R/W Rooble oo war kasoo saaray tallaabadii ay maanta qaadeen Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag uga hadlay tallaabadii ay maanta dagaalyahanada Al-Shabaab ku gubeen gaari Dameero raashin u waday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay horey u go’doomiyeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu horeyntii cambaareeyay falkaas oo uu ku tilmaamay mid arxan daro ah, islamarkaana muujinaysa heerka ay naxariis darada iyo turid la’aanta ka gaartay Al-Shabaab.

“Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Rooble.

“Waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale”.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu ciidamada xooga dalka oo ayagu saaka ku baxay deegaankaasi ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku gubeen raashinka badan.

“Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.”

Si kastaba, Ma ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana in muddo ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay Waajid iyo deegaanada hoos yimaada oo ka tirsan gobolka Bakool, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.