Tallaabo noocee ah ayaa R/W Kheyre kaga aadan doorashada Galmudug ee 10-ka April?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawaan codka kalsoonida xildhibaanada uga wasiirada cusub, ayaa la filayaa inuu dhawaan usoo jeestay arrinta ku aadan doorashda Galmudug oo horey u codsaday in dib loo dhigo muddo 45 berri ah.

Guddiga Doorashada ayaa codsigaas ku gacanseyray waxayna go,aamiyeen inay doorashada Galmudug dhacdo 10 Bishaan, waxaana socdo olole weyn oo doorashada ku aadan oo ay wadaan Musharixiinta xil doonka ah.

Haddaba Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaan ku qanacsaneyn qaabka ay hadda u socoto arrinta ku aadan doorashda Galmudug,  Maadaama uu doonayo in doorashada dib loo dhigo si meesha loogu soo daro Ahlu Sunna miiska wadahadalkana loo fadhiisto.

Ra’isulwasaaraha ayaa laga yaabaa inuu booqdo Magaalada Cadaado si uu halkaas kulamo ugula qaato madaxda iyo Xildhibaanada Galmudug si meesha looga saaro mugdiga yar ee jiro maamulkana laga soo qeybgeliyo Ahlu Sunna oo awood weyn ku leh  Gobolada Dhexe.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Ra’iisul wasaaruhu rabo in dib loodhigo doorashada Madaweynaha Galmudug.

Mr. Kheyre ayaa taas u sababeynaya in loo baahan yahay in la dhiso Maamul loo dhan yahay, si taasi ku dhacdana waa in lehelaa waqti lagu wada hadlo.

Barlamaanka Galmudug ayaa ku adkeysanaya in waqtiga loo qabtay doorashadu ay ku dhacdo, iyadoo ay bilaabatay isdiiwaan galinta musharaxiinta.

Arinta ugu weyn ay barlamaanka Galmudug ka cararayaan ayaa ah in Madaxweyne uu maamulkaasi ka noqdo siyaasi ay wadato dowladda dhexe, haddana waxay diidayaan inay gacanta u galaan dowladda dhexe.

Musharixiinta ugu cadcad doorashada illaa hadda waxaa kamid ah Fiqi iyo Xaaf oo isku Beel ah, waxaana la sheegayaa inuu dhexmari doono xilfaaltan aad u adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com