Puntland oo raali-gelin ka bixisay u gefkii Sheekh Umal

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo mar kale hadal siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay dood ka dhalatay weerar afka ah oo uu dhowaan ku qaaday Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis.

Wasiirka oo ka hadlayay xiisadda siyaasadeed ee kala dhexeyso dowladda dhexe ayaa ku eedeeyay labada Sheekh inay la safteen xukuumadda Muqdisho, sida uu horay u shaaciyay.

Dirir ayaa haatan raalli-gelin buuxda siiyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed oo aad ‘u dhibsaday eedeynta uu jeediyay wasiirka.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Sheekh Umal uu yahay caalim wayn, wuxuuna kula taliyay inuu beddelo fikirkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Arrinta dooda dhalisay ayaa ah in Sheekh Umal iyo Sheekh Cali Wajiis ay ‘ku taliyeen’ in lagu duulo Puntland, taas oo uu dib ka beeniyay Sheekh Umal oo mar kale soo hadlay.

“Sheekha waa ka raali gelinayaa arintaa in aanu oran Puntland halugu duulo waa caalim soomaaliyeed waa shiikheenii waa shiikh Soomaaliyeed laakiinse qowlkiisa qadiimka ah ha ku bedelo qowl jadiida” ayuu yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland.

Raali-gelinta wasiirka ayaa haatan soo gabagabeyneysa hadal heyntii qabsatay baraha bulshada, kadib dagaalka ka dhex qarxay Wasiir Maxamuud Cayiid Dirir iyo Sheekh Umal.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan khilaaf siyaasadeed oo wayn wuxuu kala dhexeeyaa dowladda federaalka, kaas oo ka dhashay wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka.