Xog: Maamulka ugu horeeya ee billaabaya doorashada golaha shacabka iyo xilliga

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa lagu wadaa in uu billaabi doono doorashada Golaha Shacabka, sida ay sheegen ilo xogagaal ah.

Madaxweyne Laftagareen oo shalay gelinkii dambe soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa kulan saacado badan ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo looga hadlay dar-dar gelinta iyo billaabida doorashada Golaha Shacabka oo si weyn u daahday.

Wararka ayaa intaa kusii daraya in labada magaalo ee Baydhabo iyo Baraawe si hordhac loogu qabto middiiba doorashada Shan Kursi oo Aqalka Hoose ah, inta lagu gudo jiro bishaan October.

Sidoo kale, Jubbaland oo aheyd maamulkii u horeeyay ee billaabay doorashada Aqalka Sare iyo gobollada Waqooyiga ayaa ayaguna qeyb ka ah sida la sheegayo maamulada sida hordhac ah u bilaabi doona doorashada Golaha Shacabka.

Inkasta oo lacagihii lagu qaban lahaa doorashada Golaha Shacabka aan la wada helin, haddana waxa la xaqiijiyey inay taalo lacag yar oo lagu sii bilaabi karo howshaas, waxaana la filayaa in beesha caalamka ay deg deg u bixin doonaan dhaqaalaha dhiman haddii si hordhac ah loo guda-galo doorashadaas.

Billowga doorashada golaha shacabka ayaa hoos u dhigaya culeyska siyaasadeed ee uu wajahayo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo asagu ah mas’uulka u sareeya ee gacanta ku haya arrimaha doorashada iyo amniga dalka.