland iyo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qaaday “Hawlgalka Hillaac” si ay xoogaggan uga saaraan godadka buuraha Cal Miskaad iyo Golis ee ay ku dhuumaaleystaan. Xukuumadda Washington ayaa hadda u aragta garabkan Soomaaliya inay yihiin khatar toos ah oo ku wajahan amniga gudaha Mareykanka, taas oo dhalisay in Mareykanku uu si xooggan u kordhiyo duqeymaha xagga cirka ah ee gobolka Bari intii lagu jiray sanadkii 2025 ilaa iyo hadda bishan Abriil ee sanadka 2026-ka.

In kasta oo uu ku guuldareystay inuu gaaro buuraha Soomaaliya, Cabdisatar ayaa sii waday inuu soo bandhigo aragtiyo xagjir ah markii uu dib ugu laabtay Minnesota. Bishii Janaayo 2025, wuxuu si fagaare ah u ammaanay shakhsigii fuliyay weerar baabuur oo ay Daacish dhiirrigelisay oo ka dhacay magaalada New Orleans, kaas oo ay ku dhinteen 14 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Wuxuu ninkaas ku tilmaamay “Mujaahid” iyo “geesi laayay Mareykan.”

Dabayaaqadii bishii Febraayo 2025, toddobaadyo un kahor inta aan la xirin, wuxuu baraha bulshada soo geliyay muuqaallo muujinaya isagoo gaarigiisa wata xilli habeen ah, islamarkaana dhabtiisa ay saaran tahay toorey aad u dheer, gacantana ku haya calanka madow ee Daacish oo uu isagu sameystay. Markii ay FBI-da xireen 27-kii Febraayo 2025, waxaa laga helay isla tooreydii, halka calankiina uu u saarnaa gaarigiisa dhexdiisa.

Sarkaalka FBI-da ayaa soo gebagebeeyay in ninkani uu u dabbaaldegay dhimashada dadkii lagu laayay New Orleans, markii uu awoodi waayay inuu safro-na uu billaabay faafinta dacaayadaha Daacish iyo Al-Shabaab si uu ugu dhiirrigeliyo dadka kale inay la dagaallamaan dowladda Mareykanka.

Mucaaradka oo dalab ka dhan ah Xasan Sheekh u gudbiyay Turkiga + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Akta ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, iyaga oo dalab culus u gudbiyay xukuumadda Ankara.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Shakuur oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulanka ay la yeesheen Danjire Alper Akta, isaga oo sheegay inay kala hadleen doorka Turkiga ee siyaasadda Soomaaliya, si uu dhex-dhexaad uga noqdo xiisadda taagan.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka dalbadeen inay soo farogeliyaan is-mariwaaga taagan, ayna heshiis ka keenaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si looga wada-hadlo arrimaha la’isku hayo ee siyaasadda dalka.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Turkiga ay kala hadlen in diyaaradihiisa aan loo isticmaalin siyaasad iyo in lagu beegsado siyaasiyiinta mucaaradka ah, maadaama ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda gudaha caasimada.

“Waxaan ka dalbanay Turkiga in diyaaradahiina lasoo tabal caareystay horaaa kuwa live ah noo yimaadeen wax qaadi waayeen ee dalkan heshiis ayaa lagu joogaa hee ninka odeyga ah haddaa saameyn ku leedihiin heshiis ka keena” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mucaarad ahaan ay doonayaan in meesha laga saaro Xasan Sheekh Sheekh, iyada oo la ilaalinyo dowladnimada, si aysan u burburin.

“Annaga waxaa rabnaa kow in Xasan Sheekh uu dowladda naga dumin mida labaad inaa iska qabano”. ayuu mar kale yiri Warsame.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ay mucaaradka haatan ka wadaan Muqdisho ayaa kusoo aadayo, xilli Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana aan weli la’isku fahmin hannaanka doorashooyinka dalka.

Markab shidaal u soo siday Muqdisho oo la afduubtay

Boosaaso (Caasimada Online) – Koox burcad badeed ah ayaa afduubtay markab qaada shidaalka oo ay saarnaayeen 17 qof oo shaqaale ah, xilli uu marayay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dhowr sarkaal oo dhanka amniga ah.

