Puntland: Sax ma ahan in DF ay nagu dhaqaalo ka dhigto maamulo naga da’da yar

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa eedeeyn u jeediya dowladda Soomaaliya, kadib markii si isku mid ah gurmadkii abaaraha dhaqaalo isla jaan go’an loogu qeybiyay maamulada dalka ka jira.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa ku dhaliilay dowlada Soomaaliya inay isku dhaqaalo ak dhigtay maamulo kale oo uu sheegay inay ka dad yar yihiin maamulka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

C/Xakiin Cabdulaahi Cumar Cameey, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in deegaanada Puntland ay ku nool yihiin dad badan oo abaarta ay saameysay, wuxuuna sheegay inaaney suura gal aheyn in isku dhaqaalo laga dhigaa Puntland iyo maamulada kale.

“Dowladda Federaalka waxaan leeyahay suurtagal maahan inaaan la dhaqaalo noqonno maamullo naga dad yar, naga dhul yar oo aan lagu qixin, waxaana u arkaa iney nasiib darro tahay, waxaan horey u iri dowladda Farmaajo waxay haysaa wadadii hore ee ay dowladdii haysay”

“Umadda waxa la idiin kugu dhiibay Koonfurta iyo bartamaha oo kaliya malahan, umadda oo dhan ayaa wada leh, waxaan ka warhayaa in la yiri Somaliland waxaa la siiyey 200 kun, Puntland waxaa la siiyey 150 kun”

“Waxaan u arkaa in waxaasi ay cadaalad ahayn, shubanku waa uu jiraa, laakiinse dhaqaatiirta markii aan wareystay la iima xaqiijin inuu yahay daacuun, waxaana keeni kara shubanka biyo wasaq ah oo aad cabtay, raashiin aadan aqoon oo aad cuntay baa keeni karta, waxyaabo badan ayaa keeni kara” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Puntland ayaa u muuqata mid dooneysa inay hesho dhaqaalo ka badan dhaqaalaha loogu talo galay maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com