Xukun culus oo lagu riday askartii loo haystay DILKA ZAKARIYE iyo SOWDA

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwadda kiiska dilkii loo geystay labo ruux oo walaalo ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Zakariye iyo Sowdo.

Labadii bishii hore ee December ayey aheyd markii labada ruux ee walaalaha ah lagu dilay xilli habeen ah Isgoyska Dabka, waxaana kiiskooda loo haystay labo Askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Maxkamadda ayaa waxay xukun ku riday askarta loo haysto dilkaas oo lagu kala magacaabo Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan.

Guddoomiyaha maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) lagu xukumay dil toogasho ah, halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.

Goobta Maxkamadda oo ay ku sugnaayeen Ehelada Zakariye iyo Sowdo iyo labada Askari ayaa lagu soo bandhigay baaritaan la xiriira sida falka uu u dhacay, waxaana la sheegay in rasaasta ay ku geeriyoodeen labada walaalo uu riday Dable Kanidiid, ayada oo ay sheegtay in labo xabadooda oo uu Dable Dayax uu riday aysan cid waxba ku noqon.

Dacwadan kiiska dilka labada walaalo oo muddo soo socotay ayaa ugu dambeyntii cadaalad helay, kadib markii ehelada marxuumiinta ay wacad ku mareen inaysan marnaba aqbali doonin in meel lagu tuuro kiiskooda oo aan waxba laga qaban, haddii kale ay gacantooda ku doonanayaan sharciga.

Si kastaba, ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay rasaas si macno darro ah u fureen ay haleesho dad shacab ah, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii