Yaa maamula Garoonka iyo xarumaha dowladda ee degmada Baardheere (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya ay qaati ka taagan yihiin saraakiisha ciidamada Ethiopia.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Ethiopia ay leeyihiin amarka lagu maamulo garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere oo talada farahooda ay ka baxday.

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka ee gobolka Gedo Cabaas Ibraahim Gureey, ayaa sheegay in ciidamo ka socdo AMISOM oo kasoo kala jeeda Kenya iyo Ethiopia ay ku sugan yihiin degmadaasi, balse saraakiisha Ethiopia ay la wareegeen maamulka garoonka iyo xarumaha dowladda.

Taliyaha ciidamada Gedo ku sugan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah sarkaalka ugu sareeyo ciidamada Ethiopia ee kusugan gobolka Gedo, maadaama sida uu sheegay uusan war ka maqleynin madaxda ku sugan degmada Baardhere.

“Degmada waxaa ku nool labo ciidan oo Amisom ah, mid waa Amisom Kenya, midna waa Amisom Ethiopia, hadaanahay ciidamada, maamulka, Odayaasha Bulshada kala duwan cabasho 100% waxaan ka soo jeedinaynaa ciidamada Itoobiya”

“ciidamada Itoobiya waa walaalaheena laakiin ninka ugu sareeya ciidamada ee haysta Garoonka Baardheere ayaan cabasho ka nahay.” ayuu yiri Cabaas.

Sarkaalkaan heysta garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere ayaa horey u joojiyay diyaarad Khat-ka geyn jirtay degmada Baardheere, walow markii dambe la fasaxay diyaaradda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com