Maamulka garoonka AADAN CADDE oo beeniyey arrin GAROONKA laga faafiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha maamulka iyo amniga ee garoonka Aadan Cadde ayaa beeniyay in khatar amni soo foodsaartay garoonka, isaga oo beeniyey warqad tirsgeedu ahaa 4-tii bishaan oo looga been abuurtay xafiiska maareeyaha.

Warqada looga been abuurtay xafiiska Maareeyaha guud ayaa waxa lagu sheegay in argagixisada ay qorsheynayaan weeraro ka dhan ah garoonka, sidoo kalena waxaa loogu digay Saraakiisha iyo howl-wadeenada kale inay feejignaan dheeri ah muujiyeen.

Xafiiska Maareeyaha maamulka iyo amniga ee garoonka Muqdisho ayaa qoraalka kasoo baxay maanta waxa uu shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in uusan hadda jirin walaac amni.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in baahinta xogaha la xiriira amniga laga tixraacayo hay’addaha amniga qaranka, kuwaasi oo gacanta ku haya amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ma aha markii u horeysay ee sidan oo kale hay’addaha dowladda looga sameeyo warqad been abuur, balse arrintaan ayaa waxay kusoo aadeysa xili uu dagaal culus ku socda Al-Shabaab, islamarkaana laga filan karo fal kasta oo ay iskaga yareyn karaan culeyska wajahayaan.

Dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii u dambeeyay laga gaarayay guulo waaweyn, ayada oo ciidamada iyo kuwa deegaanka oo is-garabsanaya la wareegeen deegaano sanado badan gacanta ay ku haysay kooxda.