Dhageyso cod sir ah: Odayaal ‘ka wakiil ah’ Al-Shabaab oo waan-waan bilaabay

Cadale (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay codka mid ka mid ah odayaal seddax ah oo kooxda Al-Shabaab ay u soo wakiilatay inay ergo uga noqdaan suurta galnimada inay wadahadal la yeeshaan dowladda Soomaaliya iyo dhaqanka beelaha Hawiye.

Codkaan waxaa loo soo diray saraakiisha abaabulka ciidan ka wada degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, wuxuuna odaga soo duubay sheegayaa inuu joogo deegaan u dhow Cadale.

“Odayaasha culumada la shaqeeya ayaan ka mid ah ahay, ergo ayaan maanta ka ahay Al-Shabaab, sababta aan ergadaan u soo qaadana waa in kan lagu soo duulay iyo kan Xamar ka soo duulay ay ehelkeyga yihiin,” ayuu yiri odagaan ay Al-Shabaab soo wakiisheen.

Hadii laga ogolaado waan-waantaan wuxuu sheegay in degmada Cadale uu ku tegi karo 3-saacadood kaliya, isagoo lugeynaya, maadaama uu joogo deegaan u dhow, si wadahadalladu u bilowdaan.

“Waxaan nahay 3 nin oo la soo wakiishay, inaan wadahadal furano ayaan rabnaa, waxaan helnay magacyada iyo taleefoonada raga hoggaaminaya ciidanka Xamar ka soo duulay, marka fariin ayaan idinkaga wadnaa Al-Shabaab,” ayuu yiri odagaan codkiisa soo diray.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka soo balan qaadeen inay dhulka Hawiye isaga baxayaan, balse beesha ay ka rabaan in koonfurta Soomaaliya aysan uga daba tegin oo ammaan ay ka helaan.

“Yaanaa isku baabi’in, waxaan nahay rag ahlu diin ah, waxaan nahay rag tol ah, ee yaanaa isku baabi’in, ninmankii saas ayey nasoo dhaheen, waxaa tihiin walaalahee, waxaa rabtiin wata, dowladaa rabtiin wata, dhulkaan hadaa na dhibsateen waan idinkaga tegeynaa, koonfur ayaan aadeynaa ee hanooga daba imaanina,” ayuu odagaan hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii odagaan wuxuu ku cataabay, “Walaalayaalow waan-waantaan nala qaata, seddax oday ayaan nahay, waxaan joognaa Cadale agteeda, ma kala fogin, qaraaboy raga dhiigooda aan kala ceymino, labada dhinac waxaa ku dhimanaya Hawiye, marka tol ayaan nahay ee aan hoos u wadahadalno.”

Hoos ka dhageyso codka