Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa wali magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ka socda doorashada Aqalka sare ee maamulka Hir-shabelle.
Hoolka doorashada ayaa waxaa ku sugan Musharaxiinta uu loolanka u dhexeeyo, waxaana meel xasaasi ah mareysa doorashada oo leysku mari la’yahay.
Kursiga labaad ee Aqalka Sare Hir-shabelle ayaa waxaa ku guuleystay Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo helay 85 cod, waxa uuna ka guuleystay Jaamac Xuseen Xaashi.
Musharaxa Jaamac Xuseen Xaashi oo la tartamaayay Prof Dufle ayaa helay 12 cod, halka cod kalane uu ka beerdaroobay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabelle ayaa ku dhawaaqay in kursiga labaad uu ku guuleystay Prof Cusmaan Maxamuud Dufle.
Doorashada ayaa wali socta waxa uuna Guddoomiyaha Baarlamaanka ku qeylinayaa in la dhooro nidaamka.
Dhinaca kale, waxaa la filayaa in goordhow lasoo afjaro doorashada ka socta magaalada Jowhar.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar

