PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay gaari sidday hub badan iyo saanad ciidan

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, kaas oo lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan oo sharci darro ah.

Saraakiisha ammaanka ee horkaceysay howl-galka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca qaada xamuulka oo lagu soo dhex qariyey hub fara badan iyo saanad ciidan, kaas oo lagu qabtay garaash ku yaalla bartamaha magaalada.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in gaariga kor laga soo saaray ciid badan, hoosna lasoo geliyey hubka, balse ciidamada ay hayeen xogta baabuurka, sidaasina lagu qabtay.

”Gaariga ciid ayaa kor looga soo raray, si loogu qariyo hubka iyo saanada saaran, si aan loo dareemin hubka uu sido, balse ciidanka xogtiisa hayay ayaa ku guuleystay inay qabtaan,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha laamaha ammaanka ee ka howl-gala gudaha Boosaaso.

Sarkaalkan oo sii hadlaya ayaa intaasi kusii daray inay xog ku hayaan cidda loo waday hubka iyo meesha uu kusii jeeday gaariga la qabtay, walow uusan waxba sii shaacin.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay weli baaris ku hayaan hubka iyo gaariga la qabtay, ayna dib ka shaacin doonaan natiijada rasmiga ah.

Qabashada hubka ay Puntland gacanta ku dhigtay ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan dagaal qaraar uu ka dhacay Boosaaso, kaas oo u dhexeeya maamulka Deni iyo PSF.

Xaaladda Boosaaso ayaa maalmihii u dambeeyey aheyd mid deggan, waxaana haatan ka socda dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Puntland iyo PSF.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii