Xog: Damaca dhaqaale ee madax goboleedyada uga cago jiidayaan dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilliyada dagaalka mararka qaar waxaa dilaaca mashruuc dhaqaale doon ah. Mid kamid ah sababaha looga adkaan waayey Al-Shabaab waa inay jiraan kooxo dhaqaale ka dhex raadiya dagaallada la rabo in lagu xoreeyo dalka.

Kooxahaas waxay u badnaan jireen dadka ku dhow dhow madaxda sare ee dowladda federaalka ah, haddase waxaa lasoo warinayaa in madaxdii maamul goboleedyadu dhaqankaas oo kale ay billaabeen.

Dagaalada ka socda dalka wax door ah oo xooggan kuma lahan madaxda maamullada. Warar hoose oo aan helnay waxay sheegayaan in madaxda maamullada rabaan in madaxweyne Xasan Sheekh lacagta dagaalka iyaga uu kusoo wareejiyo kadibna ay iyaga markaas howsha galaan.

Haddii ay madaxda maamulada dagaal galayaan, Xasan wuxuu xafiiska kusoo noqday iyagoo jooga Shabaabkana irdaha u fadhiyaan taas oo hoos u dhigeysa daacadnimadooda dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhawaan Muqdisho ayey isugu tageen madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaasha maamullada, waxay ka wada hadlayeen cadadka maamullada laga siinayo lacag kab ah oo uu bixiyey bankiga adduunka.

Xasan Sheekh wuxuu markaas gafay ayaa la leeyahay in lacagahaas uu u weeciyo dhanka dagaalka oo uu maamullada u sheego in lacagahaasi ay badi u adeegsadaan dagaalka Al-Shabaab. Hadda dalkii dagaal ayuu ku jiraa madaxdii maamulladana dhaqaale ayey ka hadlayaan.

Waxay ku biirayaan kooxihii madaxtooyada ku xirnaa ama qaar ka tirsanaayeen ee lacagaha ka sameyn jiray dhiigga askarta iyo shacabka iska xoreenayo Al-Shabaab, waa dhaqan aad u fool xun oo muddo soo jiray.

Dib u gurashada dagaal ee ka muuqata madaxda maamulada waxay daaran tahay dhaqaale doon, ayey leeyihiin dadka arrintaan sida dhow ula socda.

Haddii aan hoos u dagno, HirShabelle Cali Guudlaawe weli ma tagin goobaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, dadka dagaalamayana wax badan kuma darsan. Inkastoo guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu howsha qeyb ka yahay, haddana deegaan ahaan ayuu dagaalkaas u socdaa iyadoo hoggaamiye Guudlaawe uusan bixin wax u dhigma ama u dhow intii laga filayey.

Axmed Madoobe iyo Laftagareen labadii bilood ee u dambeysay oo ay dalku dagaallada ka socdeen waxay dhowr jeer galeen safaro dibadda ah. Axmed Madoobe, Kenya iyo Imaaraadka ayuu waqti ku bixiyey, halka Laftagareen isna uu Turkiga iyo Kenya maalmo badan ku bixiyey.

Axmed Madoobe weli dagaal ma qaadin, Laftagareen xagiisana wax weyn kama socdaan. Qoor Qoor isaga waxaa lagu eedeynayaa inuu ka cago jiiday dagaalkii dhanka Baxdo iyo kii dhanka Ceelbuur labadaba, isagoo muujinayo inuusan itaalka ku filneyn taasoo meelaha qaar niyad jab ka abuurtay.

Dhammaan tallaabooyinkaan waxay isugu imaanayaan cago-jiid dagaal oo ay qabaan madaxda maamullada waxayna dadka xog-ogaalka ah ku waramayaan arrin la xiriirta dhaqaale.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya weli ma sheegin inay dhaqaale u heshay dagaalka, waxaana muuqata inuu dagaalkaan huri-weyto ku  qarxiyey kadib markii loo adkeysan waayey dhaqamada kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa la gudboon inuu madaxda maamullada kulan deg deg ah la qaato ama u tago oo uu ku qanciyo inay dagaalka daacad ka noqdaan oo dalka looga faa’ideeyo kacdoonka shacabka.

Haddii aan la helin daacadnimada madaxda maamullada waxay wiiqi kartaa natiijada. Kacdoonkaan haddii uu fashilmo madaxda maamullada waxay kamid noqon doonaan kuwa loo heysto inay fashiliyeen shucuurtii shacabka.