Shir kale oo Muqdisho uga furmay DF iyo maamullada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka furmay shirka wada-tashiga Wasaaraddaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kaasi oo socon doona laba maalmood.

Shirka ayaa waxa ka soo qeyb-galay Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo ku-xigeenkiisa, Wasiirada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlad goboleedyada; Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Agaasimaha Wasaaradda dhalinyarada Puntland iyo Agaasimaha ciyaaraha gobolka Banaadir.

Inta uu socda shirka ayaa waxay dhinacyadu diirada ku sari doonaan horumarinta ciyaaraha kala duwan iyo jihaynta dhalinyarada Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulanka.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale waxay si gooni ah uga niqaashi doonaan ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo in siyaasad qaran loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Barre oo ka hadlay kulanka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shegay in wasaaradiisa ay xooga saari doonto sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen wasaaaradaha heer dowlad-goboleed iyo sidii uga taageeri lahayd arrimaha horumarineed.