Markabkan oo lagu magacaabo Honour 25, ayaa la wareegay gacan-ku-hayntiisa lix nin oo hubeysan goor dambe oo Arbacadii ah, xilligaas oo uu qiyaastii 30 mayl-badeed u jiray xeebta.

Illaa saddex sano ka hor, falalka burcad-badeednimada ayaa u muuqday kuwo gabi ahaanba ka ciribtirmay biyaha Badweynta Hindiya oo horay ugu caan baxay afduubka, balse dib ayay arrintaas u soo laabatay iyadoo inta badan la beegsanayo doonyaha kalluumeysiga iyo maraakiibta xamuulka.

Afduubka markabkan shidaalka ee ku wajahnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la filayaa inuu kordhiyo walaaca laga qabo sicir-bararka, iyadoo qiimaha shidaalku uu saddex jibbaar kor u kacay tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya isbaheysiga Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan.

Saraakiil amni oo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ayaa BBC u sheegay in markabku uu siday shidaal dhan 18,500 oo fuusto.

Sida lagu daabacay shabakadda la socodka maraakiibta ee ShipAtlas, markabka la afduubtay ayaa 20-kii Febraayo ka ambabaxay dekedda magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, wuxuuna gaaray meel u dhow xeebaha Isutagga Imaaraadka Carabta waxyar uun kaddib markii ay colaaddu qaraxday gobolka.

Khariidadda socdaalka ayaa muujinaysa in markabku uu ku wareegayay biyaha u dhow afaafka hore ee Marinka Hormuz, kahor inta uusan 2-dii Abriil dib u soo laaban isagoo kusoo jeeda magaalada Muqdisho.

Markabkan oo hadda ku jira gacanta burcad-badeedda, isla markaana ay saaran yihiin 17 shaqaale ah oo isugu jira 10 u dhashay Pakistan, afar Indonesian ah, hal Hindi ah, hal u dhashay Sri Lanka iyo hal qof oo kasoo jeeda dalka Myanmar, ayaa lagu xirtay meel u dhow xeebta Soomaaliya ee u dhexaysa magaalooyinka kalluumeysiga ee Xaafuun iyo Bander Beyla.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shan nin oo kale oo hubeysan ay tan iyo xilligaas dusha ka fuuleen markabka Honour 25 si ay ugu biiraan kooxdii hore.

Saraakiisha ayaa aaminsan in afduubeyaashu ay kasoo shiraacdeen deegaan fog oo u dhow Bander Beyla, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qaabka ay ugu suurtagashay inay dhexda u galaan oo ay la wareegaan markabkan weyn ee shidaalka.

Illaa iyo hadda, maamulka Soomaaliya iyo Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR), oo qaabilsan howlgallada la-dagaallanka burcad-badeedda ee biyaha Soomaaliya, midna kama uusan soo saarin wax bayaan ah oo ku aaddan afduubkan u dambeeyay.

Mucaaradka oo qaab cajiib ah uga mudaharaaday Muqdisho – Maxay dalbanayaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo ay wehliyaan qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Muqdisho ayaa mudaharaad ka dhan ah dowladda ku qabtay xarunta xisbiga Himilo Qaran.

Siyaasiyiinta qeybta ka ahaa mudaharaadka waxaa ka mid ah madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdiraxmaan Caynte, Cabdiqaadir Cosoble iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta ayaa watay istiikaro ay ku yaallaan sawirrada Sacdiyo Macalin Cali, Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed oo ka mid ah dhalinyarada xisbiga Himilo Qaran, kuwaas oo dhammaantood u xiran dowladda.

Madaxweyne hore Shariif iyo mas’uuliyiinta kale ayaa ku dhawaaqay inay garab taagan yihiin Sacdiyo oo ahayd gabar dhalinyaro ah oo bajaajle ahayd, isaga oo dalbaday in si degdeg ah looga sii daayo xabsiga.

