Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka uu mar kale dib ugu laabanaayo magaalada Abu Dubai ee xarunta dalka Imaaraadka.
Ilo ku dhow dhow Hogaamiyaha ayaa sheegay in Safarkiisa uu yahay mid salka ku haya dhameystirka Heshiiska uu dhawaan la galay shirkadda DP World ee dalka Imaaradka Carab.
Heshiiska uu soo dhameystiri doono C/wali Gaas ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu danbeeyay oo Puntland ay la gasho shirkadda DP World.
Shirkadda DP World ee dalka Imaaradka Carab, ayaa la filayaa in Heshiiska uu Gaas u gaari doono magaalada Dubai kadib ay la wareegto dekedda magaalada Boosaaso oo ay dib u dhiseyso.
Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay inay muhiim tahay dib u dhis ay hesho dekedda magaalada Boosaaso oo an dayac-tir ballaaran helin tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

