PUNTLAND oo qabaneyso doorashada 5 kursi iyo xubnaha kusoo baxaya

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada kuraastii ugu horreysay xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleeddka Soomaaliyeed ee Puntland.

Puntland ayaa doorashada ku bilaabeyso illaa 5 kursi oo kala ah Hop196, Hop166, Hop249, Hop200 iyo Hop235 oo dhammaan deegaan doorashadood ay tahay Garoowe.

Guddiga hirgelinta doorashada ee Puntland ayaa shalay soo gabagabeeyey diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ee kuraasta la qabanayo doorashadooda, walow musharixiinta qaar ay eedeymo u jeediyeen Puntland, kadib is hortaag lagu sameeyey.

Natiijada doorashadan ayaa lasii ogyahay, waxaana Puntland, gaar ahaan maamulka Deni uu kuraastan u xiray shaqsiyaad gaar ah oo haatan aad loogu saadaalinayo doorashada.

Xubnaha tartamaya ayaa waxaa haatan ugu cad- cad Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo ah wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland, Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliya, Cabdullaahi Xasan Rooble oo ah wasiru-dowlaha waxbarashada Puntland, Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ah xildhibaan heer Federaal ah, sidoo kalena Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Puntland iyo Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah xildhibaan iyo wasiir heer federaal ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online kuraastan ayaa waxaanan ka furneyn tartan sidaa u weyn, waxaana loo xiray shaqsiyaadkan oo wata malxiisyo siyaasadeed, iyada oo tartanka laga reebay musharixiintii saameynta lahaa ee qeyb-ta ka ahaa loolanka doorashada, kuwaas oo ay ku jiraan wasiiro ka tirsan dowladda, sida wasiirka duulista hawada Somalia.

Dhammaan xubnaha haatan loo saadaalinayo inay kusoo baxayaan doorashada maanta ayaa ah kuwo aad ugu dhow oo diyaarsaday Deni oo loolan weyn ugu jiro doorashada.

Si kastaba, cabashada kasoo yeereysa doorashada iyo in aysan waxba iska beddalin sidii hore ayaa waxa ay meesha ka saareysaa dhaqan-gelinta qodobadii ku jiray heshiiskii siyaasadeed ee ay dhowaan magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.