Puntland oo Nabaddoono kale ku xirtay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa markale xabsiga dhigay odayaal dhaqameedyo, kadib howlgal ay ka sameeyeeen gudaha magaalada ganacsiga Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay labo Nadoobn oo lagu kala  magacaabo, Maxamuud Axmed Rooble iyo Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

Nabadoonadaan ayaa ka mid ah waxgarad Jimcihii kulan looga soo horjeeday Xukuumadda Siciid Deni uga qeyb galay magaaladaasi.

Xariga odayaashaan ayaa waxa uu daba socdaa tiro waxgarad ah iyo siyaasiyiin uu ugu dambeeyey, Muuse Cali Jaamac oo la xiray kadib markii ay dhaliileen Puntland.

Xubnahaan ayaa sidoo kale si aad ah uga soo horjeeda heshiiska ay dekedda Boosaaso kula wareegtay shirkadda DP Worl ee laga leeyahay dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Arrintan ayaa waxa ay uga sii dareysaa xiisada ka taagan maamulka Puntland, gaar ahaan gudaha magaalada Boosaaso, taas oo ka sii dareysa marba marka ka dambeysa.