“Waxaan faraynaa hay’adaha garsoorka iyo amniga inay si degdeg ah xorriyaddeeda dib ugu soo celiyaan Sacdiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Intaas kadib, mas’uuliyiinta mucaaradka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa yeeshay kulan looga hadlayay xaaladda dalka, iyadoo kulankan uu qeyb ka yahay wada-tashiyada ay mucaaradku ka wadaan magaalada Muqdisho.

Mucaaradka ayaa sheegay in habka loola dhaqmay Sacdiyo uu dhaawac weyn ku yahay sumcadda dowladnimada iyo hay’adaha sharciga, iyagoo xusay in aanu jirin wax sharci ah oo loo maray xariggeeda, isla markaana aysan jirin dacwad cad oo loo haysto.

Sidoo kale waxay si weyn u dhaliileen hoggaanka dalka, oo ay ku eedeeyeen inay muujinayaan tabar-darro siyaasadeed iyo dulqaad la’aan marka ay timaado aragtiyada ka duwan kuwa dowladda, taas oo ay sheegeen inay halis ku tahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Pakistan oo maanta bixisay $3.5 bilyan oo Imaaraadka ku lahaa – Yaa badbaadiyay?

Islamabad (Caasimada Online) – Pakistan ayaa dhammaystirtay bixinta deyn dhan $3.5 bilyan oo ay ku lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo qayb ka ahayd waajibaadkeeda deynta dibadda, sida uu sheegay Bangiga Dhexe ee Pakistan maalintii Jimcaha, kadib markii uu dalkaas soo galay dhaqaale dhan $3 bilyan oo ka yimid Boqortooyada Sucuudiga.

Imaaraadka ayaa sanadkii 2018-kii siiyay Pakistan lacag dhan $2 bilyan, taas oo tan iyo xilligaas sanad walba waqtiga bixinteeda dib loo cusboonaysiinayay (rollover).

Sanadkii 2023, dalkan dhaca Khaliijka ayaa bixiyay deyn kale oo dhan $1 bilyan si uu uga caawiyo Islamabad inay buuxiso baahideeda maalgelinta dibadda, halka deyn kale oo dhan $450 milyan ay soo taxnayd tan iyo sanadihii 1996–97.

Pakistan ayaa qorshuhu ahaa inay Imaaraadka dib ugu celiso dhammaan $3.5-ta bilyan dhammaadka bisha Abriil, iyadoo la raacayo heshiisyada dhigaalka maaliyadeed ee laba geesoodka ah, xilli mas’uuliyiintu ay ku guda jiraan dadaallo ay ku xasilinayaan kaydka sarrifka lacagaha qalaad, iyagoo gacan ka helaya dalalka saaxiibada la ah iyo barnaamijka Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

“Bangiga Dhexe ee Pakistan waxa uu bixiyay dhigaal dhan $1 bilyan oo la siiyay Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (ADFD) ee Imaaraadka 23-kii Abriil 2026,” ayuu Bangiga Dhexe ee Pakistan ku soo qoray bartiisa X.

“Lacago dhan $2.45 bilyan ayaa la bixiyay isbuucii la soo dhaafay. Tani waxay dhammaystiraysaa bixinta wadarta guud ee lacagihii deynta ahaa ee gaarayay $3.45 bilyan ee la siiyay Imaaraadka Carabta.”

Pakistan ayaa ka shaqaynaysa sidii ay dib ugu dhisi lahayd kaydkeeda maaliyadeed, uguna dhabayn lahayd bartilmaameedyada barnaamijka IMF oo qiimihiisu dhan yahay $7 bilyan, kadib dhibaato muddo dheer soo jiitamaysay oo dhanka isu-dheellitirka bixinta (balance of payments) ah.

Mas’uuliyiinta ayaa beegsanaya inay kaydka kor ugu qaadaan ilaa $18 bilyan marka la gaaro dhammaadka sanad-maaliyadeedka hadda socda oo ku beegan bisha Juun.

