Dekedda Ceel-Macaan ma noqon kartaa hab ay beelaha Muqdisho uga lug baxaan DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo uu sii xoogeyanayo xiisada u dhaxeysa maamulkiisa iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii uu dhowaan eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka.

Cali Cosoble ayaa mar kale fariin u muuqatay mid siyaasadeed u diray dowladda Federaalka, isagoo sheegay in Hirshabeelle ay leedahay Deked, isla markaana dhowaan la howl geli doono. Waxaa uu sheegay in dhowaan ay shaqo bilaabi doonto Dekeda Ceel Macaan, ayna u shaqeyn doonto sida dekedaha kale ee ku yaala dalka.

“Hirshabeelle Deked ayay leedahay, waa Dekeda Ceel Macaan, xafiis haku yaalo, ama baraako ha ahaato ama yey ku oolin, waxay u shaqeyn doontaa sida ay u shaqeeyaan Dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in shalay in hadii maamul iyo nidaam jirin gobolka uu maanta leeyahay dowlad, isla markaana ay bilaabayaan wixii hada ka dambeeya in dhamaan wixii kaabayasha dhaqaalaha la howl geliyo, ayna noqdaan maamul dakhli soo saarta, canshuurna ka hela ilaha dhaqaalaha.

Haddaba arrintaan ayaa noqon doonto mid saameyn weyn ku yeelato Dakadda Muqdisho oo ah mid kamid ah ilaha ugu muhiimsan ama ugu badan oo ay dowladda dhexe daqli ka hesho,  maadaama laga yaabo inay Ganacsato badan raashinkooda kasoo dajistaan dakadda macamalka ah ee Ceel Macaan oo lagu shaqeynsan jiray xilligii hoggaamiye kooxeedyada markaas oo ay xirneyd Dakadda  Muqdisho.

Marka la fiiriyo hadalka Madaxweynaha Hirshabelle ee ah inay Dakadda Ceel Macaan u shaqeyn doonto sida midda Kismaayo iyo Boosaaso, waa hadal muujinayo farriin ku socoto dowladda Soomaaliya, maadaama aysan iyada maamulin Dakadahaas wixii daqli soo galana ay qaataan maamulada Puntland iyo Jubbland.

Sidoo kale hadalkaas wuxuu ka dhigan yahay baaq ku aadan dowladda inay marka hore dakadahaas Canshuurto, daqliga soo galana ay kula xisaabtanto maamul Goboleedyada midaasna waxay noqon doontaa arrin aad u adag oo caqabad ku noqon doonto Dowladda  Soomaaliya.

Haddii si kale loo fiiriyo dowladihii soo maray Soomaaliya tan iyo Maxakamadihii daqliga ugu badan waxay ka heli jirtay Dakadda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha Adan Cadde, haddii ay hadda bilaabaan beelaha dago Muqdisho inay furtaan Dakadda Ceel Macaan waxay ka dhigan tahay inay Dowladda Dhexe weysay dhaqaale awood leh, lamana qiyaasi karo sida ay dowladda ula macaamili doonto arrintaan.

Qorshaha lagu dhisayo Dakadda Ceel Macaan waxaa wado Caddow Cali Gees oo ah ganacsade lacag leh, wuxuuna go’aankaan qaatay markii uu Dowladda Farmaajo ka waayey inay ku wareejiso mar kale maamulka Saadka ciidamada AMISOM  kadib markii uu xilkaas ka qaaday Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud oo ay isku beel yihiin.

Caddow Cali Gees ayaa qorshahaan ka dhaadhiciyey Madaxweynaha Hirshabelle Cosobol, wuxuuna dhawaan booqday Ceel Macaan, isagoo ka dhawaajiyey inay halkaas dhaqaale fiican ka heli doonto Hirshabelle.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Hirshabelle ayaa la filayaa inuu la fadhiisto madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, lamana qiyaasi karo halka uu xaalka ku dambeyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com