Dhageyso: Jeneraal Indho-qarsho oo saadaaliyey sida kacdoonka dalka ka socda uu ku dhammaan doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dalka ka socda abaabullada dadka degaanka ay wadaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Dawladda Soomaaliyana waxay ku baaqday in abaabullada lagu ballaariyo dhammaan dalka.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa degaanka ayaa degaano badan kala wareegay Al-Shabaab toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Ururka Al-Shabaab waxay u hanjabeen beelaha taageeraya hawlgalka dawladda, hase yeeshee waxaan weli hakanin abaabulka socda.

Haddaba hawlgalladan iyo waxa ay ka beddeli karaan xaaladda amni ee waddanka ayaa waxay VOA ka wareysatay Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho), taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Jeneralka oo wax laga waydiiyey sida uu u arko kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilowday qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa sheegay inay taas tahay guushii ugu weyneyd ee looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu guuleysan doono kacdoonka, dhowr sabab dartood.

“Dagaalkaan hadda socdo waxaa dhihi karaa wax mar hore loo baahnaa oo waqtigii ku haboonaa yimid, maanta shacabkii iyo dowladdii oo isla socda waxaan u arkaa guushii ugu weyneyd ee looga adkaan karo Al-Shabaab, waxaana filayaa in deegaanada dhiman ay kusoo biiri doonaan,” ayuu yiri Jeneral Indhoqarsho.

Taliye Indhoqarsho waxa uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay garab fiican siiso dadka shacabka ah ee diyaarka u ah inay iska xoreeyaan Al-Shabaab, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay inay dowladda Isbitaalo ka dhisto gobolada dagaalka lagu qaadayo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waqtigiisii hore waxaa dhacay dagaaladii ugu xoogaana kadibna dagaal ma dhicin, hadda wuxuu leeyahay khibrad fiican oo uu uga faa’ideysan karo kacdoonka hadda socda, hadda ummadda dhan waxay ogaatay in Al-Shabaab aysan heyn dan ummadda Soomaaliyeed, markii ay dadka sidaan oo kale u bislaadeen waxay u baahan yihiin hoggaamin, waxaana rumeysanahay in madaxweynaha uu yahay hoggaamoyihii ku habboonaa,” ayuu yiri Jeneral Indhoqarsho.

Mar wax laga waydiiyey haddii uu guuleysan karo kacdoonkaan ayuu yiri “Horta Soomaalida deg dega waa dhaqan ay leedahay, waxaa horta ila fiicneyd in marka hore 7 bil la diyaariyo ciidamadii la wareegi lahaa meelaha lala wareego, shacabka kaliya kuma filna dagaalka, dowladda Soomaaliyana hadda ma heysato ciidamo ku filan inay guud ahaan dalka la wareegaan, si kacdoonkaan u guuileysto waa in dowladda ay si deg deg ah dadkaan u gaarsiiso daawo, hub iyo raashin sidaas ayuu dagaalka ku noqon kara mid guuleysta haddii kale ma gaarayo meeshii la rabay.”

Taliyaha ayaa sababta kacdoonadii hore ay u fashilmeen ku sheegay inay tahay in markii hore ay kaliya dagaalka waday dowladda Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in hadda la helay shacab heegan u ah inay qeyb ka noqdaan dagaalka.

Mar wax laga waydiiyey taliyaha dhibaatada ka dhallan karto haddii dadka shacabka ah la hubeeyo ayuu yiri “Soomaalida dhan waa hubeysan tahay, dowlad kasta oo timaato qasab ayey ku tahay in dadka lagu sameeyo hub ka dhigis laakiin hadda looma baahno sababtoo ah dowladda kaligeed wax difaaci karto.”

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran