Puntland oo deegaanadeeda maanta ka musaafurisay dad badan oo ka soo jeeda…

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa waxa uu deegaanadiisa ka bilaabay musaafurinta dadka kasoo jeeda Itoobiya, kuwaasi oo qaarkood muddo badan ku sugnaayeen magaalooyin ka tirsan maamulkaasi.

Puntland oo kaashaneysa hay’adda socdaalka adduunka ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM ayaa waxay dalkoodii dib ugu celiyeen illaa 42 qof oo Itoobiyaan ah.

Dadka lagu celiyay Itoobiya ayaa waxaa badankooda laga qaaday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana lagu soo waramaya inay dadkaas si nabdoon ku gaareen dalka ay kasoo jeedaan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadkaas Itoobiyaanka ah qaarkood ay muddo bil ah ku xayirnaayeen gudaha maamulkaas, kuwaasi oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa kal hore qab-qabtay dad u kasoo jeeda dalka Itoobiya, kuwaasi oo doonayay inay ka tahriibaan xeebaha gobolka Bari, si ay u gaaraan wadamada Yaman iyo Sacuudiga.

Puntland oo ka faa’iideysaneysa Barnaamij ay dadka dib ugu laabanayo dalalkooda ku caawineyso Hay’adda Socdaalka Adduunka Qaramada Midoobay ee IOM, ayaa dalkeeda ka saareysa Itoobiyaan badan.