Bangiga Dhexe ee Pakistan ayaa maalintii Talaadada sheegay inuu Sucuudiga ka helay qaybtii labaad oo dhan $1 bilyan, taas oo dalka siinaysa taageero maaliyadeed oo si weyn loogu baahnaa. Dalkani wuxuu hore u helay qaybtii koowaad oo ahayd $2 bilyan oo ka timid Sucuudiga 15-kii bishan Abriil.

Wasiirka Maaliyadda ee Pakistan, Muhammad Aurangzeb, ayaa bishan ku dhawaaqay in Sucuudigu uu ballanqaaday inuu bixin doono $3 bilyan oo taageero maaliyadeed oo dheeraad ah, sidoo kalena uu oggolaaday in la kordhiyo waqtiga dhigaal hore u jiray oo dhan $5 bilyan, si gacan looga geysto xoojinta kaydka lacagaha qalaad ee dalkan dhaca Koonfurta Aasiya.

Sannadihii u dambeeyay, Pakistan waxay si xooggan ugu tiirsanayd taageero maaliyadeed iyo in deymaha waqtigooda dib loo riixo, kuwaas oo ay ka hesho dalalka ay saaxiibada dhow yihiin.

Taageerada maaliyadeed ee Sucuudiga ayaa sidoo kale ku soo aadaysa xilli Pakistan ay bishan bixisay lacag dhan ilaa $1.4 bilyan oo ka mid ah deymaha dammaanadaha caalamiga ah ee loo yaqaan Eurobonds.

Daawo: Sanbaloolshe oo xog cusub ka bixiyay dhiibistii Qalbi-dhagax, shaaciyayna inuu…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo bixiyay wareysi cusub ayaa faah-faahin ka bixiyay dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), oo xilligii dowladdii Farmaajo loo gacan geliyay Itoobiya.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in uusan kaalin ku laheyn dhiibista Qalbi-dhagax, balse uu kasoo badbaadiyay qorshe dil ah oo loogu maleegayay Gaalkacyo, uuna sidaas ku keenay magaalada Muqdisho.

“Qalbi-dhagax waa soo badbaadshay, diyaarad ayaa u diray, Saadaq Joon ayaa la hadlay oo yaqaanay meesha, waa la keenay ninkii oo xabsiga ayaa la soo geliyay. Inta aan anaga iyo Farmaajo is arkin ayay Itoobiyaanka waxay u tageen oo culeys ayay saareen,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Meesha (Gaalkacyo) in lagu dilo ama Cabdiweli loo geeyo Qalbi-dhagax ayaa la rabay. Aniga mar haddaan Xamar keenay go’aankiisa dowlad ayaa ila leh, oo Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare iyo xukuumad ayaa joogta.”

Taliyihii hore ayaa si toos ah uga gaabsaday cidda laheyd mas’uuliyadda dhiibista, balse wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo ay Itoobiyaanka culeys saareen. “Aniga haddaan Xamar keenay mas’uuliyadiisa waa iga wareegtay, saan ayaa loo dhiibay iyo hebel baa dhiibay….”

Ugu dambeyntiina, Sanbaloolshe ayaa sheegay inuu ka shaleysan yahay sidii ay arrinta Qalbi-dhagax u maareeyeen, inkastoo uu sheegay in badbadaadada naftiisa Alle sakodii uu sabab u ahaa.

2022 ayey aheyd markii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu markaas hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xad-gudub u aqoonsaday dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Xukuumaddii Rooble ayaa xilligaas ansixisay in laga laabto go’aan ay gaartay xukuumaddii Kheyre sanadkii 2017-kii, kaasi oo Soomaaliya ay ururka ONLF ugu aqoonsatay urur argagixiso.

Xasan Cali Kheyre oo xukuumaddiisa ay markaas dhiibtay Qalbi-dhagax iyo madaxweyne Farmaajo ayaa labaduba hadda doonaya in madaxweyne loo doorto.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xogta kulan maanta ka dhacay madaxtooyada Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Madaxtooyada kulan kula yeeshay guddoomiyaha xisbiga Sincad, Maxamuud Khaliif Jabiye oo uu wehliyay musharraxa xisbiga ee maamulka, Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay shaqo xooggan ka socoto, sida ay sheegtay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Jibriil ayaa ku ammaanay xisbiga qaran ee Sincad sida ay ugu diyaarsan yihiin ka qeybgalka doorashada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo xasilloonida iyo maamul-wanaagga dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha xisbiga Sincad, Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa dhankiisa ka mahadceliyay kulanka, isagoo tilmaamay in guddiga doorashooyinka ay ku howlan yihiin sidii ay si degdeg ah ugu qabsoomi lahaayeen doorasho loo siman yahay.

