Puntland oo digniin culus u dirtay Madaxweyne Farmaajo & Xasan Kheyre

Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay digniin u diray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Puntland ayaa sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay uu Khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waxa uuna maamulka sheegay inay ka digayaan khilaafka noocaasi ah.

Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in durba uu khilaaf kasoo yeero Farmaajo iyo Kheyre.

Camey waxa uu sheegay in Khilaafka jira uu sii daba dheereeyay dib u dhaca Golaha Wasiirada, waxa uuna ka digay in Farmaajo iyo Kheyre ay dayacaan kalsoonida ay ka heystaan shacabka.

”Haddii uu arinku sidaa kusii socdo waxaan qirayaa in meesha ay ka bixi doonto kalsoonida ay shacabka ku qabaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha”

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay wali cusubtahay balse ay u muuqato mid sii luminaysa Kalsoonidii ay siiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu intaa ku daray in ay muhiim tahay in aan la isku mashquulin oo lasoo dhiso xukuumad degdeg ah maadaama uu wakhtiga ku dheeraaday.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in si siman loo qeybiyo dhammaan kuraasta Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com