Burcad badeeda oo markab kale afduubay iyo awoodooda oo soo laabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa afduubtay markab laga leeyahay dalka India, sida ay shaaciyeen warbaahinta dalkaasi India.

Wargeyska India Today ayaa shaaciyay in kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ay afduubteen markabka oo ka dhaqaaqay Imaaraatka Carabta kuna wajahnaa dalka Yemen, waxaana magaciisa lagu sheegay markabka Al Kaushar.

Waxaa ilaa iyo haatan la heyn faahfaahin dhameystiran oo ku aadan halka markabka lala aaday iyo qaabka uu u dhacay Afduubta, balse waxaa la xaqiijiyay in markabkan uu ku jiro gacanta burcad badeeda.

Waxaa muuqaneyso inay soo laabaneyso awooda kooxaha burcad badeeda ay lahaayeen, maadaama muddo sanado ah aysan geysan wax afduub ah.

Kabtanka markabka ayaa ku wargeliyay dowladda Imaaraatka carabta inay gacanta ugu jiraan koox burcad badeed Soomaali ah, lana weecijiyay markabka marka loo eego jihada uu ku socday.

Afduubka markabkaan ayaa dhacay labo maalin kahor balse saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo shaac baxayin markabka uu ku jiro gacanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Dowladda Somaliya ayaa horay u xaqiijisay inay dib u soo noolaadeen afduubkii ay ku dhaqaaqi jireen Kooxaha Burcad badeeda Somalida ee ka qawlaysata Xeebaha Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com