Sawirro: Wasiir Xasan Sheekh soo gaarsiiyey casuumad ka timid madaxweyne Carbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Maxamed Buu Saleymaani ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalka Al-geria Cabdulmajiid Tamuun.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Al-geria Maxamed Buu Saleymaani ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa, isagoo muujiyey dareen qadarin iyo tixgelin ay ku dheehan tahay oo dalkiisu uu u hayo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleysan marti-qaadka shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo bisha soo socota ka furmaya dalka Al-Geria, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhambaal iyo farriin aqbalaad ah uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdulmajiid Tabuun,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii amba-qaadaan is afgaradkii ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne ay ku yeesheen New York, bishii la soo dhaafay, kaas oo ku saabsanaa iskaashiga diblumaasiyadeed iyo in labada dal ay yeeshaan xiriir toos ah.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay wafdiga uu la kulmay ee dalka Al-geria xaaladda dalka iyo dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dib u xoreynta.

“Madaxweynaha ayaa u rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabaha u xaaraan sidii loo soo celin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.