28-ka bishan April ayaa loo ballansan yahay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka dhacaan doorashooyin isku sidkan oo qof iyo cod ah, sida uu horey u shaaciyay guddiga doorashooyinka qaran.

Si kastaba, dowladda ayaa dooneysa in xildhibaannada ku soo baxa doorashooyinka maamulka ay doortaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, xilli uu muran xooggan ka taagan yahay hannaanka ay ku yimaadeen guddiga doorashooyinka iyo muddo-xileedka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Netanyahu oo shaaca ka qaaday in uu ku dhacay Kansar

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ku jiro “xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan”, kaddib markii warbixintiisa caafimaad ee sanadlaha ah lagu shaaciyay in dhowaan laga soo saaray buro kansar ah.

Qoraal uu bartiisa xiriirka bulshada ee X soo dhigay Jimcaha maanta ah, ayuu Netanyahu ku sheegay in intii lagu jiray baaritaannadiisa caafimaad ee joogtada ahaa, kuwaas oo dabo-socday qalliin guuleystay oo horay loogu sameeyay weynaansho ku yimid qanjirka borostaatada (prostate) balse aan kansar ahayn, ay dhakhaatiirtu ku arkeen buro kansar ah oo weli ku jirta heerkeedii bilowga.

Wuxuu intaas raaciyay in daweynta uu qaatay ay “meesha ka saartay dhibaatadii jirtay, isla markaana aanay reebin wax raad ah”.

Netanyahu ayaa tilmaamay inuu isagu codsaday in dib loo dhigo baahinta warbixintiisa caafimaad, si aan loo shaacinin xilli uu heerkii ugu sarreyay marayay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan. Wuxuu xusay inuu tallaabadaas u qaaday si uu uga hortago in xukuumadda Tehran ay ka faa’iideysato oo ay faafiso “dacaayado been abuur ah oo intaas ka badan oo ka dhan ah Israa’iil”.

Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa xusay in qalliinkii ugu horreeyay ee qanjirka borostaatada ee weynaaday balse aan halista ahayn lagu sameeyay qiyaastii sanad iyo bar ka hor. Tan iyo xilligaas, wuxuu ku jiray la-socod caafimaad oo joogto ah, waxaana baaritaankii ugu dambeeyay lagu ogaaday “bar yar oo ka yar hal sentimitir”.

“Waxaan ila soo darastay xaalad caafimaad oo fudud oo ku saabsan qanjirka borostaatada, taas oo gabi ahaanba la daweeyay, arrintaasi way i dhaaftay,” ayuu yiri.

Qoraalkiisa dheer, ayuu Netanyahu sidoo kale ku xusay inuu isagu doortay inuu degdeg isku daweeyo sababtoo ah, sida uu hadalka u dhigay: “Marka xogta ku saabsan khatar suurtagal ah la i siiyo waqtigii ku habboonaa, waxaan rabaa inaan isla markiiba wax ka qabto.”

Wuxuu raaciyay: “Tani waa xaqiiqo marka la eego heer qaran iyo sidoo kale heer shakhsiba”.

Marka la eego da’da Netanyahu oo ah 76 jir, kansarka qanjirka borostaatada ayaa ah mid aad ugu badan ragga, lamana aaminsana inuu leeyahay khatar degdeg ah haddii la ogaado xilli hore.

Ragga da’da ah ee badankooda, xanuunkan ayaa u kora si aad u gaabis ah, taas oo aad hoos ugu dhigeysa suurta-galnimada inuu sababo dhimasho, marka la barbar dhigo xaaladaha kale ee caafimaad ee la xiriira da’da.