IMAARAADKA CARABTA oo sheegay arrin Soomaaliya uu ka taageerayo + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al-Hammadi.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha ayaa waxa uu danjiraha Imaaraadka la wadaagay guddoomiye Aadan Madoobe in dowladda Imaaraadka ay diyaaar u tahay ka qeyb qaadashada gargaarka dadka ay saameysay abaarta ka jirta dalka.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday danjiraha Imaaraadka in uu Golaha Shacabka kala shaqyn doono horumarinta howl-wadeenada.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa bogaadiyey shacabka iyo dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inay sii xoojin doonaan xirirka labada baarlamaan ee Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo maalmihii dambe uu guddoomiye Aadan Madoobe la yeelanayay wakiilada beesha caalamka, kuwaasi oo kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha, xili ay dalka ka jirto abaar aad u daran.