Daawo: Cali Jeyte oo farriin cajiib ah u diray beelaha aan weli kusoo biirin dagaalka

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Baledweyne ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay dadka Soomaaliyeed tuseen tabarta kooxda Al-Shabaab islamarkaana ay diyaar u yihiin inay inta hartay iska soo saaraan, xitaa haddii aanay cidna kula soo biirin dagaalka.

“Dadka Soomaaliyeed ee gobolada kala duwan dagana waxaan u sheegeynaa Al-Shabaab waa tagay ha lagu dhiirado, wallaahi billaahi tallaahi waan iska kicineynaa, qoladii iska kicin weysana iyada ayey u taallaa, haddii aad noosoo gurman weysaan iyo haddii kalaba anaga Al-Shabaab waan iska soo firjineynaa,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay jabtay wuxuuna yiri “Awood buuxda ayaan u leenahay inaan iska dhicino Al-Shabaab, annagoo kaashaneyna ciidamada xoogga Soomaaliyeed, waxaa hadda muuqato in Soomaaliya ay soo kabatay, waxaa muuqato inuu jabay cadawgii, war Soomaaliyeey ku dhiirada.”

Jeyte ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inaysan isku haleyn gurmad uga yimaado beesha caalamka, wuxuuna iftiimiyey sida kaliya ee looga adkaan karo kooxda Al-Shabaab.

“Sida ugu fudud ee Al-Shabaab la isaga dhicin karo waa in Soomaaliya ay iyada gacmaha is qabsato, inta la leeyahay beesha caalamka aaway wax soconayo ma jiraan, beel caalam oo soo socota ma jirto.”

Ugu dambeyntii guddoomuyaha ayaa sheegay inay Al-Shabaab gaarsiiyeen in gabdhaha ay ku dhiiradaan inay caayaan Al-Shabaab, islamarkaana ay biyaha ka daba qaadaan ciidamada dagaalka ku jiro.

“Waxaan hadda Al-Shabaab gaarsiinay inay gabdhaha ku dhiiradaan inay caayaan oo ay biyaha iyo raashinka la daba socdaan ciidamada dowladda, haddii odayaasha iyo dhallinyarada ay go’aan ku gaaraan inay Shabaab iska dhiciyaan Shabaab ma dhex joogi karo,” ayuu hadalkiis kusoo gabagabeeyey.

Hadalka guddoomiye Jeyte ayaa imanaya xilli kooxda Al-Shabaab laga saaray inta badan deegaanada gobolka Hiiraan, wuxuuna ka yimid madaxda sida joogtada ah qeybta uga ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Hase yeeshee, waxaa jira beelo iyo deegaano weli ka cago jiidaya inay ku biiraan dagaalka, taasi oo fududeyn laheyd in kooxda looga adkaado sida ugu deg degta badan.