Puntland oo jawaab culus ka bixisay tallaabadii maanta

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel-mariyay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogan wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in la laalaa dastuurkii heshiiska lagu lahaa iyo shuruucdii kale ee dalka

“Wuxuu laalay dastuurkii lagu doortay, laguna dhaariyey. Wuxuu dhumiyey sharciyaddii (legitimacy) iyo kalsoonidii xafiiskiisu lahaa.” ayuu mar kale yiri wasiir Juxa.

Jawaabta Puntland ayaa timid, saacdo uun, kadib markii maanta xildhibaanada laba gole ay meel mariyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ka ah ee dalka.

254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe.

Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu baarlamaan Soomaaliyeed qaado muddo 55 sano ah kadib, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.