Prof. JAWAARI oo xaalad caafimaad loogu qaaday maanta dalka dibaddiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga, kadib xaalad caafimaad oo soo wajahday, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo wareedyo aad ugu dhow.

Wararka ayaa sheegaya in Jawaari uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho, isla-markaana la dhigay isbitaalka Digfeer, ayada oo laga deyrinayo xaaladiisa.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya diyaarad gaar ah looga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, taas oo ka dajisay waddanka Turkiga, halkaas oo lagula tacaali doono xaaladdiisa caafimaad.

Lama shaacin nooca xanuunka ee sababay in haatan loo qaado dalka dibaddiisa, gaar ahaan waddanka Turkiga, balse waxaa la sheegay in qaadistiisa ay ka dambeeyeen xubno ka mid ah ehelladiisa iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay xaaladda guddoomiyahoodii hore ayaa u rajeeyey caafimaad deg-deg ah iyo soo kabasho.

Jawaari ayaa markii ugu dambeysay kasoo muuqday dood cilmiyeed ku aadan dhammeystirka dastuurka, taas oo dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, marar badan ayaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya xaalado caafimaad dartood loo dhigay magaalada Muqdisho, kadib xanuuno soo wajahay. Jaawri ayaa ah rugcadaa weyn. walow kursiga xildhibaanimo uu waayey doorashadii u dambeysay.