Prof. Xasan Sheekh oo soo jeediyey arrin xasaasi ah markay dhamaato doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka faallooda siyaasadda, ayaa wareysi uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya xaaladda guud ee dalka, wuxuu kusoo jeediyey tallaabo ay tahay la qaado kadib marka ay dhamaato doorashada dalka.

Dr Xasan Sheekh ayaa soo jeediyey in marka ay dhammaato doorashada socota maxkamad lasoo saaro dadka geystay fal dambiyeedyada ee ka midka ah dowladda Soomaaliya.

“Doorashada socota haddii ay dhammaato waa in dadka galay dambiyada ee hadaaye sheegay Maxkamad la geeyo, garsoor caadil ahna ay helaan,” ayuu Dr Xasan Sheekh Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Macnaha aniga ma dhahaayey dadkaas waa dambiilayaal hala qabto, hala xiro, hala dilo maya, waxaan leeyahay maxkamad hala geeyo”.

Prof. Xasan Sheekh Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah u eedeeyey Farmaajo iyo kooxdiisa, isaga oo tiriyey dabmbiyada loo heesto oo ay tahay in loo maxkamadeedyo.

“Golihii shacbiga Soomaaliya oo la kufsaday, dadkii guryahoodii lagu dilay, Jubbaland oo la dumiyey dhibaatadii ka dhacday Baydhabo, muwaadiniin Soomaaliyeed oo Itoobiya loo dhiibay madaxdii hore iyo dadkii la weeraray, dadka intaas galay waa in maxkamad la saaro,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii aan qaadin tallaabooyinkaas, isla-markaana aan la aadin dhanka sharciga aysan Soomaaliya noqon doonin dowlad rasmi ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmajao ayaa loo heestaa eedeymo culus, waxaana ugu dmabeeyey kiiskii la yaab lahaa ee Ikraan Tahliil Faarax oo lagu waayey nolol iyo geeri.